diqow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqow
diqow¹: m.l Isbeddelka dhadhanka iyo urta biyaha ku dhaca.
diqow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Diq noqosho (biyo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diqow
diqow¹: m.l Isbeddelka dhadhanka iyo urta biyaha ku dhaca.
diqow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Diq noqosho (biyo). m.f.dh, diqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqo
m.dh 1. Yaqyaqsi. 2. Hilib la shiiday oo suugada lagu daro. 3. Meel dhiriq iyo wasakh badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diqo
m.dh 1. Yaqyaqsi. 2. Hilib la shiiday oo suugada lagu daro. 3. Meel dhiriq iyo wasakh badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqo
-da: (magac, dhedig, keli) gurid wax meel laga soo guro. Dh: gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ka d.: wax yaqyaqsi leh aad u nicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ka d.: wax yaqyaqsi leh aad u nicid. m.f.l, diqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqoo
(fal) meel ka qaad oo tu kale u gur. Kelidaa alaabta diqoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duqow
(Duqow-ga)
Duqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqow
duqow¹: m.l la-mid: duqoobid.
duqow²: m.dh.w eeg duq 1 (1).
duqow³: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Duq noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Duq noqosho. m.f.dh, duqoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duqow
vl. n. aging process, getting old
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqow
-duqoobay / duqowday: (v) become old; grow older; be old; go gray, turn white
duqow -ga: (n) oldness (ooldines); old age; the act of ageing (eyjing) or aging ~ duqoobid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqow
-ga: (magac, lab, keli) gabowga ku yimaadda ruux in badan soo noolaa. Duqowgu dawo ma leh. Dh: gabow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duqow
de: aging process, getting old
lx: duqow
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: duqow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqoobid
m.f.dh eeg diqow.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Radioactive Contamination
Diqowga kaahfal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhiiqo noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiiqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhiiqo noqosho. m.f.dh, dhiiqoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiqow
inch. v. become muddy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqow
(fal) dhiiqo yeelo. Dh: dhoobow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiqow
de: become muddy
lx: dhiiqow
pd: (dhiiqoobay)
ps: v1=inch
key: dhiiqow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diglow
(Diglow-ga)
Sharbad laysku dacarfaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diglow
m.l Cabbitaan laysku dacar falo oo laga sameeyo qashir bun oo la kariyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diglow
m.l Cabbitaan laysku dacar falo oo laga sameeyo qashir bun oo la kariyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diglow
m. n. purgative
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diglow
de: purgative
lx: diglow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: sharbad
key: diglow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidow
-ga: (magac, lab, keli) saca ilmihiisa diida oo aan oggolaan jiqiddiisa. Dh: ilmo diid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqoo
f.mg3 (-oobay, -ootay) Ku d.: ciriiri dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiqoo
f.mg3 (-oobay, -ootay) Ku d.: ciriiri dareemid. m.f.l, diiqood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diloow
m. n. killing; hitting, beating
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diloow
de: killing; hitting, beating
lx: diloow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: diloow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqood
m.f.l eeg diqoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diqood
m.f.l eeg diqoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirrow
m.l Baaba'; kharrib; laystaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirrow
-da: (magac, dhedig, keli) cad kiish ah oo futada ku jira oo sindhadu fadhiisato inta aanay soo bixin. Dh: tirraw, malawad, walamad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
disown
/dhisown/ (v) dayrin. e.g. Ali's father disowned him when he was caught taking drugs.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Sirqo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirqow
fal) fac weynow. Dh: gaboow, dugow.
sirqow-ga: (magac, lab, keli) sirqo noqosho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
Dio
s.m. - Ilaah, Eebbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diq
diq¹: m.l.kh 1. Raad badan. 2. D. ah: meel wax badan la dagganaa oo ciiddeedu xumaatay. 3. D. ah: biyo dhadhankoodii iyo urtoodii isbeddeleen.
diq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Ku d.: meel cagta ku badin (xoolo, ugaar iyo wixi lamida). 2. Ka d.: wax aad u nicid. 3. D. ah: weel buuxa in kale ku ciriiriyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diq
diq¹: m.l.kh 1. Raad badan. 2. D. ah: meel wax badan la dagganaa oo ciiddeedu xumaatay. 3. D. ah: biyo dhadhankoodii iyo urtoodii isbeddeleen.
diq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Ku d.: meel cagta ku badin (xoolo, ugaar iyo wixi lamida). 2. Ka d.: wax aad u nicid. 3. D. ah: weel buuxa in kale ku ciriiriyid. m.f.dh, diqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diq
-da: (magac, dhedig, keli) daaqa ka baxa meel la degganaa oo lagu raagay. Iyaba waa diqowdaa haddaan la isu diidayne. Dh: dikh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dow
m.l la-mid: daw¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqow
(fal) wax baro oo ogow. Aqow in maskaxda la adeegsado. Dh: garo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhow
Aan fogeyn; ogog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhow
f.mg4 (-waa, -wayd) Wax aan fogayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhow
f.mg4 (-waa, -wayd) Wax aan fogayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhow
adj., loc. near, nearby, close
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhow
-aa: (adj) 1. near (niyar); close (kalows)-, just about; almost; nearly ~ dhaw: Ex: mustaqbalka dhow; the near future ~ dhowaan: 2. (adv) recently (rii-santili) ~ dhawaan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhow
Vicino
Near
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhow
(tilmaame) eeg dhaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhow
a: dhaw
de: near, nearby, close Opp: fog
lx: dhow
pd: (dhowaa)
ps: adj-loc
xe: One afternoon he went to share news with a family that was nearby.
xv: Galab buu reera ka ag dhowaa u wareysi tagey.
