dugduglayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugduglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof u socdo si tamaryari ah oo uu hore u sii dhacdhaco. Dugduglayn buu halkan ku soo gaadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fugfuglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rugrug iyo orod xoog badan samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugruglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta codka rugrugta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yugyuglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) yugyug u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulugleyn
m.f.dh eeg duluglee. la-mid: dulugleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duluqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod uu qof kolba meel aan laga rabin galgalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugbugleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) shangadh wax qarqarxaya ka soo baxaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagjuglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) u hanjabid; cagajugleyn; cagajuglays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digdigleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka dushiisa, si xoog ah u ordid oo cagaha dhulka la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugdhabayn
m.f.dh eeg dugdhabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugrugleyn
m.f.dh eeg rugruglee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuhdhuhlayn
m.dh la-mid: dhuxdhuxlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuhdhuhlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal xan ah hoos u odhasho. Dh: dhuxdhuxleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxdhuxlayn
m.f.dh eeg dhuxdhuxlee. la-mid: dhudhuhlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxdhuxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhuxdhux samayn oo kolba cid la shuqshuqlayn. Dhuxdhuxlayntu waa dembi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagajuglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabaad ay diriri ku dheehan tahay. Dh: bajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhudhuhlayn
m.dh la-mid: dhuxdhuxlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugdhugley
m.dh la-mid: dhugdhugle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhugdhugley
f. n. motor-cycle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugdhugley
-da: (magac, dhedig, keli) gaadiid labo shaag ama saddex ku socda oo baaskiilka ka weyn baabuurradana ka yar oo mooteer leh. Sidii dhugdhugley, dhul dheer mari baa, dhawaaqayga loo dhegeystaa. Dh: mootoo, biijoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhugdhugley
de: motor-cycle {N}
lx: dhugdhugley
pd: (/da)
ps: n1-f, n7-f
key: dhugdhugley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bugbugleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) taar dhexdhexaad ah oo aalaaba ciidda lagu aaso oo saldanabyada ka imanaya waqal darruureedka u noqda wadiigo oo ka difaacda dooriyaha hilaaca iyo danaka ku dhici lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diglayn
(Diglayn-ta)
Dikaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diglayn
m.f.dh eeg diglee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof sharafta ka dhigid oo qayrkii ka reebid.
dullayn -ta: (magac, dhedig, keli) dibi iyo wixii la mid ah, dulle la dhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duulaan
m. n. expedition, attack, onslaught
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulaan
wiil dhashay xilli uu aabihii duullaan tegayay ama ku maqnaa. Waxa kale oo loo baxshaa wiil la rajaynayo in uu noqdo mid cadawga ku duula.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duulaan
de: expedition, attack, onslaught
lx: duulaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: duulaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duullan
(Duullan-ka)
Ku talaggalka lagu talaggalay ama la guddoonsadey in la duulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duullan
dųullan: m.l la-mid: dųullaan (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duullan
m. n. state of war-readiness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duullan
a: duullaan (2)
de: state of war-readiness
lx: duullan
pd: (-ka)
ps: n-m-st
key: duullan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si aayar ah u ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba soo dhicid oo codkaa samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) keli socosho.
muglayn-ta: (magac, dhedig, keli) aad uu buuxin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suugo ku darid: suugays; sanuunadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugbugay
(fal) caano dhay ah iyo kuwo dhanaan isku darso oo buqbugo ka yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuflayn
m.f.dh eeg buuflee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) buufta hayn oo neef kolla hoos u jiidid kolla kor. Buuflaynta daa oo saani u hadal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buullayn
-ta: (magac,dhedig, keli) nafaqo wanaagsan siin, sida neef loo qalo qof dhaawac soo gaadhay ama xanuun ritay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daguugan
f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax la daguugay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daguugan
(tilmaame) wax aan muuqan oo aasan ahaan. Xidh daguugan kayn daahan iyo bananka diirdiiran. Dh: malaasan, aasnaan, qarsoonaan.
