dubbe-nagnaag
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dubbe-nagnaag
Dubbaha ugu culus dubbeyaasha farsamada looxa ee leh jeego gantafa la'aan ah.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dubbe-fanax
Dubbe ka tirsan dubbeyeaasha farsamada looxa ec leh jeego labo gantafood ah oo lagu siibo masaamirta madaxa ballaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbeysnaan
m.f.dh eeg dubbeysan. la-mid: dubbeysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbeysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dubbe lala dhacay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbeysnaansho
m.l/dh la-mid: dubbeysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbeysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dubbaysanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dabbaqay oo sidii uu ahaa loo fuliyay ahaan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dubbe-guri
Dubbe jeegada laba gantafood ku leh ee looga shaqeeyo farsamada looxa, siiba farshanxannimada guriga iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debecsanaan
m.f.dh eeg debecsan. la-mid: dabacsanaan, dabacsanaansho, debacsanaan, debacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debecsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dabacsan oo aan giijisnayn ahaan. Xadhigga debecsanaan ha ku dayn. Dh: dabacsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabar-wadaag
m.l (-rro ..., m.dh) (kiimika) Dabar ka dhex samaysma laba atam oo wadaaga lammaane elektaroon.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabar-wadaag
Covalent Bond
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbirsanaan
m.f.dh eeg dibbirsan. la-mid: dibbiraysnaan, dibbiraysnaansho, dibbirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dibbiro hayso oo calool foocsan ahaan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dubbe-cinjir
Dubbe madaxiisu ka samaysan yahay cinjir adag daabkuna yahay loox ee loogu isticmaanlo shaqada laga dhawrayo nabarrada dubbaynta dubbuhu keenta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleeshanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel ama weel, in yar oo ka bannaan ama furan ahaan. Dh: dalooshanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durbaansanaan
m.f.dh egg durbansan. la-mid: durbaansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durbaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax durbaansan oo sida durbaanka u kankoonsan ahaan.