dul sallax
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dul sallax
Surface, plane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bed
bed¹: m.l (-dad, m.l) Masaaxa dhul ku fadhiiyo.
bed²: m.l (-dad, m.l) (xisaab) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).
bed³: m.l/dh (-do, m.l) 1. Caafimaad; ladnaan. 2. Badbaado. la-mid: bąd.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bed
bed¹: m.l (-dad, m.l) Masaaxa dhul ku fadhiiyo.
bed²: m.l (-dad, m.l) (xisaab) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Surface, plane
Dul sallax
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku sallad
v. make someone bother someone else, have someone give a hard time to ~ harass another person
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kood sallax
Plane curve
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulbaax
(Dulbaax-da)
1. Baruurta xalleefsan oo haragga xigta.
2. Meel sare oo babac ama taag ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulbaax
m.dh 1. Xuub jilicsan, cad oo haragga iyo hilibka u kala dhexeeya. 2. Hilib aan marax ahayn. 3. Dooxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulbaax
m.dh 1. Xuub jilicsan, cad oo haragga iyo hilibka u kala dhexeeya. 2. Hilib aan marax ahayn. 3. Dooxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulbaax
f. n. fat under the skin; slope, mountainside
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulbaax
-da: (magac, dhedig, keli) hilibka dhabarka ku yaalla ama awlallada ka sarreeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulbaax
de: fat under the skin; slope, mountainside
lx: dulbaax
pd: (-da)
ps: n1-f, n2a-f
key: dulbaax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsaar
dulsaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Faa'iido laga helo lacag bangi la dhigtay. 2. Lacag dheeraad ah oo laga qaato lacag cid la amahiyey. 3. D. ah: qof ka shaqeeya hay'adda uu ka tirsanyahay mid aan ahayn. 4. D. ah: cid ciddii mas'uuliyaddu ka saarrayd aan ahayn la nool. 5. la-mid: dulsaarid.
dulsaar²: m.dh Ood weyn oo godaha laga keymamiyo.
dulsaar³: f.g/lg1 (-ray, -rtay) 1. (f.lg) Ood weyn oo oodafada ka kormarid. 2. (f.g) Lacag la amaahday faa'iido dheeraad ah ku kordhin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulsaar
dulsaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Faa'iido laga helo lacag bangi la dhigtay. 2. Lacag dheeraad ah oo laga qaato lacag cid la amahiyey. 3. D. ah: qof ka shaqeeya hay'adda uu ka tirsanyahay mid aan ahayn. 4. D. ah: cid ciddii mas'uuliyaddu ka saarrayd aan ahayn la nool.
dulsaar²: f.g/lg1 (-ray, -rtay) 1. (f.lg) Ood weyn oo oodafada ka kormarid. 2. (f.g) Lacag la amaahday faa'iido dheeraad ah ku kordhin. m.f.dh, dulsaarid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dulsaar
Burden
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulsaar
m. n., [compound] extra ~ added item; something attached
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulsaar
-ay / tay:(v) 1. set (set)', put on the top; place (paleeys) on the top. Ex: buugga miiska dulsaar; set the book on a table. 2. dulsaar -ta: (n) interest (in-tarast); interest charge ~ ribo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dulsaar
Interesse
Interest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsaar
-ka: (magac, lab, keli) lacagta dulsocodka ah ee bangiyada qaarkood dul dhigtaan ciddii lacag ka amaahata ama lacagtaad dhigatay lacag ay ku sii dhashay jid aan sharciga islaamka waafaqsanayn. Dh: ribo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulsaar
de: extra ~ added item; s.t. attached
lx: dulsaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dulsaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallad
m.l (-dyo, m.dh) Qof aad u dhib badan oo dhibaatadiisu joogto tahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
musallad
m.l (-dyo, m.dh) Qof aad u dhib badan oo dhibaatadiisu joogto tahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musallad
m. n. pest, nuisance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallad
-ka: (magac, lab, keli) qof sudhukaan ah oo waxa uu ku dhega aan laga furfuri karin. Qof musallad ah la isma raaciyo. Dh: sallid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musallad
bw: Arabic
de: pest, nuisance
lx: musallad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: musallad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallaf
musallaf¹: m.l la-mid: musallif¹.
musallaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) la-mid: musallif².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musallaf
inch. v. go bankrupt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
musallaf
-ka: (n) insolvent (in-sool'yant); bankrupt (baank-rapt) ~ musallif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallaf
(fal) adu caydhaw oo waxaad xoolo lahayd ka farabax. Musallaf waa habaare wiilka ha ku odhan. Dh: masalluf, caydhaw, kac.
musallaf -ka: (magac, lab, keli) qof caydhoobay oo wuxuu hanti lahaa ka farabaxay. Dh: masalluf, caydh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musallaf
de: go bankrupt
lx: musallaf
pd: (musallafay)
ps: v1=inch
see: musallif (and related forms)
key: musallaf
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u kalbax
v. be sincere, spontaneous ~ upright
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsaaran
dulsaaran¹: f.mg4 (-rmay, -rantay; -rmi) Lacag la amaahday faa'iido ku korortay noqosho.
dulsaaran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Ood weyn oo godaha laga keymamiyo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulsaaran
f.mg4 (-rmay, -rantay; -rmi) Lacag la amaahday faa'iido ku korortay noqosho. m.f.dh, dulsaarmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulsaaran
Comp. adj., (ie. n., adj.): placed on top of; staying ~ living with another group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulsaaran
(adj) 1. placed (paleeysidh); placed on the top of. 2. dependent (di-peen-dhant); relying on or requiring the aid of another for support. Ex: wiilkii reerkuu dulsaaran yahay; the boy is dependent on the family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsaaran
(tilmaame) dushiisa saaran oo koryaal. Dh: dulyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulsaaran
de: placed on top of; [fig] staying ~ living with another group (e.g., friend, relatives or family)
lx: dulsaaran
pd: (dulsaarnaa)
ps: adj-cmp
key: dulsaaran
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku sallid
v. force, compel; subject someone ~ something to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_sallad
de: make s.o. bother s.o. else, have s.o. give a hard time to ~ harass another person
lx: ku sallad
pd: (salladay)
ps: v1=expr
key: ku_sallad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalaax
(fal) baabbacada gacanta si naxariisi ku dheehantahay noole jidhkiisa u dul marmari. Dh: xoodaami, xadatayn.
salsalaax -a: (magac, lab, keli) calaacasheeda gacanta si debecsan u marmarin; xoodaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u shallaa
v. feel bad about ~ sorry over
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dul golxan
Concave surface
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul sabool
Waste land
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmisanaan
m.dh la-mid: dulmanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulucsanaan
m.f.dh eeg dulucsan. la-mid: dulucsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilidsalaax
-a: (magac, lab, keli) qaboojin iyo dejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku salladan
adj., [expression] troublesome, annoying, vexing
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubasalaax
f.g1 (-xay, -xday) la-mid: suubaan-salaax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubasalaax
-a: (magac, lab, keli) sasabo iyo koolkoollin cid wax ugu sheegid. Waar wiilka yar suubasalaaxa ka daa oo shawdh u qaao. Dh: xannaanayn.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xagalsallax
Qalab lala kaashado xagaltocxinta ee ka samaysan birciideed culus.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhuxul cawlan
Brown coal
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shaxan sallax
Plane figure