dopo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dòpo
avv. - kaddib, dabadeed.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kaddib
Dopo
After
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dobo
f. n. puddle, pool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doco
f.mg3 (-cday, -cotay) 1. Saxaro adkaatay xoog isaga keenid; jiirasho. 2. Jiirasho (nafley dhaleysa). la-mid: duco².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doco
f.mg3 (-cday, -cotay) 1. Saxaro adkaatay xoog isaga keenid; jiirasho. 2. Jiirasho (nafley dhaleysa). m.f.dh, docosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doco
v. contract, constrict, tighten; push, strain (in childbirth ~ defecation)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doco
-docday / docotay: (v) push (push)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doco
(fal) majiiro oo sidii wax sindho ka soo dhacayso ama ummulaya nakhaska isku xidh oo duco. Dh: duco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doco
de: contract, constrict, tighten; push, strain (in childbirth ~ defecation)
lx: doco
nt: docosho (/da) [vn6-f] 'contraction; pushing'
pd: (docday / docatay)
ps: v3b=
key: doco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doho
f.mg3 (-hday, -hatay) la-mid: diho.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Dono
Hibo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dóno
s.m. - deeq, hibo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dope
/dhowp/ (n) 1. daawo (n) 2. doqon (v) 3. daawo-siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doro
m.dh Ciyaarta turubka marka ay laba kooxood oo iska soo horjeeda ay tiro isle'eg iska qabtaan; baatad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tòpo
s.m. - jiir, doolli.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
topo
topo, n.m. - aragti guud; muxaadaro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dóppio
agg. - laba laab, laba jibbaar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
adopt
/adhapt/adopts, adopting, adopted; (v) 1. ilmo ama cunug aadan dhalin oo aad korsato. e.g. Sarah is willing to adopt more children. (v) 2. la qabatimo (ra'yi ama wax la caadaysto). e.g. I had to adopt the new method of learning.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
adopt
/adhapt/ (v) 1. korsythow unug athy ing dhalny. I am willing to adopt more children.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
adopt
v.tr., kori.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cólpo
s.m. - jug, qac, nabar; daqar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
corpo
s.m. - jir, kor; koox.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
depot
/dhipoo/ (n) 1. bakhaar (n) 2. saldhig (n) 3. xero bas ama tareen.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dépôt
dépôt, n.m. - Carbuun; Deebaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Docol
(Docol-ka)
Geed mareerka u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
docol
m.l Jaad geedaha ka mid ah oo mareerka u eg oo miro la cuno leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
docol
m. n. plant species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DOCOL
Cordia ovalis 70
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOCOL
(Dol) C Cordia ovalis R.Br. Boraginaceae.
C Cordia sinensis Lam. Boraginaceae.
May, S Bocia coriacea Pax. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
docol
-ka: (magac, lab, keli) geed loo yaqaanno madheedh oo u kala baxa madheedhmadow iyo madheedhdocor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
docol
cf: mareer
de: plant sp.
lx: docol
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: docol
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dogob
(Dogob-ka)
Geed gaboobey oo jilfaystay oo dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dogob
m.l (-byo, m.dh) Jirrid weyn oo qallalan. la-mid: degeb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dogob
m. n. old dried out tree trunk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dogob
-ka: (magac, lab, keli) geed qallalay laan ka mid ah oo dabka lagu shido. Dogob qiiqay deyrkii burburay dunida aafowday! Wa: dogobyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dogob
a: degeb
de: old dried out tree trunk
lx: dogob
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dogob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dogox
m.l.kh D. ah: qof weyd ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Donor
Deeqe
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Donor
Deeqe
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
donor
(n) an individual person that supplies living tissue to be used in another body, such as a person who furnished a blood transfusion.
bixiye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
donor
/dhonor/ (n) tabarruce (qofka wax ku tabarruca).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Meel roob badan ku di'id.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogo
v. fall abundantly (of rain)
doogo v. reopen, become painful (of an old wound)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogo
(fal) dhul, doog yeelo oo tigaad cusub bixi.
doogo: (fal) nabar, goco oo hoosta ka soo bukoo.
doogo -da: (magac, dhedig, keli) midab cagaar ah oo sida doogga u eg. Shaati doogo ah iyo surwaaal bunni ah isku qaado. Dh: akhtar, cagaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doolo
m.dh Caws dhaadheer, rarada laga sameeyo oo geed gaabyada ka hoos baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomo
m.l Nagaarka ka soo hoos baxa dalagga la beero.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doomo
m.l Nagaarka ka soo hoos baxa dalagga la beero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomo
-da: (magac, dhedig, keli) caano laga dhuro geedka baarka ama bahaashka la yidhaa. Dh: shelemi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doono
f.g3 (-ntay, -natay) Wax raadsasho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doono
f.g3 (-ntay, -natay) Wax raadsasho (nafley). m.f.dh, doonasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doono
v. go get, fetch for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doono
(fal) si iskaa ah ama goonidaada ah wax u raadso. Dh: raadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doono
de: go get, fetch for oneself
lx: doono
pd: (doontay / doonatay)
ps: v3b=
xe: They went to fetch firewood.
xv: Xaabay doonteen.
key: doono
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooro
(Doora-da)
1. Shinbiraha gurijoogta ah, tooda dheddig; diyaad dheddig; digaag.
2. Baaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooro
dooro¹: m.dh 1. (u) Shimbir aan buubin, guri joog ah oo dadku manaafacaadsadaan; digaag. 2. (u) Digaagga middeeda dheddig. 3. Baaro.
