diqdiqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diqdiqo
(Diqdiqa-da)
Gurgurid yaryar oo isdabajoog ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqdiqo
diqdiqo¹: m.dh 1. Socodka laba meelood si joogto ah laysaga socdo. 2. Waddo dhuuban; wadiiqo. la-mid: diqdiq¹.
diqdiqo²: f.mg3 (-qtay, -qatay) Ku d.: cunto cuniddeeda ku noqnoqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diqdiqo
vl. n. act of moving a number of objects one by one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqdiqo
-da: (magac, dhedig, keli) gurgurid isdabajoog ah oo alaab loo guro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diqdiqo
de: act of moving a number of objects one by one
lx: diqdiqo
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: daldal
key: diqdiqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqdiq
diqdiq¹: m.l la-mid: diqdiqo¹.
diqdiq²: m.l Wadiiqo yar oo cagta dadku samayso, oo isku xirta laba guri ama guri iyo beer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daldal
(Daldal-ka)
1. Gurgur; diqdiqo.
2. (°) Deldel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurgur
(Gurgur-ka)
1. Alaabta guriga, kd., inteeda yaryar oo fudfudud oo aan surradda ahayn.
2. Wax meel laga qaada hayo oo meel kale la geyna hayo oo xoogaa xoogaa loo qaado; diqdiqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daldal_1
bw: gurgur
de: move things (one by one); fill completely
hm: 1
lx: daldal
pd: (daldalay)
ps: v1=
syn: diqdiqo
key: daldal_1
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqdiqee
f.g/mg2 (-qeeyay, -qaysay) 1. (f.g) Cid cunno siin. 2. (f.mg) Labo meelood si joogto ah isaga socodka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diqdiqee
v. move a number of objects one by one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqdiqee
(fal) gurgur oo si isdabajoog ah u qaadqaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diqdiqee
de: move a number of objects one by one
lx: diqdiqee
pd: (diqdiqeeyey)
ps: v2b=
key: diqdiqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqo
(Diiqa-da)
Wax laysa siiyo iyadoo aan lays weyddiisan; deeq; kohasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqo
m.dh la-mid: diiq².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiqo
f. n. gift, charity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqo
-da: (magac, dhedig, keli) gabadha oo reerkii ay ka dhalatay waxtar ku taageeraan. Dh: dhibaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiqo
de: gift, charity
lx: diiqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: diiqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqiiqo
m.dh la-mid: daqiiqad.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daqiiqo
Minute
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqiiqo
f. n. minute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqiiqo
-da: (magac, dhedig, keli) xilli gaaban oo u dhigma saacad lixdan ilbidhiqsi. Shan daqiiqo ku soo noqo. Dh: miridh, daqiiqad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqiiqo
de: minute
lx: daqiiqo
pd: (/da)
ps: n6-f-time
xe: Well be there in a minute.
xv: Daqiiqa ka dib baannu imanaynaa.
key: daqiiqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digdigo
(Digdiga-da)
Kob cag'adayg ah oo sinsiman ama ciiddeeda aad loo garaacay oo si adag loo nabay, sida goobaha lagu cayaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digdigo
m.dh Meel yar, bannaan, simman, oo ciiddeeda aad loo nabay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digdigo
f. n. ground cleared and made hard (for sports ~ dancing)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digdigo
cf: dibir, didib, gawaan, sirsir
de: ground cleared and made hard (for sports ~ dancing)
lx: digdigo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: digdigo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildilo
-da: (magac, dhedig, keli) summad ama calaamad loo yeelo geela si loo garto ciddii leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqdiqasho
m.f.dh eeg diqdiqo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqdiqasho
-da: (magac, dhedig, keli) si isdabajoog ah u gurgurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diqdiqayn
(Diqdiqayn-ta)
(alaabo, kd.) gurid isdabajoog ah; wax badan oo la gura hayo iyadoo hadba in yar la qaada hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqdiqayn
m.f.dh eeg diqdiqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqdiqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si isdabajoog ah u gurgurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddinso
f.g3 (-saday, -satay) Hoore yar meel ka shubasho. la-mid: dindinso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diddinso
v. get last drops of something, drink ~ drain off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diddinso
(fal) gororso oo wixii weel guntii biyo ku jiraba dharruuro. Dh: gororso, dindinso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diddinso
de: get last drops of s.t., drink ~ drain off (e.g., remaining liquid in a container)
lx: diddinso
pd: (diddinsaday)
ps: v3a=tr
key: diddinso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dililiqo
m.dh la-mid: dilindilqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindinso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: diddinso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diradiro
-dirraddiraha: (n) the act of stirring up strife or setting against each other; quarrelmongering; troublemaking (tarobal-meeyking) ~ diradiro, nammiimino
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diradiro
-ha: (magac, dhedig, keli) war xun oo loo kala qaado labo dhinac. Dh: namiimnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dilindilqo
(Dilindilqa-da)
Geed geedquwaaxa kamid ah oo dhulka cadduunka ah ka baxa; kor uma kaco ee dhulkuu ku faalalaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilindilqo
m.dh Geed geedquwaaxyada ka mid ah oo dhulka caddun kaah ka baxa oo kor u bixin ee dhulka ku dhabbacan. la-mid: dililiqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dilindilqo
f. n., [collective] incense-bearing tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilindilqo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah geedquwaaxa oo dhulka ku barraaha oo meelaha cadduunka ah ka baxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dilindilqo
de: incense-bearing tree sp.
