duhur-kulul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duhur-kulul
m.l Xilliga u dhexeeya 1-da duhurnimo ilaa 2-da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durdur-kulul
m.l (-rro ..., m.dh) (jooloji) Il dabiici ah oo biyaheedu kululyihiin, taas oo biyo kulul iyo qiiq kor u soo tuurta, amminta u dhexaysa kor u soo tuuridda way isla ekaan kartaa ama way kala duwanaan kartaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Durdur kulul
Thermal spring, Geyser
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAY-KULUL
(Dai-kulul) S Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durdurkulul
m.l (-rro ..., m.dh) (jool.) Il dabiici ah oo biyaheedu kululyihiin, taas oo biyo kulul iyo qiiq kor u soo tuurta, amminta u dhexaysa kor u soo tuuridda way isla ekaan kartaa ama way kala duwanaan kartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeyl-kulul
m.dh (-lo ..., m.l) (juqraafi) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUWAAX-KULUL
(Goah-kulul) C, S Capparis cartilaginea Decne. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhululub
m.dh (-byo, m.dh) (xisaab) Adke ku soohdimaysan dul dhululubaysan iyo laba sallax oo barbarro ah, ama dusha adkahan oo kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhululub
m.dh (-byo, m.dh) (xisaab) Adke ku soohdimaysan dul dhululubaysan iyo laba sallax oo barbarro ah, ama dusha adkahan oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurruur
f.g1 (-ray, -rtay) Biyo calawsan kala miirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhururuq
(Dhururuq-a)
(lacag) jajabka cadadida tan ugu yar; senti; beesad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhururuq
m.l (-qyo, m.dh) Kumi toban meelood loo qeybiyey mid ka mid ah; senti. la-mid: dhururi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhururuq
m. n. half-penny ~ cent (smallest coin); small change
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhururuq
-ga: (n) cent (send); penny (pent) ~ lacagta midka ugu yar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhururuq
-da: (magac, dhedig, keli) lacagta dhururida ah inta ugu yaryar; qaddaadiicta teeda yaryar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhururuq
cf: lacag
de: half-penny ~ cent (smallest coin); [ext.] small change
lx: dhururuq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: dhururuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugukuur
-ka: (magac, lab, keli) socod meel aan kala fogayn loo kala socdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duulduul
(Duulduul-ka)
Hadba meel u duul; hadba meel ku dhac; boodbood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duulduul
duulduul¹: m.l 1. Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan cidi ku sifoowdo. 2. la-mid: duulduulid.
duulduul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan ku kicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duulduul
duulduul¹: m.l Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan cidi ku sifoowdo.
duulduul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan ku kicid. m.f.dh, duulduulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duulduul
v. fly around
duulduul vl. n. flight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duulduul
-ay I duulduushay: (v) fly around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulduul
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaqa baalalleyda.
duulduul-ka: (magac, lab, keli) wax dheeftiisu aanay ku soo wada gaarin laakiin wax yari kaa soo gaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurduur
(fal) macno la'aan iska socsoco oo meelahaa kolba dhan u wareeg. Dh: warwareeg, meermeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
il-kulul
il-kulul¹: m.l/dh Il laga cabsado leh.
il-kulul²: m.l/dh (jooloji) Biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululaysa, sida darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha marka qaraxa folkaanuhu uu istaago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulkulul
f.mg4 (-laa, -layd) Qof mannexe ah ama shadiid ah, ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulkulul
adj., pl. hot (ones); heated (words); intense, strict, severe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulkulul
-aa: (adj) hot tempered; hot (hat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulkulul
(tilmaame) qof aad u xanaaq badan; qof cadho badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulkulul
de: hot (ones); heated (words); [fig.] intense, strict, severe
lx: kulkulul
pd: (kulkululaa Sg: kulul)
ps: adj-pl
key: kulkulul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkurus
-ka: (magac, lab, keli) qof yar oo hilib ka muuqdo; ilmo aad u naaxsan. Dh: beerkurus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuluuluc
(Dhuluuluc-a)
Nabarro xoolaha yaryar ka soo yaaca, kolka dhogortooda oo qoyan la taataabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuluuluc
dhuluuluc¹: m.l Finan yaryar, aan xanuun lahayn oo riyaha dushooda ka soo baxa marka roob badani ku da'o. la-mid: dhuluulux¹.
dhuluuluc²: f.mg1 (-cay, -cday) Dhuluuluc yeelasho (riyo). la-mid: dhuluulux².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuluuluc
m. n. boil ~ sore (on animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuluuluc
-a: (magac, lab, keli) finan yaryar oo cadho ahayn oo riyaha ka soo daata kolka dhogortooda oo qoyan la taataabto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuluuluc
de: boil ~ sore (on animals)
lx: dhuluuluc
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: dhuluuluc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuluulux
dhuluulux¹: m.l la-mid: dhuluuluc¹.
dhuluulux²: f.mg1 (-xay, -xday) la-mid: dhuluuluc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuluulux
-a: (magac, lab, keli) eeg dhuluuluc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duurxulid
(Duurxulid-da)
1. Duur isu soo dhexmarid oo isugu soo dhuumasho.
2. Hadal isu sarbeebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duurxulid
m.f.dh eeg duurxul². la-mid: duurxul¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurxulid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal sareeb ah oo ujeeddo qarsoon wata cid u sheegid.
duurxulid -da: (magac, dhedig, keli) duurka iyo kaymaha dhex galid. Dh: mushaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqo-kulul
m.dh Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barqo-kulul
m.dh Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylkulul
-ta: (magac, dhedig, keli) dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yagaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeylkulul
m.dh (-lo ..., m.l) (juqraafi) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyir kulul
n. phr. hot ~ bad temper
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyir_kulul
de: hot ~ bad temper
lx: miyir kulul
ps: np
key: miyir_kulul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duddumo-yulug
m.dh Nooc duddumada ka mid ah oo aan lahayn sal ballaaran lehna fiiq dheer oo dhuuban. la-mid: dundumo-yulug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dundumo-yulug
m.dh la-mid: duddumo-yulug.