dowlodamiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dowlodamiin
m.l Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Banaadir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladamiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar ay wada dheelaan ragga iyo dumarku oo isugu jirta jiib, jaan iyo sacab. Ciyaartani waxay caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Banaadir, qalabka loo qaato na waxaa ka mid ah: lix birood oo labolaba ah, billaawe, ulo bakoorado ah iyo kabo maas ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo dhinac iska hor keenid dhexdhexaadin la isku dhageysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsiin
m.dh la-mid: bootin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boromiin
m.dh (kiimika) Curiye hoor ah oo guduudan, firfircoonidiisuna heer dhexe tahay, kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boromiin
m.dh (kiim.) Curiye hoor ah oo guduudan, firfircoonidiisuna heer dhexe tahay, kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boromiin
-ta: (magac, dheddig, keli) curiye hoor ah oo guduudan oo ay firfircoonidiisu heer dhexe tahay, kana tirsan halojiimada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqamin
m.f.dh eeg dalqami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqamin
-ta: (magac, dhedig, keli) tabanta'id oo xanuun darteed la hadhadlid. Dalqaminta illaa xalayba wuu waday wiilka bukaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdabin
m.f.dh eeg dawdabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, meel dheer u aroorin. Dh: aroorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dowdarid
-da: (magac, dhedig, keli) dawdarnimo samayn oo hadal badnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagan, dhinac u ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulqamin
m.f.dh eeg dulqami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fooldiin
(Fooldiin-ka)
Fool-beenaad; jajabow; horudhalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooldiin
m.l Xanuun fooleed qabta dheddigoodka dhalaya marka ay soo sid dhoweeyaan. la-mid: foolbeenaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fooldiin
m.l Xanuun fooleed qabta dheddigoodka dhalaya marka ay soo sid dhoweeyaan. la-mid: foolbeenaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooldiin
m. n. false labor; minor pain; the beginning of childbirth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooldiin
-ka: (magac, lab, keli) xummadda iyo xanuunka ka horreeya foosha. Dh: foolbeenaad, horudhalow, jajabaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooldiin
de: false labor; minor pain; the beginning of childbirth
lx: fooldiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fooldiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblamin
m.dh la-mid: gablamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koloriin
m.dh (-nno, m.dh) (kiimika) Curiye neef cagaar-hurdi ah oo firfircoon kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyeyaasha). Waxa laga helaa biyaha badda, cusbada harooyinka iyo helaytka (NaCl) oo tuulma fadhiisimo dhul-hoosad ah. K.ta oo ah ogsidheeye xooggan, waxa lagu xisaabay in dhulka oogadiisa ay ka tahay 0.055%.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koloriin
m.dh (-nno, m.dh) (kiim.) Curiye neef cagaar-hurdi ah oo firfircoon kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyeyaasha). Waxa laga helaa biyaha badda, cusbada harooyinka iyo helaytka (NaCl) oo tuulma fadhiisimo dhul-hoosad ah. K.ta oo ah ogsidheeye xooggan, waxa lagu xisaabay in dhulka oogadiisa ay ka tahay 0.055%.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koloriin
-ta: (magac, dhedig, keli) curiye neef firfircoon kana tirsan cagaar-hurdi ah oo haloojinnada (ururka 7aad (VII) ee tusaha kalgalka curiyeyaasha). Waxa laga helaa biyaha badda, cusbada harooyinka iyo helaytka (NaCl) oo tuulma fadhiisimo dhul-hoosad ah. K.ta oo ah ogsidheeye xooggan, waxa lagu xisaabay in dhulka oogadiisa ay ka tahay 0.055%.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koodhiin
m.dh (-nno, m.dh) (daawo) Dawo xanuun bi'iso ah oo laga sameeyo morfiinta laakiinse awooddeeda xanuun bi'inta iyo dejinta maskaxdaba ay yartahay, waana sun yartahay waxa laga qaataa afka iyo duritaan si xanuun loo yareeyo ama qufac loo joojiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koodhiin
m.dh (-nno, m.dh) (daaw.) Dawo xanuun bi'iso ah oo laga sameeyo morfiinta laakiinse awooddeeda xanuun bi'inta iyo dejinta maskaxdaba ay yartahay, waana sun yartahay waxa laga qaataa afka iyo duritaan si xanuun loo yareeyo ama qufac loo joojiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koodhiin
-ta: (magac, dhedig, keli) daawo xanuun bi'iso ah oo laga sameeyo morfiinta laakiinse awooddeeda xanuun bi'inta iyo dejinta maskaxdaba ay yartahay, waana sun yartahay waxa laga qaataa afka iyo duritaan si xanuun loo yareeyo ama qufac loo joojiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg moodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodsiin
