duceyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duceyn
(Duceyn-ta)
Duco akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceyn
m.f.dh eeg ducee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceyn
-ta: (magac, dhedig, keli) Ilaahay baryid oo duco sacabbada u taagid. Dh: ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ducayn
-ta: (magac, dhedig, keli) Eebbe baryid iyo wax waydiisigiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqeyn
m.f.dh eeg duqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hub waaweyn bartilmaameed ku garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarid
(Habaarid-da)
Qof, kd., wax xun ugu duceyn; inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof duco ku dhacday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duceysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof duco ku dhacday ahaansho. m.f.dh, duceysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duceysan
der. [adjective] blessed, holy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceysan
(tilmaame) mid duco qaba oo khayrfalaw ah. Li: habaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duceysan
de: blessed, holy
lx: duceysan
pd: (duceysnaa)
ps: adj-der
key: duceysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceysni
-da: (magac, dhedig, keli) mid duco iyo khayrqaba ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacweyn
m.f.dh eeg dacwee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ashkato ka gudbin oo eed ka sheegasho. Dh: ashkatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubbeyn
(Dubbeyn-ta)
(bir; kd.) dubbe la dhicid; isku duwduwid; isku dubbarridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbeyn
m.f.dh eeg dubbee. la-mid: dubbeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) walax, dubbe la dhicid oo ku garaacid. Birtu dubbaynta way ku faaxdaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceeye
-ha: (magac, lab, keli) qof dadka alle u barya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duceysi
(Duceysi-ga)
Duceysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceysi
m.l la-mid: duceysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duceysi
vl. n. act of prayer, praying for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceysi
-ga: (magac, lab, keli) Ilaahay baryid oo wax wanaagsan weydiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duceysi
a: duceysad (ka) [vn2-m], duceysasho (/da) [vn6-f]
de: act of prayer, praying for oneself
lx: duceysi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: duceysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Eebbe khayr weyddiisasho. 2. Ka d.: cid duco ka kasbasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duceyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Eebbe khayr weyddiisasho. 2. Ka d.: cid duco ka kasbasho. m.f.dh, duceysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duceyso
v. pray for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceyso
(fal) Ilaahay wanaag bari xumana ka magan gal. Allaa deeq hayee duceyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duceyso
de: pray for oneself
lx: duceyso
pd: (duceystay)
ps: v3b=
key: duceyso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aqal Soomaali loo samaynayo fadhiisin gudaha ah. Aqalku dudeyn wanaagsan u samee. Dh: dahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulleyn
(Dulleyn-ta)
Dulli ku ridid; dulli badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulleyn
m.f.dh eeg dullee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dusmeyn
(Dusmeyn-ta)
Meelo badan ka dusdusid; hadba meel ka soo bixid; qolqolid; mulacyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dusmeyn
m.f.dh eeg dusmee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gucleyn
(Gucleyn-ta)
Xusulduubid; rucleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gucleyn
m.f.dh eeg guclee. la-mid: gucleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rucleyn
(Rucleyn-ta)
Orod rucle ah, ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rucleyn
m.f.dh eeg ruclee. la-mid: rucleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deyn
1. (Deyn-ka) a) Wax (lacag, kd.) qof qabo oo qof kale ama dad kale ka qabo; gashi. b) Jar, haadaan, laag.
2. (Deyn-ta) Dhaafid, ka aalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyn
deyn¹: m.l (-no, m.l) 1. Lacag iyo wixi lamida oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar.
deyn²: m.f.dh eeg daa. la-mid: dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deyn
m.l (-no, m.l) 1. Lacag iyo wixi lamida oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar. la-mid: dayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deyn
Credit, Debt
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deyn
Loan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deyn
f. n./m: debt; debit, credit, liabilities
deyn vl. n. abandoning, leaving; letting someone alone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deyn
-ta/ka: (n) loan (loown); credit (kare-dit); debt (dheet), liability (laaya-biliti); something owing; mortgage (moor-geeyj) ~ amaah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyn
-ka: (magac, lab, keli) meel buurta ka mid ah oo hoos u go'an lagana gudbi karin. Dh: qaw, jar.
deyn -ka: (magac, lab, keli) wax la is amaahiyo oo dib laysugu celiyo. Dh: amaah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dicey
/dhaysi/ (adj) khatar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ducee
f.mg2 (-ceeyay, -ceysay) Eebbe khayr ka dalbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ducee
f.mg2 (-ceeyay, -ceysay) Eebbe khayr ka dalbid. m.f.dh, ducayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ducee
v. pray, bless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ducee
-yey / duceysay: (v) pray (pareey); say or recite a prayer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ducee
(fal) Eebbe bari; Rabbi tuug. Li: habaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ducee
bw: Arabic
cf: duco
de: pray, bless
lx: ducee
pd: (duceeyey)
ps: v2b=
key: ducee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugey
Dugey!
