dulbaa'i
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulbaa'i
(Dulbaa'i-ga)
Jaho muuqata oo fog; dhinac; doc; xag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulbaa'i
m.l.kh D. ah: jaho muuqata oo fog; dhinac; doc; xag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulbaa'i
m. n. distant ~ side view
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulbaa'i
-ga: (magac, lab, keli) jiho fog oo meel dheer ka muuqata. Dh: xag, dhan, dhinac, jiho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulbaa'i
de: distant ~ side view
lx: dulbaa'i
pd: (-ga)
ps: n-m
key: dulbaa'i
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dibaaxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubaaxi
v. twitch (of freshly-slaughtered carcass)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubaaxi
-yey / say: (v) feel spasm or sudden, involuntary muscle contractions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaxi
(fal) neef la gawracay, dhaqdhaaq samee oo kaga gariirsii saanta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubaaxi
de: twitch (of freshly-slaughtered carcass)
lx: dubaaxi
pd: (dubaaxiyey)
ps: v2a=
key: dubaaxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaami
(fal) dhinac u rid. Dh: ciirsii, dullaami, dilaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulbaax
(Dulbaax-da)
1. Baruurta xalleefsan oo haragga xigta.
2. Meel sare oo babac ama taag ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulbaax
m.dh 1. Xuub jilicsan, cad oo haragga iyo hilibka u kala dhexeeya. 2. Hilib aan marax ahayn. 3. Dooxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulbaax
m.dh 1. Xuub jilicsan, cad oo haragga iyo hilibka u kala dhexeeya. 2. Hilib aan marax ahayn. 3. Dooxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulbaax
f. n. fat under the skin; slope, mountainside
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulbaax
-da: (magac, dhedig, keli) hilibka dhabarka ku yaalla ama awlallada ka sarreeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulbaax
de: fat under the skin; slope, mountainside
lx: dulbaax
pd: (-da)
ps: n1-f, n2a-f
key: dulbaax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulbadi
(Dulbadi-da)
Dhibta u dulqaadad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulbadi
m.dh Sabir iyo adkeysi badan oo dhibaatooyinka loo yeesho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulbadi
f. n., [compound] patience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulbadi
(fal) dulqaado oo qaladdo ama dhibaatooyin u dhabar'adayg. Dh: adkayso.
dulbadi-da: (magac, dhedig, keli) dulqaad iyo adkaysi yeelasho. Dh: adkaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulbadi
de: patience
lx: dulbadi
pd: (-da)
ps: n0-f-cmp
key: dulbadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulbadni
-da: (magac, dhedig, keli) dulqaad badnaan. Dh: dulqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulxaadi
(fal) wax meel yaal ama weel ku jira. dusha sare ka yara qaadid.
dulxaadi: (fal) arrin hoos ha uqu dhaadhicin. Li: doox.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuubaani
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda laga soo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulalaati
(Dulalaati-ga)
Dalool ka muuqda geedo jiq ah ama wax la mid ah, dhexdood; (ama dululaati).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulalaati
m.l Dalool yar, ka bannaan wax is haysta ama jiq oo cirku muuqdo. la-mid: dululaati.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulalaati
m.l Dalool yar, ka bannaan wax is haysta ama jiq oo cirku muuqdo. la-mid: dululaati.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dulalaati
Space
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulalaati
m. n. opening, way through (dense vegetation, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulalaati
-ga: (magac, lab, keli) cabsi aan wax la arkayo laga baqayn. Dulalaati geeluba mar buu digigixoodaaye. Dh: cabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulalaati
a: dululaati
de: opening, way through (dense vegetation, etc.)
lx: dulalaati
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dulalaati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dullaalid
(Dullaalid-da)
Dad wax kala gadanaya oo laysu geeyo oo la dhex galo oo la heshiisiiyo oo wax laga qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaalid
m.dh la-mid: dąllaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaalid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo labo dhinac kala iibsanayaan, u dhaxayn oo dillaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaamid
m.dh la-mid: dillaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u ciirid oo u wiliilsamid. Dh: ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsaarid
m.f.dh eeg dulsaar³. la-mid: dulsaar¹ (5).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dushiisa saarid oo ka korraysiin. Dh: duldhigid.
dulsaarid -da: (magac, dhedig, keli) macaash la isla og yahay deyn qof kaa qaaday ku kordhin. Dh: duldhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dululaati
(Dululaati-ga)
Dulalaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dululaati
m.l la-mid: dulalaati.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dululaati
m. n. opening, way through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dululaati
-ga: (magac, lab, keli) meel banaan oo labadhexaad ah; meel hud ama labo geed isugu yimaaddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dululaati
a: dulalaati
de: opening, way through
lx: dululaati
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dululaati
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dulxaadis
Strip mining
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhul'abaahi
(Dhul'abaahi-ga)
Cudur geela ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhul-abaahi
m.l Cudur awrta ku dhaca oo caarka ka soo rida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhul-abaahi
m. n., [collective] disease of camels
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaab
-ka: (magac, lab, keli) qarawga dadka jaadka cuna ku dhaca maalinka aanay cunin oo ah hawaawi cabsi badan. Xalay dubaab baa i helay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaq
m.l Garaad, maskax, xis. la-mid: dibaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaq
-a: (magac, lab, keli) maan iyo kasmo. Dalabkaad bixinaysana dubaaquu ka gartaa. Dh: caqli, garaad, laab, kal.
