ducayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ducayso
(fal) Ilaahay weydiiso wax fiican. Ducayso dadkana saamax. Dh: Allabari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Eebbe khayr weyddiisasho. 2. Ka d.: cid duco ka kasbasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duceyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Eebbe khayr weyddiisasho. 2. Ka d.: cid duco ka kasbasho. m.f.dh, duceysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duceyso
v. pray for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceyso
(fal) Ilaahay wanaag bari xumana ka magan gal. Allaa deeq hayee duceyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duceyso
de: pray for oneself
lx: duceyso
pd: (duceystay)
ps: v3b=
key: duceyso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammiinso
(fal) Allabari, duco iyo sab samayso.
aammiinso: (fal) Allabari la ducaynayay, 'aamiin' dheh. Dh: ducayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxayso
(fal) ducayso oo faataxada akhriso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbaanso
(fal) qurbaan samayso. Dh: ducayso,
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pray
v.tr., bari, ducay or ducee, ducayso, tuko, soo tuko; pray for, u tuko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax nishaabid. 2. (f.mg) Dhukaan qaadid (geel). 3. (f.mg) Garaad yeelasho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugayso
(fal) wax jira macluumo ka biirso oo xoghoosaad ka raadso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhukayso
-dhukaysaday / dhukay-satay: (v) remove the earwax from one's ear; clean one's ear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ducaysan
-aa / ayd: (adj) blessed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ducaysan
(tilmaame) qof loo duceeyey oo doobir qaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrayso
(fal) wax dhibso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayo
f.g3 (-yaday, -yatay) Neef, dacay ku xirasho (qof). la-mid: dacayeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubayo
m.dh Qaruhu marka uusan weli bislaan. la-mid: bicir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubayo
-da: (magac, dhedig, keli) waranka oo inta aan lagu dagaal galin dab la sii saaro si walacwalacda loo masaxo. Waran dubayo ah ayuu darbaday Suudi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ducayn
-ta: (magac, dhedig, keli) Eebbe baryid iyo wax waydiisigiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato muuqata oo baahi keentay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumays
m.l la-mid: dumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufayso
(fal) wax uf ah ka dhigo; wax qadhmuun ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Bun la shiilay cunid. 2. Saliid ama subag bun lagu shiilay marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bunayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Bun la shiilay cunid. 2. Saliid ama subag bun lagu shiilay marsasho. m.f.dh, bunaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bunayso
v.auto: eat fried coffee beans
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunayso
(fal) bun samayso, markaad jus Quraan ah dhammaysaba bun karso. Bunaysannay oo bunkii cunnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bunayso
de: eat fried coffee beans
lx: bunayso
pd: (bunaystay)
ps: v3b=auto
key: bunayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho. m.f.dh, danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danayso
v.auto: follow after one's interests, be opportunistic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danayso
-danaystay / danaysatay: (v) 1. be opportunistic (opar-junistik) 2. use something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danayso
(fal) dantaada ka raaco. Dantaada u dibjir oo danayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danayso
de: follow after one's interests, be opportunistic
lx: danayso
pd: (danaystay)
ps: v3b=auto
key: danayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ducasho
m.dh la-mid: docosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ducasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg docosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duceysi
(Duceysi-ga)
Duceysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceysi
m.l la-mid: duceysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duceysi
vl. n. act of prayer, praying for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duceysi
-ga: (magac, lab, keli) Ilaahay baryid oo wax wanaagsan weydiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duceysi
a: duceysad (ka) [vn2-m], duceysasho (/da) [vn6-f]
de: act of prayer, praying for oneself
lx: duceysi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: duceysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax ama qof iskala fac dhigid. la-mid: filayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
facayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax ama qof iskala fac dhigid. m.f.dh, facaysasho. la-mid: filayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
facayso
v. belong to the same set, be of the same age
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
facayso
-facaystay / facaysatay: (v) be of the same social class; act like one's own generation ~ filayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facayso
(fal) in uu qof kula fac yahay ku dood oo la factirso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
facayso
de: belong to the same set, be of the same age
lx: facayso
pd: (facaystay)
ps: v3b=
key: facayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax fur ku xirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax fur ku xirasho. m.f.dh, furaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furayso
v. put a lid ~ plug on for one's own benefit; obstruct
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furayso
(fal) meel bannaanayd, fur ama dabool gasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furayso
de: put a lid ~ plug on for one's own benefit; obstruct
