dugaagow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugaagow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dugaag noqosho; bahaloobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugaagow
inch. v. become wild ~ savage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaagow
(fal) dugaag noqo ama sida dugaagga u dhaqan.
dugaagow -ga: (magac, lab, keli) dugaag noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugaagow
de: become wild ~ savage
lx: dugaagow
pd: (dugaagoobay)
ps: v1=inch
key: dugaagow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagow
-ga: (magac, lab, keli) dugaag noqosho. Dh: dugaagow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadqalato
-da: (magacwadareed) koox dad ah oo dugaagowday ama dabeecadaha dugaagga leh.
dadqalato-da: (magac, dhedig, keli) haweenay. hilibka dadka cunta. Dhegdheer waxay ahayd dadgalato. Dh: buti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugaag
(Dugaag-ga)
Nafleyda dibadjoogta ah, siiba kuwa dadka iyo duunyadaba cuna; bahallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugaag
m.l.u 1. Bahalaha intooda hilib ku noolka ah. 2. Qof laayaan ah oo naxariis daran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dugaag
m.l.u 1. Bahalaha intooda hilib ku noolka ah. 2. Qof laayaan ah oo naxariis daran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugaag
m. n., [collective] beast, wild animal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dugaag
-ga: (n) savage beast (biist); cavage (saavej); wild beast; man-eater ~ bahal
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dugaag
Fauna
Fauna
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaag
-ga: (magacwadareed) magaca guud ee xayawaanka duurjoogta ah ee hilibkunoosha loo yaqaan. Dh: duurjoog. wuxuush. Li: dabjoog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugaag
de: beast, wild animal
lx: dugaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
syn: bahal
key: dugaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ugaar noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarow
(fal) ugaadh noqo; sida ugaadha u dhaqan.
ugaarow-ga: (magac, lab, keli) ugaadh noqosho: sida ugaadha u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugaagad
(Dugaagad-da)
Garangaro yaryar oo dahab ama bir ama wax kale laga sameeyey oo dumarku inta gacmaha gashadaan ku xarragoodaan; jijimmo; sindiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugaagad
m.dh (-do, m.l) Garaangar dahab, qalin iyo wixi lamida ka sameysan oo haweenku gacmaha gashadaan xarrago darteed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dugaagad
m.dh (-do, m.l) Garaangar dahab, qalin iyo wixi lamida ka sameysan oo haweenku gacmaha gashadaan xarrago darteed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugaagad
f. n. bracelet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dugaagad
-da: (n) bracelets (braysletis) ~ jinjimmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaagad
-da: (magac, dhedig, keli) garaarro ama walax wareegsan oo dahab, qalin ama wax kale ka samaysan oo dumarku gamcaha gashadaan oo isku qurxiyaan. Dh: jijin, shuuli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugaagad
de: bracelet
lx: dugaagad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dugaagad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugaagoobid
m.f.dh eeg dugaagow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaagoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dugaag noqosho; sida dugaagga u dhaqmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daago
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daagad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugaag
(fal) walax meel taalla wax kale dusha kaga dhufo oo ku kala jebi, wax wayn ku kala qarradhi. Muraayadda dhagax ku kala bugaag. Dh: cidaad, qarradhi.
bugaag: (fal) wax la jiritaankiisa la tirtir, cayntiisa goo. Dagaalkii sokeeye dad badan buu bugaagay. Dh: cidhibtir, baabbi'i, xasuuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Wax cudur ka bogsaday noqosho. 2. Wax illaaway noqosho. la-mid: dawow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daawow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Wax cudur ka bogsaday noqosho. 2. Wax illaaway noqosho. m.f.dh, daawoobid. la-mid: dawow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawow
inch. v. heal (up), be cured; be ~ get reconciled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawow
(fal) xanuun ka bogso oo dawo lagu siiyay wax ha kuu tarto. Buulladaa ku daawow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawow
de: heal (up), be cured; [fig.] be ~ get reconciled Alt sp: daawoob
lx: daawow
pd: (daawoobay)
ps: v1=inch
key: daawow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaag
(Dagaag-ga)
Aan waxba haysan oo iska dalaaba haya; dalaw; daaddun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaag
dagaag¹: m.l 1. Qof ama dad ka dalaabay degaankoodii cayrnimo awgeed. 2. la-mid: dagaagid.
dagaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cayrnimo awgeed la dalaabid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dagaag
dagaag¹: m.l Qof ama dad ka dalaabay degaankoodii cayrnimo awgeed.
dagaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cayrnimo awgeed la dalaabid (qof). m.f.dh, dagaagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaag
m. n. migrant, refugee; destitute person
dagaag v. migrate; become destitute
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagaag
-da: (n) migrant (migrant), refugee ~ qaxooti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaag
(fal) geed ama caleen, dhulka dushiisa ku baah oo dhan walba u bax.
dagaag-ga: (magac, lab, keli) baaha iyo dhan walba u bixidda ay sameeyaan geedaha aan lahayn jirrid ay ku joogsadaan.
dagaag-ga: (magac, lab, keli) dad aan waxba haysan oo iska daadduun ah; gaajo iyo diihaal dartii la qaxid. Dagaalladii sokeeye waxay keeneen inay ummadu dagaag noqoto. Dh: daaduun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digaag
(Digaag-ga)
Diyaad; dooro; luki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digaag
m.l.u Shimbir aan duulin, la dhaqdo oo hilibkeeda iyo ukunteedaba la cuno; dooro; luki. la-mid: diyaad, diyaaj.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digaag
m.l.u Shimbir aan duulin, la dhaqdo oo hilibkeeda iyo ukunteedaba la cuno; dooro; luki. la-mid: diyaad, diyaaj.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digaag
m. n., [collective] poultry (e.g., chicken, duck)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digaag
-ga: (n) chicken (Ji-kin)-, poultry (pool-tari)-, fowl (faawl) ~ dooro
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Digaag
(I) Anatra, anche ogni altro anatide domestico;
(E) Duck, also any domestic Fowl
(S) Digaag (Prov. N.; Digąg)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digaag
-ga: (magac, lab, keli) jaad shinbiraha dadku dhaqdaan ka mid ah oo aan aad u duuli karin. Digaag badan ayaan dhaqday. Dh: luki, dooro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digaag
bw: Arabic
cf: diyaad
de: poultry (e.g., chicken, duck)
lx: digaag
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: digaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaal
-ka: (magac, lab, keli) gabbaad dhaxanta ama cadceedda laga galo. Dh: dugsi. Li: daleed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato muuqata oo baahi keentay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugow
(Duugow-ga)
1. Duugoobid; duugid.
2. Xabaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugow
duugow¹: m.l la-mid: dugoobid.
duugow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Duug noqosho (wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duugow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Duug noqosho (wax). m.f.dh, duugoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duugow
vl. n. depreciation, getting worn out, aging; burial
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugow
(fal) baali noqo; wax gaboobay noqo.
duugow -ga: (magac, lab, keli) mar walaxi baali noqoto oo uu muddo badan jiro. Dh: baaliyoow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duugow
de: depreciation, getting worn out, aging; burial Originally: state of no longer having its original value
lx: duugow
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: duugow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaafow
nickname; name-m ready, prepared, willing, predisposed. Syn: Gaafan, Gaafane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalow
gaalow¹: m.l Miro ka baxa geed abaareedka qaarkiis.
gaalow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Gaal noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Gaal noqosho. m.f.dh, gaaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalow
(fal) diinta islaamka ka bax oo gaal noqo.