m.f.dh eeg moodsii. la-mid: moodsiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moodsiin
m.f.dh eeg moodsii. la-mid: moodsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid sida saxda ah si aan ahayn inuu moodo sabab u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orodsiin
(Orodsiin-ta)
Orod ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orodsiin
m.f.dh eeg orodsii. la-mid: ordisiin, ordisiis, orodsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale si xoog ah u caymadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awoodsiin
m.f.dh eeg awoodsii. la-mid: awoodsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awoodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax karsiin. Awoodsiintaada ayay ku xidhan tahay dhiirranaanta ilmahaagu. Dh: karsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaamin
m.f.dh eeg boodaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodcelin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qofku ka jawaabayo eed loo soo jeediyey. Doodcelin baa lagaaga baahanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooddamid
-da: (magac, dhedig, keli) dood ka qayb qaadasho. Hadduuse maanta dooddamo senguhu waan dagaal geliye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doolaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab iyo wixii la mid ah, hurin. Digadoo hulaaqdiyo, doolaabin kicin u ah, murankoo danteeda ah, wadwadkay ku darartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dowddarid
m.f.dh eeg dowddar². la-mid: dawdarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golqaniin
-ka: (magac, lab, keli) awrka oo awrka kale ee ay is laynayaan hoosta ka qaniina.
golqaniin -ka: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo dadka gosha ka qaniina. Golqaniin ayay meeshu leedahay. Dh: dulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kollajiin
m.l (-no, m.d) (c,nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kollajiin
m.l (-no, m.d) (c.nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socodsiin
m.f.dh eeg socodsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqaajin. Dh: dhaqaajinta. Li: joojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
solonsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) hilib dubid oo dab ku solid. Solonsiinta badan hilibku waa uu ku madoobaadaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoodaamin
(Xoodaamin-ta)
Salsalaaxid; xoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodaamin
m.f.dh eeg xoodaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) baabacada noole kale jidhkiisa aayar u dul marmarin oo ku salaaxid. Xoolaha rag kale xoodaamiyoow doob. Dh: salaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dowladnimo
(Dowladnima-da)
Dowlad ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dowladnimo
m.dh la-mid: dawladnimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dowladnimo
-dowladnimada: (n) sovereignty (sovranti); statehood (isteeyt-huud) ~ dawladnimo, qaranmimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golobuliin
m.l (cilmiga naflayda) Mid ka tirsan qayb borotiin ah oo ku milma milancusbeed aan rasiin ahayn kuna xargaga kulka. Qaybta badan oo golobuliin ah ayaa dhiigga ku jira: alfa, beeta iyo gaamma golobuliinka qaarkood ayaa ah ka hortagayaasha jeermiga iyo wixi lamida. Qaarna waxayd qaadaan: birta, dufanka iyo kobbarka dhiigga ku jira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
golobuliin
m.l (cilmiga naflayda) Mid ka tirsan qayb borotiin ah oo ku milma milancusbeed aan rasiin ahayn kuna xargaga kulka. Qaybta badan oo golobuliin ah ayaa dhiigga ku jira: alfa, beeta iyo gaamma golobuliinka qaarkood ayaa ah ka hortagayaasha jeermiga iyo wixi lamida. Qaarna waxayd qaadaan: birta, dufanka iyo kobbarka dhiigga ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koromatiin
m.l (baayoloji) Walaxda ay koromosoomyadu ka samaysan yihiin. Waxay ka kooban tahay borotiinno (gaar ahaan histoono), DNA iyo waxoogaa yar oo RNA ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koromatiin
m.l (baay.) Walaxda ay koromosoomyadu ka samaysan yihiin. Waxay ka kooban tahay borotiinno (gaar ahaan histoono), DNA iyo waxoogaa yar oo RNA ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koromatiin
-ka: (magac, lab, keli) walaxda ay koromosoomyadu ka samaysan yihiin. Waxay ka kooban tahay borotiinno (gaar ahaan histoono) DNA iyo waxoogaa yar oo RNA ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dislocation
kalabax
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
dislocation
(n) the displacement of any part, esp. of a bone.
laf meesheedii ka wareegtay
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Dislocation
Filqasho