lx: furayso
pd: (furaystay)
ps: v3b=tr
key: furayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufayso
f.g3 (-stay, -satay) Meel daloosha guf ku cufaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufayso
(fal) meel daloosha guf ku cufayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumayso
(fal) dad iyo dal aanad lahayn qabso oo u maamul sida aad doonto. Dh: isticmaarso, addoonso. Li: xorayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurayso
f.mg3 (-stay, -satay) Haweeney kur samaysasho; sagaalaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurayso
f.mg3 (-stay, -satay) Haweeney kur samaysasho; sagaalaysasho. m.f.dh, kuraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurayso
v.auto: hold a pre-delivery pregnancy ceremony
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kurayso
-kuraysatay: (v) hold a feast for women eight months pregnant praying for a safe delivery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurayso
(fal) kur samayso; sagaalayso; taraarayso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurayso
bw: kuraysad (ka) [vn-m], kuraysasho (/da) [vn-f], kuraysi (ga) [vn-m]
de: hold a pre-delivery pregnancy ceremony
lx: kurayso
pd: (kuraystay)
ps: v3b=auto
see: kur
key: kurayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: macaaneyso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macayso
v. sweeten something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macayso
(fal) wax macaan ka dhigo. Bunka macayso. Dh: macaanayso, sonkorayso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macayso
a: macaanayso
de: sweeten s.t. for oneself
lx: macayso
pd: (macaystay)
ps: v3b=tr
key: macayso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mutayso
v. deserve, merit, be worthy (of)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mutayso
-mutaystay / mutaysatay: (v) be worthy; deserve (dizeerv); merit (meer'it); qualify (kuwal 'afeey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutayso
(fal) wanaag gaadh oo xaq u yeelo. Inaad caalami noqoto mutayso. Dh: galabso, mudo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mutayso
de: deserve, merit, be worthy (of) Alt sp: muteyso
lx: mutayso
pd: (mutaystay)
ps: v3b=
key: mutayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubayso
(fal) jidhka maydho. Qubayso waad soo daashee. Dh: maydho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax jiritaankooda dhab u qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rumayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax jiritaankooda dhab u qaadasho. m.f.dh, rumaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rumayso
v.auto: believe, accept as true (for oneself)
rumayso: v. brush one's teeth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rumayso
-rumaystay / rumaysatay: (v) trust (tarast); believe (bi-liiv). Ex: waxaad tiri waan rumaystay; I believed what you said
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumayso
(fal) run u qaado. Rumayso warka at kuu sheegay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurayso
f.mg3 (-stay, -satay) Uur yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurayso
f.mg3 (-stay, -satay) Uur yeelasho. m.f.dh, uuraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurayso
(fal) uur yeelo. Dh: rin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ducaysasho
-da; (n) the act of praying (pareey-ing) ~ Ilaah baryid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayasho
m.f.dh eeg dacayo. la-mid: dacayeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayeyso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: dacayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Wax culus fudayd ka dhigasho. 2. Wax adag sahal ka dhigasho. la-mid: fudaydso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fududayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Wax culus fudayd ka dhigasho. 2. Wax adag sahal ka dhigasho. m.f.dh, fududaysasho. la-mid: fudaydso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fududayso
v. make something light; keep something easy; take lightly, belittle, undervalue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududayso
(fal) arrin, dhacdo iyo wixii la mid ah, wax fudud ka dhigo; culays ha iskaga dhigin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fududayso
a: fudaydso
de: make s.t. light; keep s.t. easy; take lightly, belittle, undervalue
lx: fududayso
pd: (fududaystay)
ps: v3b=tr
key: fududayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufayso
(fal) wax liita ka dhigo. Ha uduufaysanin wax lagu siiyay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumrayso
f.mg3 (-stay, -satay) Cimro gudasho. la-mid: cimrayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cumrayso
f.mg3 (-stay, -satay) Cimro gudasho. m.f.dh, cumraysasho. la-mid: cimrayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumrayso
(fal) cibaadada cimrada soo gudo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslayso
f.g3 (-stay, -satay) Hawl, arrin iyo wixi lamida wax culus oo dhib leh ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuslayso
f.g3 (-stay, -satay) Hawl, arrin iyo wixi lamida wax culus oo dhib leh ka dhigasho. m.f.dh, cuslaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaysho
f.mg3 (-shaday, -shatay) 1. Dhanka dabayshu ka imanayso, aadid. 2. Xoolo lumid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaysho
f.mg3 (-shaday, -shatay) 1. Dhanka dabayshu ka imanayso, aadid. 2. Xoolo lumid. m.f.l, dabayshad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaysho
(fal) xagga dabaysah u kac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallayso
f.g3 (-stay, -satay) Qof, wax uusan lahayn xalaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallayso
(fal) wanaag filo; khayr rajee. Weliga mustaqbalkaaga dallayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darrayso
f.g3 (-stay, -satay) Timaha darro marsasho. la-mid: tarrayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darrayso
(fal) timaha darro marso. Warfaa timaha ayuu darraystay.