key: dhow
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhow
مُقْتَرِب لَدَى وَلَدُن وَعِنْدَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digo
(Diga-da)
Xoolaha iyo bahallada, kd., xaarkooda iyo saaladooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digo
digo¹: m.dh 1. Saalo. 2. Saalo burburtay oo badan.
digo²: f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Aroos cid ugu wacasho. 2. (f.mg) Ku d.: col jabay, qof laga adkaaday iyo wixi lamida hadal lafajebis ah ku dhihid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digo
digo¹: m.dh 1. Saalo. 2. Saalo burburtay oo badan.
digo²: f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Aroos cid ugu wacasho. 2. (f.mg) Ku d.: col jabay, qof laga adkaaday iyo wixi lamida hadal lafajebis ah ku dhihid. m.f.dh, digasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digo
v. announ (a wedding ceremony)
digo [feminine] n., [collective] dung
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digo
-da: (n) dung (doong); manure (ma-nuur); muck (mak) ~ saalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digo
(fal) (ku ~) ku farax dhibaato cid ku dhacday. Dh: wiirso.
digo -da: (magac, dhedig, keli) saalada xooluhu dhigaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diho
f.mg3 (-hday, -hatay) Ilmo dhashay kalgacal u muujin. la-mid: daho, doho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diho
(fal) duco oo soo saar ilmaha. Dh: doco, jiiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diro
m.dh la-mid: dire.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dito
s.m. far.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dixo
f.mg3 (-xday, -xatay) 1. Ciidda ka dusid (biyo ama hoore kale). 2. Biyo qulqulid. 3. U d.: cid u naxariisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dixo
f.mg3 (-xday, -xatay) 1. Ciidda ka dusid (biyo ama hoore kale). 2. Biyo qulqulid. 3. U d.: cid u naxariisasho. m.f.dh, dixasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dixo
v. dig for water in sand (of a streambed)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dixo
(fal) ku dux oo hoos u xuluulo. Dh: duxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dixo
de: dig for water in sand (of a streambed)
lx: dixo
pd: (dixday)
ps: v3b=
key: dixo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyo
(Diya-da)
Qof la diley xoolaha laga baxsho ~ qaan; mag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyo
m.dh Hanti ku waajibtay qof cid dilay oo la siiyo ehelada qofka laga dilay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diyo
m.dh Hanti ku waajibtay qof cid dilay oo la siiyo ehelada qofka laga dilay; mag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyo
f. n. blood-money, compensation paid for death ~ injury
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diyo
-diyada: (n) compensation (kompanseeyshin); blood money (blaadh mani); restitution (resta tuu shin); reparation (ra-par eey-shin); indemnity (indhem-niti) ~ magdhaw, mag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha ama lacagta la baxsho marka cid la dilo. Wax diyo ah lama kala qaadan weli. Dh: mag, dhiig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyo
bw: Arabic
de: blood-money, compensation paid for death ~ injury (in Somali traditional law)
lx: diyo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: mag
key: diyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iiqo
(Iiqa-da)
Meel ciriiri ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iiqo
f. n. narrow place, difficult situation, tight corner
iiqo: v. be in a tight place, get into a difficult situation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilow
-iloobay / ilowday: (v) forget (fer get) ~ see [eeg] illow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imow
f.mg3 (yimid, timid) Meel qofka lala hadlaya ama kan hadlayaba jooga tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
imow
f.mg3 (yimid, timid) Meel qofka lala hadlaya ama kan hadlayaba jooga tegid. m.f.dh, imaasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imow
imperative v., sg. arrive!, come!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imow
-imaaday/imaatay: (v) come or arrive! ~ kaalay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imow
(fal) eeg imo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imow
bw: imaada
de: arrive!, come!
lx: imow
ps: v4b-imp-sg
syn: kaalay;
xe: Come to my house!
xv: Gurigayga imow!
key: imow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqo
f.mg3 (-qday, -qatay) 1. Iyadoo la fadhiyo in yar durkid. 2. Ka s.: wax ku yaqyaqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siqo
f.mg3 (-qday, -qatay) 1. Iyadoo la fadhiyo in yar durkid. 2. Ka s.: wax ku yaqyaqsasho. m.f.dh, siqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqo
(fal) in yar durug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqow
f.mg1 (-oobay, -ooday; -oobi) la-mid: asqoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asqow
(fal) harraad oo oon dartii la ildarraw. Dad asqoobay baan soo badbaadinnay.
asqow: (fal) ka habaw meesha aad u socoto. Waan asqoobay. Dh: jaahwareer.
asqow-ga: (magac, lab, keli) harraad iyo oon dartii la ildarraansho.
asqow -ga: (magac, lab, keli) meeshii loo socday, ka habaabid. Dh: jaahwareer.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BIBOW
(bibo) S Anacardium occidentalis L. Anacardiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilow
bilow¹: m.l 1. Tallaabada ugu horreysa hawl la fulinayo. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore. la-mid: billow¹.
bilow²: f.g1 (-laabay, -lowday; -laabi) 1. Hawl la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid. 2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid. la-mid: billow².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilow
bilow¹: m.l 1. Tallaabada ugu horreysa hawl la fulinayo. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore. la-mid: billow.
bilow²: f.g1 (-laabay, -lowday; -laabi) 1. Hawl la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid. 2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid. m.f.dh, bilaabid. la-mid: billow.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
bilow
start
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilow
m. n. beginning, start
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bilow
name-m beginning, start. Lit: first born son, the elder (sometimes written as Billow). Syn: Bilaw
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilow
-ga: (n) starting (istaarting)-, novice (noovas)-, beginning (bi-gin-ning) ~ bilaw, billaw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilow
a: bilaw ~ biloow
de: beginning, start
lx: bilow
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: bilow
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bilow
بِدَايَة، افتتاح، ابتِدَاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birow
(Birow-ga)
Daasad bir ah; qasac.