dubburyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubburyo
(Dubburya-da)
Hafto; xuurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubburyo
m.dh la-mid: dibbiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubburyo
f. n. shortness of breath; a hold in wrestling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubburyo
-dubburyada: (n) excessive fullness of stomach with food or gas ~ dibiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubburyo
-da: (magac, dhedig, keli) afto nakhaska la soo saari kari waayo. Dh: xuurtood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubburyo
cf: hafto
de: shortness of breath; a hold in wrestling
lx: dubburyo
pd: (/da)
ps: n-f
key: dubburyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubburyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: dibbiryoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubburyoo
(fal) xuurtoo oo nakhasku ha kugu dhego. Dh: hiinraag, xuurtoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumburyo
-da: (magac, dhedig, keli) cagta oo xoog wax loogu dhufto. Dumburyada qarsoon iyo docdocaynta kala hadha, ka danbaxana kuma talin. Dh: harraati, laad, leed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubburyood
(Dubburyood-ka)
Haftood; xuurtood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubburyood
m.l la-mid: dibbiryood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubburyood
v.pat: be short of breath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubburyood
-ka: (magac, lab, keli) neefqabataw nakhaska la soo bixin kari waayo. Muquurtu waxay keeni kartaa dubburyood. Dh: neefqabatow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubburyood
de: be short of breath
lx: dubburyood
pd: (dubburyooday)
ps: v1=pat
see: dibbiryood
key: dubburyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafto
(Hafta-da)
Qof (ama nafley kale) oo orda ama si kale u cayaara ama u hawshooda, neefta ku ceshanta oo dabadeed xoog uga timaadda; neeftuur; xuurto; dubburyo, xiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiiqid
(Xiiqid-da)
Xiiq qabasho; xuurtood; dubburyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbiryood
m.f.l egg dibbiryoo. la-mid: dubburyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafto
-da: (magac, dhedig, keli) heshiis ay wada galaan kan wax iibsaday iyo kan laga iibsaday oo wixii lala kala wareegi lahaa aan markiiba la bixine, si kala durugsan lagu bixbixiyo. Dh: hafad.
hafto -da: (magac, dhedig, keli) xanuun ay sambabbadu si fiican u shaqayn waayaan oo lagu neefqabatoobo. Dh: neef, xiiq, xuurto, dubburyo.
hafto-da: (magac, dhedig, keli) alaabta hafdadda lagu iibiyo ee qiimaheeda marba badh la bixiyo. Dh: hafdad.
hafto-da: (magac, dhedig, keli) lacag ay tiro dad ahi isku darsadaan oo si wareegta ah kolba qof loo siiyo. Dh: hagbad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiqitaan
-ka: (magac, lab, keli) hiinraagitaan u neefsigu si wanaagsan u soo bixi waayo. Dh: xuurtood, dubburyood, xiiqniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibbir_1
de: be too full; swell up with gas (of one's stomach)
hm: 1
lx: dibbir
pd: (dibbiray)
ps: v1=intr
xe: I ate too much!
xv: dubburyo
key: dibbir_1
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbur
m.l Tuubada dheef-shiidka afkeeda hore ee saxaradu ka baxdo; futo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubbur
m.l Tuubada dheef-shiidka afkeeda hore ee saxaradu ka baxdo; futo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbur
-ka: (magac, lab, keli) neefqabataw lala xuurtoobo. Dh: afto, dubburyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbiryo
m.dh la-mid: dibbiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibbiryo
m.dh la-mid: dibbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumburyo
m.dh la-mid: tumburo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumburyo
-da: (magac, dhedig, keli) tantoonyo: tantoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tunburyo
(Tunburya-da)
Tantoonyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tunburyo
f. n. punch given with the bottom of the fist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunburyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tantoomo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tunburyo
cf: tantoonyo
de: punch given with the bottom of the fist
initial: t
lx: tunburyo
pd: (/da)
ps: n-f
key: tunburyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbiryoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax dibbiro hayso noqosho (qof). la-mid: dubburyoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tunbuuryo
-tunbuuryada: (n) -da: (n) fist (fis-ti); a blow made with the fist ~ tantoonyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbo
f.mg3 (-btay, -batay) la-mid: dibbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbo
-da: (magac, dhedig, keli) nooc xawaashka ka mid ah oo sida xabxabka u baxda midheheeduna xabxaka iyo uubada le'ekaado oo inta la qashiro soos laga dhigo ama lagu daro. Anoo aale gooray soo cunay bay; ka dig dheh! dubbadiina ii taal. Dh: aaraadubbe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubur
(tilmaame) hadba meesha aad joogto halka ugu danbaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuryo
(Buurya-da)
Wiilasha la gudayo cadka laga gooyo; beejo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuryo
m.dh (-ooyin, m.l) Cadka ka lusha guska intiisa hore oo la gooyo marka la gudaayo wiilasha; yuub, qolof; balag. la-mid: beejo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuryo
m.dh (-ooyin, m.l) Cadka ka lusha guska intiisa hore oo la gooyo marka la gudaayo wiilasha; yuub, qolof; balag. la-mid: beejo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuryo
f. n. foreskin, prepuce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuryo
-buuryada: (n) foreskin (foor iskiin); prepuce (pirii piyuus) ~ balag, beejo, caabbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryo
-da: (magac, dhedig, keli) cadka balagga ku yaal ee kurayga laga jaro marka la gudayo. Buuryada ka goo wiilka. Dh: baaro, hanjaf.
