double
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
double
/dhabal/ (n) 1. laban-laab (adj) 2. labo, labo ah (v) 3. laban-laabid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
double
double, adj. - Laba jeer, laba ah
double menton - macal
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
doublé
doublé, adj. - Laba jeer.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
double
v.tr., labay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
doubler
doubler, v. - dhaafid; ka dheerayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rouble
rouble, n.m. - roobil; lacagta midawga soofiyeeti
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jidadka labo xaglood
Double angle formulas
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
boodo ganac lamaan
double flank vault
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dembi lamaan
double foul
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dilid laba jeer ah
double hit
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
gadaal u boodis lammaan
double rear vault
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
kalabax lamaan
double dislocation
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
laba garaacid
double dribble
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
laba goor taabasho
double catch
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
labalugootis
double-footed
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
labo gacmoodin
double dribble
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
qalad laba jeer ah
double fault
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
wareejin lugo lammaan
double leg circles
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
xaaqid lamaane ah
double sweeper
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbaad
m. n. layers of fat around the neck; double chin (considered a mark of beauty)
cabbaad n. beads, stone ornaments
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habka laba qoraalka ah
n. phr. double entry accounting system
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibbaar
m. n. exponent (e.g., double ~ triple) {mathematics}
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laakee
v. bar, put something crosswise in front of another to stop it
laakee v. double up, make double (to strengthen); beget twins
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laba
num-f (adj.): two; both; double
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laba kolmood
n. phr. quotation marks, double inverted commas {punctuation}
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labajibbaar
m. n. double ~ doubling; square {mathematics}; square {geometry}
labajibbaar v. double (multiply by two); square (multiply by itself), raise to the second power {mathematics}
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
redouble
/riidhabal/ (v) laba-laabid (kordhin, sii badin).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
redoublé
redoublé, adj. - ku celinta sanadka iskoolka mar labaad; dhicidda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooble
m.l (-ayaal, m.l/dh) (juqraafi) Dhagax wareegsan oo baraf weyne uu ka soo qaaday meeshiisii hore geeyayna fogaan door ah; baraf weynuhu markuu dhalaalana halkuu ku dhalaalay ayaa looga tagaa dhagaxaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhooble
Erratic block
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
douille
douille, n.f. - Daloolada korontada laga qaato (fiish); bareeso.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Duduble
name-m mascular; strong; powerful
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duluble
m.l la-mid: dulugle.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Soluble
Milme
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
soluble
/solyabal/solubility; (adj) milmi-kara (dareeraha ku qasmi- kara).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
soluble
soluble, adj. - milmi kara; ku dhex qasmi kara dareeraha
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
trouble
/trabal/ (n) 1. dhib (arbush, shiddo) (v) 2. dhibaatayn (arbushid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
trouble
trouble, adj. - arbush; rabash
trouble, n.m. - arbushidda.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
trouble
n., daal, -ki, xumaan, -ti, weerweer, -ki; v.tr., daali, qulquladay, weerweeri, rog.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
voluble
/volyabal/ volubility; (adj) af-tahan ah (afmaal-ah, hadal-badan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dole
/dhowl/ (n) 1. lacag caawimaad ah oo dawladdu siiso dadka shaqo la'aanta ah; sadaqo (v) 2. sadaqo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dube
(Duba-ha)
Weel yar oo inta raran kulul lagu shubo, badarka lagu bisleeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dube
m.l (-bayaal, m.l/dh) Xeero qaab qabaal leh oo marka raran lagu shubo, miraha qaarkood lagu dubo sida digirta, meseggada iyo wixi lamida; qaloondub. la-mid: dubaale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dube
m. n. oven; cooking pot
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dube
de: oven; cooking pot (filled with hot coals and used for parching grain)
lx: dube
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dube
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
boule
boule, n.f. - kubad; wax sida kubada u wareegsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dable
* (Dabla-ha)
1. Xubin xoogga dabka sida kamid ah oo aan alifyo iyo xiddigo weli qaadan; askari.
2. Buntukh ama dab kale haysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dable
m.l (-layaal, m.l/dh) Askari aan derajo lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dable
m.l (-layaal, m.l/dh) Askari aan derajo lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dable
m. n. private, soldier who carries firearms; constable
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dable
nickname; name-m private soldier who carries firearms; constable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dable
-ha: (n) 1. a soldier who holds the lowest rank in the army; private (pareey-vit). 2. an armed man
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dable
Soldato
Soldier
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dable
magaca wiil lagu naanaysay askari dable ah oo aan ahayn sarkaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dable
-ha: (magac, lab, keli) askari aan wax derejo ah lahayn. Ducaysane wiilkayow, anoo da'yar baan ku dhalay, dablaan ku soo korshoo, dedaal baa igu badnaa. Dh: dhibboo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dable
cf: waranle (soldier armed with a spear), alifle (junior officer)
de: private, soldier who carries firearms; constable
lx: dable
pd: (/ha)
ps: n7-m, n5b-m
key: dable
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
doubt
/dhawt/ (v) 1. ka shakiyid (n) 2. shaki.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
doubt
n., mala, -ihi, wiswis, -ki; v.tr., malee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
douse
/dhaws/ (v) damin, siiba biyo ku damin. e.g. He brought a glass of water to douse the fire.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
doute
doute, n.m; - Aaminaad la'aan; qiris la'aan; shaki; ka shakiyin.
