direys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
direys
m.l (-syo, m.dh) Labbis gaar ah oo ay qaataan ciidammada qalabka sida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
direys
m. n. dress, uniform (military, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
direys
-ka: (magac, lab, keli) dhar gaar ah oo isku eg oo cidi gaar u leedahay sida ka ciidanka iyo ardayda dugsiyada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
direys
de: dress, uniform (military, etc.)
lx: direys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: direys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirays
-ka: (magac, lab, keli) maryaha lagu labbisto ama la xidho ee ay qaataan askarta iyo ciyaalka dugsiyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kireys
m.l la-mid: kireyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaalle
(tilmaame) midabka huruudda ah. Arday xidhan direys jaalle ah ayaa dugsiga sii geliya. Dh: dacar, caraw.
jaalle -ha: (magac, lab, kali) saaxiib ama rafiiq.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
digress
/dhaygres/ (v) mawduuc ka bixid. e.g. She keeps digressing from the main topic of her speech.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fireyso
f.g3 (-stay, -satay) Haad turub geddisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirdeys
m.l (-syo, m.dh) Xarig dawlis ah oo aad loo tidcay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kireysi
m.l la-mid: kireysasho.

kireyso
f.g3 (-stay, -satay) Hanti gaar ah sida baabuur, guri iyo wixi lamida ijaarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kireyso
f.g3 (-stay, -satay) Hanti gaar ah sida baabuur, guri iyo wixi lamida ijaarasho. m.f.dh, kireysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kireyso
v.auto: hire, rent for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kireyso
-kireystay I kireysatay: (v) rent or hire for yourself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kireyso
(fal) hanti gaar ah sida baabuur, guri iyo wixii la mid ah, ijaarasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kireyso
de: hire, rent for oneself
lx: kireyso
nt: kireysasho (/da) [vn6-f]
pd: (kireystay)
ps: v3b=auto
key: kireyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deys
m.l (-sas, m.l) 1. D. ah: faras dibad joognimo ku barbaaray oo aan la laylin. 2. D. ah: qof iskorisnimo ku barbaaray oo akhlaaq xun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deys
m.l (-sas, m.l) 1. D. ah: faras dibad joognimo ku barbaaray oo aan la laylin. 2. D. ah: qof iskorisnimo ku barbaaray oo akhlaaq xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deys
(ereycodeed) lagu dhawaaqo marka la rabo inuu awrku kuu joogsado si aad u dabarto. Deys dheh awrka oo dabar.
deys -ka: (magac, lab, keli) faras dibad joognimo ku barbaaray oo aan la laylin.
deys -ka: (magac, lab, keli) qof iskorisnimo ku barbaaray oo akhlaaq xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dire
m.l.u Tirxi yar yar, saxarrada soo raaca, oo daba cun cun leh. la-mid: diro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dire
m.l.u Tirxi yar yar, saxarrada soo raaca, oo daba cun cun leh. la-mid: diro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dire
m. n. transmitter
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dire
/dhayar/ (adj) aad u daran (aad u xun).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dire
-diraha: (n) sender (sendhar); transmitter (taraanis-miiter)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dire
vtr. - dhihid, sheegid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dire
dire, v. - U sheeg; loo sheego; dhihid; dheh; la dhaho; la yidhi.
c'est-à-dire - La yidhaahdo; kala ah.
dire des riens, des absurdités - Hadal doqonimo; Hadal nacasnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dire
de: transmitter
lx: dire
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dire
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deres
v. study; learn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deres
a: deris
de: study; learn
lx: deres
pd: (dersay)
ps: v1=
syn: baro
xv: Arabic
key: deres
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dicey
/dhaysi/ (adj) khatar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diris
(Diris-ta)
Meel u dawis; meel aadsiis; dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diris
m.dh la-mid: dirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diris
vl. n. act of sending
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diris
de: act of sending
lx: diris
pd: (-ta)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: diris
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dirty
/dharti/ (adj) 1. wasakh ah (v) 2. wasakhayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dirty
a., uskag leh, uskagaysan, wasakhaysan, nijaas ah, dooro weyn, sabooh badan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dregs
/dregis/ (n) qasharka (qasharka dareeraha oo hoos fariista, ee layska-daadiyo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dress
/dres/ (n) 1. lebbis, dhar (n) 2. kurdad, canbuur (v) 3. labbisasho, dhar xirasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dress
n., (cloth) dhar, -ki; Somali, maro, -adi, haili, -gi; v.tr., huwi, qamiiska u geli; dress yourself, huwo, gasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durey
(Durey-ga)
Xanuun dhuumaha neeftu marto gudo-ujeeddadooda hoose qabta siiba sanka iyo hunguriga oo aalaa hindhiso iyo duuf wata; hargab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durey
m.l Hargab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durey
m.l (daaw.) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.
durey: m.l Hargab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durey
m. n. cold, headcold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durey
-ga: (n) common cold; flu (fuluu); influenza (infuluuweensa); cold (kooldhi)-, coryza (koraayza) ~ ifilo, hargab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durey
de: cold, headcold
lx: durey
pd: (-ga)
ps: n-m
key: durey
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Wires
Xarig koran to
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bileys
m.l la-mid: boliis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bileys
-ka: (magacwadareed) ciidanka suga ammaanka dalka ee xidha qofka jebiya sharciga. Bileyskaan kaa soo dacweyn haddaad ideyni waydo Dh: boolis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birays
-ka: (magac, lab, keli) neef xoolo ah birayn. Birays ha la seegin wanka. Dh: xalaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyeys
-ka: (magac, lab, keli) biyo ku shubid. Biyeys bay beertu u baahantahay.
