dooradduur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooradduur
m.dh.u Kabaraay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooradduur
f. n., [collective] partridge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooradduur
de: partridge Lit: jungle fowl
lx: dooradduur
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: dooradduur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooradduug
mooradduug¹: m.l Dhac aan wax la isku reebin. la-mid: mooradduugid.
mooradduug²: f.g1 (-gay, -gtay) Cid hantidii ay lahayd oo dhan ka dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mooradduug
m.l Dhac aan wax la isku reebin. moordi m.l 1. Cadhada xoolaha murxisa. 2. Meseggada yaryar ee midabka guduudan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooradduug
v., [compound] rob, wipe out, plunder without leaving anything
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooradduug
de: rob, wipe out, plunder without leaving anything
lx: mooradduug
nt: mooradduug (ga) [vn2a-m]
pd: (mooradduugay)
ps: v1=cmp
key: mooradduug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooranuug
m.l Hal ilmaheeda gaar ula baxda oo nuujisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduug
(fal) xasuuq oo waxba ha reebin; laa oo dhammee, dad iyo duunyaba tirtir. Cadawga dadka jidka u joogsada adna mooraduug. Dh baabi'i; dhammay, mooroduug.
mooraduug -ga: (magac, lab, keli) dhammayn aan waxba la reebin. Dh: mooroduug, idlaad, dabargo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabradduul
m.l Duullaan rogaalcelis ah oo cid dhowaan la dhacay lagu sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabradduul
-ka: (magac, lab, keli) duullaan rogaalcelis ah oo cid dhowaan la dhacay lagu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooredduug
(Mooredduug-ga)
Dhac aan wax laysku reebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooradduugid
m.f.dh eeg mooradduug². la-mid: mooradduug¹.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cadduur
name-m wild tree (sp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cadduur
magac loo baxsho wiil ku ag dhashay geed magacaa leh oo meelaha lamadegaanka ah ka baxa oo loogu cadaydo daawo ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadduuc
f.g1 (-cay, -cday) Ku d.: wax culus si khasab ah ku wadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadduuc
(fal) neef ido ah labada lugood, sare u qaad oo jeenyaha ku socodsii.
dadduuc: (fal) qof si dhib ah ku oggolaysii wax aanu rabin. Dh: qasab.
dadduuc-a: (magac, lab, keli) qof ama noole kale wax aanu rabin si dhib ah ku oggolaysiin.
dadduuc-a: (magac, lab, keli) neef ido ah, si loo kaxeeyo, labada lugood ee sare u qabasho oo hore u riix. Dadduucna sumalka waan ku kari waayey.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOORAAR
(Dorar) S, May Echinochloa haplocalda (Stapf)Stapf. Gramineae.
S Eragrostis cilianensis (All.) Lut. Gramineae.
May Paspalidium desertorum (A.Rich) Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durduur
(Durduur-ta)
(biyo kd.) aan hadba loo soo qatimin ama aan loo soo dheregdhacsane layska dhacayo oo aan afka laga qaadayn; rakaad isku dhowdhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduur
durduur¹: m.dh 1. Rakaad. 2. Ladaab. 3. Biyo la siiyo neef hore u cabbay.
durduur²: f.g1 (-ray, -rtay) Xoolo hore u cabbay biyo ay ku noq-noqdaan siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durduur
f. n. drinking in one draught (without pausing for breath)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durduur
-ta: (magac, dhedig, keli) labo goor noqodka biyaha ee xoolaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durduur
de: drinking in one draught (without pausing for breath)
lx: durduur
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: durduur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduun
daadduun¹: m.l Qof cayrnimo awgeed la bayhoofay. la-mid: daanduun¹.
daadduun²: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Cayrnimo darteed la bayhoofid. la-mid: daanduun².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daadduun
f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Cayrnimo darteed la bayhoofid. m.f.dh, daadduumid. la-mid: daanduun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduun
-ka: (magac, lab, keli) dad rafaad iyo baahin, dad caydhooba oo mood iyo nool midna u hadhin. Daadduunka Aw Maxamed qabo waan ka dhiidhiyaye. Dh: dullinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudduur
duudduur¹: m.l 1. Qarinta wax la qariyo. 2. Si kooban oo hadal loo sheego. 3. Laalaabanka maro iyo wixi lamida yeeshaan.
duudduur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Maro iyo wixi lamida laalaab u yeelid. 2. Wax runtooda qarin. 3. Hadal si kooban u sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurduur
(fal) macno la'aan iska socsoco oo meelahaa kolba dhan u wareeg. Dh: warwareeg, meermeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degadduub
m.l Suuman yaryar oo kabaha sandalka ah lagu qurxiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degadduub
-ka: (magac, lab, keli) suuman yaryar oo kabaha sandalka ah lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
docfaruur
docfaruur¹: m.l Ballanfur lagu sameeyo arrin la isku ogaa. la-mid: gantafaruur¹.
docfaruur²: f.g1 (-ray, -rtay) Arrin la isku ogaa ballanfuryo ku sameyn. la-mid: gantafaruur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
docfaruur
(fal) arrin iyo ballan dad u yaallay khalkhal geli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorinuug
m.l/dh la-mid: dooritus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradduub
m.l Khasab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradduug
m.l Wax yar oo abaalmarin ahaan loo siiyo hawl la qabtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faradduug
m.l Wax yar oo abaalmarin ahaan loo siiyo hawl la qabtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooroduug
(fal) xasuuq oo waxba ha reebin; laa oo dhammee, dad iyo duunyaba tirtir. Cadawga dadka jidka u joogsada adna mooroduug. Dh: baabi'i, dhammay, mooraduug.
mooroduug -ga: (magac, lab, keli) dhammayn aan waxba la reebin. Dh: mooraduug, idlaad, dabargo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooredduugid
(Mooredduugid-da)
Dhac moradduug ah cid ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholaddumi
f.mg2 (-iyay, -isay) U b.: cabsi gelin iyo degniin cid loo jeediyo si ujeeddadeeda looga baajiyo. la-mid: boholatus².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boholaddumi
v. scare off, discourage, dissuade
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boholaddumi
de: scare off, discourage, dissuade Lit: destroy ditches
lx: boholaddumi
pd: (boholaddumiyey)
ps: v2a=idiom
key: boholaddumi
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHOON-DHUUG
(Dun-dug) May Anisotes involucratus Fiori Acanthaceae.
S Anisotes trisulcus (Forsk) Nees. Acanthaceae.
May Anisotes parvifolius Oliv. Acanthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduugan
(tilmaame) la dabargooyay oo la dhameeyey ah. Reer mooraduugan ayuu ninkan ka hadhay. Dh: mooroduugan, dabargo'an.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduugid
-da: (magac, dhedig, keli) dhammayn oo tirtirid. Cadaw ayuunbaa mooraduugid sameeya. Dh: mooroduugid, cidhibtirid, dabarjarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mooraduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooradheere
m.l Shumbul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorkaddiid
m.l la-mid: qoorkaddiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorkaddiid
-ka: (magac, lab, keli) diidmo; nacayb.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorasho guud
(n) general election (jenaral ilekshan)