doojis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doojis
m.l la-mid: doojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo si dhaqso ah u geyn meel roob ku da'ay. 2. Meel roob ku di'id. 3. Wadaan iyo wixi lamida biyodarid. 4. Wadaan maqaar ah qoyn si wax loogu waraabin karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooji
v. drive livestock to a place where rain has fallen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooji
(fal) xoolo jooga abaar ku tacab oo ku sin xilli roobaadka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooji
de: drive livestock to a place where rain has fallen rw: doog
lx: dooji
pd: (doojiyey)
ps: v2a=
key: dooji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boojis
m.l/dh (-syo, m.dh) Qof hubeysan oo si sharci darro u laayo ugaarta si uu uga ganacsado haraggooda, iliggooda iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boojis
m.l/dh (-syo, m.dh) Qof hubeysan oo si sharci darro u laayo ugaarta si uu uga ganacsado haraggooda, iliggooda iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boojis
-ka: (magac, lab, keli) boojin samayn.
boojis -ka: (magac, lab, keli) dhacista xoolaha gaar ahaan waqtiga dagaallada. Boojiskii waxba igama soo gaadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doodis
(Doodis-ta)
Doodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doodis
m.dh la-mid: doodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doodis
vl. n. argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg doodid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doodis
de: argument
lx: doodis
pd: (-ta)
ps: vn2a-f
key: doodis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doojin
(Doojin-ta)
1. (xoolo, kd.) meel doogatey ama kolkaasba roob hayo, degdeg ugu kaxayn oo u gaarsiin; doogdhaw.
2. (wadaan, kd.) Biyo ka buuxin; jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doojin
m.f.dh eeg dooji. la-mid: doojis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doojin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka xoolaha abaarta lagala xarbiyayo in aanay wax yeellayn.
doojin -ta: (magac, dhedig, keli) buuxinta wadaanta ceelka. Halkii laas daloolaa ku yaal, doojimiyo ceelal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonis
m.dh la-mid: doomid. doonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg doonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooris
m.l la-mid: doorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dǫoris
m.l la-mid: dǫorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg doorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dooxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goojis
m.l la-mid: goojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goojis
-ta: (magac, dhedig, keli) geel, dabada kor u taagid. Dh: goojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoojis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joojis
m.l la-mid: joojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joojis
vl. n. pause, halt, stop
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joojis
-ka: (n) cessation (saseeyshiriy stoppage (istaapeeyj~) ~ see also [eeg] joojin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joojis
-ka: (magac, lab, keli) meesha uu wax la qabanayay ama la aqrinayay ku joogsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joojis
de: pause, halt, stop
lx: joojis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: joojis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noojis
-ka: (magac, lab, keli) eeg noojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoojis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoofis
(Dhoofis-ka)
Dhoofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoofis
m.l la-mid: dhoofin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoofis
vl. n. export, exporting; act of deporting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoofis
-ka: (n). exporting (ikis-poorting); exportation (ekis-poor-teey-shin) of goods ~ dhoofin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoofis
-ta: (magac, dhedig, keli) dal kale u guurid ama aadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoofis
de: export, exporting; act of deporting
lx: dhoofis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: dhoofis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooriso
(Doorisa-da)
Wax doorisa; sidii hore si ka xun ka dhigta; duf (duf iyo dooriso).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooriso
m.dh Wax doorisa; sidii hore si ka xun ka dhigta; duf (duf iyo d.).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooriso
vl. n. getting worse, spoiling; bad influence, 'bad apple'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooriso
(fal) wax wax beddela oo sidii hore si ka xun ka dhiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooriso
de: getting worse, spoiling; bad influence, 'bad apple'
lx: dooriso
pd: (/da)
ps: vn6-f
xe: May you end up in a worse calamity!
xv: Duf iyo dooriso {curse}
key: dooriso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bojis
-ka: (magac, lab, keli) nasasho iyo tamashlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof madax furasho laga rabo xoog ku kaxayn; afduubid. 2. Gabar guur laga rabo xoog ku kaxayn si loo soo mehersado; dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
booji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof madax furasho laga rabo xoog ku kaxayn; afduubid. 2. Gabar guur laga rabo xoog ku kaxayn si loo soo mehersado; dhicid. m.f.dh, boojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booji
v. capture, catch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booji
(fal) qof xoog ku muquuni oo xoolo xoog kaga kaxayso. Dh: afduub, qafaal.
booji-da: (magac, dhedig, keli) riyaha waydda noqday. Riyuhu caano ma leh ee qaar booji ah baa jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
booji
de: capture, catch
lx: booji
pd: (boojiyey)
ps: v2a=
key: booji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dejis
m.l la-mid: dejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dejis
-ta: (magac, dhedig, keli) doon ama markab badda dhex quusin oo qarqin.
dejis-ta: (magac, dhedig, keli) meel qalalaase iyo fadqalallo ka taagan tahay qaboojin oo colaadda demin.
dejis -ta: (magac, dhedig, keli) reer meel cusub furid oo hoy ay galaan uga diyaarin. Saddex cisho ayaan ku maqnaa dejista reerka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doobi
(Doobi-ga)
Haruub qaab gaar ah leh, oo aan dhiil lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobi
doobi¹: m.l (-iyo, m.dh) Weel af ballaaran, dabool lahayn, la tolay ama la qoray oo geela lagu maalo. la-mid: doobke, doobte, toobke, toobte.
