dubaaqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Cid dubaaqo gaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaqee
(fal) cid kale, foorado gaadhsii. Turubka badi oo dubaaqee.
dubaaqee: (fal) cid kale, nabar adag madaxa kaga dhufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaq
m.l Garaad, maskax, xis. la-mid: dibaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaq
-a: (magac, lab, keli) maan iyo kasmo. Dalabkaad bixinaysana dubaaquu ka gartaa. Dh: caqli, garaad, laab, kal.
dubaaq -da: (magac, dhedig, keli) ujeeddada iyo nuxurka hadal leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaale
m.l la-mid: dube.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaqo
m.dh Nabar weyn oo jirka gaaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubaaqo
m.dh Nabar weyn oo jirka gaaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) nabar madaxa ku dhaca oo dhaloonqo noqda ama lafaha madaxa oo meel qudha ka jaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabayaaqee
(fal) soo gabagabee oo ha kuugu dambayso. Dh: jooji, dhammee. Li: bilow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaladee
(fal) dun geli faynuus ama shawlad si wax loogu bislaysto ama wax loogu ifsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Dhabaale ku dhufasho. 2. Gubaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabaalee
v. fight (of camels ~ cattle)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalee
(fal) awr, mid kale qallaxato ku qabo. Dh: qallacatee.
dhabaalee: (fal) cid guubabi oo dhiirrigelin ku kici. Dh: guubaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabaalee
de: fight (of camels ~ cattle)
lx: dhabaalee
pd: (dhabaaleeyey)
ps: v2b=
key: dhabaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Cid gardarro kula kicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbaqee
v. insult, offend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbaqee
(fal) cid iska maag oo aflagaadee. Dh: gardarroo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbaqee
de: insult, offend
lx: dhabbaqee
pd: (dhabbaqeeyey)
ps: v2b=tr
key: dhabbaqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaatee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Cid dhibaato gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibaatee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Cid dhibaato gaarsiin. m.f.dh, dhibaatayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibaatee
v. annoy, vex, disturb, hurt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibaatee
-yey / dhibaateysay: (v) mistreat (mis-tiriit); abuse (ab-yuus); ill-treat (iil-tiriit); victimize (vik-ta-maayz); agonize (a-ganaayz); hurt (heert)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaatee
(fal) dhib u gayso oo waxyeello gaadhsii. Dh: hagardaamee. Li: waxtar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibaatee
de: annoy, vex, disturb, hurt
lx: dhibaatee
pd: (dhibaateeyey)
ps: v2b=tr
key: dhibaatee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaqayn
m.f.dh eeg dubaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dibaaq samayn; foorado samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunqaaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Weel-caanood dalool yar u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunqaaree
(fal) duunyo aan garaad lahayn ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqe
m.l (-qayaal, m.l/dh) 1. Nooc kalluunka ka mid ah oo aad u yaryar; cayddi. 2. Qof (ama wax) wax baaqaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaqe
m.l (-qayaal, m.l/dh) 1. Nooc kalluunka ka mid ah oo aad u yaryar; cayddi. 2. Qof (ama wax) wax baaqaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqe
m. n. signaller, signalman
baaqe m. n., [collective] sardine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqe
-ha: (magac, lab, keli) kalluun yar oo isaga oo saliidaysan la qasaacadeeyo oo la jecel yahay. Dh: huduf, saardiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqe
m.l la-mid: daaqcune.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaqe
m.l la-mid: daaqcune.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqe
-ha: (magac, lab, keli) eeg daaqcune.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqee
f.g/mg2 (-qeeyay, -qeysay) 1. (f.g) Hub culus meel ku garaacid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.mg) Kharabid (matoor). 4. (f.mg) Ka d.: arrin oday ka noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duqee
f.g/mg2 (-qeeyay, -qeysay) 1. (f.g) Hub culus meel ku garaacid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.mg) Kharabid (matoor). 4. (f.mg) Ka d.: arrin oday ka noqosho. m.f.dh, duqayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duqee
v. hit, crash, run over; pound, knock; annoy, criticize negatively; attack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqee
-yey / duqeysay: (v) 1. collide (kolaaydhy crash (karaashy make a dent in. 2. bombard (bam-baardh); attack with bombs, shells, or missiles ~ rushee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqee
(fal) madaafiic meel ku garaac.
duqee: (fal) meel ama wax kale, jiidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duqee
de: hit, crash, run over; pound, knock; [ext.] annoy, criticize negatively; attack
lx: duqee
pd: (duqeeyey)
ps: v2b=
xe: The plane crashed into ( ~ attacked) the statue.
xv: Diyaarad baa duqeesey taalladii.
key: duqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Weel caanood deebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahee
f.g2 (-heeyay, -heysay) U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) War qarsoodi ku haboon faafin. Tusaale: “Cali ayaa dadkii nagu baaweeyey”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) War qarsodi ku haboon faafin. Tusaale: Cali ayaa dadkii nagu baaweeyey. m.f.dh, baawayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baawee
(fall baylihi oo wax bilaa daryeel ah ka dhig. Xoolahaaga haddaad doonto baawec oo waxa dadweynaha ilaali. Dh: haawey, halladaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) 1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. la-mid: daaweysii, dawee, daweysii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) 1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. m.f.dh, daawayn. la-mid: daaweysii, dawee, daweysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawee
v. medicate, treat, give medicine to someone, cure, fix (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawee
-yey/daaweysay: (v) doctor (dhaak-tor)-, cure (kiyuur); medicate (medi-keeyt); give medical treatment to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawee
(fal) qof ama xoolo xanuun hayo wax uu ku bogsado sii.