dooro²: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax xulasho. 2. Cid doorasho ku jirta codsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dooro
dooro¹: m.dh 1. (u) Shimbir aan buubin, guri joog ah oo dadku manaafacaadsadaan; digaag. 2. (u) Digaagga middeeda dheddig. 3. Baaro.
dooro²: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax xulasho. 2. Cid doorasho ku jirta codsiin. m.f.dh, doorasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooro
v. pick and choose, select for oneself; elect
dooro [feminine] n. chicken, hen
dooro [feminine] n. smegma (white substance by sexual organs)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dooro
-doorada:. (n) chicken (ji-kin); poultry (pool-tari); fowl (faawl) ~ digaag.
dooro² -doorada: (n) smegma (ismeg-ma) ~ baaro
dooro -doortay / dooratay: (v) choose (juus); select (salekt); pick out; make one's choice. Ex: fadlan mid dooro! please choose one!
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Dooro
(I) Pollo, generico;
(E) Chicken, generic
(S) Dooro, DORA (S. c. m.: Doro, Dora)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooro
-da: (magac, dhedig, keli) digaagadda naalada dhasha. Dooro ayaan u qalay martida. Dh: digaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooxo
(Dooxa-da)
Dhul hooseeya oo dhinacyada buuro ama dhulal sarreeyaa ka xigaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooxo
dooxo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Dhul hooseeya oo dhinacyada buuro ama dhulal sarreeya ka xigan.
dooxo²: m.dh (-ooyin, m.l) (juqraafi) Godan dhuuban, dheer oo dhulka korkiisa ah, oo badanaa leh tiiro hoosaad caadi joogto u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dooxo
dooxo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Dhul hooseeya oo dhinacyada buuro ama dhulal sarreeya ka xigan.
dooxo²: m.dh (-ooyin, m.l) (juqraafi) Godan dhuuban, dheer oo dhulka korkiisa ah, oo badanaa leh tiiro hoosaad caadi joogto u ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooxo
Valley
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooxo
f. n. valley, dry river valley
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dooxo
-dooxada: (n) valley (vaali) a lowland between ranges of mountains, hills, or other uplands
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooxo
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ballaadhan oo biyo fadhiisin leh dooguna si fiican uga baxo oo aan dhagax iyo buur toona lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooxo
de: valley, dry river valley
lx: dooxo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dooxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooyo
(Dooya-da)
1. Col isku duuban; duul; dad.
2. Cawska jaadki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooyo
m.dh 1. Col ilaala ah; duul; dad. 2. Caws waaweyn oo dooxooyinka ka baxa oo ay xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooyo
f. n. attack force, war party
dooyo [feminine] n. grass species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DOOYO
Eragrostis cilianensis 10, Panicum coloratum 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOOYO
(Doio) C Coelachyrum stoloniferum C.E. Hubb. Gramineae.
N Dactyloctenium aegytium (L) Willd. Gramineae.
C Eragrostis cilianensis (All.) Lut.
C Panicum coloratum L. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dooyo
name-m attacker; warrior; invader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dooyo
magac loo baxsho gabadh firfircoon oo lagu metaalay weerar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyo
-da: (magac, dhedig, keli) tiro dad ah oo kooban oo col sahan u ah.
dooyo-da: (magac, dhedig, keli) geed cawsaad aan dhaadheerayn oo jilicsan kana baxa balliyada iyo buurahaba. Sicii dooggii, dooyo meersaday, daleel ma habsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doqon
(Doqon-ka, Doqon-ta)
Aan aqoon iyo garaad badan lahayn; nacas; dabbaal; seegseeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doqon
doqon¹: m.l (-nno, m.dh) Nin aan caqli iyo garaad badan lahayn; dabbaal.
doqon²: m.dh (-no, m.l) Haweeney aan caqli iyo garaad badan lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doqon
m.l (-nno, m.dh) Nin aan caqli iyo garaad badan lahayn; dabbaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doqon
m. n. stupid person, fool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doqon
-ta/ka: (n) stupid (istuupidh) person; fool (fuul); idiot (id-yat); foolish or stupid person, dolt (doolt); dumb (dam), silly (sill), goofy (guufi) or foolish (f. dish) person ~ nacas, dabaal
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Doqon
Stupido
Stupid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doqon
-ka: (magac, lab, keli) qof rag ah oo aan garaad ku filan lahayn. Dogon hana u gargaarin hana gargaarsan. Dh: nacas, coon, caran, dabbaal. Li: fariid.
doqon -ta: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo aan garaad ku filan lahayn. Dab sayax iyo dogon ba waa la culaysiyaa. Dh: coon, dabbaalad, caran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doqon
de: stupid person, fool
lx: doqon
pd: (-ka ~ -ta Pl: doqommo (/da))
ps: n2c-m/f
xe: You stupid woman!
xv: Doqonyahay!
key: doqon
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dórso
s.m. - duud, dhabar.

dòsso
s.m. - duud, dhabar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doxor
-ka: (magac, lab, keli) eeg dawdar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drops
/dropis/ (n) goojo, daawada dhibcaha ah.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Drops
Dhibco
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
idolo
s.m. - sanam; qof ama shay aad dadka u jecelyahay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ròspo
s.m. - rah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scòpo
s.m. - ujeeddo, dan, qasdi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
zoppo
agg. e s.m. - jiis ah; laangare.