dugey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugey
Dugey!
Erey qofkii dhibaato weyni gaarto uu yiraahdo: jabay! hoogey! ba'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugey
e.d Erey qofkii dhibaato weyni gaarto uu yiraahdo; jabay!; hoogey!; ba'ay!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugey
inter. ouch!; ah!; heck!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugey
erey uu ku calaacalo ama uu ku ooyo qof ay dhib weyni ku dhacday. Dh: jagay! hoogay! ba'ay! ba'ayaalay!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugey
de: ouch!; ah!; heck! expression of pain, unpleasant surprise or consternation
lx: dugey
pd: (dugay)
ps: intj
key: dugey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqey
m.dh.w eeg duq 1 (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqey
-da: (n) [plural of duq-a] elders (eldheris)', council of elders
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durey
(Durey-ga)
Xanuun dhuumaha neeftu marto gudo-ujeeddadooda hoose qabta siiba sanka iyo hunguriga oo aalaa hindhiso iyo duuf wata; hargab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durey
m.l Hargab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durey
m.l (daaw.) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.
durey: m.l Hargab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durey
m. n. cold, headcold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durey
-ga: (n) common cold; flu (fuluu); influenza (infuluuweensa); cold (kooldhi)-, coryza (koraayza) ~ ifilo, hargab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durey
de: cold, headcold
lx: durey
pd: (-ga)
ps: n-m
key: durey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugey
(Lugey-ga)
Qof lug la'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugey
m.l Qof lug la'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lugey
m.l Qof lug la'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lugey
m. n. one-legged person, cripple
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lugey
-ga: (n) limp (limp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugey
(tilmaame) qof lug la'; laangadhe, jiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lugey
de: one-legged person, cripple
lx: lugey
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: lugey
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fracas
fracas, n.m. - buuq; qaylo; degdeg; dugeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duceyn
(Duceyn-ta)
Duco akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceyn
m.f.dh eeg ducee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceyn
-ta: (magac, dhedig, keli) Ilaahay baryid oo duco sacabbada u taagid. Dh: ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato muuqata oo baahi keentay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulgee
(fal) cid meel ka kaxee oo cid meel kale joogta dul jooji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqeyn
m.f.dh eeg duqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hub waaweyn bartilmaameed ku garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jugeyn
(Jugeyn-ta)
Jug gaarsiin; nabarro badan oo jug ah, ku dhufasho; garaacis; tumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugeyn
m.f.dh eeg jugee. la-mid: jugeys, jukeyn, jukeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugeys
m.l la-mid: jugeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jugley
(Jugley-da)
Shinbir weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugley
m.dh (botani) Shimbir weyn oo ay goroyada isku bahyihiin, oo aan duullimaad dheer samayn karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jugley
m.dh Shimbir weyn oo ay goroyada isku bahyihiin, oo aan duullimaad dheer samayn karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jugley
f. n., [collective] bustard, large game bird species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jugley
-da: (n) bustard (bastardh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jugley
-da: (magac, dhedig, keli) jaad shinbiraha ka mid ah oo weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jugley
de: bustard, large game bird sp.
lx: jugley
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: jugley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugeyn
m.f.dh eeg lugee. la-mid: lugeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugeys
m.l la-mid: lugeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nugeyl
(Nugeyl-ka)
Adkaysandarro; jileec.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nugeyl
m. n., [abstract] softness, tenderness; docility; weakness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nugeyl
-ka: (n) 1. sensitivity (san sa tiviti); susceptibility (sa-sap tibiliti)-, —u nugul: (adj) sensitive (san sa tiv)-, susceptible (sa-sap tibalf, thin-skinned. Ex: qabawga u nugul; susceptible to colds -aanad'adkayn, ujiljilicsan, 2.disposition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugeyl
-ka: (magac, lab, keli) eeg nugayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nugeyl
de: softness, tenderness; docility; weakness
lx: nugeyl
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
syn: jileec; rw: nugul
key: nugeyl
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drudgery
/drajeri/ (n) shaqo dhib badan oo lidata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsiley
m.dh Ardo quraan dhigata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dugsiley
m.dh Ardo quraan dhigata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugsiley
f. n., pl. pupils, students; students of a Koranic school
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsiley
-da: (magacwadareed) arday dugsi dhigata.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugsiley
de: pupils, students; [ext.] students of a Koranic school
lx: dugsiley
pd: (-da)
ps: n5b-f-pl
key: dugsiley
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dey
v. glance, look at
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dey
(ereydhawaaq) la dhaho marka la rabo inaad dhaqaajiso neef geel ah siiba hal.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
due
/dhiyuu/ (adj) 1. lugu leeyahay; ku waajibtay (adj) 2. munaasib, habboon (adj) 3. sababid, sabab u noqosho (adj) 4. la-filayo, la rajaynayo (n) 5. xuquuq.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Due
Kalgal
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
due
agg. - labo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
due
a.; it is money - lacagtan amaah baa la igu leeyahay; come in time, goor goor ah kaalay, or goor wanaagsan kaalay; that letter is written in due form, warqadaas si wanaagsan baa la qoray; n., give everyone his due, nin walba waxiisa hala siiyo; we must give the devil his due, shaydaanka wuxuu leeyahay aan siino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dug
1. (Dug-ga) Dugsi; duggaal.
