door
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Door
1. (in door ah, kd.) weyn, fiican, badan, roon.
2. (Door-ka) Kan dad badan ama wax kale lagala baxo oo ugu wanaagsan; xulanti; baxsi.
3. (-) Kaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
door
door¹: m.l (-rar, m.l) 1. Wax xul ah. 2. In d. ah: wax aan la tirin karin oo qiyaas ahaan badan. 3. la-mid: doorid.
door²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax xulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dǫor
m.l (-rar, m.l/awdaar, m.dh) 1. Kaalinta uu ka qaato hawl hirgelinteeda. 2. Kal; d.kii hore: mar kowaad. Tusaale: “D.kii hore baastaa timid”. la-mid: dawr¹, dowr¹ (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
door
dǫor: m.l (-rar, m.l/awdaar, m.dh) 1. Kaalinta uu ka qaato hawl hirgelinteeda. 2. Kal; d.kii hore: mar kowaad. Tusaale: Doorkii hore baastaa timid. la-mid: dawr, dowr.
door: m.l (-rar, m.l) 1. Wax xul ah. 2. In d. ah: wax aan la tirin karin oo qiyaas ahaan badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
door
m. n., [collective], (adj.): selection; role, part (in a play); selective; fine, excellent
door v. select, choose; recommend
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
door
/dhoor/ (n) albaab.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
door
-ka: (n) role (rool); function (fak-shen); position; duty; part ~ kaalin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Door
Scelta; preferenza
Choice; preference
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
door
(fal) «u ~» isha mari oo ka wanaagsan ka qaad. U door inanta dirac wanaagsan. Dh: xul.
door-ka: (magac, lab, keli) kaalin ama darajo.
door -ka: (magac, lab, keli) xilli ama wakhti keli ah. Door keliyaan dalka imid degdegna waan u laabtay.
door -ta: (magac, dhedig, keli) xayga higladu bixiso jiilaalkii. Hir caleenliyo, higlo door weyn, mid unbaad heli.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
door
n., albaab, -ki, illin, -ki, dah, -hi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoor
(Dhoor-ka)
Hab carruurta yaryar loogu xiiro - xagga reer-miyiga qaarki - oo daliig dheer oo timo ah oo is haysa foodda taniyo qadaadka loo reebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoor
m.l (-rar, m.l) 1. Daliig timo ah oo carruurta yaryar, madaxa bartankiisa loogu reebo. 2. Carjaw ama baalal kor u taagan oo shimbiraha qaarkood madaxa bartankiisa ku yeeshaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoor
m.l (-rar, m.l) 1. Daliig timo ah oo carruurta yaryar, madaxa bartankiisa loogu reebo. 2. Carjaw ama baalal kor u taagan oo shimbiraha qaarkood madaxa bartankiisa ku yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoor
m. n. traditional child's haircut; mohawk haircut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoor
-ka:: (n) a traditional style in which hair is cut for young boys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoor
(fal) weel buuxi oo afka sare jooji. Li: dhin.
dhoor -ka: (magac, lab, keli) madaxa halka ugu sarraysa timaha ka baxa ee foodlayda loogu reebo marka hareeraha loo xiiro.
dhoor-ka: (magac, lab, keli) halka ugu sarraysa ee kuruska geela ama buurta dusheeda. Dh: fig. tag. Li: sal, gun, hoos.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoor
de: traditional child's haircut; mohawk haircut the head is shaved with a crest down the middle
lx: dhoor
pd: (-ka Pl: dhoorar (ka))
ps: n4-m
key: dhoor
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Donor
Deeqe
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Donor
Deeqe
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
donor
(n) an individual person that supplies living tissue to be used in another body, such as a person who furnished a blood transfusion.
