dufaysani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufaysani
-da: (magac, dhedig, keli) hiigsamid iyo dullaysani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufaysan
(qof) duf qaba ama duf ku baxay; Alle doorshey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la dufeeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufaysan
der. [adjective] gone from good to bad, degraded; humiliated, disgraced
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dufaysan
(adj) disgraced (dis-graysidh); degraded (di-gareeydhidh) ~ liita
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufaysan
(tilmaame) wax baaba'san oo la xumeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufaysan
de: gone from good to bad, degraded; humiliated, disgraced
lx: dufaysan
pd: (dufaysnaa)
ps: adj-der
key: dufaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaysani
-da: (magac, dhedig, keli) mid dulli qaba ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaysani
-da: (mafac, dhedig, keli) wax la xaqiray oo dulleeyey ahaan. Dh: dullaysanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysani
-da: (magac, dhedig, keli) af wax gooya lahaansho, Birtan afaysanideeda waan ka yaabnay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufaysan
cufaysan¹: f.mg1 (-samay, -santay; -smi) la-mid: gufeysan¹.
cufaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: gufeysan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufaysan
(tilmaame) wax cufan ah; meel gufaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ducaysan
-aa / ayd: (adj) blessed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ducaysan
(tilmaame) qof loo duceeyey oo doobir qaba.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gufaysan
-aa: (adj) corked (koorkidh); plugged (palaagidh); sealed (siilidh)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufaysnaan
(Dufaysnaan-ta)
Qof dufaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufaysnaan
m.f.dh eeg dufaysan. la-mid: dufaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufaysnaan
f. n., [abstract] degradation; humiliation, state of being disgraced
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dulli iyo basaas qaba ahaan. Dufaysnaan badan baa dushiisa ka muuqatay markaan bariidiyey shalay.
dufaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax la dufeeyey oo bul loo yeelay ahaan. Maydhaxda kebedda laga sameeyo dufaysnaanta waa loogu talagalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufaysnaan
de: degradation; humiliation, state of being disgraced
lx: dufaysnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dufaysnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdaysani
-da: (magac, dhedig, keli) lulaysani ama gama'san.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufayn
(Dufayn-ta)
1. Si hore oo fiicnayd si danbe oo xun ka dhigid; baabba' ka yeelid.
2. (qof) wax duf qaba ama dufoobey ka dhigid; dhogortiisa rogid; doorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufayn
m.dh eeg dufee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dullayn oo wax horay u fiicnaa xumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax qadhmuun ka dhigasho. Ku maad ku xumaynaysa wax ufaysigan badheedhka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaysan
Af leh; soofaysan; lisan; looshan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysan
afaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax af leh noqosho.
afaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax af leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afaysan
der. [adjective] sharp, sharpened
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afaysan
aigu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysan
(tilmaan) af wax jara leh; wax soofaysan ahaan. Waran afaysan baad soo iibsatay. Dh: lisan, looshan, soofaysan. Li: saawir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afaysan
de: sharp, sharpened
lx: afaysan
pd: (afaysnaa)
ps: adj-der
syn: soofaysan
key: afaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afaysani. afayso: (fal) mindi iyo wax la mid ah af u yeelo. Dh: soofayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudsani
-da: (magac, dhedig, keli) mid dudmo ku maqan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufaysi
m.l la-mid: gufaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax qadhmuun ka dhigasho. Wax ufaysadkiisa ayaa aad u badan. Dh: ufaysasho, ufaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaysan
(tilmaame) qof ama wax kale oo cillad iyo dhib gaar ah qaba. Dh: ibtilaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax bul loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulaysan
der. [adjective] furnished with bows ~ a fringe, tasseled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaysan
(tilmaame) ah ul ama wax kale oo bul leh. Cidaad bulaysan ma haystaa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulaysan
de: furnished with bows ~ a fringe, tasseled
lx: bulaysan
pd: (bulaysnaa)
ps: adj-der
key: bulaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaysan
(tilmaame) wax kooraamaysan ama wax dab leh ama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaysan
(tilmaame) wax quruxsan. Maradu way dalaysan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysan
f.mg4 Wax wax kale lagu daray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysan
(tilmaame) dan ayuu leeyahay. Reerku wuu danaysan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhadhankoodii iyo urtoodii doorsantay ahaansho (biyo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diqaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhadhankoodii iyo urtoodii doorsantay ahaansho (biyo). m.f.dh, diqaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqaysan
(tilmaame) wax halkii uu ku jiray laga guray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof duco ku dhacday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duceysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof duco ku dhacday ahaansho. m.f.dh, duceysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duceysan
der. [adjective] blessed, holy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceysan
(tilmaame) mid duco qaba oo khayrfalaw ah. Li: habaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duceysan
de: blessed, holy
lx: duceysan
pd: (duceysnaa)
ps: adj-der
key: duceysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceysni
-da: (magac, dhedig, keli) mid duco iyo khayrqaba ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dureysan
Durey hayo; hargabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dureysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax durey hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dureysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax durey hayo ahaansho. m.f.dh, dureysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dureysan
der. [adjective] having a cold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dureysan
-aa: (adj) having a cold; having caught a head cold; having catch a cold ~ hargabsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dureysan
de: having a cold
lx: dureysan
pd: (dureysanaa)
ps: adj-der
key: dureysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaysan
(tilmaame) fur gashan yahay; la fureeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futaysan
(tilmaame) wax la futeeyey oo xashan; wax rufaagan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufaysad
m.l la-mid: gufaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gufeysan
Furaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufeysan
gufeysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smid) Wax la gufeeyey noqosho. la-mid: cufaysan¹.
gufeysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax guf loo yeelay ahaansho. la-mid: cufaysan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gufeysan
der. [adjective] plugged
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufeysan
(tilmaame) wax guf loo yeelay ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gufeysan
de: plugged
lx: gufeysan
ps: adj-der
key: gufeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubaysan
hubaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata noqosho. 2. Cid arrad tiran noqosho.
hubaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata ahaansho. 2. Cid arrad tiran ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubaysan
hubaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata noqosho. 2. Cid arrad tiran noqosho. m.f.dh, hubaysmid.
hubaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata ahaansho. 2. Cid arrad tiran ahaansho. m.f.dh, hubaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubaysan
der. [adjective] armed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubaysan
-aa: (adj) equiped with weapons; armed (aarmidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubaysan
(tilmaame) mid qalabkii dagaalka sita; qalabaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubaysan
de: armed Alt sp: hubeysan
lx: hubaysan
pd: (hubaysnaa)
ps: adj-der
key: hubaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafaysan
Lafaha madaxa wax laga yeelay; la lafeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof lafaha madaxa wax laga yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafaysan
der. [adjective] having a fractured skull, with cranial bones fractured
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafaysan
(tilmaame) lafaha madaxa wax laga yeelay oo la lafeeyey.
lafaysan: (tilmaame) aad u weydsan oo itaal daran. Neef lafaysan qiimo fiican laguma iibsado. Dh: caataysan, weydsan. Li: naaxsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafaysan
de: having a fractured skull, with cranial bones fractured
lx: lafaysan
pd: (lafaysnaa)
ps: adj-der
key: lafaysan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mutaysan
der. [adjective] worthy, deserving
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mutaysan
cf: mudan, mudo
de: worthy, deserving
lx: mutaysan
pd: (mutaysnaa)
ps: adj-der
key: mutaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof oofi hayso ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofaysan
(tilmaame) qof oofi hayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusaysan
(tilmaame) timo iyo wixii la mid ah, kuwo la gaagaabiyay. Dh: gaagaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumaysan
Run u qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumaysan
f.g4 (-snaa, -snayd) Qof wax aaminsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rumaysan
f.g4 (-snaa, -snayd) Qof wax aaminsan ahaansho. m.f.dh, rumaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rumaysan
der. [adjective] believing, having faith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rumaysan
-rumaysnaa/rumaysnayd: (adj) believing (biliiv-ing) or trusting (tarasting); convinced, persuaded, trustful ~ citiqaadsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumaysan
(tilmaame) dhab u qirsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rumaysan
a: rumeysan
de: believing, having faith
lx: rumaysan
pd: (rumaysnaa)
ps: adj-der
key: rumaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safaysan
safaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) la-mid: sifaysan¹.
safaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: sifaysan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysan
(tilmaame) la safeeyey, laga shaqeeyey: nadiifsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifaysan
sifaysan¹: f.mg1 (sifaysmay, sifaysantay; sifaysmi) 1. Wax nadiif ah noqosho. 2. Wax kala miirmay noqosho. la-mid: safaysan¹.
sifaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la nadiifiyey ahaansho. 2. Wax la sharxay ahaansho. la-mid: safaysan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sifaysan
sifaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Wax nadiif ah noqosho. 2. Wax kala miirmay noqosho. m.f.dh, sifaysmid. la-mid: safaysan.
sifaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la nadiifiyey ahaansho. 2. Wax la sharxay ahaansho. m.f.dh, sifaysnaan. la-mid: safaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sifaysan
-sifaysnaa / sifaysnayd: (adj) refined (rifaaynidh); purified (piy-uuri-faayidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifaysan
(tilmaame) tilmaaman; sharraxan.
sifaysan: (tilmaame) wax la safeeyey ahaan. Weel sifaysan wax noogu soo riid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la sumeeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sumaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la sumeeyey ahaansho. m.f.dh, sumaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumaysan
der. [adjective] poisoned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumaysan
-sumaysnaa / sumaysnayd: (adj) poisoned (pooy-sinidh); poisonous (pooy-sinas); toxic (tok-sik) ~ sun leh