dubbe-qori
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dubbe-qori
Dubbaha looxa ka wada samaysan ee looga shaqeeyo shaqo kasta ee laga dhawro nabar ka dul muuqda.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dubbe-guri
Dubbe jeegada laba gantafood ku leh ee looga shaqeeyo farsamada looxa, siiba farshanxannimada guriga iwm.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marras
-ka: (magac, lab, keli) dubbe qori ah oo lagu tumo dhikilaha neefka lab ee la dhufaanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabqori
-ga: (magac, lab, keli) weelka la soo daro biyaha marka la waraabinayo xoolaha, weel biyood. Daaboqoriga ii dhiib aan biyaha soo daree. Dh: okhole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbeysni
-da: (magac, dhedig, keli) wax dubbe lala dhacay ahaan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dubbe-cinjir
Dubbe madaxiisu ka samaysan yahay cinjir adag daabkuna yahay loox ee loogu isticmaanlo shaqada laga dhawrayo nabarrada dubbaynta dubbuhu keenta.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dubbe-fanax
Dubbe ka tirsan dubbeyeaasha farsamada looxa ec leh jeego labo gantafood ah oo lagu siibo masaamirta madaxa ballaaran.