dooyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Fardo ku ilaala tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooyee
v. walk slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyee
(fal) dooyo samee oo ilaalo ahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooyee
de: walk slowly
lx: dooyee
pd: (dooyeeyey)
ps: v2b=
key: dooyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Nafley nabar doog reeba ku dhufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogee
v. have consequences on ~ for something, have an effect on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogee
(fal) dhul naq helay, doog yeelo.
doogee: (fal) cid dhibaato haysay, soo roonow oo ka soo kabo.
doogee: (fal) nabar hore, hoosta ka soo xanuun oo soo goco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doogee
de: have consequences on ~ for s.t., have an effect on
lx: doogee
pd: (doogeeyey)
ps: v2b=tr
key: doogee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomee
f.mg2 (-meeyay, -maysay) Dhul la falay doomo ka soo bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomee
(fal) ciidda ka faq oo ka soo saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooyee
qr. la-mid: mooyaane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooyee
conj. except (that), excluding, other than
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mooyee
(conjunction) unless (an-les) except (ik-sapt); otherwise ~ mooyaane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooyee
(fal) mooye ku tun. Arabikhida inno mooyee oo faracad innooga dhig. Dh: tun.
mooyee: (qurub) mooyaane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooyee
a: mooyaane
de: except (that), excluding, other than
lx: mooyee
ps: conj
key: mooyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dhoobo ku maluuqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoobee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dhoobo ku maluuqid. m.f.dh, dhoobayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoobee
v. smear with mud; whitewash, plaster
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobee
(fal) dhoobo mari; dhoobo ku talbiis. Kaalay girgidda ila dhoobee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoobee
de: smear with mud; whitewash, plaster
lx: dhoobee
pd: (dhoobeeyey)
ps: v2b=tr
key: dhoobee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhookee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) Ka dh.: wax, wax kale dul saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhookee
v. put something on top of something else
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhookee
de: put s.t. on top of s.t. else
lx: dhookee
pd: (dhookeeyey)
ps: v2b=tr
key: dhookee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Biyo calwin. 2. Dhooqa wax marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhooqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Biyo calwin. 2. Dhooqa wax marin. m.f.dh, dhooqayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhooqee
v. make muddy ~ turbid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooqee
(fal) biyo, xareednimada ka beddel oo dhoogo ku kici.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhooqee
de: make muddy ~ turbid
lx: dhooqee
pd: (dhooqeeyey)
ps: v2b=tr
key: dhooqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooyeyn
(Dooyeyn-ta)
Dooyo dooyo u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooyeyn
m.f.dh eeg dooyee. la-mid: dooyeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilaalo ciidanka ka horraysa, samayn. Koox yar ayaa dooyaynta ku filan. Dh: ilaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooyeys
m.l la-mid: dooyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noocyee
f.g2 (-ceeyay, -caysay) la-mid: noocee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooryee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: soor³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sooryee
v. entertain, give a feast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sooryee
-yey / sooryeysay: (v) cater to a guest; provide food and entertainment; serve as host to a guset
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryee
(fal) sooryo sii; cunto sii. Sooryee odayaasha martidaa. Dh: soor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sooryee
de: entertain, give a feast
initial: s
lx: sooryee
pd: (sooryeeyey)
ps: v2b=tr
key: sooryee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooy
m.l Dhul ciiddiisu midab gaduudan leedahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dooy
m.l Dhul ciiddiisu midab gaduudan leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doode
m.l la-mid: doodaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doode
m. n. orator; debator, one who debates
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Doode
name-m orator, debator, one who debates
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doode
-doodaha: (n) debator (dibeytor) ~ doodaa-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Doode
magac loo baxsho wiil hadal badnaa yaraantiisii ama balaaqo iyo codkarnimo laga dareemay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doode
-ha: (magac, lab, keli) qof had iyo goor dood uun ku jira oo morome badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doode
a: doodaa
de: orator; debator, one who debates
lx: doode
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: doode
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooge
-ha: (magac, lab, keli) kuul daloolo waa weyn leh oo buluug ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOORE
(Dore) C, N Boscia minimifolia Chiov. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooyo
(Dooya-da)
1. Col isku duuban; duul; dad.
2. Cawska jaadki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooyo
m.dh 1. Col ilaala ah; duul; dad. 2. Caws waaweyn oo dooxooyinka ka baxa oo ay xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooyo
f. n. attack force, war party
dooyo [feminine] n. grass species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DOOYO
Eragrostis cilianensis 10, Panicum coloratum 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOOYO
(Doio) C Coelachyrum stoloniferum C.E. Hubb. Gramineae.
N Dactyloctenium aegytium (L) Willd. Gramineae.
C Eragrostis cilianensis (All.) Lut.
