duddeyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aqal Soomaali loo samaynayo fadhiisin gudaha ah. Aqalku dudeyn wanaagsan u samee. Dh: dahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muddeyn
(Muddeyn-ta)
Muddo ama waqti u yeelid, u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddeyn
m.f.dh eeg muddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) jadwalayn oo wax walba muudd uu dhacayo xaddidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quddeyn
m.f.dh eeg quddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duceyn
(Duceyn-ta)
Duco akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceyn
m.f.dh eeg ducee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceyn
-ta: (magac, dhedig, keli) Ilaahay baryid oo duco sacabbada u taagid. Dh: ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duddun
(Duddun-ta)
Taallo adag oo kolkol aad u dheer oo jaad aboorka kamid ahi samaysto; wuxuu ka dhisaa ciid candhuufo lagu qooyey; duddumo; (ama dundun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duddun
m.l/dh (-ooyin, m.l) Taallo dhoob adag ka samaysan, godad leh oo nooc aboorka ka mid ahi candhuuftiisa ku dhiso. la-mid: duddumo, dundumo, dundun³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duddun
m.l/dh (-ooyin, m.l) Taallo dhoob adag ka samaysan, godad leh oo nooc aboorka ka mid ahi candhuuftiisa ku dhiso. la-mid: duddumo, dundumo, dundun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duddun
f. n. ant hill, termite mound
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duddun
-ta: (n) anthill ~ duddumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Duddun
magac loo baxsho wiil ku garab dhashay duddun. Waxa kale ee loo baxshaa wiil dhashay isaga oo buurri darteed dundumo la moodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duddun
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid uu aboorku qandhuuftiisa ku qooyo oo inta uu dhoobo ka dhigo, dhis weyn ka sameeyo. Duddun dheeraataaba way dumi. Dh: dundumo, dudumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duddun
a: dundumo ~ dundun
de: ant hill, termite mound
lx: duddun
pd: (-ta Pl: duddumo (/ha))
ps: n1-f
key: duddun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqeyn
m.f.dh eeg duqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hub waaweyn bartilmaameed ku garaacid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sudden
/sadhan/ (adj) kadis ah (si kada ah u dhaca).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caddeyn
Proof
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddeyn
vl. n. proof, evidence, statement, declaration, explanation, clarification
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddeyn
de: proof, evidence, statement, declaration, explanation, clarification
lx: caddeyn
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: caddeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubbeyn
(Dubbeyn-ta)
(bir; kd.) dubbe la dhicid; isku duwduwid; isku dubbarridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbeyn
m.f.dh eeg dubbee. la-mid: dubbeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) walax, dubbe la dhicid oo ku garaacid. Birtu dubbaynta way ku faaxdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulleyn
(Dulleyn-ta)
Dulli ku ridid; dulli badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulleyn
m.f.dh eeg dullee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dusmeyn
(Dusmeyn-ta)
Meelo badan ka dusdusid; hadba meel ka soo bixid; qolqolid; mulacyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dusmeyn
m.f.dh eeg dusmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof geeriyooday, axan iyo sadaqad raacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) muddo ama wakhti u yeelid, bal dambe u dhigid. Dh: muddays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddeyn
m.f.dh eeg siddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraddeyn
(Buraddeyn-ta)
(u buraddeyn) Dheeri siin; u badin; u burin; buraddeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraddeyn
m.f.dh eeg buraddee. la-mid: buraddeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) u burin oo u badin; wax siyaado ah hoos u siin. Buraddeynta dadka ha barin.