sans doute - shaki la'aan.
plein de doute - shaki badan; shaki miidhan ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
douze
douze, adj. num, - laba iyo toban; laba iyo toban; dersin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubbe
(Dubba-ha)
Bir duuban oo daab leh oo qalabka tumaalka kamid ah; birtii la doona hayo in qaab gaar ah loo yeelo baa inta la kululeeyo oo dubbadda korka laga saaro, isaga kor lagaga garaacaa; burris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Qalab ka kooban bir kuusan oo qalab kala duwan leh iyo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu farsamaynayo; burris.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubbe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Qalab ka kooban bir kuusan oo qalab kala duwan leh iyo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu farsamaynayo; burris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubbe
m. n. hammer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubbe
-dubbaha: (n) hammer (hamer); ~ buris
dubbe: -dubbaha: (n) bear (beer) ~ oorso
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dubbe
Martello
Hammer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbe
-ha: (magac, lab, keli) nooc khudradda suugada lagu daro oo xabxabka u eg. Dh: bocor.
dubbe -ha: (magac, lab, keli) qalab bir duuban ah oo daab la qabsado iyo madax malaasan oo cuddoon leh. Wax baa lagu tumaa ama dhagaxa lagu jebiyaa. Dh: madaraqad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubbe
de: hammer
lx: dubbe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dubbe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dublo
(Dubla-da)
Masaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dublo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab yar oo leh af ballaaran oo wareegsan iyo dabo dhuuban oo dhuun leh oo weelasha afka dhuubanhooraha lagula shubo. la-mid: diblad, diblo, dublad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dublo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab yar oo leh af ballaaran oo wareegsan iyo dabo dhuuban oo dhuun leh oo weelasha afka dhuubanhooraha lagula shubo. la-mid: diblad, diblo, dublad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dublo
f. n. funnel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dublo
de: funnel
lx: dublo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: masaf
key: dublo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufle
m.l Marka sabuulka galleyda ama meseggadu aysaan iniinyahoodu waaweynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugle
m.l Nafley caato ah oo tabardaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulle
-ha: (magac, lab, keli) ul dheer oo suun amaba xadhig ku xidhan yahay oo lagu kaxeeyo dibida marka beerta lagu qodayo. Dh: shaabuug.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dulle
Soofe ka tirsan soofeyaasha birta lagu soofeeyo ee ah bog la'aan duuban oo isku wada siiban afkana usii dhuubta oo lagu soofeeyo duleellada birta ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunle
-ha: (magac, lab, keli) marada dunta ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duule
(Duula-ha)
1. Habaar-qabe; lala-tage; alla-qaad.
2. Ku colka duullaanka ah kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duule
duule: m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dhibaato badan, dhallin yar.
dųule: m.l (-layaal, m.l/dh) Col; qof dųulaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duule
m. n. aggressor, attacker, invader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Duule
ama Duulaan, wiil dhashay xilli uu aabihii duullaan tegayay ama ku maqnaa. Waxa kale oo loo baxshaa wiil la rajaynayo in uu noqdo mid duula oo cadawga weerara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duule
de: aggressor, attacker, invader
lx: duule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: duule
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
foule
foule, n.f. - dad badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goble
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar ay wada ciyaaraan ragga iyo haweenku iyaga oo lab saf oo rag iyo hablo kala ah oo iska soo horjeeda ka dibna si qaabaysan ayey isku dhaafaan. Gobleha ayey ciyaaraan gabadhii guudka loo fidhaye.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HOBLE
(Hoble) May, S Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
houle
houle, n.f. - mawjadda badda.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Joule
Juul
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
joule
joule, n.m. - juul (J) (halbeeg).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KOBLE
(Koble) S Launaea nigricola Jeffery. Compositae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
moule
moule, n.m. - qaab.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
noble
/nowbal/nobleman, noble-woman; (adj) 1. darajo sare (sharaf weyn mudan) 2. nasab fiican (shariif ah, dad sare ka dhashay) dad sare oo nasab fiican ka dhashay (laan-dheere ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
noble
noble, adj. - haybad; darajo sare.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
oubli
oubli, n.m. - ilaw.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
poule
poule, n.f. - digaagga; diyaadka; doorada; lukida.
avoir la chair de poule - qaman dhacada; marka qofku gaman dhacoodo; xaadu istaagto
poule d'eau - shimbir cago dheerdheer oo ku nool biyaha agagaarkooda
poule mouillée - qof aan go'aan iyo geesinimo aan lahayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoble
m.l Roob muddo dheer da'a oo aan biyo dhigin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quble
(Qubla-ha)
1. Roob aan kicinna dhabna u di'in.
2. Neef tuman oo aan wax rimin; malloolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quble
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. la-mid: qoble. Roob muddo dheer da'a oo aan biyo badan lahayn. 2. Neef lab oo la dhufaanay; mallooli. 3. Neef aad u caato ah.