daguugan: (tilmaame) weel ama meel wixii ku hadhay laga xobkiyay oo laga engejiyay.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhullayn
Earthening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) la ordid dhagartiyo qaadhaammadii lala dhuxlaynaayay. Dh: gucleyn. Wa: dhuxdhuxlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durugsan
La durkiyey; la dhaqaajiyey; fog; dheer; aan dhoweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durugsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la durkiyey ahaansho. 2. Wax fogaaday ahaansho. la-mid: durjisan, duruqsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durugsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la durkiyey ahaansho. 2. Wax fogaaday ahaansho. m.f.dh, durugsanaan. la-mid: durjisan, duruqsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durugsan
der. [adjective] distant, far off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durugsan
-aa / nay: (adj) distant (distant) ~ fog, dheer. -Syn. Far, far-off, faraway, remote
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durugsan
cf: fog, dheer, shishe
de: distant, far off
lx: durugsan
pd: (durugsanaa)
ps: adj-der
key: durugsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugnaan
m.f.dh eeg duugan². la-mid: duugnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duullaan
(Duullaan-ka)
Col dagaal ku talaggalay oo u socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duullaan
dųullaan: m.l 1. la-mid: dųullan, dųullimaad. Aadidda col dagaal aado. 2. D. ah: col in ay dagaal qaadaan u socda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duullaan
dųullaan: m.l 1. la-mid: dųullan, dųullimaad. Aadidda col dagaal aado. 2. D. ah: col in ay dagaal qaadaan u socda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duullaan
m. n. attack-force, raiding party, invasion, expedition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duullaan
-ka: (n) attack (ataak)-, assail (a-seel)-, raid (reeydh); onslaught (on-isloot); offensive (o-feen-siv) ~ weerar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duullaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, col ku bixin oo weerar qaadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duullaan
de: attack-force, raiding party, invasion, expedition
lx: duullaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: duullaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
duullaan
غزو
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fududayn
(Fududayn-ta)
Fudayd ama wax fudud ka dhigid; culayska iyo dhibta ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududayn
m.f.dh eeg fududee. la-mid: fudaydin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fududayn
Simplification
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fududayn
f. n. easing, lightening; simplification; privilege, advantage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fududayn
-ta: (n) the act of making easy; simplification (simplifikeey- shin); facilitate (fasi li teyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl mid sahlan ka dhigid, hawsha, mid fudud oo dhib yar ka dhigid. Dh: fududays.
fududayn -ta: (magac, dhedig, keli) culayska miisaanka wax ka dhimid. Dh: fududays.
fududayn-ta: (magac, dhedig, keli) si sahlan u dhigid. 1/2 waa fududaynta 5/10.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fududayn
de: easing, lightening; simplification; privilege, advantage Alt sp: fududeyn
lx: fududayn
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: fududayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kululayn
m.f.dh la-mid: kulaylin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kululayn
-ta: (n) the act of heating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kululayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kulayl ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddugan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax muddug ah ahaansho. la-mid: muddugsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddugan
(tilmaame) cidhib tiran oon waxba ka jirin ah. Wax muddugan ha doondoonin. Dh: cidhibla'.
muddugan: (tilmaame) qaawan oo mudh iyo gacan ah. Laba muddugan isma qaaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuqlayn
m.f.dh eeg quuqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuducayn
-ta: (magac, dhedig, keli) habka miisaanka suugaanta loo dhiso.
tuducayn -ta: (magac, dhedig, keli) sadarro ka dhigid; habka gabayga loo qoro u qorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax uduufo ah ka dhigid; wax an faa'iido lehayn ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg buluqbuluqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuquulayn
(Cuquulayn-ta)
Dhabiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquulayn
m.f.dh eeg cuqulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuquulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala dhabiilid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagdagsan
-aa / ayd: (adj) in a hurry; unable to wait; urgent (eer-jent) degdegsan. Ex: wuu dagdagsan yahay; he is in a hurry.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degdegsan
Degdeg hayo; dhaqsana haya; qarbaqarbaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degdegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax degdegaaya ahaansho. la-mid: deddegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degdegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax degdegaaya ahaansho. m.f.dh, degdegsanaan. la-mid: deddegsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degdegsan
der. [adjective] in a hurry, in haste, urgent, immediate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
degdegsan
-aa / ayd: (adj) in a hurry; unable to wait; urgent (eer-jent) ~ dagdagsan. Ex: wuu degdegsan yahay; he is in a hurry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degdegsan
(tilmaame) aan deggenayn oo gacan fudud. Cawaale waa nin degdegsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degdegsan
de: in a hurry, in haste, urgent, immediate
lx: degdegsan
pd: (degdegsanaa)
ps: adj-der
xe: We are in a hurry.
xv: Waannu degdegsannahay.
key: degdegsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxulayn
m.f.dh eeg dhuxulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dab shidmaya, dhuxul ku gurid.
dhuxulayn-ta: (magac, dhedig, keli) dhuxul gurid oo ka ganacsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudduuban
(tilmaame) wax la laallaabay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulugleys
m.l la-mid: dulugleyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duuduuban
see [eeg] duudduuban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fukuclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba kicid oo haddana kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddugsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: muddugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xugnugayl
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha intooda aad u jilicsan. Dh: xayeesh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigbiglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhbidhlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) soo buqashada dareere ka soo burqanaya meel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafdaflayn
(Dafdaflayn-ta)
Dafdaf la imaansho; sida dafdaflaha yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafdaflayn
m.f.dh eeg dafdaflee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafdaflayn
-ta: (magac, dhedig, keli)) fudayd iyo xog la'aan la or'ordid. Dh: miyiritaan.