buraddeyn -ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) dheeri siin, u biirin, u badin. Caddaalad ku shagee oo burraddeyn qofna ha siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax wakhti ama muddo loo qabtay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muddeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax wakhti ama muddo loo qabtay ahaansho. m.f.dh, muddeysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muddeysan
der. [adjective] having an appointment; with a fixed term ~ due date; postponed, deferred
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddeysan
(tilmaame) jadwalaysan oo muddooyin xaddidan leh. Hawl muddaysan lama degdesado
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muddeysan
de: having an appointment; with a fixed term ~ due date; postponed, deferred
lx: muddeysan
pd: (muddeysnaa)
ps: adj-der
key: muddeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adyadeyn
m.f.dh eeg adyadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adyadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, afka ku dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadeyn
m.dh la-mid: cadcadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xisaabin; cadad sheegid. Dh: tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadweyne
m.l Ummad inteeda la xukumo ee aan maamulka siyasiga wax ka hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadweyne
m.l Ummad inteeda la xukumo ee aan maamulka siyasiga wax ka hayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadweyne
m. n., [collective], [compound] public, population, people
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dadweyne
-ha: (n) population (popileey-shin) the common people; society (so-saayati)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dadweyne
Pubblico
Public
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadweyne
-ha: (magac, lab, keli) dad isku hal dal ama magaalo wada deggan oo isku dan ah. Dh: bulsho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadweyne
de: public, population, people
lx: dadweyne
pd: (/ha)
ps: n7-m-col-cmp
key: dadweyne
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deddejin
(Deddejin-ta)
Degdeg u samayn; ku dhaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddejin
m.dh la-mid: dedgejin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deddejin
-ta: (n) acceleration (ak-sala-reey-shin); haste (heeyst); hurry (heeri); speed up (ispiidh-ap)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddejin
-ta: (magac, dhedig, keli) si degdeg ah u samayn. Dh: deddejis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqmeyn
m.f.dh eeg dhuqmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ridgitaanka hilibka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fududayn
(Fududayn-ta)
Fudayd ama wax fudud ka dhigid; culayska iyo dhibta ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududayn
m.f.dh eeg fududee. la-mid: fudaydin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fududayn
Simplification
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fududayn
f. n. easing, lightening; simplification; privilege, advantage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fududayn
-ta: (n) the act of making easy; simplification (simplifikeey- shin); facilitate (fasi li teyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl mid sahlan ka dhigid, hawsha, mid fudud oo dhib yar ka dhigid. Dh: fududays.
fududayn -ta: (magac, dhedig, keli) culayska miisaanka wax ka dhimid. Dh: fududays.
fududayn-ta: (magac, dhedig, keli) si sahlan u dhigid. 1/2 waa fududaynta 5/10.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fududayn
de: easing, lightening; simplification; privilege, advantage Alt sp: fududeyn
lx: fududayn
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: fududayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeddeyn
m.dh la-mid: geddiggelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooddeyn
e.d Jawaabta loo celiyo qofka yiraahdo hooddi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooddeyn
e.d Jawaabta loo celiyo qofka yiraahdo hooddi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooddeyn
inter. come in! (response to a request to enter one's house)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dibindaabyeyn; luggoyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooddeyn
a: hoodeyn
de: come in! (response to a request to enter one's house)
lx: hooddeyn
ps: intj
key: hooddeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khudbeyn
m.f.dh eeg khudbee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiddeyn
(Shiddeyn-ta)
Shiddo gaarsiin, badid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiddeyn
m.f.dh eeg shiddee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiddeyn
-ta: (n) the act of annoying someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddo gaarsiin: shiddo badid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siiddeyn
(Siiddeyn-ta)
Wax la hayo faraha ka qaadid, ka wareegid, oodda ka rogid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Siiddeyn
Rilasciamento
Release
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la hayo faraha ka qaadid, ka wareegid, oodda ka rogid: siiddeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcaddeyn
m.f.dh eeg cadcaddee. la-mid: cadcaddeys (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabeyn
m.f.dh eeg daddaabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaddigeyn
m.dh la-mid: dheddigeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaddigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh yar xalaalayn oo baarada ka jarid. Dh: gudid.
dhaddigeyn -ta: (magac, dhedig. keli) dhedig badan oon lab ku jirin dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheddigeyn
(Dheddigeyn-ta)
Dheddig ka dhigid; dheddig keliya dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheddigeyn
m.f.dh eeg dheddigee. la-mid: dhaddigeyn, dhiddigeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddigeyn
m.dh la-mid: dheddigeyn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fududeysan
Simplified
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoodaddeyn
m.f.dh eeg hoodaddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luncaddeyn
m.f.dh eeg luncaddee. la-mid: luncaddeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munaaddeyn
m.dh la-mid: muraaddeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaaddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawaaqid; cid cod dheer ugu yeedhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraaddeyn
m.f.dh eeg muraaddee. la-mid: munaaddeyn, munaaddo, muraaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaaddeyn
(Wadaaddeyn-ta)
Wadaad iska dhigid, isu ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaaddeyn
m.f.dh eeg wadaaddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deyn
1. (Deyn-ka) a) Wax (lacag, kd.) qof qabo oo qof kale ama dad kale ka qabo; gashi. b) Jar, haadaan, laag.
2. (Deyn-ta) Dhaafid, ka aalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyn
deyn¹: m.l (-no, m.l) 1. Lacag iyo wixi lamida oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar.
deyn²: m.f.dh eeg daa. la-mid: dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deyn
m.l (-no, m.l) 1. Lacag iyo wixi lamida oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar. la-mid: dayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deyn
Credit, Debt
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deyn
Loan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deyn
f. n./m: debt; debit, credit, liabilities
deyn vl. n. abandoning, leaving; letting someone alone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deyn
-ta/ka: (n) loan (loown); credit (kare-dit); debt (dheet), liability (laaya-biliti); something owing; mortgage (moor-geeyj) ~ amaah