biyeys -ka: (magac, lab, keli) weel biyo ka buuxin oo ku shubid. Biyeyska wasooyinka adigaa lagaa rabaa. Dh: dhaamis.
biyeys-ka: (magac, lab, keli) biyo ku darid sida caano. Biyeyska caanaha nooga daa hooyo. Dh: badhxis, xariiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bureys
m.l la-mid: bureyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bureys
-ka: (magac, lab, keli) gariirka oogada noolaha xanuun ama qabow awgii. Dh: dubaaxis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareyn
f. n. rapidity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweys
-ka: (magac, lab, keli) marka qof xanuunsanaya dawayntiisa dhakhtarku gacanta ku hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirayn
m.dh (naxwe) Curiyayaal loo kala saaro kooxkoox hadba sida ay isugu dhowyihiin naxwe ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dirayn
m.dh (naxwe) Curiyayaal loo kala saaro kooxkoox hadba sida ay isugu dhowyihiin naxwe ahaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
direct
/darekt/ (v) 1. tilmaamid, jihayn (v) 2. agaasimid (v) 3. amar-siin (v) 4. ku toosin, ku abbaarid (adj) 5. toosan (toos ah).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Direct
Toos
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
direct
direct, adj. - Toosan; Qumman; Qumaati ah; aan qaloocnayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
direct
a., (straight) quman, toosan.
direct, v.tr., toos u wad, toos u kaxay; direct that letter to the governor, warqaddaa serkaalka u gey or ku toosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirqis
m.l la-mid: dirqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dirqin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
divers
divers, adj. - Kala jaad ah; kala qaab ah; kalo nooc ah; kala jaadjaad ah; dhawr; ka badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
figeys
m.l la-mid: figeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firays
-ka: (magac, lab, keli) eeg firayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg hibayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kireyn
(Kireyn-ta)
Kiro gelin; kiro ka qaadid; ijaarid; ijaareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kireyn
m.f.dh eeg kiree. la-mid: kireys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixeys
m.l la-mid: lixeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mirayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diqeysan
der. [adjective] disgusted
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diqeysan
de: disgusted
lx: diqeysan
pd: (diqaysan)
ps: adj-der
key: diqeysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirraysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl wada qabasho. Dirraysi baa lagaga cabbaa ceelka. Dh: madaysi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
distress
/dhistares/ (n) 1. saxariir (v) 2. saxaririd, balanbalid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
distress
n., (calamity) ayaan xumo, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dureysan
Durey hayo; hargabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dureysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax durey hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dureysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax durey hayo ahaansho. m.f.dh, dureysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dureysan
der. [adjective] having a cold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dureysan
-aa: (adj) having a cold; having caught a head cold; having catch a cold ~ hargabsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dureysan
de: having a cold
lx: dureysan
pd: (dureysanaa)
ps: adj-der
key: dureysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiireysi
(Hiireysi-ga)
Hiireysasho; hiireysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiireysi
m.l la-mid: hiireysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiireyso
f.mg3 (-stay, -satay) Arooryo hore kallihid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiireyso
v. get up early
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiireyso
de: get up early
lx: hiireyso
nt: hiireysad (ka) [vn-m], hiireysasho (/da) [vn-f], hiireysi (ga) [vn-m]
pd: (hiireysaday)
ps: v3a=
key: hiireyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kireysad
m.l la-mid: kireysasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
address
/adres/addresses, addressing, addressed; (n) 1. ciwaan (sida cinwaanka | gurigaaga ama shaqadaada). e.g. I have to make an address change. (v) 2. khudbad jeedin. e.g. The President addressed the nation.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
address
/adrees/ (n) inwaang (meelly qofky ky nooli amy ky sugygni).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
address
v.tr., u dir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareys
m.l la-mid: afareyn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
airless
/eerless/ (adj) hawo yar ama neecaw ku filan aan lahayn. e.g. an airless room.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bileysi
m.l la-mid: bileysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bileyso
f.mg3 (-stay, -satay) Haweenwy uur leh oo sidda dhaweysay si ay samo ugu dhasho alla bari samayn; kuraysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bileyso
f.mg3 (-stay, -satay) Haweenwy uur leh oo sidda dhaweysay si ay samo ugu dhasho alla bari samayn; kuraysasho. m.f.dh, bileysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bileyso
(fal) bilo tirso oo xilli aad sugayso raagso. Weligaaba bileyso maalinta xukunkaagu dhammaado ayaa lagu sii deyn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BIYEEYS
(Beies) N Nuxia congesta Fresen. Loganiaceae.
N Nuxia oppositifolia (Hochst.) Benth. Loganiaceae.
N Pavetta gardeniifolia A.Rich. Rubiaceae.
N Wendlandia arabica Defl. Rubiaceae.
N Pluchea sarcophylla Chiov. Compositae.
N Sporobolus consimilis Fresen: Gramineae.