dukad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dukad
m.l la-mid: tukasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dukad
-ka: (magac, lab, keli) salaad Ilaahay la imasho oo cibaado ahaan u oogid. Dh: dukasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cukad
(Cukad-da)
Harag ari oo hab gaar ah loo bixiyo; (ama cokad)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cukad
m.dh (-do, m.l) Harag ari oo qaab sibraar loo habeeyey, oo laga ganacsado. la-mid: cokad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cukad
f. n. leather (from goat skin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukad
-da: (magac, dhedig, keli) harag marka neefka la qalayo aan meelna laga jeexin. Dh: cokad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cukad
a: cokad
de: leather (from goat skin)
lx: cukad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: cukad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dakad
f. n. port
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dakad
-da: (n) port (port); harbor (haarber) ~ furdo, dekad, bandar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dakad
de: port
lx: dakad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: deked
key: dakad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dekad
Porto
Port
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dekad
-da: (magac, dhedig, keli) laamiga baabuurtu marto. Dekadda ka soo saar carruurta gaadhiyadaa jiidhiye. Dh: laami, waddogaadhi, shaaric, jid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dekad
ميناء، مَرْفَاً مَرْسَى ثَغْرِ بَنْدَرِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubad
-ka: (magac, lab, keli) hilib, xasiid ama wax kale, dab ku solasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duqad
f. n. dent, bump (from a collision)
duqad [feminine] n., (mass n.): ground meat condiment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqad
-da: (n) 1. dent (dhenf); depression in a surface made by pressure or a blow ~ daqar. Ex: duqada gaariga geeskissa ku taal; the dent in the side of the car. 2. ground meat (garawndh miit) ~ hilib shiishiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqad
-da: (magac, dhedig, keli) gaadhi matoorka waxyeello ka gaadhay ama matoorkiisu dhintay.
duqad-da: (magac, dhedig, keli) hilib lagu ridqay mashiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tukad
(Tukad-ka)
Tukasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukad
m.l la-mid: tukasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tukad
vl. n. praying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukad
-ka: (magac, lab, keli) waajibyada uu Eebbe addoomadiisa dul saaray mid ka mid ah; marka qof gudanayo salaadda Eebe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tukad
a: tukasho
de: praying
initial: t
lx: tukad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: tukad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqrib
m.l 1. Galabnimada marka qorraxdu dhacdo. 2. (dii.) Salaadda la dukado marka qorraxdu dhacdo. la-mid: makhrib.

taraawiix
m.dh (dii.) Salaad ka kooban siddeed ama kow iyo labaatan ragcadood oo la dukado cishaha kaddib xilliga soonka.

tukasho
m.f.dh eeg tuko. la-mid: dukad, dukasho, tukad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqrib
m.l 1. Galabnimada marka qorraxdu dhacdo. 2. (dii.) Salaadda la dukado marka qorraxdu dhacdo. la-mid: makhrib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taraawiix
m.dh (dii.) Salaad ka kooban siddeed ama kow iyo labaatan ragcadood oo la dukado cishaha kaddib xilliga soonka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhunkad
(Dhunkad-ka)
Dhunkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunkad
m.l la-mid: dhunkasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhunkad
vl. n. kissing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhunkad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, labada dibnood, kalgacal u saar. Dh: shummis. dhunkasho-da: (magac, dhedig, keli) labada faruuryood oo kalkacayl ahaan loo saaro dub qof kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhunkad
a: dhunkasho
de: kissing
lx: dhunkad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhunkad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskad
m.l la-mid: cuskasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskad
-ka: (magac, lab, keli) ku tiirsad; cuskasho.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Cuskad
Tiirsimo, qoton.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakad
m.l la-mid: dhakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhufad
(Dhufad-ka)
Jiidis dhaqso iyo xoog leh; dhuftin; (ama dhifad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufad
m.l la-mid: dhifasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhufad
vl. n. act of pulling, jerking ~ snatching (away)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ama wax kale ku jiidid. Dh: dhifasho, dhifad.
