doogayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogayn
m.f.dh eeg doogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul naq helay. doog yeelasho. Buurihii doogayn ayaa ka muuqata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogayn
m.f.dh eeg boogee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh aroosad ah gudniinkii fircooniga ahaa ka furid. Dh: reerayn. boogayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel, nabar boog ah ka dhigid. Xoqiddu qayb libaax ayay ka ciyaartaa boogaynta finanka yaryar. Dh: nabarayn, boogays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobayn
-ta: (magac, dhedig, keli) doob noqosho; qaangaadhid. Wiilkayga haddeed doobayn waxba ugama hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomayn
m.f.dh eeg doomee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomayn
-ta: (magac, dhedig, keli) doomo samayn. Doomaynta waxa laga sameeyaa geed baar la yidhaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cudud ku taageerid; xoog iyo tamar ku kordhin. Xoogaynta tayada waxbarasho ayaa ah yoolka sannadkan. Dh: xoojin, xoogeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhookayn
m.f.dh eeg dhookee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooqayn
m.f.dh eeg dhooqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo dhooqo ka dhigid oo xareednimadooda ka bi'in. Biyuhu dhooqayn kuma nijaasoobaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tooghayn
(Tooghayn-ta)
Qof u toogo hayn, xurmo iyo in wax loo galo u qabid, ka warqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooghayn
m.f.dh eeg tooghay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooghayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka warqabid. ka warhayn, tooghays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoongayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid qaamaysan tudh ku dhihid. Nin deyn qabaa yoongayn buu ka baqaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oogan
La oogey; aad u shidan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogan
oogan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Dab wax la oogay noqosho. 2. Dacwo, rabsho iyo wixi lamida wax la oogay noqosho.
oogan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Dab wax la oogay ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo fuliyey ahaansho (salaad). 3. Dacwo, rabsho iyo wixi lamida wax la oogay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oogan
der. [adjective] blazing, afire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogan
(tilmaame) aad u abaabulan.
oogan: (tilmaame) ah dab aad u shidan, belbelaya, ololaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oogan
de: blazing, afire
lx: oogan
pd: (oognaa)
ps: adj-der
key: oogan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
docayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aad meel aqalka ah aad dhinac u firkinaysid si loo helo meel intii hore ka ballaadhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogad
(Doogad-ka)
Doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogad
m.l la-mid: doogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogad
-ka: (magac, lab, keli) dhul, naq helid oo doog yeelasho. Dh: doogasho.
doogad -ka: (magac, lab, keli) nabar hore, soo kacdoomid oo dib u bukood. Dh: doogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooran
(tilmaame) wax la xulay oo la doortay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooray
m.l (-yo, m.dh) Neef caano yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dootan
v. debate, dispute each other
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dootan
de: debate, dispute each other
lx: dootan
pd: (dootamay)
ps: v1=recip
key: dootan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooxan
(calool, kd.) la dooxay; la jeexay; la kala gooyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooxan
dooxan¹: f.mg1 (-xmay, -xantay; -xmi) 1. Wax caloosha laga soo riday noqosho. 2. Nafley aad u shubmid.
dooxan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax caloosha laga soo riday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dooxan
f.mg1 (-xmay, -xantay; -xmi) 1. Wax caloosha laga soo riday noqosho. 2. Nafley aad u shubmid. m.f.dh, dooxmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooxan
der. [adjective] gutted
dooxan [inchoative] v. be stabbed ~ gutted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooxan
(tilmaame) mid kala dillaacsan oo ubucdiisu qalan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel durugsan geyn. Dh: dheerayn. Li: dhowayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foogan
Wax ku taagan: wax ku diran; taagan; kacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax soo taagan oo aan meel laga maro lahayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foogan
der. [adjective] raised, lifted; erected
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Foogan
nickname; name-f busy; raised, lifted; erected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foogan
(tilmaame) taagan ama qotoma.
foogan: (tilmaame) «ku ~» ku mashquulsan oo ka shaqaynaya. Dh: taagan, hawllan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foogan
de: raised, lifted; erected
lx: foogan
pd: (foognaa)
ps: adj-der
syn: taagan
key: foogan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunno ama hilib hog dab leh ku ridid si loogu bisleeyo. Dh: karin, moofayn, dubid.
