docolruug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
docolruug
-ga: (magac, lab, keli) xoolo baad iyo biyo ba waayey.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Goolnuug
nickname-m fattened sucker, baby fat-- said of nursing young animals
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
docfaruur
docfaruur¹: m.l Ballanfur lagu sameeyo arrin la isku ogaa. la-mid: gantafaruur¹.
docfaruur²: f.g1 (-ray, -rtay) Arrin la isku ogaa ballanfuryo ku sameyn. la-mid: gantafaruur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
docfaruur
(fal) arrin iyo ballan dad u yaallay khalkhal geli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daluug
v. massage
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DALUUG
(Dalug) S Suaeda fruticosa (L) Forsk. Chenopodiaceae.
S Suaeda micromeris Brenan. Chenopodiaceae.
S Suaeda monoica J.F.Gmel. Chenopodiaceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daluug
a: daliig
de: massage
lx: daluug
pd: (daluugay)
ps: v1=
key: daluug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacluus
dacluus¹: m.l 1. Faqri. 2. la-mid: dacluusid.
dacluus²: f.mg1 (-say, -stay) Faqri noqosho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacluus
m. n., [abstract] misery, poverty
dacluus [inchoative] v. become impoverished; be sick, get weak ~ feeble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacluus
(fal) baahi iyo saboolnimo ha ku saamayso.
dacluus-ka: (magac, lab, keli) baahi iyo saboolnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalluug
(Dalluug-ga)
Geed weligi cagaar ah oo laamo keliya oo cumur ah iyo caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan yeesha; hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalluug
m.l (dalluug, m.dh) Geed abaareed, gaaban, cufan oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar; hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalluug
m.l (dalluug, m.dh) Geed abaareed, gaaban, cufan oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar; hayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalluug
m. n. evergreen tree species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalluug
-ta: (n) evergreen tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalluug
-ga: (magac, lab, keli) geed weligii cagaar ah oo laamo keliya oo cumur ah iyo caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan yeesha. Dh: hayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalluug
cf: hayn
de: evergreen tree sp.
lx: dalluug
pd: (-ga)
ps: n5-m
key: dalluug
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
decorum
/dhikoram/ (n) asluub (edeb).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorxul
-ka: (magac, lab, keli) cidda loo soo dooro inay meel arrin yaallo ka hadasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
decorous
/dhekoras/ (adj) edboon (asluub leh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doobguun
(Doobguun-ka)
Doobnimo ku gaboobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobguun
m.l.u Nin doobnimo ku gaboobey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doobguun
m. n., [compound] elderly bachelor, confirmed bachelor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobguun
-ka: (magac, lab, keli) nin doobnimo ku raagay oo aan horay u guursanba. Doobguun guurka waa lagu qabaa. Dh: gaboobaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doobguun
cf: guumeys
de: elderly bachelor, confirmed bachelor
lx: doobguun
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: doobguun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doolraac
-a: (magac, lab, keli) xoolaha khayraad raadin loo geeyo dhul ka fog dhulkoodii oo u gudbay xad kale. Reeraha doolraaca ah ha la qaabbilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolituug
-ga: (magac, lab, keli) qofka aan sheegin xoolaha baadida ah ee qarsada. Boolituug baadi helaan wallee, baafin kuula soo bixine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooranuug
m.l Hal ilmaheeda gaar ula baxda oo nuujisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorinuug
m.l/dh la-mid: dooritus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
docfaruurid
m.f.dh eeg docfaruur². la-mid: gantafaruurid.