doobi²: f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: doobbi².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doobi
m.l (-iyo, m.dh) Weel af ballaaran, dabool lahayn, la tolay ama la qoray oo geela lagu maalo. la-mid: doobke, toobke, toobte.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doobi
m. n. medium-sized milk vessel ~ container
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doobi
-ga: (n) a container for milking camels ~ toobke
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobi
(fal) awr, doobta soo saar. Baarqab doobinayaa geela soo galay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doobi
cf: doobke, haruub
de: medium-sized milk vessel ~ container
lx: doobi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: doobi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax sugan ka raadin (qof). la-mid: doocdooci.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooci
v. try to get some information ~ news; inquire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooci
(fal) war iyo hayb ka doon. Waar bal neefka ceelasha ka dooci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooci
de: try to get some information ~ news; inquire
lx: dooci
pd: (doociyey)
ps: v2a=
key: dooci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doori
(Doori-ga)
Weylaha yaryar, kd., kolka aan habartood laga reebine lagu daro oo ay iska nuugaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doori
doori¹: m.l Ilmo yar, lo' ah oo aan hooyadii lala nuugin.
doori²: f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ilmo yar oo lo'aad hooyadii siduu doono u nuugid. 2. Wax si xun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dǫori
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax kale dhaafin; beddelid. 3. Sarrifid (lacag).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doori
dǫori: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax kale dhaafin; beddelid. 3. Sarrifid (lacag). m.f.dh, dǫorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doori
v. change, alter, disguise, transform; exchange
doori vl. n. act of giving young calves, etc., to their mothers to suckle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doori
-yey -say: (v) convert (konvert); transform (traanisfoom) change, alter ~ qayir
u doori yey say: (v) trade (tareeydh); make an exchange of one thing for another
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doori
(fal) mid ba wuxu heli karo ka kale ha ugu baddalo.
doori -ga: (magac, lab, keli) waxar ri'yo badani oggol yihiin inay jaqdo. Waxartani waa doori naaxday.
doori-ga: (magac, lab, keli) weylaha yaryar ee aan weli hooyadood ka gudhin lagana reebine iska nuuga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dujis
m.l la-mid: dujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooji
f.mg2 (-iyay, -isay) Sayn kor u qaadid (geel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gooji
v. lift its tail (female camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooji
(fal) geel, dabada kor u taag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gooji
de: lift its tail (female camel)
lx: gooji
pd: (goojiyey)
ps: v2a=
key: gooji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hojis
(Hojis-ka)
Hojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hojis
m.l la-mid: hojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hojis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid hoog ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid hoog ku ridid. m.f.dh, hoojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooji
v. bring misfortune upon someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hooji
-yey / say: (v) cause a disaster, catastrophe or grave misfortune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooji
(fal) hoog ku rid; dhibaato bad. Dh: bi'i.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooji
de: bring misfortune upon s.o.
lx: hooji
pd: (hoojiyey)
ps: v2a=tr
key: hooji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dhaqaaq ka celin. 2. Wax dhulka yaal istaajin. 3. Wax socday hakin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jooji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dhaqaaq ka celin. 2. Wax dhulka yaal istaajin. 3. Wax socday hakin. m.f.dh, joojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jooji
v. halt, bring to a stop; ban, prevent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jooji
-yey / say / yeen I nay: (v) cause to halt (hoolfp, stop (istaapfi pause (pooz); cease (siis), discontinue (diskon-tiiniyuii)-, quit (kuwit), desist (disiist), Ex: wuu ijoojiyey wuxuuna i waydiiyey tilmaan; he stopped me and asked directions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jooji
(fal) qof ama wax kale oo fadhiyay ama dhulka yaallay, sare u jooji.
jooji: (fal) qof ama wax socday, in uu joogsado sabab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jooji
de: halt, bring to a stop; ban, prevent rw: joog
lx: jooji
pd: (joojiyey)
ps: v2a=tr
key: jooji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nooji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax noogay ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nooji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax noogay ka dhigid. m.f.dh, noojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nooji
v. tire (out), weaken ~ fatigue someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nooji
-yey / say: (v) make or cause to become tired; exhaust (ig-zoost)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nooji
(fal) daali. Nooji waxarta si aad u gabato. Dh: daali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nooji
de: tire (out), weaken ~ fatigue s.o.
lx: nooji
pd: (noojiyey)
ps: v2a=tr
key: nooji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oo'is
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) eeg oo'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg oodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofis
-ka: (magac, lab, keli) eeg oofin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogis
-ta: (magac, dhedig, keli) dab aad u shidid. Dh: oogid.
oogis-ta: (magac, dhedig, keli) abaabulid, dardar cusub galen. Dh: oogid
oogis-ta: (magac, dhedig, keli) salaad iyo wixii la mid ah, samaynteeda si niyadsami ah ugu istaagid. Oogidda salaaddu waa rukun asaasi ah.
oogis-ta: (magac, dhedig, keli) dacwad samayn oo cid ku eedayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oohis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg oohin.