hogayn -ta: (magac, dhedig, keli) gorof god qiiq lagu shiday ku gembiyid, si loo carfiyo wixii ilimaqabatay ah na looga dilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogay
hoogay!: (ereydhawaaq) lagu dhawaaqo kolka uu qofku dareemo hungoobid iyo dhiillo. Dh: ba'ay! jabay! tolla'ay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax noogay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax noogay ahaansho. m.f.dh, noognaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodayn
(Oodayn-ta)
Ood saarid; ood ku celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodayn
m.f.dh eeg oodee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oodsaarid ama ood ku meerin. Isaga ayaa loo xilsaaray oodaynta xerada. Dh: oodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofayn
m.f.dh eeg oofee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soogan
La soogey; kala jiidan; taagan; miiqan; togan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Cid meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Qof dhuuban oo xoog leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soogan
der. [adjective] stretched (out); thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soogan
(tilmaame) mid kala jiidan; mid tataagan oo aan fadhi iyo socod toona lahayn. Col soogan baan u galay. Dh: taagan, qotoma.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soogan
de: stretched (out); [ext.] thin
initial: s
lx: soogan
pd: (soognaa)
ps: adj-der
key: soogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boodayn
(Boodayn-ta)
Bood dhar ku mayrid; aad u caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodayn
m.f.dh eeg boodee. la-mid: boorayn (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar maydhid oo aad u caddayn. Boodaynta dharkaa gaari lagu yaqaanaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolayn
m.f.dh eeg boolee. la-mid: boolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) turub afar baadh ah haadka lagu booleeyey magacaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorayn
m.f.dh eeg booree. la-mid: boodayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo ku asoorid. Dadka booraynta ka daa. Dh: boodhayn, siigayn. booraysad -ka: (magac, lab, keli) carro si sharcigu dhigay la isku marsho si salaadka loo bannaysto kolka biyo la waayo. Dh: boodhaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootayn
m.f.dh eeg bootee. la-mid: bootays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadallada kulul ee dhex mara labada isu cadhaysn. Bootaynta aayara naag walayba buulkaaga tag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhigayn
(Dhigayn-ta)
Dhigo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigayn
m.f.dh eeg dhigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guri dhigo u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doocaan
-ka: (magac, lab, keli) malab laga keeni jiray meel la yidhaahdo Doocaan oo Yemen ku taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogaad
(Doogaad-da)
Tigaad; doogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogaad
m.dh la-mid: doog¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogaad
f. n., [collective] prosperous land (with green grass and abundant rain)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doogaad
a: doogad (ka) [vn2-m]
cf: tigaad
de: prosperous land (with green grass and abundant rain)
lx: doogaad
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: doogaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogsin
m.dh la-mid: doogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogsin
-ta: (magac, dhedig, keli) hogosha xoolaha dusha ka hesha. Doogsin ayaa na qabatay xalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooyeyn
(Dooyeyn-ta)
Dooyo dooyo u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooyeyn
m.f.dh eeg dooyee. la-mid: dooyeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ilaalo ciidanka ka horraysa, samayn. Koox yar ayaa dooyaynta ku filan. Dh: ilaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobayn
(Goobayn-ta)
Goobo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobayn
m.f.dh eeg goobee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobayn
-ta: (magac, dhedig, keli) goobo u yeelid ama goobo ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl milayayn; hawl milay la qabto u yeelid. Goorayn ayay u baahan tahay hawshan culus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) adke ama neef dareer u beddelid. Kulka badani wuxuu ka mid yahay waxayaalaha loo adeegsado hooraynta adkaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosayn
(Hoosayn-ta)
Docda hoose xigid, jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosayn
m.f.dh eeg hoosee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaga hoose xigid; wax laga gacan sarreeyo noqosho. Ninna hoosaynta ma jecla. Li: saran, korrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koorayn
(Koorayn-ta)
Koore dusha ka saarid; koore u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorayn
m.f.dh eeg kooree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) koore dusha ka saarid; koore u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koosayn
(Koosayn-ta)
Ordid; kadlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosayn
m.f.dh eeg koosee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koosayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod kadlayn ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooxayn
m.f.dh eeg kooxee. la-mid: kooxays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kooxayn
-ta: (n) the act of making of groups; grouping (guruuping) ~ kooxo u samayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kooxo ka dhigid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
looxayn
rebounding
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moofayn
m.dh la-mid: muufayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moofayn
-ta: (magac, dhedig, keli) moofo ka dhigid; hilib ama cunto kale foorno ku bislayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogaan
(Moogaan-ta)
Ogaal la'aan; warqabid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogaan
m.f.dh eeg moog². la-mid: moogaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moogaan
f. n., [abstract] ignorance; absent-mindedness; absence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogaan
(tilmaame) ogaansho la'aan; kas l'i
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moogaan
a: moogaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: ignorance; absent-mindedness; absence
lx: moogaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: moogaan