dubaaq -da: (magac, dhedig, keli) ujeeddada iyo nuxurka hadal leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubaax
(Dubaax-da)
Neef fayow oo kolkaa la qalay hilibki; hilib cusub oo weli dubaaxina haya; aan tammooti ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaax
m.l la-mid: daabax¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubaax
f. n., [collective] fresh meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaax
-da: (magac, dhedig, keli) neefka maqaaxiyaha lagu qalo ee hilibkiisa la gado ama aan cudur diline la iska qasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubaax
de: fresh meat
lx: dubaax
pd: (/da)
ps: n1-f-col
key: dubaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulbax
(fal) fuul faras ama geed iyo wixii la mid ah. Ha dulbixin intaan heemin hanta caanahae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulaaxi
f.mg2 (-iyay, -isay) Sida neef caato ah oo biyo ka dhergey uu u socdo, u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulaaxi
(fal) sida neef caato ah oo biyo ka dhergey uu u soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arlaa'i
m.l la-mid: arlo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaali
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley taran iyo barwaaqo siin (Eebbe). 2. Wax tiradooda iyo tayadooda badin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulaali
v. multiply, cause to grow ~ increase
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaali
(fal) tarmi; badi. Guurso oo dalka bulaali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulaali
de: multiply, cause to grow ~ increase
lx: bulaali
pd: (bulaaliyey)
ps: v2a=tr
key: bulaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax culaysin. la-mid: culaabee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culaabi
v. make heavy; weigh, estimate the heaviness of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culaabi
see [eeg] culaabee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaabi
(fal) culays saar; culaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culaabi
de: make heavy; weigh, estimate the heaviness of
lx: culaabi
pd: (culaabiyey)
ps: v2a=tr
key: culaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaadi
(Dabaadi-ga)
(xoolo) weligood aad u danbeeya kolka la soconayo; dib u hara; aan caarad ahayn; haraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaadi
m.l 1. Xilli, intiisa ugu dambeysa. Tusaale: “Gu'ga dabaadigiisa baa geelu dhalay”. 2. D. ah: neef had iyo jeer xoolaha gadaashooda socda; haraa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaadi
m.l 1. Xilli, intiisa ugu dambeysa. Tusaale: Gu'ga dabaadigiisa baa geelu dhalay. 2. D. ah: neef had iyo jeer xoolaha gadaashooda socda; haraa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaadi
m. n. end; finale; epilogue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaadi
-da: (magac, dhedig, keli) socdaalka loo galo soo gurashada yicibta iyada oo dhul jarar ah laga dhaadhacayo. Nimankii reerku dabaadi ayay ku magan yihiin. Dh: arah.
dabaadi-ga: (magac, lab, keli) xoolaha marka loo wado aroorka ama geeddiga la wado inta gaabiska ah ee had iyo jeer usha lala dhaco. Adhigii dabaadi buu wada noqday. Dh: caarad, doon, mashaaful, hadhaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaadi
de: end; finale; epilogue
lx: dabaadi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dabaadi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaaji
m. n. deposit (in a bank)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaaji
-ga: (n) deposit (dipaa-zit); down payment, security (si-kuriti) ~ dibaaji, curaar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaaji
de: deposit (in a bank)
lx: dabaaji
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: dabaaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax biyo dabaal kaga gudbin. la-mid: dabaalsii, dabbaali, dabbaalsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaali
v. teach ~ cause someone to swim; make someone swim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaali
(fal) cid kale, dabaalsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaali
a: dabaalsii
de: teach ~ cause s.o. to swim; make s.o. swim
lx: dabaali
pd: (dabaaliyey)
ps: v2a=tr
key: dabaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaji
m.l la-mid: diibaaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibaaji
m. n. deposit, security
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibaaji
-ga: (n) deposit (dipaa-zit)-, down payment, security (si-kuriti) ~ see [eeg] dabaaji, curaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibaaji
-ga: (magac, lab, keli) lacagta la sii horraysiiyo kolka wax la kala kiraysanayo. Dh: carbuun, diibaaji, diimaasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibaaji
de: deposit, security
lx: dibaaji
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
see: diibaaji
key: dibaaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Boodboodid yaryar oo kolkol hilibku yeesho, siiba muruqyada; burunjiyayn; jarcayn. la-mid: dubaaxi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Boodboodid yaryar oo kolkol hilibku yeesho, siiba muruqyada; burunjiyayn; jarcayn. m.f.dh, dibaaxin. la-mid: dubaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilaaci
(fal) eeg dillaaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaale
m.l la-mid: dube.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaqo
m.dh Nabar weyn oo jirka gaaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubaaqo
m.dh Nabar weyn oo jirka gaaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) nabar madaxa ku dhaca oo dhaloonqo noqda ama lafaha madaxa oo meel qudha ka jaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxo
f.mg3 (-xay, -xatay) la-mid: dibaaxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaali
(fal) wax, dugsi ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dullaal
(Dullaal-ka)
Qof hawl qaata oo dad wax kala gadanaya dhex gala oo heshiisiiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaal
dullaal¹: m.l la-mid: dąllaal¹.
dullaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) la-mid: dąllaal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dullaal
m. n. broker, intermediary, middleman
dullaal v. act as broker
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dullaal
-ka: (n) broker (barooker); middle man (midhal maari) ~ dillaal, dallaal