Erey qofkii dhibaato weyni gaarto uu yiraahdo: jabay! hoogey! ba'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugey
e.d Erey qofkii dhibaato weyni gaarto uu yiraahdo; jabay!; hoogey!; ba'ay!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugey
inter. ouch!; ah!; heck!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugey
erey uu ku calaacalo ama uu ku ooyo qof ay dhib weyni ku dhacday. Dh: jagay! hoogay! ba'ay! ba'ayaalay!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugey
de: ouch!; ah!; heck! expression of pain, unpleasant surprise or consternation
lx: dugey
pd: (dugay)
ps: intj
key: dugey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqey
m.dh.w eeg duq 1 (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqey
-da: (n) [plural of duq-a] elders (eldheris)', council of elders
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durey
(Durey-ga)
Xanuun dhuumaha neeftu marto gudo-ujeeddadooda hoose qabta siiba sanka iyo hunguriga oo aalaa hindhiso iyo duuf wata; hargab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durey
m.l Hargab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durey
m.l (daaw.) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.
durey: m.l Hargab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durey
m. n. cold, headcold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durey
-ga: (n) common cold; flu (fuluu); influenza (infuluuweensa); cold (kooldhi)-, coryza (koraayza) ~ ifilo, hargab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durey
de: cold, headcold
lx: durey
pd: (-ga)
ps: n-m
key: durey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bucayn
m.dh la-mid: bugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bureyn
m.f.dh eeg buree. la-mid: burareyn, burareys, bureys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bureyn
-ta: (magac, dhedig, keli) oogada noolaha oo gariirta xanuun ama qabow awgii. Bureyn ma leh neef hadduu bakhtiyo oo naftu ka uugaanto. Dh: dubaaxin, jarcayn, qadhqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacayn
(Dacayn-ta)
Biyo dac ah ku bi'in; biyo miir ah oo deggan qasid oo dac ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayn
m.f.dh eeg dacee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacayn
vl. n. state of overflowing, making water dirty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ceelka iyo darka inta u dhaxaysa biyo ku daadaadin. dacaynaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax dacayda ka xidhan ahaan. Awrka dacaynaanta ha ku deyne ka fur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacayn
cf: dac, dacee
de: state of overflowing, making water dirty
lx: dacayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dacayn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareyn
f. n. rapidity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daweyn
(Daweyn-ta)
Dawo ku samayn; cudur biskoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweyn
m.dh la-mid: daaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid jirran dawo u qorid ama siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
docayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aad meel aqalka ah aad dhinac u firkinaysid si loo helo meel intii hore ka ballaadhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufayn
(Dufayn-ta)
1. Si hore oo fiicnayd si danbe oo xun ka dhigid; baabba' ka yeelid.
2. (qof) wax duf qaba ama dufoobey ka dhigid; dhogortiisa rogid; doorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufayn
m.dh eeg dufee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dullayn oo wax horay u fiicnaa xumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dul sarraysa u yeelid.
dulayn -ta: (magac, dhedig, keli) dulli iyo xaqiraad badid oo u sabibi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumayn
m.f.dh eeg dumee. la-mid: dumays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad abaabulid oo soo ururin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dun, meel gelin sida irbad, shawlad ama faynuus.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqayn
-ta: (n) 1. the act of crashing (karaash-ing) or colliding (kolaydh-ing) ~ shilgalid 2. air raid-rusheyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax yaabis ahaa iidaan lagu daro. Dh: dufaneyn. duxbeel -ka: (magac, lab, keli) marka shay ka dhammaato nafaqadii uu lahaa. Dh: nafaqobbeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gufeyn
(Gufeyn-ta)
Weel afki ama meel kaloo daloosha ama furan, guf gelin, ku awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufeyn
m.f.dh eeg gufee. la-mid: cufayn, cufays, gufeys (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gujeyn
(Gujeyn-ta)
Gujo ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujeyn
m.f.dh eeg gujee. la-mid: gujeys, gujin, gujis (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jufeyn
m.f.dh eeg jufee. la-mid: jifeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jufeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bannaanayd, awdid oo cubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jugeyn
(Jugeyn-ta)
Jug gaarsiin; nabarro badan oo jug ah, ku dhufasho; garaacis; tumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugeyn
m.f.dh eeg jugee. la-mid: jugeys, jukeyn, jukeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jukeyn
m.dh eeg jukee. la-mid: jugeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugeyn
m.f.dh eeg lugee. la-mid: lugeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumeyn
m.f.dh eeg lumee. la-mid: lumeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubeyn
m.f.dh eeg qubee. la-mid: qabeyn, qabeys, qubeys.