dul-ordid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dul-ordid
m.f.dh eeg dul-orod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dul'ordid
-da: (magac, dhedig, keli) wax, dushiisa ku ordid. Dh: dulcaymadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulxawaareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u dul'ordid; xoog u dul caymadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dul-orod
f.g1 (-rday, -rodday; -rdi) Wax dushooda ku ordid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dul-orod
v. run on top of something
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daba-ordid
m.f.dh eeg daba-orod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dul'orod
(fal) wax dushiisa caymad. Dh: dulcaymad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulmarid
(Dulmarid-da)
Hadal dulmar ah ku hadlid; guudmarid; kormarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmarid
m.f.dh eeg dulmar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulmarid
vl. n. over-flight, passing over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulmarid
-da: (n) 1. the act of flying or passing over. 2. summarization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dushiisa marid oo ka sarrayn. Dulmaridda xadhkaha korantadu waa halis.
dulmarid -da: (magac, dhedig, keli) hadal aan toos ahayn oo sarbeeb ah odhasho; hadal guudmar ah dhihid. Dadka waaweyni dulmaridda ayay wax ku fahmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulmarid
de: over-flight, passing over
lx: dulmarid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: dulmarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duljoogid
m.f.dh eeg duljoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duljoogid
-da: (magac, dhedig, keli) jid liidata oo bukaan ah, dulfadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulloobid
(Dulloobid-da)
Dulli ku dhicid; duf ku bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulloobid
m.f.dh eeg dullow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulloobid
-da: (magac, dhedig, keli) daranyo iyo dacdarro la ba'yaalid; dulli noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daba'ordid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa cag horreeya orod ka sii daba caymadid. Daba'ordidda horqabatayn baa kuu dhaanta. Dh: dabaroorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhul-aasid
m.dh (jool) Dariiqadda uu webigu ku dhigo ama ku fuulo meelaha godgodan waxyaabaha adag ee uu sido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dulsaarmid
m.f.dh eeg dulsaaran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doodid
(Doodid-da)
Murmid; hadlid; baanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doodid
m.f.dh eeg dood³. la-mid: doodis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doodid
-da: (n) the act of debating or arguing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, la mormid; baane iyo hadal ku jirid. Dh: mormid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorid
(Doorid-da)
(u doorid) waxa roon ama sida roon u garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorid
m.f.dh eeg door². la-mid: door¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan in ka mid ah ka doorasho. Dh: dooris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmid
m.dh la-mid: dulmiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmid
-da: (magac, dhedig, keli) dulan iyo gardarro kula dhaqmid dadka kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjid
m.dh la-mid: durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durkid
(Durkid-da)
Meel ka dhaqaaqid; (soo durkid) soo dhowaansho; (sii durkid) sii fogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durkid
m.f.dh eeg durug. la-mid: durjid, durqid, durqis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durkid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ama shey, ka fogaan oo u dhawaansho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqid
m.dh la-mid: durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duryid
(Duryid-da)
Durey ku dhicid, qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duryid
m.f.dh eeg duri².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
florid
/flooridh/ (adj) 1. sharraxaad lugu dhoo-dhoobay ama laga badiyey. (adj) 2. waji guduutay ama la-guduudiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdid
(Hurdid-da)
Hurdo dhex gelid, ku jirid; seexasho; gama'sanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdid
m.f.dh eeg hurud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ku dhexjirid. Dadka wada shaqa tegey maxaa hurdid ku baday. Dh: seexasho, gama'sanaan. Li: soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurdid
(Qurdid-da)
Wax qurdan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdid
m.f.dh eeg qurud.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sordid
/soordid/ (adj) 1. karaahiyo ah (aad u xun) 2. meel wasakh badan oo heer-hoose ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoodid
(Dhoodid-da)
Faanid; is'ammaanid; shoolid; dhaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoodid
m.f.dh eeg dhood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoodid
-da: (magac, dhedig, keli) awr, hal saarasho oo abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorbid
f.g1 (-day, -dday) Wax wax kale ka jeclaansho; fadilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doorbid
f.g1 (-day, -dday) Wax wax kale ka jeclaansho; fadilid. m.f.dh, doorbidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorbid
v., [compound] choose, select
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorbid
-ayday: (v) prefer (piri-feer); prefer above others; choose (juuz) ~ faddil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorbid
(fal) wax aad rabtid, kuwo kale ka dooro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorbid
de: choose, select
lx: doorbid
pd: (doorbiday)
ps: v1=cmp
key: doorbid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooryid
(Dooryid-da)
Weylo, kd., doori ahi la socosho oo intaas, nuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulbadi
(Dulbadi-da)
Dhibta u dulqaadad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulbadi
m.dh Sabir iyo adkeysi badan oo dhibaatooyinka loo yeesho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulbadi
f. n., [compound] patience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulbadi
(fal) dulqaado oo qaladdo ama dhibaatooyin u dhabar'adayg. Dh: adkayso.
