dufantirasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufantirasho
m.f.dh eeg dufantiro. la-mid: dufantirad, dufantiryo (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufantirasho
-da: (magac, dhedig, keli) dufan iska tirid oo iska masaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufantiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Dufan iska tirid (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufantiro
v., [compound] clean grease off; wipe one's mouth clean
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufantiro
(fal) dufan iska masax; afmarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufantiro
de: clean grease off; wipe one's mouth clean
lx: dufantiro
nt: dufantiryo (/da) [vn6-f]
pd: (dufantirtay)
ps: v3b=cmp
key: dufantiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufantirad
m.l la-mid: dufantirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufantiryo
(Dufantirya-da)
1. Dufan iska tir.
2. Dheef ama cunno aad u yar; dhaarshil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufantiryo
m.dh 1. la-mid: dufantirasho. Tiridda dufan layska tiro. 2. Dufandawaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufantiryo
-da: (magac, dhedig, keli) dufan ama cunto kooban oo yar. Dh: dhaarshil. dufay: (tilmaame) madhay oo hiigmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaltirasho
(Daaltirasha-da)
Si daalku ku ba'o, ku kicid; nasasho; bojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirasho
m.f.dh eeg daaltiro. la-mid: daaltirad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaltirasho
vl. n. act of resting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaltirasho
-da: (magac, dhedig, keli) daal hore kuu gaadhay iska saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaltirasho
de: act of resting
lx: daaltirasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daaltirasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayactirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dayacnaa hagaajisasho oo wixii ka dhinnaa u dhammaystirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyatirasho
-da: (magac, dhedig, keli) daryeelasho oo baylahda ka dhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftirasho
m.f.dh eeg aftiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftirasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aftirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufantire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Cad maro ah oo afka iyo faraha la isaga tiro cunnada ka dib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dufantire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Cad maro ah oo afka iyo faraha la isaga tiro cunnada ka dib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufantire
-ha: (magac, lab, keli) afmaris lagu masaxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasirasho
m.f.dh eeg fasiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasirasho
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog macnaysasho oo cadcaddaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raatirasho
-da: (magac, dhedig, keli) qarinta raadka si cid looga dhuunto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arratirasho
(Arratirasha-da)
Dhar lagu arradbaxo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arratirasho
m.f.dh eeg arratiro. la-mid: arradtirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arratirasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg arradbax.
arratirasho -da: (magac, dhedig, keli) dhar fiican gadasho ama cid kale u gadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buntirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar, buntirsad samayn. Buntirsasho u joog beenna ka fogow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaxirasho
m.f.dh eeg dabaxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharxirasho
m.dh eeg dharxiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharxirasho
-da: (magac, dhedig, keli) labbisasho oo dhar huwasho. Dadku way kala dharxirasho qurux badan yihiin. Dh: labisasho, dharxidhasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
factirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, la gu'tirsasho. Dh: factirsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadtirasho
m.f.dh eeg raadtiro.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
daal tirasho
relaxation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gagabtirasho
-da: (magac, dhedig, keli) nabar lagu gagabay ka soo nayaayirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqantirasho
m.f.dh eeg sharqantiro. la-mid: sharqantirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrad-tirasho
m.dh la-mid: arratirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danfariisasho
m.f.dh eeg danfariiso. la-mid: banfariisad, banfariisasho, danfariisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufaysnaansho
m.l/dh la-mid: dufaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dufaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamuuntirasho
(Hamuuntirasha-da)
Hamuuntir cunid; hamuunta iska bi'in; quraacasho; afbilaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuuntirasho
m.f.dh eeg hamuuntiro. la-mid: hamuuntirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuuntirasho
-da: (magac, dhedig, keli) hamuunta iska bi'in ama quraacasho; hamuuntir cunid. Dh: qandhuufbi'in, hamuuntir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqartirasho
m.dh la-mid: shanqartirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayactirnaansho
m.l/dh la-mid: dayactirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayactirnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dayactirnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifaftirnaansho
m.l/dh la-mid: tifaftirnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxirasho
m.f.dh eeg afxiro.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
antipasto
s.m. halaqjafle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaarasho
(Dhaarasha-da)
Dhaar marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarasho
m.f.dh eeg dhaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarasho
vl. n. act of swearing, taking an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaarasho
-dhaarashada: (n) swearing (sweeting)-, oath-giving; vow (wow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhaar gali. Magaca Eebbe marid. Dh: dhaarad.