lx: dilindilqo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dilindilqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didi
f.g2 (-iyay, -isay) Didmo geyeysiin (xoolo, ugaar iyo wixi lamida.). la-mid: dudi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
didi
f.g2 (-iyay, -isay) Didmo geyeysiin (xoolo, ugaar iyo wixi lamida.). m.f.dh, didin. la-mid: dudi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
didi
v. disperse, scare (off), scatter, cause to bolt ~ stampede
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
didi
-yey / say: (v) cause to flee in panic; scare away (iskeer a-weey); stampede (istaan-piidhy, frighten (faraay-teri) ~ bajin . Ex: xoolaha ha didin; don't scare the flocks
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didi
(fal) noole degganaansho ku jooga baqa geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
didi
de: disperse, scare (off), scatter, cause to bolt ~ stampede
lx: didi
pd: (didiyey)
ps: v2a=tr
key: didi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiq
(Diiq-a)
Doorada keeda lab; diyaad lab; diig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiq
diiq¹: m.l 1. la-mid: diig (-qaq, m.l) Digaagga kiisa lab. 2. Kalluun yaryar oo gudguduudan. 3. Ciriiri. 4. D. ah: si dhib leh.
diiq²: m.dh 1. Cunto, dhar iyo wixi lamida aan badnayn oo loo geeyo ummul, aroos, qof jirran iyo wixi lamida. 2. Allabbari dad isu keenaan. la-mid: diiqo.
diiq³: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Wax sii yaraansho, sii liciifid. 2. U d.: cid dhibaataysan wax ugu deeqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiq
diiq¹: m.l 1. la-mid: diig (-qaq, m.l) Digaagga kiisa lab. 2. Kalluun yaryar oo gudguduudan. 3. Ciriiri. 4. D. ah: si dhib leh.
diiq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Wax sii yaraansho, sii liciifid. 2. U d.: cid dhibaataysan wax ugu deeqid. m.f.dh, diiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiq
v. give charity, give a gift
diiq m. n. cock, rooster
diiq m. n., loc. cramped place, narrow and uncomfortable position
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diiq
-a: (n) rooster (ruus-tar); cock (kok); male chicken
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Diiq
(I) Gallo;
(E) Cock
(S) Diiq (S. c. m.; Dig)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiq
(fal) aqal cusub oo aroos ah ama maqaam iyo meel culimo joogto, u gee hadyad waxtar leh. Dh: dhibaadi.
diiq-a: (magac, lab, keli) dareen xaalad cidhiidhi ah. Dh: cidhiidhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqo
m.dh 1. Yaqyaqsi. 2. Hilib la shiiday oo suugada lagu daro. 3. Meel dhiriq iyo wasakh badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diqo
m.dh 1. Yaqyaqsi. 2. Hilib la shiiday oo suugada lagu daro. 3. Meel dhiriq iyo wasakh badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqo
-da: (magac, dhedig, keli) gurid wax meel laga soo guro. Dh: gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iiqo
(Iiqa-da)
Meel ciriiri ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iiqo
f. n. narrow place, difficult situation, tight corner
iiqo: v. be in a tight place, get into a difficult situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqo
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u qoyan oo dhiiqo leh. Halka geelu biigada ku jebo baarax socodkiisa. Dh: dhiiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiqo
ciiqo¹: m.dh (-ooyin m.l) 1. Meel ciriiri ah oo maritaankeedu dhib yahay. 2. la-mid: ceego.