2. (Dug-ta) a) Afgenbi u dhicid; ba', b) (Dug iyo deleb).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dug
dug: m.l (-gag, m.l) 1. Meel aan dhaxan lahayn; duggaal; dugsi. 2. Dhinaca dabeyshu u socoto.
dųg¹: m.dh Delebka oo inta la rido aan wax dhibic ah lagu helin (cayaarta delebka).
dųg²: f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Wax jihadey u socdeen ka leexin. 2. (f.mg) Foorarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dug
m. n. shelter (from the wind ~ bad weather)
dug v. stoop down; fall face-down; have something bad happen (to oneself)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dug
/dhag/ (v) eeg; dig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dug
(ereycodeed) dibida loo adeegsado oo ah in yar hore u soco.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dug
n., (udder, nipple) candho, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gey
f.g1 (-yay, -yday; -yi) Guur u qalmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gey
f.g1 (-yay, -yday; -yi) Guur u qalmid. m.f.dh, geyid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-gey
de: my
lx: -gey
ps: pro-det-1sg
see: =-kayga
key: -gey
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
auge
auge, n.f. - Jiingadda xoolaha lagu waraabiyo ama cuntada.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dage
nickname-m deceiver, cheater, ambusher
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dage
magaca wiil dhashay isaga oo aanay hooyadii wax fool ah yeelan oo aan lagu talo galin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dige
name-m alerter; warner or alarmer; lucky
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dube
(Duba-ha)
Weel yar oo inta raran kulul lagu shubo, badarka lagu bisleeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dube
m.l (-bayaal, m.l/dh) Xeero qaab qabaal leh oo marka raran lagu shubo, miraha qaarkood lagu dubo sida digirta, meseggada iyo wixi lamida; qaloondub. la-mid: dubaale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dube
m. n. oven; cooking pot
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dube
de: oven; cooking pot (filled with hot coals and used for parching grain)
lx: dube
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dube
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dude
nickname-m sulker; scatterer, disperser; pessimist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dude
magac ama naanays loo baxsho wiil dhashay hooyadii oo dudmo ku maqan ama dabeecad xun iyo cadho lagu arkay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dude
-ha: (magac, lab, keli) ninka marka uu cadhoodo ba ka taga reerkiisa. Dude maantana ma maqanyahey.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
duel
/duwel/ (n) 1. loollan, halgan, dirir (v) 2. loollamid, halgamid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dues
/diyuus/ (n) deyn, xuquug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufe
-ha: (magac, lab, keli) dhogorta idaha ama bulka maydhaxda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
duke
/dhuuk/ (n) darajada gof laan-dheere ama shariif ah uu qaato. e.g. She married a duke.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dune
Bacaad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dune
/dyuun/ sand dune (n) bacaad, cammuud.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dupe
/dyuup/ (v) 1. khatalid, khayaamid (n) 2. gofka la khatalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dure
m.l Jiilaalka bartamihiisa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
duty
/dyuti/ (n) 1. waajib (n) 2. canshuur.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Duty
Cashuur
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
duty
n., (tax) cashuur, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
huge
/hiyuuj/ (adj) cimlaaq (aad u weyn). e.g. A huge building dominated the skyline.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
juge
juge, n.m. - garscore; garsoorid (maxkamadaha).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruge
-ha: (magac, lab, keli) neef taagdarro la hadha oo xoolaha raaci kari waaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suge
m.l (xisaab) Fansaar laga soo diray taxane labajibbaarane ah iyada oo la isku dhufto la isuna geeyo dhammaan kutirsaneyaasha si loo helo hal tiro oo keliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suge
m.l (xisaab) Fansaar laga soo diray taxane labajibbaarane ah iyada oo la isku dhufto la isuna geeyo dhammaan kutirsaneyaasha si loo helo hal tiro oo keliya.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Suge
Determinant
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Suge
name-m certain, sure, verified, correct, appropriate, exact, precise; reliable, confirmed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Suge
magac loo baxsho wiil in badan la sugay caloolgalkiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suge
-ha: (magac, lab, keli) fansaar laga soo diray taxane labajibbaarane ah iyada oo la isku dhufto la isuna geeyo dhammaan kutirsaneyaasha si loo helo hal tiro oo keliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugay
-ga: (magac, lab, keli) qori wax lagu cugo. Dh: culay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ugly
/agli/ (adj) fool-xun (arag-xun).

a., xun.