dhaarasho -da: (magac, dhedig, keli) si aad u hubiso inaad run sheegaysid, wax kugu weyn oo aad rumaysan tahay ku adkayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarasho
de: act of swearing, taking an oath
lx: dhaarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhaarasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawrasho
-da: (magac, dhedig, keli) daryeelasho oo daranyada ka dhabasho. Dhawrashada baylahdaada cid ha ku hallayn.
dhawrasho-da: (magac, dhedig, keli) yaryaraysasho oo kolba inta looga baahan yahay uun ka isticmaalid. Biilku waa hore ayuu iga dhammaan lahaaye dhawrasho ayaan maanta ku soo gaadhsiiyay. Dh: tashiilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawirasho
(Kawirasha-da)
Hab gaar ah oo kawir loo yaqaan oo dumarku timaha u firto, u firasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawirasho
m.f.dh eeg kawiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawirasho
-da: (magac, dhedig, keli) doon, meeshii la rabay oo ay u socotay ka weecsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirasho
m.f.dh eeg qayiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax uf ah ka dhigasho; wax qadhmuun ka dhigasho. Dh: ufaysad, ufaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ugaarasho
(Ugaarasha-da)
Ugaar doonasho; ugaar raadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarasho
m.f.dh eeg ugaarso. la-mid: ugaarsasho, ugaarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaarasho
vl. n. hunting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaarasho
-ugaarashada: (n) hunting (han-tin-ing); the act of hunting ~ ugaarsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh soo dabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaarasho
a: ugaarsasho
de: hunting
initial: u
lx: ugaarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ugaarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtirsasho
(Abtirsasha-da)
Aabbeyaal iyo awooweyaal badan oo isku xiga magacyadood sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsasho
m.f.dh eeg abtirso. la-mid: abtirsad, abtirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) sheegista magacda nasabka aabbaha ku dhalay iyo aabbayaashiisii ka horreeyay. Abtirsashadu waa dhaqan soojireen ah. Dh: abtirsi, abtirsad, abnaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbirasho
-da: (magac, dhedig, keli) walax inta ay tahay qiyaasasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbisasho
m.f.dh eeg dabbiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalbarasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka qofku deegaanno u marayo si uu korodhsado aqoontooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damiinasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, damiin ka noqosho. Damiinasho ayaa lagu soo daayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysasho
(Danaysasha-da)
(qof) danihiisa qabsasho; dan moodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysasho
m.f.dh eeg danayso. la-mid: danaysad, danaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waxaad dantaada gaarka ah u arkaysid ku foognaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurasho
m.f.dh eeg daruuro². la-mid: daruurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deganaasho
-ha: (magac, lab, keli) eeg deganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansasho
(Dhaansasha-da)
Rati ama wax kale oo weel biyood saaran yahay, ceel ama webi ama meel kaloo biyo ku jiraan geyn oo biyo ku soo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansasho
m.f.dh eeg dhaanso. la-mid: dhaansad, dhaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo u aroorid oo soo dhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacarasho
(Dhacarasha-da)
Dhul oomane ah oo dhacar leh, xoolo ku hayn oo ku dhaqaalayn; dhacar daaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarasho
m.f.dh eeg dhacaro. la-mid: dhacarad, dhacarsad, dhacarsasho, dhacarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacarasho
vl. n. grazing on good pasture (in arid area)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhirta oo la calashado marka la harraado ama xoolaha qaadhaanta la daajiyo iyada oo biyaha laga raajinayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacarasho
a: dhacarad (ka) [vn2-m]
de: grazing on good pasture (in arid area)
lx: dhacarasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: dhacarasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirdirasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad qof u adegsanaysid si celcelis ah. Dirdirasho ayaad ilmaha yar ku kadeeday ee ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxasho
m.dh la-mid: dibaaxasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ducaysasho
-da; (n) the act of praying (pareey-ing) ~ Ilaah baryid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duraamasho
-da: (magac, dhedig, keli) baryo is jilcini ku jirto. Dh: durraansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durjisasho
m.dh la-mid: durugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanaysasho
m.f.dh eeg fanayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) faras ama, wax la mid ah, dhankiisa danbe fuulitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farbarasho
m.dh 1. Barashada qoridda iyo akhrinta ee af. 2. Aqoonta qaabbilsan qurxinta habka qoridda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farbarasho
m.dh 1. Barashada qoridda iyo akhrinta ee af. 2. Aqoonta qaabbilsan qurxinta habka qoridda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farbarasho
vl. n., [compound] learning to write; literacy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farbarasho
-da: (magac, dhedig, keli) barashada sida wax loo qoro ama loo akhriyo. Buuggani waa kii farbarashada. Dh: feegar.