ciiqo²: f.mg3 (-qday, -qatay) Nafley dhibaato la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciiqo
ciiqo¹: m.dh (-ooyin m.l) 1. Meel ciriiri ah oo maritaankeedu dhib yahay. 2. la-mid: ceego.
ciiqo²: f.mg3 (-qday, -qatay) Nafley dhibaato la kulmid. m.f.dh, ciiqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Didib
(Didib-ka, Didib-ta)
1. Dhul dibir ah.
2. Ciid biido cad ah ama dhagax xaraarta ka samaysmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didib
didib¹: m.l/dh 1. Dhul dibir ah. 2. Ciid budo cad ah ama dhagax xaraarta ka samaysmay.
didib²: m.l (kiimika) Dhagax badanaaba ku jira macdanta kaarboneyt, gaar ahaanna kaarbooneytyada kaalsiyam iyo magniisiyam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
didib
m.l (kiim.) Dhagax badanaaba ku jira macdanta kaarboneyt, gaar ahaanna kaarbooneytyada kaalsiyam iyo magniisiyam.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Didib
Hard pan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
didib
f. n./m, [collective] stony soil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
didib
-ka: (n) hard ground, a solid surface of the earth ~ gawaan, dibir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didib
-ka: (magac, lab, keli) dhagax lakabeed cadaadis ku samaysmay.
didib -ka: (magac, lab, keli) dhadhaab midab cad leh oo loo isticmaalo dhismaha iyo sameynta sibidhka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
didib
cf: dibir, digdigo, gawaan
de: stony soil
lx: didib
pd: (-ta ~ -ka)
ps: n1-f/m-col
key: didib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Didid
(Didid-da)
Wadajir u yaacid, baqdin ama cabsi darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didid
m.f.dh eeg did. la-mid: dųdid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed la ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Didin
(Didin-ta)
Si wadajir loo yaaco oo loo baqdo, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didin
m.f.dh eeg didi. la-mid: dudin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Didin
Excitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka xayawaan meel jooga ama fadhiya loo eryado si kediso ku ah ee ay ordaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didis
-ka: (magac, lab, keli) eeg didin.
didis -ka: (magac, lab, keli) kala boodidda labo walxood oo leh danab kala duwan, ku togan iyo ku taban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Didmo
(Didma-da)
Wadajir iyo isku duubnaan loo yaaco, baqasho darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didmo
m.dh Yaacidda xoolo, ugaar iyo wixi lamida baqdin awgeed la yaacaan. la-mid: dųdmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
didmo
vl. n. act of huddling together from fear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didmo
-da: (magac, dhedig, keli) carar cabsiyi ku jirto oo is moogaan wadar loo yaaco. Dh: didid, baxsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
didmo
de: act of huddling together from fear
lx: didmo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: didmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didso
f.g3 (-saday, -satay) Xoolo iyadoo la didinayo kaxaysasho. la-mid: dudso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
didso
v. scare off, chase away (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didso
(fal) xoolo ujeeddo gaar ah u didso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
didso
a: dudso
de: scare off, chase away (for oneself)
lx: didso
pd: (didsaday)
ps: v3a=tr
key: didso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidi
-ga: (magac,lab, keli) dhawaaq uu bixiyo dibigu markay lo'du oofanayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) Wax ciid, neef iyo wixi lamida ka buuxsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diimo
-diimaha: (n) [plural of diin-ta] religions (ri-lijinis)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax qobka ka fuqsasho, Tus.” mooskii baan diirtay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiro
dįiro: f.g3 (-rtay, -ratay) Wax qobka ka fuqsasho, Tusaale: Mooskii baan diirtay. m.f.dh, dįirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiro
v. skin, peel, strip something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiro
(fal) diirka ka qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiro
de: skin, peel, strip s.t. for oneself
lx: diiro
pd: (diirtay)
ps: v3a=tr
key: diiro