bixiye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
donor
/dhonor/ (n) tabarruce (qofka wax ku tabarruca).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOORE
(Dore) C, N Boscia minimifolia Chiov. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doori
(Doori-ga)
Weylaha yaryar, kd., kolka aan habartood laga reebine lagu daro oo ay iska nuugaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doori
doori¹: m.l Ilmo yar, lo' ah oo aan hooyadii lala nuugin.
doori²: f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ilmo yar oo lo'aad hooyadii siduu doono u nuugid. 2. Wax si xun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dǫori
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax kale dhaafin; beddelid. 3. Sarrifid (lacag).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doori
dǫori: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax kale dhaafin; beddelid. 3. Sarrifid (lacag). m.f.dh, dǫorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doori
v. change, alter, disguise, transform; exchange
doori vl. n. act of giving young calves, etc., to their mothers to suckle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doori
-yey -say: (v) convert (konvert); transform (traanisfoom) change, alter ~ qayir
u doori yey say: (v) trade (tareeydh); make an exchange of one thing for another
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doori
(fal) mid ba wuxu heli karo ka kale ha ugu baddalo.
doori -ga: (magac, lab, keli) waxar ri'yo badani oggol yihiin inay jaqdo. Waxartani waa doori naaxday.
doori-ga: (magac, lab, keli) weylaha yaryar ee aan weli hooyadood ka gudhin lagana reebine iska nuuga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooro
(Doora-da)
1. Shinbiraha gurijoogta ah, tooda dheddig; diyaad dheddig; digaag.
2. Baaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooro
dooro¹: m.dh 1. (u) Shimbir aan buubin, guri joog ah oo dadku manaafacaadsadaan; digaag. 2. (u) Digaagga middeeda dheddig. 3. Baaro.
dooro²: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax xulasho. 2. Cid doorasho ku jirta codsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dooro
dooro¹: m.dh 1. (u) Shimbir aan buubin, guri joog ah oo dadku manaafacaadsadaan; digaag. 2. (u) Digaagga middeeda dheddig. 3. Baaro.
dooro²: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax xulasho. 2. Cid doorasho ku jirta codsiin. m.f.dh, doorasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooro
v. pick and choose, select for oneself; elect
dooro [feminine] n. chicken, hen
dooro [feminine] n. smegma (white substance by sexual organs)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dooro
-doorada:. (n) chicken (ji-kin); poultry (pool-tari); fowl (faawl) ~ digaag.
dooro² -doorada: (n) smegma (ismeg-ma) ~ baaro
dooro -doortay / dooratay: (v) choose (juus); select (salekt); pick out; make one's choice. Ex: fadlan mid dooro! please choose one!
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Dooro
(I) Pollo, generico;
(E) Chicken, generic
(S) Dooro, DORA (S. c. m.: Doro, Dora)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooro
-da: (magac, dhedig, keli) digaagadda naalada dhasha. Dooro ayaan u qalay martida. Dh: digaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doxor
-ka: (magac, lab, keli) eeg dawdar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyuun
(Afyuun-ka)
Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barlammaan
* (Barlammaan-ka)