buuryo -da: (magac, dhedig, keli) qoodhaha carruurtu inta ay yaryar yihiin gaar ahaan inta la jaro. Kolkuu kor u boodo buuryadu nig bay tidhaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuryo
de: foreskin, prepuce
lx: buuryo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: beejo
key: buuryo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buuryo
خُلْفَةٍ، قُلْفَة، غُرْلَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubayo
m.dh Qaruhu marka uusan weli bislaan. la-mid: bicir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubayo
-da: (magac, dhedig, keli) waranka oo inta aan lagu dagaal galin dab la sii saaro si walacwalacda loo masaxo. Waran dubayo ah ayuu darbaday Suudi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dubbio
s.m. - shaki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubuur
-ka: (magac, lab, keli) qof aan weji furneyn oo cabuus ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duunyo
(Duunya-da)
Xoolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duunyo
m.dh 1. Hanti, maal. 2. Bahaayin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duunyo
m.dh 1. Hanti, maal. 2. Bahaayin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duunyo
f. n., [collective] livestock; animal; animals, herds
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duunyo
-duunyada: (n) livestock (laayv istak); domestic animals, such as cattle or horses, raised for home use or for profit, especially on a farm ~ xoolo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duunyo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha ama hantida uu qof leeyahay. Dh: hanti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duunyo
de: livestock; animal; animals, herds
lx: duunyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: duunyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuryo
-da: (magac, dhedig, keli) jid cidhidhi ah Kama seexanaayoo suuryo oodan baan galay. Dh: surunsuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuuryo
(Tuurya-da)
Wax gacan laga tuuray; riddo; gantaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuryo
m.dh la-mid: tuuryayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tuuryo
throw
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuuryo
f. n. missile, projectile, anything thrown
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuuryo
-tuuryada: (n) the act of throwing (tha-roow-ing) ~ tuuris
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuuryo
bw: seeraari
de: missile, projectile, anything thrown
initial: t
lx: tuuryo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: furfurdo
key: tuuryo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ubbaro
v. get used to; form a habit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ubbaro
de: get used to; form a habit
initial: u
lx: ubbaro
nt: ubbarasho [vn]
pd: (ubbartay)
ps: v3b=
key: ubbaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbuuyo
(falkaabe) erey caarcaarasho, hanjabo iyo gooddiyid ah. Abbuuyo, haddaanan ku dilin aabahay goblan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusburo
f.mg3 (-rtay, -ratay) Cusbur marsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusburo
v. paint oneself up, dye oneself with henna
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusburo
(fal) cusburka is mari. Aroosad baad tahaye cusburo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusburo
de: paint oneself up, dye oneself with henna
lx: cusburo
pd: (cusburtay)
ps: v3b=
key: cusburo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuryo
(Dhuurya-da)
Shinbir hilibka cunta; dhufato; dafo; faraggoys; huf; hunfey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuryo
m.dh (-ooyin, m.l) Shimbir hilibka cunta; dafo; soladduul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuryo
m.dh Shimbir hilibka cunta; dafo; so'ladduul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuryo
f. n. bird of prey, hawk species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuryo
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama neef naasnuugid badan.
dhuuryo -da: (magac, dhedig, keli) eeg dafto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuryo
cf: dafo, huf
de: bird of prey, hawk sp.
lx: dhuuryo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhuuryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbiro
(Dibbira-da)
Caloosha oo fuurta dabayl gudeheeda ka samaysantay darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbiro
m.dh Caloosha oo fuurta dabayl gudaheeda ka samaysanta awgeed. la-mid: dibbiryo, dubburyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibbiro
m.dh Caloosha oo fuurta dabayl gudaheeda ka samaysanta awgeed. la-mid: dibbiryo, dubburyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibbiro
f. n. meteorism, swelling of the stomach due to gas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbiro
-da: (magac, dhedig, keli) cunto badan ka dib, caloosha oo buuxsanta. Li: gaajo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibbiro
de: meteorism, swelling of the stomach due to gas
lx: dibbiro
pd: (/da)
ps: n-f
key: dibbiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) walax, dubbe dusha kaga dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dubbays
magac loo baxsho wiil adag abuur ahaan ama akhlaaq iyo dhaqanba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubbeyn
(Dubbeyn-ta)
(bir; kd.) dubbe la dhicid; isku duwduwid; isku dubbarridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbeyn
m.f.dh eeg dubbee. la-mid: dubbeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) walax, dubbe la dhicid oo ku garaacid. Birtu dubbaynta way ku faaxdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubbeys
(Dubbeys-ka)
Dubbeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbeys
m.l la-mid: dubbeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubbeys
vl. n. act of hammering, working (metal), forging
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dubbeys
nickname; name-m hammerer; forging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg dubbayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubbeys
de: act of hammering, working (metal), forging
lx: dubbeys
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: dubbeys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duhurso
f.mg3 (-saday, -satay) Waqtiga duhurka meel ku sugnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duhurso
v. be ~ do at noon; take shelter from the midday sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duhurso
(fal) dib u dhac oo ha bixin illaa ay cadceeddu kululaanayso ama duhur noqonayso Dh: dharaarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duhurso
de: be ~ do at noon; [ext.] take shelter from the midday sun
lx: duhurso
nt: duhursasho (/da) [vn6-f]
pd: (duhursaday)
ps: v3a=
key: duhurso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durduro
°(Durdura-da)
Orod culus oo xooluhu ay u ordaan, kolkay barwaaqaysan yihiin oo ladan yihiin; orod-cayaareedka xoolaha; baabbaco; birinbirqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduro
dųrduro: m.dh Orod xawli ah oo geela iyo wixi lamida ordaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durduro
f. n. running ~ gamboling (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durduro
-durdurada: (n) running (ran-mg); galloping (gaalaping)-, cantering