doorsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsad
(Doorsad-ka)
Doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsad
m.l la-mid: doorasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorsad
vl. n. exchange (as of money); healing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsad
-ka: (magac, lab, keli) shey aad haysatay, wax kale ku beddelasho. Dh: doorsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorsad
a: doorsasho [vn6-f]
de: exchange (as of money); healing
lx: doorsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: doorsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorad
(Doorad-ka)
Doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorad
m.l la-mid: doorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorad
-ka: (magac, lab, keli) xulasho oo wax badan oo meel yaal wixii ku cajabiya kala dhex bixid. Dh: doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogsad
(Doogsad-ka)
Doogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogsad
m.l la-mid: doogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogsad
-ka: (magac, lab, keli) ka soo rayn oo dhib horay loogu jiray ka soo kabasho. Dh: roonaan.
doogsad -ka: (magac, lab, keli) dhul naq helay, doog yeelasho.
doogsad -ka: (magac, lab, keli) gocasho oo hoosta ka soo bukoonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsan
Sidii hore si aan ahayn noqday; doorsoomay; beddelmey; geddisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsan
doorsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax siduu ahaa si ka duwan noqosho. la-mid: doorsoon² (2).
doorsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax siduu ahaa si ka duwan laga dhigay ahaansho. 2. Qof maankiisu beddelen yahay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doorsan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax siduu ahaa si ka duwan noqosho. m.f.dh, doorsamid. la-mid: doorsoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorsan
der. [adjective] changed, altered; exchanged; strange, odd; crazy
doorsan [inchoative] v. alter, become changed, get different, be transformed; deteriorate; be strange
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorsan
-aa / -ayd: (adj) converted (kanvertidh); transformed (traanisfoomidh) changed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsan
(fal) is beddel oo dhalanrogmo.
doorsan: (tilmaame) mid maan rogan oo xiskiisu dhannayn.
doorsan: (tilmaame) «kala ~» labo iyo in kabadan oo kala duwan ama aan isku mid ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorsad
(Hoorsad-ka)
Hoorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorsad
m.l la-mid: hoorsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorsad
-ka: (magac, lab, keli) wax da'aya ama shubmaya weel ama sacabka u dhigasho. Dh: hoorsasho, hoorsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roorsad
(Roorsad-ka)
Roorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roorsad
m.l la-mid: roorsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorsad
-ka: (magac, lab, keli) roorsasho wax la roorsado. Awrku roorsad buu hal ku dhoodaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddis
(Geddis-ka)
Rogrogad; ganacsi; geddisasho; doorsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsasho
m.f.dh eeg doorso. la-mid: doorsad, doorsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsamid
m.f.dh eeg doorsan¹. la-mid: doorsoomid, doorsoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsamid
-da: (magac, dhedig, keli) beddelmid oo sidii hore si ka duwan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolahaaga, iskaa ceelka biyaha u geysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kororsad
(Kororsad-ka)
Wax kororsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kororsad
m.l la-mid: kororsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kororsad
vl. n. increase, act of increasing; improvement
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kororsad
a: kororsasho (/da) [vn6-f], kororsi (ga) [vn2a-m]
de: increase, act of increasing; [ext.] improvement
lx: kororsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: kororsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darsad
(Darsad-ka)
Darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsad
m.l la-mid: tarsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darsad
vl. n. act of scooping up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsad
-ka: (magac, lab, keli) fandhaal, malqaacad, qude iyo wixii la mid ah, wax meel ku jira, in kaga qaadasho. Dh: qaadasho.
darsad -ka: (magac, lab, keli) wax horay loo haystay oo muddo laga maqnaa u baahasho oo heliddiisa u hiloobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darsad
de: act of scooping up
lx: darsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: darsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogad
(Doogad-ka)
Doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogad
m.l la-mid: doogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogad
-ka: (magac, lab, keli) dhul, naq helid oo doog yeelasho. Dh: doogasho.