1. Shirka mudaneyaasha tolku doorto, oo sharciyadana dejiya, siyaasada dowladdana dusha ka ilaaliya.
2. Golaha ama aqalka mudaneyaashu ku shiraan (ama baarlammaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beddel
(Beddel-ka)
Wax wax kale meeshi la geliyo ama loo qaato ama lagu dooriyo; qof qof kale meeshi la joojiyo; lacag lacag kale lagu doorsho; (ama baddal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beddelid
(Beddelid-da)
Wax wax kale meeshi gelin ama u qaadasho ama ku doorin; qof qof kale meeshi joojin; lacag lacag kale ku doorin; dhaafin (ama baddalid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bogsasho
(Bogsasha-da)
Caafimaad helid; xanuun ka bi'id; doorsasho; raysasho; ladnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanallul
(Caanallu-sha)
Cayayaan yar oo sida doorshaanka qolof adag leh, oo inta hadba istaaga, salka dhulka la dhacdhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calman
La doortay; la jecel yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calmasho
(Calmasha-da)
Jeclaysasho; doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Camcamo
(Camcama-da)
(waqti) in door ah; cabbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayayaan
(Cayayaan-ka)*
Bahal-yaryarta faraha badan oo aan lafdhabarta lahayn: waxaa oogadoodu u qaybsan tahay: madax iyo dhex (saab) iyo qaar danbe (uur), lix lugood iyo badanaa afar baal (diqsi, kaneeco, shinni, doorshaan, ...); xasharaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cubtamid
(Cubtamid-da)
Cubtan dadka cayaara haya ku kala doorasho; (ama cugtamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cubtan
(Cubtan-ka)
Hab dadka cayaara haya lagu kala doorto; labo qof baa mid wuxuu oranayaa cub, kan labaadna cir; kolkaasaa kii hore qof dooranayaa; kan doortay maahee, kan kalaa isna cub oranaya oo qof dooranaya; sidaasay ku wadayaan taniyo inta dadka laga wada doorto; doorasho; (ama cugtan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daawasho
(Daawasha-da)
Wax falsan ama qurux badan, oo jecdaaladooda, macaan iyo jeel laga hela hayo, in door ah indhaha ku cunid; fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafsasho
(Dhaafsasha-da)
Wax wax kale ku doorsasho, ku beddelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafsi
(Dhaafsi-ga)
Dhaafsad; dhaafsasho; doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamid
(Dhaamid-da)
1. Wasakh ku dhoobid; uskag ka buuxin.
2. Ka wanaagsanaan, ka fiicnaan; ka door roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalanrog
(Dhalanrog-ga)
Dhalanka iyo abuurta qofka oo la dooriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digaag
(Digaag-ga)
Diyaad; dooro; luki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiq
(Diiq-a)
Doorada keeda lab; diyaad lab; diig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyaad
(Diyaad-ka)
Digaag; dooro; luki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oor
m.l Miro yaryar oo udgoon oo ay dumarku isku carfiyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oor
-ka: (magac, lab, keli) midho iyo ubaxyo la isku daro oo cadar laga tuujiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boor
(Boor-ka)
1. Dhagxanta iyo ciidda budada noqotay; siigo, habaas, bus, awaare.
2. (°) Midab (lo'da).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boor
boor¹: m.l 1. Ciid budo ah oo dabayshu si sahlan u qaaddo; siigo; bus. 2. B. ah: midab dambaska u eg oo ay lo'da iyo dameerahu yeeshaan.
boor²: m.dh la-mid: boorid.
boor³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Sac godlan waayey ama dhashiisa diiday wamme ama fintir iyo wixi lamida sabiisha ka gelin. 2. Is b.: dhabarka godid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bǫor
m.l (-rar, m.l) Maroodi lab, xoog weyn oo raxanta hoggaamiya; arbe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boor
bǫor: m.l (-rar, m.l) Maroodi lab, xoog weyn oo raxanta hoggaamiya; arbe.
boor: m.l 1. Ciid budo ah oo dabayshu si sahlan u qaaddo; siigo; bus. 2. B. ah: midab dambaska u eg oo ay lo'da iyo dameerahu yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boor
m. n., (mass n.): dust; gray ~ dusty color
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
boor
/buur/boorish (adj) qof dabci qallafsan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boor
-ka: (n) dust (dhast)~bus, uuro, boodh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boor
(fal) sac boor sibiisha ama dhashatada ka geli si uu ilmaha u yeelo ama u godlado. Illeen tabaryaraan waxaa qaba sacii, tiire lagu boorey.
boor -ka: (magac, lab, keli) midab danbas u eg oo lo'du leedahay.
boor-ka: (magac, lab, keli) ciid budo ah oo dabaysha iyo wixii dul maraaba kiciyo. Baabuur ma raacine Jugtaan boorka soo daraye. Dh: boodh, habaas.
