doongadayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doongadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka sibidhka aqalka labeenta u danbaysa la marinayo. Dh: giingeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogayn
m.f.dh eeg doogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul naq helay. doog yeelasho. Buurihii doogayn ayaa ka muuqata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doongad
-da: (magac, dhedig, keli) aqalka marka la sibdhiyo inta yaree ugu dambaysa ee isku sinta. Dh: giingo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoondayn
m.f.dh eeg qoondee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoondayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lahaanshihiisa cid u gaaryeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoongayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid qaamaysan tudh ku dhihid. Nin deyn qabaa yoongayn buu ka baqaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) muddada u dhexaysa isasiinta iyo meherka gabadha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doongadee
(fal) mari sibidh si fiican isugu sima oo ah ka ugu danbeeya ee fargaasku maro. Dh: giingadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid guul soo hoysay, foolad u samayn; farxad la wadaagid. Dh: fooladays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin sida uu yahay ka war hayn. Dh: war-qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhengedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ul la dhicid. Dh: dhengedeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doonnanaan
(Doonnanaan-ta)
Gabar la doonay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonnanaan
m.f.dh eeg doonnan. la-mid: doonnaanansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doonnanaan
f. n. state of being betrothed ~ engaged
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonnanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh, guur sugid oo nin la og yahay u joogid. doonnanaansho -ha: (magac, lab, keli) eeg doonnanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doonnanaan
de: state of being betrothed ~ engaged
lx: doonnanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-st
key: doonnanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fookhadayn
(Fookhadayn-ta)
Fookhad u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fookhadayn
m.f.dh eeg fookhadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fookhadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) carfi udgoon ama fookhad u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moorgarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) moor dhigid; buuxin oo afka ka tolid. Raashinka jilmad ah moorgaraynta ayaa lagu iibsadaa. Dh: moogarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dookhadaysan
(tilmaame) qof uu madaxu wareeray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Googgaradayn
(Googgaradayn-ta)
Googgarad ka dhigid; sida googgaradda u tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgaradayn
m.f.dh eeg googgaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googgaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maro, googgarad ka dhigid; googgarad ka samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goondhabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si boob ku jiro, hareeraha wax uga cunid ama uga jiidasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boodayn
(Boodayn-ta)
Bood dhar ku mayrid; aad u caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodayn
m.f.dh eeg boodee. la-mid: boorayn (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar maydhid oo aad u caddayn. Boodaynta dharkaa gaari lagu yaqaanaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogayn
m.f.dh eeg boogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh aroosad ah gudniinkii fircooniga ahaa ka furid. Dh: reerayn. boogayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel, nabar boog ah ka dhigid. Xoqiddu qayb libaax ayay ka ciyaartaa boogaynta finanka yaryar. Dh: nabarayn, boogays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobayn
-ta: (magac, dhedig, keli) doob noqosho; qaangaadhid. Wiilkayga haddeed doobayn waxba ugama hadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doocaan
-ka: (magac, lab, keli) malab laga keeni jiray meel la yidhaahdo Doocaan oo Yemen ku taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogaad
(Doogaad-da)
Tigaad; doogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogaad
m.dh la-mid: doog¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogaad
f. n., [collective] prosperous land (with green grass and abundant rain)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doogaad
a: doogad (ka) [vn2-m]
cf: tigaad
de: prosperous land (with green grass and abundant rain)
lx: doogaad
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: doogaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomayn
m.f.dh eeg doomee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomayn
-ta: (magac, dhedig, keli) doomo samayn. Doomaynta waxa laga sameeyaa geed baar la yidhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doonnan
(gabar) Ciddoodii la weyddiistey; la doonay; alkun noqotay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonnan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax nin la siiyey ahaansho (gabar).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doonnan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax nin la siiyey ahaansho (gabar). m.f.dh, doonnanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doonnan
der. [adjective] engaged, betrothed (of girl)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doonnan
-aa ayd: (adj) engaged (engayjidh); betrothed (bi-tarowthdh); pledged to marry ~ alkuman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonnan
(tilmaame) gabadh la bixiyey oo nin la og yahay u joogta weli na meher ku dhicin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doonnan
de: engaged, betrothed (of girl)
lx: doonnan
pd: (doonnanaa / doonnanayd)
ps: adj-der
key: doonnan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogaan
(Moogaan-ta)
Ogaal la'aan; warqabid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogaan
m.f.dh eeg moog². la-mid: moogaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moogaan
f. n., [abstract] ignorance; absent-mindedness; absence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogaan
(tilmaame) ogaansho la'aan; kas l'i
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moogaan
a: moogaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: ignorance; absent-mindedness; absence
lx: moogaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: moogaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si goode ah u socosho. Dh: qoodays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roonaan
(Roonaan-ta)
Roonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roonaan
m.f.dh eeg roon. la-mid: roonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roonaan
f. n., [abstract] improvement; being better off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaagsanaan oo fiicnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roonaan
a: roonaansho (/ha) [vn-m-st]
de: improvement; being better off
lx: roonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: roonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roonayn
(Roonayn-ta)
Wax roon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roonayn
m.f.dh eeg roonee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soogaan
m.dh la-mid: suugaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soogaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg suugaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cudud ku taageerid; xoog iyo tamar ku kordhin. Xoogaynta tayada waxbarasho ayaa ah yoolka sannadkan. Dh: xoojin, xoogeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoongay
(fal) deyn ku qabsooo tudh ku dheh. Ninki ku dhacay kolkaad aragto yoongay: Dh: yoongee, qabso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cokadayn
m.dh la-mid: cukadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danabayn
m.f.dh eeg danabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax danab ridaya, ka yeelid. Birlabta ayaa kaalin weyn ku leh danabaynta.
danabayn -ta: (magac, dhedig, keli) walxaha aan lahayn danab, danab u yeelid. Walxuhu way u kala nugul yihiin danabaynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dangagan
(fal) wax aad rabto, si tukubo ah ugu dhaqaaq. Dh: daqaqan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
doomsday
/dhuumis dhey/ (n) maalinta-qiyaame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doondoon
(Doondoon-ka)
Wax aan la hayn ama lumay oo in badan la raadsho ama meel walba laga dayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doondoon
doondoon¹: m.l 1. Raadinta wax aan la hayn ama lumay oo hadba meel laga dayo. 2. la-mid: doondoonid.
doondoon²: f.g1 (-nay, -ntay; -ni) Wax aan la hayn ama lumay hadba meel ka dayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doondoon
f.g1 (-nay, -ntay; -ni) Wax aan la hayn ama lumay hadba meel ka dayid. m.f.dh, doondoonid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doondoon
v. search (for), keep on looking (for), hunt around
doondoon vl. n. search
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doondoon
(fal) raadraadi wax kaa lumay. Doondoon furihii guriga wuu lumaye. Dh: baadhbaadh, fiirfiiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonfaar
m.l la-mid: doofaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doonfaar
m. n. pig; pork
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doonfaar
-ka: (n) pig (pig); pork (poork); hog (hoog); swine (iswaayn); boar (boor) ~ doofaar, khaansiir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doonfaar
a: doofaar {S}
de: pig; pork
lx: doonfaar
pd: (-ka)
ps: n2-m, n5-m
key: doonfaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
doonfaar
خنزير
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooryaan
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan dibaato u leh aadanaha oo duula dushana qolof adag ku leh. Dh: doorshaan, daaruqe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooxnaan
(Dooxnaan-ta)
Wax la dooxay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooxnaan
m.f.dh eeg dooxan². la-mid: dooxnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooxnaan
f. n., [abstract] state of being gutted ~ disembowelled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid caloosha laga dillaaciyay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooxnaan
de: state of being gutted ~ disembowelled
lx: dooxnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dooxnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ridgitaanka hilibka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooladay
(fal) cid kale, foolad iyo xus farxadeed u samay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodafayn
(Oodafayn-ta)
Afka ood (= oodafo) ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodafayn
m.f.dh eeg oodafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) irrid furan jiitin ku oodid. Dh: oodafays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomanayn
m.dh Biyo ka saaridda walax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooghayn
(Tooghayn-ta)
Qof u toogo hayn, xurmo iyo in wax loo galo u qabid, ka warqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooghayn
m.f.dh eeg tooghay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooghayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka warqabid. ka warhayn, tooghays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoongays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yoongayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bongareyn
m.dh la-mid: bamgareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogadhay
m.l la-mid: boogadhaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof qof kale garbis xoog leh ku jiidha. Markuu i garbiyey ayaan daafadayntiisii la dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacsadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baabuur iyo wixii la mid ah, dacsad u yeelid ama u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacwadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dacwad ku oogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damradayn
m.f.dh eeg damradee.