daawee: (fal) bir iyo wixii la mid ah, ballaadhi, dubbe ku tun oo kala bixi, li daawee alqabankan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawee
de: medicate, treat, give medicine to s.o., cure, fix (up)
lx: daawee
pd: (daaweeyey)
ps: v2b=
key: daawee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaq
dabaaq¹: m.l la-mid: dabaakh¹.
dabaaq²: f.mg1 (-qay, -qday) la-mid: dabaakh².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaq
m.l la-mid: dubaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibaaq
-a: (magac, lab, keli) foorado badan oo turub ah oo la kala leeyahay, marba in isu dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaab
-ka: (magac, lab, keli) qarawga dadka jaadka cuna ku dhaca maalinka aanay cunin oo ah hawaawi cabsi badan. Xalay dubaab baa i helay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubaax
(Dubaax-da)
Neef fayow oo kolkaa la qalay hilibki; hilib cusub oo weli dubaaxina haya; aan tammooti ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaax
m.l la-mid: daabax¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubaax
f. n., [collective] fresh meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaax
-da: (magac, dhedig, keli) neefka maqaaxiyaha lagu qalo ee hilibkiisa la gado ama aan cudur diline la iska qasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubaax
de: fresh meat
lx: dubaax
pd: (/da)
ps: n1-f-col
key: dubaax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dubbe ku garaacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dubbe ku garaacid. m.f.dh, dubbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubbee
v. hammer, work (metal), forge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubbee
-yey / dubbeysay: (v) hammer (hamer); beat (biit) with hammer ~ garaac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbee
(fal) xoog dubbe wax ugu garaac. Musbaarka dubbee oo afkiisana laab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubbee
de: hammer, work (metal), forge
lx: dubbee
pd: (dubbeeyey)
ps: v2b=
key: dubbee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ubaxee
-yey / ubaxeysay: (v) bear a flower; bloom (buluum) ~ ubxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax abaar ah ka dhigid (meel). la-mid: abaaraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaree
(fal) dhul abaar ah oo aan baad iyo biyo mid na lahayn, ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqgee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Xoolo daajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqgee
v. take animal out to graze
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqgee
de: take animal out to graze
lx: daaqgee
pd: (daaqgeeyey)
ps: v2b=tr
key: daaqgee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dibaaxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubaaxi
v. twitch (of freshly-slaughtered carcass)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubaaxi
-yey / say: (v) feel spasm or sudden, involuntary muscle contractions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaxi
(fal) neef la gawracay, dhaqdhaaq samee oo kaga gariirsii saanta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubaaxi
de: twitch (of freshly-slaughtered carcass)
lx: dubaaxi
pd: (dubaaxiyey)
ps: v2a=
key: dubaaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxo
f.mg3 (-xay, -xatay) la-mid: dibaaxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubsare
m.l (-bab ..., m.l) (cilmiga naflayda) Sooloji ahaan lakabka ugu sareeya ee unugyada jidhka xayawaanka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ducaale
name: Dualeh, Duwaale
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ducaale
name-m blessed, holy man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ducaale
magac loo baxsho wiil duco ku dhashay ama loo arko in uu yahay qof duco qaba oo barakaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ducaale
de: Dualeh, Duwaale
lx: Ducaale
ps: name-m
key: Ducaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufanee
(fal) cunto yaabis ah subag ku dar; wax basaasay subag mari. Dh: subagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqadee
(fal) hilib ridiq oo budo ka dhig. Hilibki waa la soo duqadeeyey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Dabjoob in ay ugaar noqoto gayeysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaaree
v. set (an animal) free, make wild; consider as one's prey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaaree
(fal) eeg ugaadhee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaaree
de: set (an animal) free, make wild; consider as one's prey
initial: u
lx: ugaaree
pd: (ugaareeyey)
ps: v2b=tr
key: ugaaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaasee
f.g2 (-seeyay, -seysay) Qof ugaas (is)ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaasee
v. make king
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaasee
(fal) qof ugaasnimo u caleemasaar; qof ugaas ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaasee
cf: boqor
de: make king
initial: u
lx: ugaasee
pd: (ugaaseeyey)
ps: v2b=
key: ugaasee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uubatee
f.mg2 (-teeyay, -teysay) 1. Sida uubatada u ciyid. 2. Qaylo dheer cid maqashiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubatee
(fal) qaylo dheer samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uubatee
de: howl
initial: u
lx: uubatee
pd: (uubateeyey)
ps: v2b=
key: uubatee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) la-mid: culaabi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culaabee
v. make heavy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culaabee
-yey / culaabaysay: (v) make heavy; put on weight ~ culaabi