boor -ka: (magac, lab, keli) maroodiga kiisa lab.
boor -ta: (magac, dhedig, keli) maydhaxda gumarta ama ta qudhaca oo la suuqay ama la duubay oo dhudhun qof lala ekaysiiyey, dabadeed na saca sibiisha laga geliyo si uu u oggolaado ilmaha ama uu u godlado.
boor -ta: (magac, lab, keli) cisalka ama caadhka maroodiga.
boor-ta: (magac, lab, keli) wax kaste oo weyn oo meel daloosha la geliyo. Saca boor baa la geliyay. booraale -ha: (magac, lab, keli) meel ciid iyo siigo kacsan leh. Maaha booraale meel lagu noolaan karo. Dh: boodhaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boor
cf: uuro
de: dust; gray ~ dusty color
lx: boor
pd: (-ka)
ps: n4-m-mass
key: boor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doob
1. (Doob-ka) Ninka aan weli guursan, filkii la guursan jireyna gaarey oo in door ah dhaafay.
2. (Doob-ta) Xubin yar oo kolay qaabki leh oo awrka qooqani afka ka soo rido oo laallaadsho kolkuu wax guulayo; doobbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doob
doob¹: m.l (-bab, m.l) Nin aan weli guursan.
doob²: m.dh Cad yar, qaab kiish leh, cod weyn bixiya oo awrkaqooqani afka soo rido; gulgulo. la-mid: doobbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doob
m.l (-bab, m.l) Nin aan weli guursan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doob
m. n. bachelor, virgin boy
doob [feminine] n. froth from the mouth of a male camel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doob
-ka: (n) bachelor (baajilar); single person; an unmarried man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doob
-ka: (magac, lab, keli) wiilka aan weli guursan. Doob tuhun baa dilay.
doob -ta: (magac, dhedig, keli) xuuub cas oo awrku marka uu qooqan yahay uu afka ka soo tuuro. Doobta ayuu awrkii soo saaray.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
doob
عازب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooc
(Dooc-a)
(Dooc iyo dareen) war sugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooc
m.l War sugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooc
-a: (magac, lab, keli) war aad xaqiiqdiisa haysid. Dooc iyo dareen midna uma lihi warkaaga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dood
1. ° (Dood-ka) Kabaha Soomaalida jaad kamid ah.
2. (Dood-da) Hadal; dabuub; baane; muran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dood
dood¹: m.dh (-do, m.l) Hadal lagu falanqaynaayo arrin lagu muransanyahay oo la rabo in laga gungaaro.
dood²: m.dh (-do, m.l) 1. (xisaab) Marka laga hadlayo loojig, waa susun hawraaro ama weedho ah oo ka bilaabanta urur qaadashooyin ah kuna dhammaata go'aan. 2. (xisaab) Urur hawraaro ama weedho ah oo loo yaqaan afeef iyo hawraar lagu soo gooyay oo loo yaqaan go'aan.
dood³: f.mg1 (-day, -dday) Arrin lagu muransanyahay oo la rabo in lagu gun gaaro ra'yi ka jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dǫod
m.l.kh D. ah: nooc kabaha ka mid ah oo saanta geriga laga sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dood
dood¹: m.dh (-do, m.l) Hadal lagu falanqaynaayo arrin lagu muransanyahay oo la rabo in laga gungaaro.
dood²: m.dh (-do, m.l) 1. (xisaab) Marka laga hadlayo loojig, waa susun hawraaro ama weedho ah oo ka bilaabanta urur qaadashooyin ah kuna dhammaata go'aan. 2. (xisaab) Urur hawraaro ama weedho ah oo loo yaqaan afeef iyo hawraar lagu soo gooyay oo loo yaqaan go'aan.
dood³: f.mg1 (-day, -dday) Arrin lagu muransanyahay oo la rabo in lagu gun gaaro ra'yi ka jeedin. m.f.dh, doodid.