dhufad -ka: (magac, lab, keli) xafid oo wax qof gacantii ku jira ama meel yaal xoog iyo degdeg u qaadasho. Dh: xafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhufad
a: dhufasho (/da) [vn6-f], dhifad
de: act of pulling, jerking ~ snatching (away)
lx: dhufad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhufad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhugad
(Dhugad-ka)
Dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugad
m.l la-mid: dhugasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugad
-ka: (magac, lab, keli) fiirin oo si ka bogasho ah wax u eegid. Dh: fiirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhukan
Dhego aad u yaryar ama u gaaggaaban leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhukan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhego yaryar ahaansho (nafley).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhukan
der. [adjective] having very small ears, small-eared; hard of hearing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukan
(tilamaame) neef dhego aad u yaryar oo gaagaaban leh. Lax dhukan col iyo abaar midna ma oga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhukan
cf: dhakan
de: having very small ears, small-eared; [fig.] hard of hearing
lx: dhukan
pd: (dhukanaa)
ps: adj-der
key: dhukan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhukay
(Dhukay-ga)
Dhegdheg dhegta daloolkeeda dibadxigeenka ah ku yaal oo ka yimaada qanjirro daloolka u dhow: wixii waxyeello leh oo dhegta soo gala buu celiyaa inta ayan reemaha dhegta soo gaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhukay
m.l Dhegdheg madow-xigeen ah oo dhegta gudaheeda sare qanjirradu ku dhaliyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhukay
m.l Dhegdheg madow-xigeen ah oo dhegta gudaheeda sare qanjirradu ku dhaliyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhukay
m. n., [collective] ear-wax
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhukay
-ga: (n) earwax (iyar-waakis); cerumen (saruu-men) ~ dhukayga dhegta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukay
-ga: (magac, lab, keli) qoyaanka dhegta ee madaw. Waa wasakhda dhegta ku dhalata ee laga soo sifeeyo. Dhukay badan ayaa dhegta ku jira. Dh: cukay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhukay
de: ear-wax
lx: dhukay
pd: (-ga)
ps: n1-m-col
key: dhukay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubbad
(Dubbad-da)
Birta weyn oo hoose oo tumaalku kor saaro wixii la doona hayo in la dubbeeyo; dubbaha booyadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbad
dubbad¹: m.l la-mid: dibbad.
dubbad²: m.dh (-do, m.l) Bir kuusan oo lugo ay isku taagto iyo dhego la qabto leh oo tumaalku biraha uu tumayo dusha ka saaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubbad
m.dh (-do, m.l) Bir kuusan oo lugo ay isku taagto iyo dhego la qabto leh oo tumaalku biraha uu tumayo dusha ka saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubbad
f. n. anvil
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dubbad
nickname; name-m hammerer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dubbad
ama Dubbays, magac loo baxsho wiil adag abuur ama akhlaaq iyo dhaqan.
Dubbad: ama Dubbays, magac loo baxsho wiil adag abuur ama akhlaaq iyo dhaqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbad
-ka: (magac, lab, keli) habeenka bishu tahay sagaal iyo labaatan ama wax ku dhow dayaxuna aanu ka soo bixin labada dhinac midna. Dubbad bay xalay ahayd bishu.