C Panicum coloratum L. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dooyo
name-m attacker; warrior; invader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dooyo
magac loo baxsho gabadh firfircoon oo lagu metaalay weerar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyo
-da: (magac, dhedig, keli) tiro dad ah oo kooban oo col sahan u ah.
dooyo-da: (magac, dhedig, keli) geed cawsaad aan dhaadheerayn oo jilicsan kana baxa balliyada iyo buurahaba. Sicii dooggii, dooyo meersaday, daleel ma habsado.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
doyen
doyen, adj. - Ka sare; heer sare ah; u sarreeya xagga derejada; hormuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooye
m.l (-yayaal, m.l/dh) la-mid: goosato¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kooye
-kooyaha: (v) leather shoe for pleasure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooye
(Mooya-ha)
Weel qori ah ama bir oo kali, (tib), weheliso, oo badarka iyo wixii la mid ah lagu tumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. la-mid: moy. Weel qori ama bir ka samaysan oo ay tibi weheliso oo badarka iyo wixi lamida lagu tumo. 2. la-mid: mooy (2) M. ah: neef lo' ah oo aan geeso lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mooye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. la-mid: moy. Weel qori ama bir ka samaysan oo ay tibi weheliso oo badarka iyo wixi lamida lagu tumo. 2. la-mid: mooy M. ah: neef lo' ah oo aan geeso lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooye
m. n. mortar (for pounding)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mooye
mooyaha: (n) mortar (moor'tar). Ex: kaliyo mooye; pestle and mortar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooye
-ha: (magac, lab, keli) weel geed jirriddi ama bir ka samaysan oo tibi weheliso oo inta dhinac god shan illaa labaatan sentimitir ah loogu sameeyo badarka iyo wixii la mid ah lagu tumo
mooye -ha: (magac, lab, keli) neef xoolaad oo tood ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooye
de: mortar (for pounding)
lx: mooye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: mooye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Xero iyo wixi lamida ood saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oodee
v. enclose with a brushwood fence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodee
(fal) irrid, ood saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oodee
de: enclose with a brushwood fence
lx: oodee
pd: (oodeeyey)
ps: v2b=
key: oodee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Cid oof ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofee
(fal) cid kale, oof ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Bood dhar ku mayrid. 2. Bood timaha ku caddayn. la-mid: booree (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boodee
v. whiten clothes, bleach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodee
(fal) dhar aad u maydh oo caddee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boodee
de: whiten clothes, bleach
lx: boodee
pd: (boodeeyey)
ps: v2b=
key: boodee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Boog u yeelid (jir).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogee
(fal) gudniinka fircooniga ka fur. boogee: (fal) nabar boog ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Ciyaar turub haad u boqrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boolee
v. make a bet (while playing a card game)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boolee
-yey/boolaysay: (n) [Games] trump (taraamp); take a card with a trump
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolee
(fal) boolada magacaw. Boolee turubka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boolee
cf: daba-ka-eri
de: make a bet (while playing cards)
lx: boolee
pd: (booleeyey)
ps: v2b=tr
key: boolee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax boor u eyelid; la-mid: boodee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
booree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax boor u eyelid. m.f.dh, boorayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booree
(fal) boor dabada ka geli. Saca booree ilmaha ha oggolaadee. Dh: boor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootee
f.mg2 (-teeyay, -taysay) U b.: faan iyo hanjabaad been ah cid u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bootee
f.mg2 (-teeyay, -taysay) U b.: faan iyo hanjabaad been ah cid u jeedin. m.f.dh, bootayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bootee
/buutii/ (n) kabaha caruurta ee suuf-suufka ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhooye
nickname; name-m intelligent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhooye
magac loo baxsho wiil laga filayo inuu yeesho fahmad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhowee
f.g/mg2 (-weeyay, -weysay) 1. (f.g) Wax, wax kale ag geyn. 2. (f.g) Cid sagootiyid. 3. (f.g) Cid martigelin. 4. (f.g) Weel wax lagu shubay muggiisa in yar ka dhinmid. 5. (f.mg) Soo dh.: cid qaabilid. la-mid: dhawee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhowee
f.g/mg2 (-weeyay, -weysay) 1. (f.g) Wax, wax kale ag geyn. 2. (f.g) Cid sagootiyid. 3. (f.g) Cid martigelin. 4. (f.g) Weel wax lagu shubay muggiisa in yar ka dhinmid. 5. (f.mg) Soo dh.: cid qaabilid. m.f.dh, dhowayn. la-mid: dhawee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhowee
-yey / dhoweysay: (v) make closer; bring near ~ dhawee. Ex: fadlan buuggaas soo dhowee; please bring that book closer
soo dhowee: (v) 1. make closer; bring near. 2. welcome (weel-kam)', greet (giriit), receive (ri-ziiv), entertain cordially or hospitably ~ diyaafadi. Ex: martida soo dhowee; welcome the guest. —sii dhowee: (n) see off (sii of); say goodbye; bid farewell (feerwed); wave goodbye. Ex: martida sii dhowee; see the guests off at the door; Caynaashe waxuu aaday gegida dayuuradaha [eeri-poorka] si uu Aamina u sii dhoweeyo; Ainanshe went to the airport to see Amina off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhowee
(fal) wax dhaw ka dhig. Soo dhowee dhegta aan eegee. Dh: dhawee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doobke
(Doobka-ha)
Haruub weyn; haruubgaal; (ama toobte).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobke
m.l la-mid: doobi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doobke
m. n. large milk vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobke
-ha: (magac, lab, keli) hadhuub weyn. Caanaha doobke iigu shub oo ii keen. Dh: toobke.