doogad -ka: (magac, lab, keli) nabar hore, soo kacdoomid oo dib u bukood. Dh: doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doohad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay labadiisa dhinac min labo dhibcood ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooran
(tilmaame) wax la xulay oo la doortay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooray
m.l (-yo, m.dh) Neef caano yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorid
(Doorid-da)
(u doorid) waxa roon ama sida roon u garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorid
m.f.dh eeg door². la-mid: door¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan in ka mid ah ka doorasho. Dh: dooris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsi
(Doorsi-ga)
Doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsi
m.l la-mid: doorsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorsi
vl. n. exchange
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorsi
-ga: (n) the act of exchanging; exchange (ikis-jeenji); interchange (inter-jeenji) badalasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg doorsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorsi
de: exchange
lx: doorsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: doorsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax, wax kale ku beddelasho. 2. (f.g) Wax sarrifasho (lacag). 3. (f.mg) Cudur ka bogsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doorso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax, wax kale ku beddelasho. 2. (f.g) Wax sarrifasho (lacag). 3. (f.mg) Cudur ka bogsasho. m.f.dh, doorsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorso
v. change; heal, get better; exchange
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorso
de: change; heal, get better; exchange
lx: doorso
pd: (doorsaday)
ps: v3a=
key: doorso
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dorsal
Duleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foorad
(Foorad-da)
Qaybaha cayaaraha (turub, kd.) la isu tirsado oo lagu kala badiyo, middood; guul; duq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorad
m.dh Hal mar oo qof ciyaar turub, dubnad iyo wixi lamida looga dhaco. la-mid: fooro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foorad
m.dh Hal mar oo qof ciyaar turub, dubnad iyo wixi lamida. looga dhaco. la-mid: fooro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foorad
vl. n. winning (of game), win
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foorad
-da: (n) [Pl. fooradood] Sports & Games; the deciding points in game
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorad
-da: (magac, dhedig, keli) qaybaha ciyaaraha lagu kala badiyo oo la isku tirsado middood. Dh: guul, duq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foorad
cf: dhibic, duq
de: winning (of game), win
lx: foorad
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: foorad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosad
(Goosad-ka)
Goosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosad
m.l 1. Koox ari ah oo lumay. 2. la-mid: goosasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosad
vl. n. cutting for oneself; secession
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ku dhegsan, ka soo rujisad.
goosad -ka: (magac, lab, keli) jarasho wax mar hore lagugu dhuftay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goosad
de: cutting for oneself; secession
lx: goosad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: goosad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hoosad
Officina
Workshop
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korsad
(Korsad-ka)
Korsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsad
m.l la-mid: korsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsad
-ka: (magac, lab, keli) ilmo yar ama xoolo yaryar dhaqaalaysasho, korsasho. Dh: korsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogsad
-ka: (magac, lab, keli) isku kicid oo buuqid oo iswada taagid. Dh: oogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoorad
(Qoorad-ka)
Qoorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorad
m.l la-mid: qoorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qoorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorad
-da: (magac, dhedig, keli) biraha furinka lagu dubo ee moofada la geliyo. Tooradii furunku way kala jabtay.
toorad-da: (magac, dhedig, keli) gabal bir ah oo godan oo qof qaadi karo oo ciidda iyo sibidhka lagu qaado oo ka mid qalabka dhismaha. Dh: tawrad.
toorad-da: (magac, dhedig, keli) daasad weyn oo biyaha lagu darsado xoolahana lagu waraabiyo, sida gorofka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrsad
m.l la-mid: dayrsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayrsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg dayrsi. dayrsan: (tilmaame) wax dayacan ama la nacay. Wax dayrsan door lama moodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirsad
(Diirsad-ka)
Diirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirsad
m.l la-mid: diirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirsad
-ka: (magac, lab, keli) wax qaboobay in yar kulaylsasho.
diirsad -ka: (magac, lab, keli) (ku ~) ku farxid oo fal la sameeyey ka ralli noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogaad
(Doogaad-da)
Tigaad; doogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogaad
m.dh la-mid: doog¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogaad
f. n., [collective] prosperous land (with green grass and abundant rain)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doogaad
a: doogad (ka) [vn2-m]
cf: tigaad
de: prosperous land (with green grass and abundant rain)
lx: doogaad
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: doogaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dookhad
-da: (magac, dhedig, keli) wareer ku yimaad caasababo caafimaad awgoood. Dh: dawakhaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doongad
-da: (magac, dhedig, keli) aqalka marka la sibdhiyo inta yaree ugu dambaysa ee isku sinta. Dh: giingo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOORAAR
(Dorar) S, May Echinochloa haplocalda (Stapf)Stapf. Gramineae.
S Eragrostis cilianensis (All.) Lut. Gramineae.
May Paspalidium desertorum (A.Rich) Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorbid
f.g1 (-day, -dday) Wax wax kale ka jeclaansho; fadilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doorbid
f.g1 (-day, -dday) Wax wax kale ka jeclaansho; fadilid. m.f.dh, doorbidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorbid
v., [compound] choose, select
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorbid
-ayday: (v) prefer (piri-feer); prefer above others; choose (juuz) ~ faddil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorbid
(fal) wax aad rabtid, kuwo kale ka dooro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorbid
de: choose, select
lx: doorbid
pd: (doorbiday)
ps: v1=cmp
key: doorbid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorshe
m.l la-mid: doolshe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorshe
-ha: (magac, lab, keli) wax, wax kala beddela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooryid
(Dooryid-da)
Weylo, kd., doori ahi la socosho oo intaas, nuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dorraad
(Dorraad-da)
Maalintii shalay ka horraysey; dorraato.