dirnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirnaan
(Dirnaan-ta)
1. (qof) ku la diray ahaan; diran.
2. (ku dirnaan) ku jaadnaan, ku qaybsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirnaan
m.f.dh eeg diran. la-mid: dirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirnaan
f. n., [abstract] state of being sent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la diray ahaan. Ergada dirnaanta lagu ogaa weli way joogaan.
dirnaan -ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) wax ku nabnaan oo deyn kari waayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirnaan
de: state of being sent
lx: dirnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dirnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirnaan
m.f.dh eeg dįiran². la-mid: dįirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diiran oo qalkii ka qaadmay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darnaan
(Darnaan-ta)
Darnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darnaan
m.f.dh eeg daran³. la-mid: darnaansho, darni, darno, darsanaan, darsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darnaan
f. n. being worse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darnaan
-ta: (n) harshness (harshnas); extremity (ekis-tirimati) ~ aad u daran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) naxariisdarro iyo adayg.
darnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax sidii hore ka daran ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darnaan
de: being worse
lx: darnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: darnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dihnaan
(Dihnaan-ta)
Ahaanta la yahay wax dihin oo aan weli la maalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dihnaan
m.f.dh eeg dihin. la-mid: dahnaan, dahnaansho, dihnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dihnaan
f. n., [abstract] state of (animal) not having been milked; (soil) never being cultivated; being incomplete, untouched ~ unstarted
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dihnaan
de: state of (animal) not having been milked; (soil) never being cultivated; being incomplete, untouched ~ unstarted
lx: dihnaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: dihnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilnaan
m.f.dh eeg dilan³. la-mid: dilnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diryaan
diryaan¹: m.l la-mid: dayaan¹.
diryaan²: m.l la-mid: dayaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diryaan
v. roar, rumble, thunder, reverberate, resound; produce a loud noise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diryaan
-ka: (n) deep, long, rolling sound; rumble (rarnbal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diryaan
a: dayaan
de: roar, rumble, thunder, reverberate, resound; produce a loud noise
lx: diryaan
pd: (diryaamay)
ps: v1=intr
key: diryaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirnaan
m.f.dh eeg miran. la-mid: mirnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirnaan
m.f.dh eeg siran. la-mid: sirnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirnaan
m.f.dh eeg tiran. la-mid: tirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tirnaan
f. n. cancellation, erasure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel laga tiray ahaan. Dh: ba'sanaan, masaxnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirnaan
de: cancellation, erasure
initial: t
lx: tirnaan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: tirnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirnaan
(Xirnaan-ta)
Wax xiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirnaan
m.f.dh eeg xiran². la-mid: xirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirnaan
f. n., [abstract] state of being tied (up) ~ closed (in); imprisonment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xidhnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirnaan
de: state of being tied (up) ~ closed (in); imprisonment
initial: x
lx: xirnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xirnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirnaansho
m.l/dh la-mid: dirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirmaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dirnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daarnaan
(Daarnaan-ta)
Wax daaran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daarnaan
m.f.dh eeg daaran². la-mid: daarnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daarnaan
f. n., [abstract] lit, state of being kindled ~ alight
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daarnaan
a: daarnaansho [n-f]
de: lit, state of being kindled ~ alight
lx: daarnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: daarnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyrnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) deyr lahaan; ijaar ku soo wareegsan lahaan. Beertu deyrnaan ayay u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharnaan
m.f.dh eeg dharan. la-mid: dharnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhignaan
(Dhignaan-ta)
Wax dhigan ahaansho; dhigniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhignaan
m.f.dh eeg dhigan². la-mid: dhignaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhignaan
f. n., [abstract] state of being put down ~ written
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhignaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoran ahaan. Dhignaanta Farsoomaalidu waxay hirgashay 1972kii. Dh: qornaan.
dhignaan-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel iska yaal oo gacan lagu hayn ahaan. Qoriga dhignaantaa u daa. Dh: oolnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhignaan
de: state of being put down ~ written
lx: dhignaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dhignaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilnaan
m.f.dh eeg dhilan². la-mid: dhilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diiran ahaansho. Dhilnaan baa muuska lagu cunaa. Dh: fiiqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhinnaan
(Dhinnaan-ta)
Wax ka maqnaan; qabyo ahaan; dhimmanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinnaan
m.dh la-mid: dhimmanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhinnaan
f. n., [abstract] incompleteness, deficiency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhiman ahaan ama inqanaan. Dh: inqanaan, naaqusnaan.
dhinnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax dhiman oon buuxin ahaan. Dh: inqanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhinnaan
de: incompleteness, deficiency
lx: dhinnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dhinnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhisnaan
(Dhisnaan-ta)
Wax dhisan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisnaan
m.f.dh eeg dhisan². la-mid: dhisnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhisnaan
vl. n., [abstract] state of being built, construction; well-dressed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhamaystiran oo dhisan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhisnaan
de: state of being built, construction; [fig.] well-dressed
lx: dhisnaan
pd: (-ta)
ps: vn-f-abs
key: dhisnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurnaan
m.f.dh eeg dhuran². la-mid: dhurnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilnaan
m.f.dh eeg diilan². la-mid: diilnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diisnaan
(Diisnaan-ta)
Wax diisan ahaansho; riixnaan; buusnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diisnaan
m.f.dh eeg diisan. la-mid: diisnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diisnaan
f. n., [abstract] compression; being squashed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hoos u buusnaan oo wax deri leh noqosho. Dh: buusnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diisnaan
de: compression; being squashed
lx: diisnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: diisnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirnaan
m.f.dh eeg giiran. la-mid: giirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la giiray ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miirnaan
(Miirnaan-ta)
Wax miiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirnaan
m.f.dh eeg miiran². la-mid: miirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miirnaan
f. n., [abstract] state of being filtered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax miiran ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miirnaan
de: state of being filtered
lx: miirnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: miirnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riirnaan
m.f.dh eeg riiran. la-mid: riirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax riiran ahaan; cayilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirnaan
m.f.dh eeg shiran. la-mid: shirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shir ku jirid: dad shirsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiirnaan
(Xiirnaan-ta)
Wax xiiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiirnaan
m.f.dh eeg xiiran. la-mid: xiirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiirnaan
f. n., [abstract] state of being shaved
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax timaha iska xiiray ahaan. Dh: xiirni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiirnaan
de: state of being shaved
initial: x
lx: xiirnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xiirnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax la diray ahaansho. 2. Qof waxgarad ah oo aan tilmaan u baahnayn. 3. Ku d.: wax aad u jecel oo in badan ka isticmaala ahaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diran
der. [adjective] sent (out ~ away)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diran
(tilmaame) mid la diray.
diran: (tilmaame) mid hawl ku dheggan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diran
de: sent (out ~ away)
lx: diran
pd: (dirnaa)
ps: adj-der
key: diran
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inaan
conj., vl. pron. that I ...
inaan [conjunction], neg. that ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inaan
[pronoun Ifollowed by action verb]. Ex: inaan waxbartaan rabaan; I want study
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dikaan
(Dikaan-ka)
Dhaqdhaqaaq yar oo isdabajoog ah sida kan dhiigga xididdada xula haya ama meel malaxi ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dikaan
dikaan¹: m.l 1. Dhaqdhaqaaq yar oo isdabajoog ah sida kan dhiigga xididdada xulaaya ama meel malaxi ku jirto. 2. la-mid: dikaamid.
dikaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Dikaan dareemid (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dikaan
dikaan¹: m.l Dhaqdhaqaaq yar oo isdabajoog ah sida kan dhiigga xididdada xulaaya ama meel malaxi ku jirto.
dikaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) dikaan dareemid (nafley). m.f.dh, dikaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dikaan
m. n. pulse; throb (of pain); rhythmical flow
dikaan v. pulse, pulsate; throb; flow rhythmically
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dikaan
-ka: (n) pulsating pain (pal-saayting peeyn) ~ dakaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dikaan
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq fudud oo is dabasocda oo is dabajoog ah sida ka dhiigga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinaas
m.dh Daran cusbo badan oo geelu aad u jecelyahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DINAAX
(Dinah) N, C Pseudolithos migiurtinus (Chiov) Bally. Asclepiadaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diraac
(Diraac-da)
Afarta nur oo sanadu u qaybsanto, mid kamid ah; wuxuu u dhexeeyaa dayrta iyo guga; Jiilaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraac
m.dh 1. Afaarta xilli oo sanadku u qaybsamo, mid ka mid ah oo u dhexeeya dayrta iyo guga; jilaal. 2. Xilli barwaaqo ah oo guga bartamihiisa ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diraac
m.dh 1. Afarta xilli oo sanadku u qaybsamo, mid ka mid ah oo u dhexeeya dayrta iyo guga; jilaal. 2. Xilli barwaaqo ah oo guga bartamihiisa ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Diraac
f. n. dry season (approximately December through January)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diraac
name-m dry season; autumn (born during that season)