dulbadi-da: (magac, dhedig, keli) dulqaad iyo adkaysi yeelasho. Dh: adkaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulbadi
de: patience
lx: dulbadi
pd: (-da)
ps: n0-f-cmp
key: dulbadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleedi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax la gaadayo gadaal ugu imaan. 2. Cid, cid kale uga hiilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duleedi
v. attack from the rear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duleedi
-yay: (v) ambush (ambush), attack from a side position or opposite of the lee side ~ gaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleedi
(fal) guudmar ama korka xaadi.
duleedi: (fal) labo qof oo is dilaya mid garabsii oo u duleedi ka kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duleedi
de: attack from the rear
lx: duleedi
pd: (duleediyey)
ps: v2a=
key: duleedi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulmari
-yey / say: (v) 1. apply (apalaay); put on ~ mari 2. cause something or someone to fly over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmari
(fal) shey kor mari wax kale. Xadhigga kooraanka dulmari guriga. Dh: kormari. Li: hoosmari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulyari
m.dh la-mid: dulyaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulyari
-da: (magac, dhedig, keli) dulqaadyari aan gefka loo dulqaadan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoordid
-ka: (maga, lab kell) eeg qadaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalmarid
m.dh Tegidda dalal badan socdaal lagu tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmarid
-da: (magac, dhedig, keli) meelo badan oo adduunka ah gooshid; dalal badan arkid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daloofid
-da: (magac, dhedig, keli) dalool yeelasho, duleel lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daloolid
(Daloolid-da)
Dalool ku oollaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daloolid
m.f.dh eeg dalool³. la-mid: duleelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daloolid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka daloola oo fur leh ahaan. Koobka daloolidda waan ku ogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhul-rif
m.l (-fyo, m.dh) (jooloji) Lisanka dhulka ku dhaca ee ka dhasha dabaylaha, biyaha socda, mase barafka iyaga oo qaadaya waxyaalihii dhulka ka rifmay sida ciidda iyo dhagxaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufoobid
(Dufoobid-da)
1. Duf noqosho.
2. (qof) duf ku dhicid; xumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufoobid
m.f.dh eeg dufow². la-mid: dufow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dulloobid oo sidii hore ka sii liidasho. Dh: humoobid, calaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duleedin
(Duleedin-ta)
(dagaal) dhabarka kaga imaansho oo waxyeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleedin
m.f.dh eeg duleedi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleedin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhabarjebin samayn oo ciidan sii jeeda dagaal xagga dambe kaga keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleelid
m.dh la-mid: daloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel in yar ka furantahay ahaan. Dh: daloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga sare ka marin, korka ka marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulmiyid
(Dulmiyid-da)
Dulmi iyo gardarro cid kula kicid; ku gabboodfalid; jululid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmiyid
m.dh eeg dulmi². la-mid: dulmid, dulmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, si xaqdarro ah ugu xadgudbid. Dh: dulmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulqamid
m.dh la-mid: dalqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsocod
-ka: (magac, lab, keli) shay dushiisa marid.
dulsocod -ka: (magac, lab, keli) waxa lagu kordhiyo deyn la kala amaahdo ee duldhigga ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulxaadi
(fal) wax meel yaal ama weel ku jira. dusha sare ka yara qaadid.
dulxaadi: (fal) arrin hoos ha uqu dhaadhicin. Li: doox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duqoobid
(Duqoobid-da)
Duq noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqoobid
m.f.dh eeg duqow³. la-mid: duqow¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqoobid
-da: (n) the act of ageing (ey/'iMg); aging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) gabow iyo da weynaan uu nooluhu gaadho. Duqoobid ba ka soo muuqata. Dh: gabow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durdurid
(Durdurid-da)
Sida durdur ama webi ama il biyo ah u qolqolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durdurid
m.f.dh eeg durdur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durdurid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere, qulqulid oo dhulka dul socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dureerid
m.dh la-mid: dareerid.