dirirgalaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirgalaal
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah xiddigaha waaweyn oo keli ah aadna u cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirsanaan
m.f.dh eeg dirirsan. la-mid: dirirsanaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirirsanaan
-ta: (n) hostility (hoostiliti)-, hostile acts; antagonism (an-taago-niizim); enmity (en-miti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dagaalsanaan oo colaadi ka oognaan. Dh: dagaalsanaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Miyirwalaal
name-m aware; articulate; cool-tempered
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįrirsagaaro
m.dh Bartamaha guga. la-mid: dįrir (2).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DIGIR-GAAL
(Digher-gal) Canavalia virosa (Roxb.) Wight & Arn. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirranaan
m.f.dh eeg diirran². la-mid: diirraansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diirran oo yar kulul ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digrisalaan
-ka: (magic, lab, keli) salaan qasiido ah oo la isku soo dhoweeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirgudban
-ka: (magac, lab, keli) labo xiddigood oo gudban, kuwa kalina ku hoos daadsan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firirsanaan
m.f.dh eeg firirsan. la-mid: firdhisnaan, firdhisnaansho, firirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala daadsanaanta, wax hore u urursanaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirirsanaan
m.f.dh eeg mirirsan. la-mid: mirirsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirirsanaan
m.f.dh eeg sirirsan. la-mid: sirirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sida wax cunaha laqabtay ahaan oo naqas ku dhagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirbayaxawr
-ka: (magac, lab kali) mid ka mid ah xiddigaha aadka u cadcad ee dirirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirifsanaan
m.f.dh eeg dhirifsan. la-mid: dhirifsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbirsanaan
m.f.dh eeg dibbirsan. la-mid: dibbiraysnaan, dibbiraysnaansho, dibbirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dibbiro hayso oo calool foocsan ahaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DIGIR-CAGAAR
(Digir-agar) S Phaseolus mungo L. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįrircawleed
m.l Dirirsagaaro. la-mid: Dirir (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirircawleed
-ka: (magac, lab, keli) roobka bisha labaad ee qu'ga da'a.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirgarbood
-ka: (magac, lab, keli) afar xiddigood oo saddex isku toosantahay midna ta u horraysa in ay agtaal la moodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirsanaan
m.f.dh eeg xiriirsan. la-mid: xiriirsanaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiriirsanaan
-ta: (n) continuation (kon-tini-weey-shin); sequence (siik-wans); continuity (kon-to-nuwati) ~ si xiriir ah u socod
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xiriirsan ahaan. Dh: xidhiidhsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirdiirranaan
m.f.dh eeg diirdiirran. la-mid: diirdiirranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiirranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) firfircooni iyo waxqabad fiicnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirsanaansho
m.l/dh la-mid: dirirsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dirirsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digaxaar
(Digaxaar-ka)
Qori yar oo xalleef ah oo reer-miyigu, xeryaha ariga digada kaga xaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digaxaar
m.l (-rro, m.dh) Qori xalleefsan oo xeraada xoolaha digeda looga guro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digaxaar
m. n. broom ~ sweeper made of sticks
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digaxaar
de: broom ~ sweeper made of sticks
lx: digaxaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: qaraf
key: digaxaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirnaan
m.f.dh eeg dįiran². la-mid: dįirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diiran oo qalkii ka qaadmay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirirday
(Dirirday-ga)
Xiddigo naafaha ku jira; waxay u dhexeeyaan koxdin iyo dirir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirday
m.l Urur xiddiga ah oo Naafuhu ku jiraan oo u dhexeeya Koxdinta iyo Dirirka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirday
-ga: (magac, lab, keli) xiddigo naafaha ku jira oo u dhexeeya koxdinta iyo dirirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirirsan
Dagaal dhex yaal; col ah; isneceb; colloobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) La d.: qof, qof kale la dagaalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dirirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) La d.: qof, qof kale la dagaalay ahaansho. m.f.dh, dirirsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirirsan
der. [adjective] fighting, at war, hostile; quarreling, feuding, in disagreement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirirsan
-aa I aayeen: (adj) hostile (hoos-taiy, hating (heeyting); set against, opposing; antagonistic. Ex: ciidamo dirirsan; hostile forces',
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirsan
(tilmaame) dad dagaalsan oo colaadi dhextaal. Laba ciidan oo dirirsan lama dhex dego. Dh: dagaalsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirirsan
de: fighting, at war, hostile; quarreling, feuding, in disagreement
lx: dirirsan
pd: (dirirsanaa)
ps: adj-der
key: dirirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiigtaal
(Fiigtaal-ka)
Fiige ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigtaal
m.l.kh 1. F. ah: neef tood ama fiige ah oo ay adagtahay in la maalo. 2. F. ah: neef didsan oo aan la qaban karin. la-mid: fiigaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiigtaal
m. n., [compound] (adj.): untamed domestic animal; wild
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigtaal
-ka: (magac, lab, keli) neef aan si fudud lagu maali karin oo dadka ka carara. Dh: fiigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiigtaal
de: untamed domestic animal; [atr.] wild
lx: fiigtaal
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: fiigtaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargalaan
m.l (-nno, m.dh) Weel siin ah, dheg leh oo wax lagu cabbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aargalaan
m.l (-nno, m.dh) Weel siin ah, dheg leh oo wax lagu cabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aargalaan
m. n. large cup ~ glass; metal cup with a handle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aargalaan
-ka: (n) a large metal cup for drinking ~ kalax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargalaan
-ka: (magac, lab, keli) kalax dheg leh oo biyaha lagu cabbo, hadhudhka iyo wixii la mid ah lagu cabbiro. Aargalaan shaah laguma cabbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aargalaan
de: large cup ~ glass; metal cup with a handle
lx: aargalaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: aargalaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidingaal
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah khudradda suugada laga sameeyo gaar ahaan ta kalluunka lagu darsado. Bidingaal sooska nooga samee. Dh: bidingaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararmaal
-ka: (magac, lab, keli) wax dihin intiisa hore haleelid oo xooxdiisa hore maalid. Dh: xooxmaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirimaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg diirrimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirganwaa
-ga: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq gaabni noocya badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriigaan
-ka: (magac, lab, keli) weel caag ka samaysan oo lagu shubto dareeraha. Dh: shirikaan, jirikaan. Wa: jirigaanno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirrabaad
m.l Dhibaato weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirrabaad
m.l Dhibaato weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirrabaad
-da: (magac, dhedig, keli) tijaabin iyo shirrabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirranaan
m.f.dh eeg jirran. la-mid: jirranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nirignaaf
-ka: (magac, lab, keli) nirig tag xun Nirignaaf geela waa laga qalaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siigadaaq
m.l.kh S. ah: xoolo meel cagtu ku badatay daaqa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsanaan
m.f.dh eeg biirsan². la-mid: biirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax la kordhiyay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birshakaal
Bishilka reeba ama xanniba middida raandada ama isu haya daabka iyo madaxa dubbaha, iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirsanaan
m.f.dh eeg ciirsan. la-mid: ciirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ciirsan ama dheellisan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqalaal
-ka: (magac, lab, keli) wiil da'yar oo inta badan caato ah, dhaqankiisu na wanaagsanayn suuqgal ah. Dh: ciyaalsuuq.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Desigaraam
Decigram
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharqasaal
m.l (-llo, m.dh) Qof dharka mayra oo lacag ka tacba; doobbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharqasaal
-sha: (magac, dhedig, keli) mishiin koranto ku shaqeeya oo dharka lagu maydho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dherganaan
m.f.dh eeg dhergan. la-mid: dherganaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiryaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof dhirta aad u kala yagaan oo magacdeeda iyo manfacaddeedaba kala yaqaan. Dh: geedayaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibirlaxle
-ha: cayayaan ka mid ah kuwa duula oo dhobo buulal ka dhista, qaniinyo kulul na leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiddanaan
dįiddanaan: m.f.dh eeg dįiddan. la-mid: dįiddanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) oggolaansho la'aan aan wax ralli laga ahayn. Dh: diidmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diidsanaan
m.f.dh eeg diidsan. la-mid: diidsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidsanaan
m.dh eeg dįidsan. la-mid: dįidsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diidsan ahaan. Dh: dawakhsanaan, wareersanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diinla'aan
m.dh Diinlaawe ahaansho. la-mid: diinli'i.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diinla'aan
f. n., [abstract] atheism, being without religion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diinla'aan
-ta (n) atheism (eey-thi-yiisim); Godlessness ~ diinli'i
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diinla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid aan diinta si fiican ugu dhaqmin ahaan. Dh: gaalnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diinla'aan
a: diinli'i (da)
de: atheism, being without religion
lx: diinla'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: diinla'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirrimaad
m.l 1. la-mid: diirsimaad. Kulayl aan aad u badnayn. 2. la-mid: diirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirrimaad
m.l 1. la-mid: diirsimaad. Kulayl aan aad u badnayn. 2. la-mid: diirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirrimaad
-ka: (magac, lab, keli) kulay iyo qabaw inta u dhaxaysa. Dh: qandac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirsimaad
(Diirsimaad-ka)
Kulayn aan badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirsimaad
m.l la-mid: diirimaad (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirsimaad
m. n. warmth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirsimaad
-ka: (magac, lab, keli) kulaylin aan badnayn. Dab dhaxani ka dambaysaa diirsimaad ma leh.