gaalow -ga: (magac, lab, keli) diinta ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: ugaarso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaaro
v. hunt down, hunt for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaaro
-ugaartay I ugaaratay: (v) hunt (hanti); hunt wild animals (game)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaaro
(fal) ugaadh soo dabo ama dishoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaaro
de: hunt down, hunt for oneself
initial: u
lx: ugaaro
pd: (ugaartay)
ps: v3b=
syn: ugaarso
key: ugaaro
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ugaaso
name-f queen; boss; princess
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ugaaso
ama Ogaaso, magac loo baxsho gabadh haybad leh oo boqorad oo kale ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagaago
m.dh (-ooyin, m.l) Dhako.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagaago
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa inta u sarraysa. Dh: dhako.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bugalow
n., (large boat) baqlad, -di, dooni, -di, qanyad, -di.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curaago
(fal) «u ~» aad uga dhereg. Ka curaago caawaan sidii ceelka kuu dariye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagdago
-da: (magac, dhedig, keli) gogol ama aqal ay markaas kuugu horrayso ku seexanwaageeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaqo
m.dh Nabar weyn oo jirka gaaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubaaqo
m.dh Nabar weyn oo jirka gaaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) nabar madaxa ku dhaca oo dhaloonqo noqda ama lafaha madaxa oo meel qudha ka jaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxo
f.mg3 (-xay, -xatay) la-mid: dibaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubayow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Candho xoolaad oo caano ka dhammaadeen isku dhadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubayow
(fal) waran ama wax kale, mid dab lagu solay ahaw.
dubayow-ga: (magac, lab, keli) eeg dubayoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaali
(fal) wax, dugsi ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duwanow
f.mg3 (-naaday, -nnatay) Ka d.: wax aan wax kale la nooc ahayn noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duwanow
f.mg3 (-naaday, -nnatay) Ka d.: wax aan wax kale la nooc ahayn noqosho. m.f.dh, duwanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duwanow
inch. v. differ, be different
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duwanow
(fal) «ka ~» kuwa kale, la mid ha noqon.
duwanow: (fal) wax dhan u duwan ahaw. Jidka saxda ah ku duwanow. Dh: leexsanaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaago
f.g3 (-gtay, -gatay) Weel higaag ku dhuujisasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ufaayow
m.l.kh Cudur raagay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaayow
-ga: (magac, lab, keli) joogtoobidda xanuun iyo wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uskagow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Uskag yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagow
(fal) eeg uskagaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uugaabo
(Uugaaba-da)
Guubaabo; tirtirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaabo
m.dh Qaylo kicin iyo tirtirsi leh oo dad loo jeediyo; guubaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaabo
-da: (magac, dhedig, keli) guubaabo iyo tirtirsiin. Hoggaamiyuhu uugaabo ayuu la dhex joogay ciidanka. Dh: guubaabo, tirtirsi, uugaamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uugaabo
de: agitation (political)
initial: u
lx: uugaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: uugaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaamo
m.dh la-mid: uugaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaamo
-da: (magac, dhedig, kel) eeg uugaabo.
uugaamo-da: (magac, dhedig, keli) isku duubnida tiro dad ah ama xoolo wadar ahaan degdeg ugu jiro oo dhan isku raaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugaagid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la jiritaankiisa la tirtirid, cayntiisa goyn. Dh: cidhibtirid, baabbi'in, xasuuqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaag_1
de: migrant, refugee; destitute person
hm: 1
lx: dagaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dagaag_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaag_2
de: migrate; become destitute
hm: 2
lx: dagaag
pd: (dagaagay)
ps: v1=
key: dagaag_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaagid
(Dagaagid-da)
Gaajo iyo diihaal darti la qaxid; dalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaagid
m.f.dh eeg dagaag². la-mid: dagaag¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) baahid oo dhulka ku dul ballaadhasho; sida ay u baxaan geedaha aan jirridda lahayn sida xabxabka. Dh: dagaagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagul
-ka: (magac, lab, keli) marka qofka foolxumo wakhti keentay ahi ka muuqato.