dubbad -da: (magac, dhedig, keli) bir weyn oo add u culus oo biraha la dubbaynayo marka dabka laga soo saaro la duldhigo oo lagu tumo; dubbaha hooyadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubbad
de: anvil Contrast: dubbe
lx: dubbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dubbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dublad
m.dh la-mid: dublo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dublad
f. n. funnel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dublad
-da: (n) 1. funnel (fa-nel); a narrow tube, widening at the top, for pouring liquids ~ dubaalad. 2. funnel (fanal); chimney (jim-ni); smokestack ~ shoolad, qaac-saare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dublad
-da: (magac, dhedig, keli) dun noocyo kala duwan leh oo faanuusyada iyo maashooyada gaaska lagu shubo laguna shito oo kolka dab la qabadsiiyo iftiinta. Dh: dubaalad, dibaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dublad
de: funnel
lx: dublad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dublad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubnad
(Dubnad-da)
Dumnad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubnad
m.dh Dhagax yar yar oo qaab sanduuqeed leh oo tirooyin kala duwan oo dhibco ahi ku samaysanyihiin oo dadku ku dheelo. la-mid: dumnad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubnad
m.dh Dhagax yar yar oo qaab sanduuqeed leh oo tirooyin kala duwan oo dhibco ahi ku samaysanyihiin oo dadku ku dheelo. la-mid: dumnad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubnad
f. n. domino
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubnad
-da: (n) domino (dhoominow) ~ dumnad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubnad
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar sida turubka fadhiga loogu ciyaaro oo lagu ciyaaro 28 wasladood oo yaryar oo lambarro leh. Dh: dumnad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubnad
a: dumnad
de: domino
lx: dubnad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dubnad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufcad
-da: (magac, dhedig, keli) qayb ama hormo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugsad
(Dugsad-ka)
Dugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsad
m.l la-mid: dugsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsad
-ka: (magac, lab, keli) dhaxan kaga gabbasho oo dugsi ka dhigasho. Dh: dugaalsad, dugsash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dukaan
(Dukaan-ka)
Qol ama aqal alaabada ganacda ah la dhigo oo lagu kala gato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dukaan
m.l (-nno/-ammo, m.dh) Qol khaanado alaabta la saaro leh oo cuntada, dharka iyo wixi lamida lagu gado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dukaan
m.l (-nno/-ammo, m.dh) Qol khaanado alaabta la saaro leh oo cuntada, dharka iyo wixi lamida lagu gado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dukaan
common n. shop, store
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dukaan
-ka: (n) shop (shop), store (istoor) ~ daas
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dukaan
Negozio
Shop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dukaan
-ka: (magac, lab, keli) meherad wax lagu iibiyo oo si joogta ah looga shaqeeyo. Dukaanka kabriid iiga soo iibi. Dh: tukaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dukaan
bw: Arabic
de: shop, store
lx: dukaan
pd: (-ka Pl: dukaammo ~ dukaanno (/da))
ps: n2b/c-m
key: dukaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dummad
(Dummad-da)
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo fudfudud oo hilibka cunta; siiba jiirka iyo shinbiraha aad u laysa oo dadka la dhaqanta; dinnad; mukulaal; yaanyuuro; bisad; basho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dummad
m.dh (-do, m.l) 1. Yaanyuur; bisad. 2. Dakhalka doonyaha meesha ugu sarreysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dummad
m.dh (-do, m.l) 1. Yaanyuur; bisad. 2. Dakhalka doonyaha meesha ugu sarreysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dummad
f. n. cat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dummad
-da: (magac, dhedig, keli) masuuliyad qof dusha ku qaato.
dummad-da: (magac, dhedig, keli) yaanyuur ama bisad.
dummad -da: (magac, dhedig, keli) dakhalka doonyaha meesha ugu sarreysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dummad
bw: Arabic
de: cat
lx: dummad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: bisad, mukulaal, yaanyuuro
key: dummad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumnad
(Dumnad-da)
Cayaar lagu cayaaro siddeed iyo labaatan qori oo yaryar oo xalxalleefsan oo midkiiba dhinac ku lee yahay dhibco kala badan; waxaa u yar kow waxaana u badan lix; (ama dubnad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumnad
m.dh la-mid: dubnad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dumnad
f. n. domino
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dumnad
-da: (n) domino (dhoo-minow) -dubnad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumnad
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka mid ah ciyaaraha fudud oo labaatan iyo siddeed dhagax oo cadcad oo lambarro leh lagu ciyaaro. Dh: dubnad.