dixiimin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dixiimin
(magac, dhedig, keli) mudho buurbuuran budo ka dhigid. Dh: daqiijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dixiimi
(fal) wax buurbuuran ama jidhiidh ah daqiiji. Dixiimi hadhuudhka loxoox baan ka dhiganaynaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqiijin
-ta: (magac, dhedig, keli) habka loo ridqo walax ama shay adkaa. Dh: budayn, dixiimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiimin
m.f.dh eeg xiimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiimin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xiin kaga keenid oo wax xiimaya ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiimin
m.f.dh eeg dhiimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiimin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar midab bixin; liinbixin oo midabkiisii ka fasiqid. Dh: fasiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddimin
m.f.dh eeg diddimi. la-mid: diddimis, dindimin, dindimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindimin
m.dh la-mid: diddimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diniimid
m.dh la-mid: diddimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bixitimid
m.f.dh eeg bixitin². la-mid: bixtin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bixitimid
-da: (magac, dhedig, keli) socod u ambabixid. Bixitimid ayaan jilka u laabtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimi
(fal) u oy waxaad rabtid inaad hesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiimi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax xiin ka keenid. 2. Wax aad u ordisiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiimi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax xiin ka keenid. 2. Wax aad u ordisiin. m.f.dh, xiimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiimi
v. speed (up); cause to zoom ~ make a rushing noise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiimi
-yey / say: (v) move fast; zoom by; flash by; accelerate (ak-si-lareyt) ~ sheellaree
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiimi
de: speed (up); cause to zoom ~ make a rushing noise
initial: x
lx: xiimi
nt: xiimin (ta) [vn-f]
pd: (xiimiyey)
ps: v2a=tr
key: xiimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ximin
(Ximin-ta)
Xin kula kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ximin
m.f.dh eeg ximi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ximin
-ta: (magac, dhedig, keli) xiddig weyn oo guduudan co dirirka iyo haltoddobaadyada u dhexaysa. Dh: xidig.
ximin-ta: (magac, dhedig, keli) xin iyo xasad kula kicid. Dh: xinnin, ximis.
ximin-ta: (magac, dhedig, keli) doox xooladaaqeen ah oo fardaha iyo iduhu ku tarmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiimi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel dheecaan yar ka keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiimi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel dheecaan yar ka keenid. m.f.dh, dhiimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiimi
v. press the juice out of; extract the resin from
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiimi
(fal) dhar midab bixi; liinbixi oo midabkiisii ka fasaq. Jaafeel ku maydh oo shaadhka liimi. Dh: dhiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiimi
de: press the juice out of; extract the resin from
lx: dhiimi
pd: (dhiimiyey)
ps: v2a=tr
key: dhiimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimin
m.dh la-mid: damqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilin
m.dh la-mid: diillin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diilin
-ta: (magac, dhedig, keli) hal xarriiq oo dheer oo ka dhex muuqda meesha ama shayga uu ku dhex yaallo. Diilin cad buu daahu leeyahay. Dh: liid.
diilin -ta: (magac, dhedig, keli) xanjaadka badhtankiisa meesha inta kale ka godan kolka la buuran yahay kolka la dhuubtana lafaha dhabarku ka soo baxaan. Faras diilinta madaw aya na qaaday Dh: dhabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diimid
(Diimid-da)
Yaabid ka timaadda wax aan hor loo arki jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimid
m.f.dh eeg diin³. la-mid: diimis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diimid
vl. n. surprise, amazement, being astonished
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad rabitaan awgii aad muujisid dareen oohineed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diimid
cf: ku diin
de: surprise, amazement, being astonished at seeing s.t. very strange for the first time
lx: diimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: diimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimis
m.dh la-mid: diimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimis
-ka: (magac, lab, keli) uskagga iyo biyaha isku gadhoodha oo ay ciiddu yeelato midab silloon iyo ur qudhmuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirin
(Diirin-ta)
Wax yar kululayn; qandac ka dhigid; (ama diirrin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirin
m.f.dh eeg diiri. la-mid: diiris¹, diirrimaad, diirrin, diirris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirin
-ta: (magac, dhedig, keli) dabka saarid oo in yar kulaylin ama qabawga ka bi'in. Dh: kulaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diniin
diniin¹: m.l la-mid: diddin¹.
diniin²: f.mg1 (-nay, -nayd) la-mid: diddin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diniin
v. drop from a container (e.g., the last drops of liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diniin
-ka: (magac, lab, keli) socodka dareeraha aant badnayn ee qunyar u soconaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diniin
a: dindin
de: drop from a container (e.g., the last drops of liquid)
lx: diniin
pd: (diniinay)
ps: v1=intr
key: diniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dixiri
(Dixiri-ga)
Nafley yaryar oo jaadad badan ah: kuwo dheerdheer iyo kuwo dhuudhuuban; kuwo jiljilicsan; kuwo oogadoodu xubnaysan tahay; kuwo xamaarta; ... wax ciidda dhexdeeda ku nool iyo wax oogada nafleyda kale ku noolba waa lee yihiin; (ama dixri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dixiri
m.l Dulin xamaarta, noocyo badan, lafo iyo lugo lahayn oo oogadiisna xibnoxibno u qaybsantahay. la-mid: dirxi, dixri, tirxi, tixiri, tixri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dixiri
m.l Dulin xamaarta, noocyo badan, lafo iyo lugo lahayn oo oogadiisna xibnoxibno u qaybsantahay. la-mid: dixri, tixri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dixiri
m. n. worm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dixiri
-ga: (n), worm (weerm); maggot (maagat) ~ dirxi, gooryaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dixiri
-ga: (magac, lab, keli) eeg dirxi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dixiri
a: dirxi
de: worm
lx: dixiri
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dixiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimin
m.f.dh eeg siimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siimin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~, iska ~) sanka siin ka keened; ilmo yar duuf ka biin. Dh: duufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiijin
(Xiijin-ta)
Wax eryid, taniyo intuu ka xuurtoodo, ka xiiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiijin
m.f.dh eeg xiiji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiijin
-ta: (magac, dhedig, keli) eryid tan iyo inta uu ka hiinraagayo. Dh: hiinraajin, xiiqsiin, daalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiimid
(Xiimid-da)
Orod daran oo xiin ka yeero, ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiimid
m.f.dh eeg xiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiimid
-da: (magac, dhedig, keli) xiin bixin. Dh: guuxid.