dǫod: m.l.kh D. ah: nooc kabaha ka mid ah oo saanta geriga laga sameeyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dood
Argument
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dood
v. debate, argue, dispute, discuss; criticize
dood vl. n. act of arguing
dood [feminine] n. discussion, argument, debate
dood pron., det, pl. their
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dood
-da: (n) debate (dibeyt); argument (aargu-ment); dispute (dis-piyuut); discussion (dis-ka-shin); controversy (kon-tera-veersi); deliberation (dili-bareey-shin) ~ muran
dood -ay I day: (v) debate (dibeeyt); argue (aargiyuu); deliberate (dili-bareeyt)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dood
Discussione; dibattito
Discussion; debate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dood
(fal) anqayn ama faaqidid. Dh: gorfayn, muran.
dood -da: (magac, dhedig, keli) hadal la isku. celcelinayo oo ka dhexeeya dad badan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dood
مناقشة، مُناظرة، مُجَادَلة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doog
1. (Doog-ga) Doogaad; naq; tigaad.
2. (Doog-ta) Nabarka biskooda soo labakaclayntiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doog
doog¹: m.l 1. Caleenta iyo cawska cusub ee uu roobka soo saaro; naq; tigaad. 2. Xilli roob da'ay, dhulku cagaaranyahay dadka iyo xooluhuna baraare ku jiraan. la-mid: doogaad.
doog²: m.dh 1. Soo laba kacleynta uu soo laba kacleeyo nabar hore u biskooday. 2. D. ah: biyo cirka ka yimid oo weel loo hoorsaday. 3. la-mid: daab².
doog³: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Nabar hore u biskooday mar labaad soo kicid. 2. Roob da'aya weel u hoorsasho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doog
doog¹: m.l 1. Caleenta iyo cawska cusub ee uu roobka soo saaro; naq; tigaad. 2. Xilli roob da'ay, dhulku cagaaranyahay dadka iyo xooluhuna baraare ku jiraan.
doog²: m.dh 1. Soo laba kacleynta uu soo laba kacleeyo nabar hore u biskooday. 2. D. ah: biyo cirka ka yimid oo weel loo hoorsaday. 3. daab².
doog³: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Nabar hore u biskooday mar labaad soo kicid. 2. Roob da'aya weel u hoorsasho (qof). m.f.dh, doogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doog
m. n., [collective] green grass, fresh vegetation; green (color)
doog [feminine] n. pain from an old wound
doog v. conserve ~ set aside rain water (for use during drought)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doog
-ga: (n) 1. green vegetation; greenery (giriineri) ~ naq, laac. 2. doog -ta: (n) pain from an old injury ~ kacdoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doog
(tilmaame) wax cagaaran oo u eg doogga. Shaati doog ah buu soo gatay. Dh: akhtar.
doog -ga: (magac, lab, keli) daaq dhulka ka baxa marka roobku da'o oo xooluhu cunaan. Deegaanta roobkiyo, adaa doogna ka udgoon.
doog -ta: (magac, dhedig, keli) kacdoon nabar hore dhacay uu yeesho. Doogtii dakharkaa ku soo laba kaclaysay. Dh: eel, eelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooh
Dooh!
Erey geela soconaya loogu dhawaaqo kolkii la doona hayo inuu istaago oo joogsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooh
e.d Erey geela soconaya loogu dhawaaqo kolkii la doonayo inuu istaago oo joogsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooh
inter. whoa!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooh
(ereydhawaaq) loo adeegsado awrka marka la joojinayo ama dhinac loo duwayo. War awrka adhiga dooh ka dheh. Li: oho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooh
de: whoa! Command to calm down or stop a nervous camel
lx: dooh
ps: intj
key: dooh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dool
1. (Dool-ka) Doolaalo ku yimid, dal kale ka yimid; doolaal.
2. (Doo-sha) a) Barida dadka labadeeda qaybood middood. b) Doon yar oo webiyada lagaga tallaabo.