doorismood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorismood
-ka: (magac, lab, keli) marka uu qofku isu haysto inuu yahay qof wax waliba ku fiican. Waxaad tahay doorismood aan waxba ku fillayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooriso
(Doorisa-da)
Wax doorisa; sidii hore si ka xun ka dhigta; duf (duf iyo dooriso).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooriso
m.dh Wax doorisa; sidii hore si ka xun ka dhigta; duf (duf iyo d.).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooriso
vl. n. getting worse, spoiling; bad influence, 'bad apple'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooriso
(fal) wax wax beddela oo sidii hore si ka xun ka dhiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooriso
de: getting worse, spoiling; bad influence, 'bad apple'
lx: dooriso
pd: (/da)
ps: vn6-f
xe: May you end up in a worse calamity!
xv: Duf iyo dooriso {curse}
key: dooriso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsoon
1. Sidii hore ka duwan; baddalan; rogan.
2. (Doorsoon-ka) Doorsoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsoon
doorsoon¹: m.l la-mid: Doorsamid; doorsoomid.
doorsoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) 1. Qurmid. 2. la-mid: doorsan¹.
doorsoon³: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax sidii hore ka duwan ahaansho; wax beddelan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doorsoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax sidii hore ka duwan ahaansho; wax beddelan ahaansho. m.dh, doorsoonaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Doorsoon
Transformation
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Doorsoon
Transformation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorsoon
inch. v. change, be altered, become transformed
doorsoon vl. n. (adj.): alteration, change; changed, altered, transformed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorsoon
-doorsoomay / doorsoontay: (v) transform (traanisfoom); convert (konevert); undergo a conversion ~ isbadal
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Doorsoon
Trasformat
Transformed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsoon
(fal) wax la dooriyay noqo.
doorsoon: (tilmaame) wax beddelan oo sidii hore si ka duwan ah. Baabuurkii la iga ergistay oo doorsoon ayaa la ii keenay. Dh: doorsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boorimo
(Boorima-da)
Hab hilibka loo dubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorimo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. God weyn oo hilibka lagu hogeeyo. 2. B. ah: hilib la hogeeyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boorimo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. God weyn oo hilibka lagu hogeeyo. 2. B. ah: hilib la hogeeyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boorimo
vl. n. method of baking meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorimo
-da: (magac, dhedig, keli) hab hilibka loo dubo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boorimo
de: method of baking meat especially that of a young goat
lx: boorimo
pd: (/da)
ps: vn-f
key: boorimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dishood
-ka: (magac, lab, keli) wax aad u baahan tahay, ugaadhsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsad
(Doorsad-ka)
Doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsad
m.l la-mid: doorasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorsad
vl. n. exchange (as of money); healing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsad
-ka: (magac, lab, keli) shey aad haysatay, wax kale ku beddelasho. Dh: doorsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorsad
a: doorsasho [vn6-f]
de: exchange (as of money); healing
lx: doorsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: doorsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormood
-ka: (magac, lab, keli) hoggaanka wax maamula ee meeli leedahay. Dh: abbaan, horfiiq, hormuud, ammaanduule, abbaanduule, madax.
hormood-ka: (magac, lab, keli) hoggaamiyaha jaamacadda; guddoomiyaha jaamacadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorasho
(Doorasha-da)
Dad ama waxyaalo badan ama arrimo kale, kan ama kuwa ugu fiican oo u doorroon kala bixid; ka togasho; ka xulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorasho
m.f.dh eeg dooro². la-mid: doorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorasho
vl. n. choosing, choice; nomination; election, [pl.] elections
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorasho
-doorashada: (n) election (ilek-shan), vote (vowt); (jooys) food, ka xulasho choice
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Doorasho
Elezione; selezione
Election; selection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad rabtid, kuwo kale ka bidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorasho
a: doorad (ka) [vn2-m]
de: choosing, choice; nomination; election, [pl] elections
lx: doorasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: doorasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
doorasho
انْتِحَابِ اخْتِيَارِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorroon
(tilmaame) wixii filkiiya ugu wanaagsan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoormoon
-ka: (n) hormone (hoor-moon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moormoor
(fal) wax humoobay oo aad calal ah noqo. Go'yahaw moormoor ku kalaan kaa iibsadaye. Dh: moodhmoodh, muudhmuudh. Li: cusbaw.
moormoor: (fal) aad u bilaw oo muudhmuudh.
moormoor -ta: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah ciyaarta fataatiirta oo goobaabin looga dhigo ciyaarta fataatiiraha. Kaalay moormoor ila cayaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsamid
m.f.dh eeg doorsan¹. la-mid: doorsoomid, doorsoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsamid
-da: (magac, dhedig, keli) beddelmid oo sidii hore si ka duwan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsoome
m.l (-mayaal, m.l/dh) (xisaab) Xaddi isbeddela sida x oo u taagan xaddi dahsoon ama aan la aqoon, badanaaba ah tiro. Tusaale ahaan: 3y - 1= 8, y waa doorsoome.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doorsoome
m.l (-mayaal, m.l/dh) (xisaab) Xaddi isbeddela sida x oo u taagan xaddi dahsoon ama aan la aqoon, badanaaba ah tiro. Tusaale ahaan: 3y - 1= 8, y waa doorsoome.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Doorsoome
Variable
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Doorsoome
Variable
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorsoome
m. n. variable {mathematics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorsoome
doorsoomaha: (n) [Mathematics] variable (veeri-yabal) eray xisaabeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsoome
-ha: (magac, lab, keli) isle'egta dhexdeeda dahsoonaha lahayn qiima go'an la hubin oo inta badan lagu asteeyo shibbane ama shaqal. 2x+y=10, x iyo y waa doorsoomayaal tiro u taagan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorsoome
de: variable {mathematics}
lx: doorsoome
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: doorsoome
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorimaad
-da: (magac, dhedig, keli) aayadaha Quraanka dhammaadkoda ama dhextaallada heesaha wadajir u wada qaadid; hoorin; hooris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooromoon
m.l (-nooyin, m.l) (cilmiga naflayda) Walax loo soo saaro loona dhiiqiyo xaddi yar iyada oo qulqulka dhiigga ku dhiiqiyo qanjirka mariinla'aha ama unug dareen wade gaar ah. Waxa uu joogteeyaa koritaanka ama shaqada nudo ama organno goonni ah oo jidhka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooromoon
m.l (-nooyin, m.l) (cilmiga naflayda) Walax loo soo saaro loona dhiiqiyo xaddi yar iyada oo qulqulka dhiigga ku dhiiqiyo qanjirka mariinla'aha ama unug dareen wade gaar ah. Waxa uu joogteeyaa koritaanka ama shaqada nudo ama organno goonni ah oo jidhka ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorashoda
(magac, dhedig, keli) tartan u dhexeeya dhinacyo kala duwan oo siyaasadeed. Doorashadii nabadgelyo ayay ku dhacday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsoomid
(Doorsoomid-da)
Wax doorsoon noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsoomid
m.dh eeg doorsoon². la-mid: doorsoon¹; doorsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsoomid
-da: (magac, dhedig, keli) is beddelid oo sidii hore si ka duwan noqosho. Dh: doorsamid, beddelmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonisocod
-ka: (magac, lab, keli) qof ama neef raxantiisa raacin oo cidla'joog ah. Li: bushaawi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorasho guud
(n) general election (jenaral ilekshan)