xiimid -da: (magac, dhedig, keli) orod xooglehoo xiin ka baxayo ordid. Dh: ordid, xiimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiimis
-ta: (magac, dhedig, keli) xiin ama guux samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bixitin
(Bixitin-ka)
Dibad u bixid; tegid; socdaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bixitin
bixitin¹: m.l Tegidda meel laga tago iyadoo meel kale la aadayo. la-mid: bixtimid.
bixitin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Qof meel u ambabixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bixitin
bixitin¹: m.l Tegidda meel laga tago iyadoo meel kale la aadayo.
bixitin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Qof meel u ambabixid. m.f.dh, bixitimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bixitin
vl. n. departure, leaving
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bixitin
-ka: (magac, lab, keli) dibad u bixid; safar iyo socdaal tegid. Aabbe bixitinkiisii meeqa beribaa ka hadhay? Dh: ambabbixid, safrid, socdaalid.
bixitin: (fal) (u ~) u ambabax meel aan ahayn meesha aad deggantahay, u bax safar. Awoowo Xashkuu u bixitimay. Dh: kicitin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bixitin
de: departure, leaving
lx: bixitin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: bixitin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibin
m.f.dh eeg dhiibi. la-mid: dhiibis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhabarka deri u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiijin
(Dhiijin-ta)
Wax ib yar ah leh, sida naasaha xoolaha oo caano ama wax kaloo shubmaa ku jiraan, xoog u qabasho oo gantaal (toog) ka soo saarid; dhiiq ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiijin
m.f.dh eeg dhiiji. la-mid: dhiijis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiijin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la tuujiyo si dareere uga soo baxo ama marka xoolaha caanaha laga lisayo. Dh: lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiimid
(Dhiimid-da)
Dhiin ka soo bixid; dhiin noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiimid
m.f.dh eeg dhiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiimid
-da: (magac, dhedig, keli) liinbixid oo fasaqmid. Dharka aan tayada lahayn ayaa dhiimid sameeya. Dh: fasaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddimi
f.g 2 (-iyay, -isay) Hoore yar, si aayar ah u shubid. la-mid: dindimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didimis
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ama dareer kale, aayar u daadasho oo sidii qulqul yar u socosho. Dh: dindinmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digirin
m.dh la-mid: digiiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digniin
(Digniin-ta)
War ama si kale oo la isugu sheego ama la isugu baaqo cabsi ama wax kale oo soo socda ama laysla maaggan yahay, si laysaga ilaaliyo oo looga dhawrsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digniin
digniin¹: m.dh la-mid: digid.
digniin²: m.dh 1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iyo wixi lamida oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digniin
m.dh 1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iyo wixi lamida oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
digniin
caution, warning
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digniin
vl. n. warning, alert, alarm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digniin
-ta: (n) warning (wooning); caution (kooshan) ~ taxadar
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DIGNIIN
Ammonizione
Warning
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Digniin
Avviso; ammonizione
Notice; warning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digniin
-ta: (magac, dhedig, keli) wargelin ama sii sheegid wax dhici doona iyadoo halis soo socota, cid lagu baraarujinayo. Dh: ogeysiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digniin
de: warning, alert, alarm
lx: digniin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: digniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
digniin
إباء، رفض
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diillin
(Diillin-ta)
Xarriiq; jiitin; daliig; dildil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diillin
m.dh (-imo, m.l) 1. Xarriiq; jiitin. 2. Roob xoog leh oo dabayl wata. 3. Caws cusub oo ka soo fufay meel gubad ah. la-mid: diilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diillin
m.dh (-imo, m.l) 1. Xarriiq; jiitin. 2. Roob xoog leh oo dabayl wata. 3. Caws cusub oo ka soo fufay meel gubad ah. la-mid: diilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diillin
f. n. line, stripe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diillin
-ta: (n) stripe (istraayp); streak (istiriik); line (laayn) ~ xariiqin, daliig
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Diillin
Grafico; linea
Graph; linea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diillin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah liidad is barbar yaal oo isku dhawdhaw oo dhererkooda iyo balladhkooduba kala duwan yihiin. Diillimo fallaadha ah ayaa cadceed dhaca laga arkaa geesta galbeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilmid
m.f.dh eeg diilan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirfin
m.l Nooc digirta ka mid ah, yaryar, oo cagaaran; salbuko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirmid
(Diirmid-da)
Diirku ka murxid ama ka dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirmid
m.f.dh eeg dįiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirmid
-da: (magac, dhedig, keli) iskii, diirku uga qaadmid. Dh: diirmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirrin
(Diirrin-ta)
Wax diirran ka dhigid; (ama diirin).