dinnaaqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dinnaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) codka fardaha markay wirxayaan. Wax dinnaaqo farasliyo, senge duubi weynoo, inay tahay darmaan ugub, way kaa dahsoon tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dinnaago
(Dinnaaga-da)
Ci weyn oo nafleyda qaarkeed; (ama dannaago, dinnaaho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinnaago
m.dh Ci' weyn oo nafleyda qaarkeed samayso sida lo'da, dameeraha iyo wixi lamida. la-mid: dannaago, dinnaaho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dinnaago
f. n. loud call (of person); roar, bellow (of animal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dinnaago
a: dinnaaho, tinnaago
de: loud call (of person); roar, bellow (of animal)
lx: dinnaago
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dinnaago
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinnaaho
m.dh la-mid: dinnaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dinnaaho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dinnaago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finnaaqo
m.dh.kh la-mid: finnaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finnaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) caano yar dhan adiga oo fiiqsanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finnaaqso
f.g3 (-saday, -satay) Neef baaqimo ah maalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finnaaqso
(fal) caano ama dareere kale oo yar dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dinnaax
(Dinnaax-a)
Geed yar oo dhulka dhagaxa leh ka baxa oo la cuno; wuxuu u eg yahay kurtun gaaban oo buuran; laamo iyo caleemo midna ma leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinnaax
m.l (-xyo, m.dh) Nagaar yar, dhulka dhagaxleyda ah ka baxa, kurtun yar u eg; aan lahayn laamo iyo caleemo oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dinnaax
m. n., [collective] small edible plant species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dinnaax
de: small edible plant sp.
lx: dinnaax
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: dinnaax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finnaaq
(Finnaaq-a)
Neef irmaan oo caano yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finnaaq
m.l.kh F. ah: neef irmaan oo aan caano badan lahayn; baaqimo. la-mid: finnaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
finnaaq
m. n. female animal which does not give much milk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
finnaaq
-da: (n) a cow, goat or she-camel that produces little milk ~ baaqimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finnaaq
-a: (magac, lab, keli) caano yaraynta geela.
finnaaq-a: (magac, lab, keli) neef irmaan oo caano yareeyey.
finnaaq-da: (magac, dhedig, keli) caanayaraynta geela.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
finnaaq
de: female animal which does not give much milk
lx: finnaaq
pd: (-a)
ps: n-m
key: finnaaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannaago
m.dh la-mid: dinnaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dannaago
-da: (magac, dhedig, keli) ci'da weyn ee higgaadda ah ee dibida iyo libaaxa. Dibi dhergey dannaago ayaa lagu yagaan. Dh: dinnaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dannaano
-da: (magac, dhedig, keli) labo dhinac oo dagaallamaya. Dh: dirir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbaaqo
f.g3 (-qday, -qatay) Dhar iyo wixi lamida midab u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hintaaqo
m.dh la-mid: hantaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hintaaqo
f. n. forward fall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hintaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) kadeed iyo dhib, cid kale oo tag daran lagula kaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hintaaqo
de: forward fall
lx: hintaaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: hantaaqo
key: hintaaqo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tinnaago
f. n. loud call (of person); roar, bellow (of animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tinnaago
-tinnaagada: (n) shouting (shaaw-ting); yelling (yeeling)-, screaming (iskiriim-ing), usually when communicating with someone who is at a distance ~ tannaago
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tinnaago
a: dinnaago ~ dinnaaho
de: loud call (of person); roar, bellow (of animal)
initial: t
lx: tinnaago
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tinnaago
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dinnaahin
-ta: (magac, dhedig, keli) codka celceliska ah ee dibiga ama libaaxa. Dh: bunnaaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finnaaqsi
m.l la-mid: finnaaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finnaaqsi
-ga: (magac, lab, keli) dhamidda caano kooban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hintaaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: hantaaqoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hintaaqoo
(fal) dhib iyo kadeed aanad qaadi karin, ha ku gaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinnaansho
m.l/dh la-mid: dhimmanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhinnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqo
(Daaqa-da)
Maaro, itaal, tabar, xoog, (ama daaqad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqo
m.dh la-mid: daaqad (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqo
f. n. strength, power
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqo
a: daaqad
de: strength, power
lx: daaqo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: daaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinno
m.dh Caano yar oo neefka la lisayo la dhadhansiiyo si uu aad ugu godlado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dinno
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah xayawaanka dabjoogta ah oo bahda libaaxa ka mid ah. Dh: bisad, basho, mukulaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) lax neef waliba jaqo oo hebed ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaq
m.l la-mid: dubaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibaaq
-a: (magac, lab, keli) foorado badan oo turub ah oo la kala leeyahay, marba in isu dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinaas
m.dh Daran cusbo badan oo geelu aad u jecelyahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DINAAX
(Dinah) N, C Pseudolithos migiurtinus (Chiov) Bally. Asclepiadaceae.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dinamo
s.f. - diinamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dinnad
(Dinnad-da)
Dummad; yaanyuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinnad
m.dh (-do, m.l) Dummad; yaanyuuro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dinnad
f. n. cat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dinnad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah xayawaanka dabjoogta ah oo bahda libaaxa ka mid ah. Dh: basho, yaanyuur, mukulaal, bisad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dinnad
bw: Arabic
de: cat
lx: dinnad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: dummad
key: dinnad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunnaa
-ga: (magac, lab, keli) caws sannadkii hore ka soo hadhay oo halkii uu ka baxay ku raabuqay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
innamo
-da: (magacwadareed) qayb ka mid ah minanka faalka; waa afar min oo kala ah: Madaxweyne, Kowshad, Dariiq iyo Qabqable.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
innato
agg. - ku dhashay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minaaq
m.l (-qyo, m.dh) Laba qori oo yaryar oo darafyadooda sare harqoodka galaan, darafyada hoosana indhali isu hayso, oo dibiga qoortiisu ku dhex jirto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
minaaq
m.l (-qyo, m.dh) Laba qori oo yaryar oo darafyadooda sare harqoodka galaan, darafyada hoosana indhali isu hayso, oo dibiga qoortiisu ku dhex jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minaaq
-a: (magac, lab, keli) mid ka mid ah labo qori ee dibida qoorta loo geliyo marka beerta lagu qodayo oo hargoodka ka laadlaada. Wa: minaaqyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilaaqo
m.dh la-mid: calaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaaqo
m.dh la-mid: dalaaq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaano
(Danaana-da)
Qof qof ugu tegid (dagaal); hiillo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaano
m.dh La safashada qof la safto laba cidood ama ka badan oo is haya middood; hiilo. la-mid: danaanin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danaano
m.dh La safashada qof la safto laba cidood ama ka badan oo is haya middood; hiilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danaano
f. n. act of standing up, coming out (to fight ~ dance)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danaano
-daananada: (n) support (sa-poort), especially support someone in fight or argument
u danaanee -yey / danaaneysay: (v) side with someone in a fight or argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaano
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad cid aad ugu hiillimaad tagto gar iyo gardarraba, u soo bixid. Dh: hiilo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danaano
de: act of standing up, coming out (to fight ~ dance)
lx: danaano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: danaano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannabo
m.dh la-mid: dannabe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dannabo
-da: (magac, dhedig, keli) neefka geel ah oo xoolaha boojimada ama kuwo la soo xaday laga qasho. Dh: halabo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dannato
agg. - kadeedan, cadaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxo
f.mg3 (-xay, -xday) Meel jirka ka mid ah gariirid. la-mid: dubaaxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibaaxo
f.mg3 (-xay, -xday) Meel jirka ka mid ah gariirid. m.f.dh, dibaaxasho. la-mid: dubaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dicaayo
m.dh la-mid: dicaayad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dihnaan
(Dihnaan-ta)
Ahaanta la yahay wax dihin oo aan weli la maalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dihnaan
m.f.dh eeg dihin. la-mid: dahnaan, dahnaansho, dihnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dihnaan
f. n., [abstract] state of (animal) not having been milked; (soil) never being cultivated; being incomplete, untouched ~ unstarted
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dihnaan
de: state of (animal) not having been milked; (soil) never being cultivated; being incomplete, untouched ~ unstarted
lx: dihnaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: dihnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilnaan
m.f.dh eeg dilan³. la-mid: dilnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinnayn
m.f.dh eeg dinnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dinnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida bisadda iska dhigid ama u dhaqmid. Dh: bisadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraaco
f.mg3 (-cday, -catay) la-mid: diraacso.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diraaco
name-f dry season; autumn (born during that season)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Diraaco
magaca gabadh dhalatay xilli roobaad dhulku barwaaqo yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraaso
m.dh la-mid: daraaso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diraaso
f. n. study
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diraaso
-da: (magac, dhedig, keli) cilmibaadhis; xog'ururin cilmiyaysan oo qotadheer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diraaso
bw: Arabic
de: study
lx: diraaso
pd: (/da)
ps: n6-f
see: daraasad
key: diraaso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirnaan
(Dirnaan-ta)
1. (qof) ku la diray ahaan; diran.
2. (ku dirnaan) ku jaadnaan, ku qaybsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirnaan
m.f.dh eeg diran. la-mid: dirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirnaan
f. n., [abstract] state of being sent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la diray ahaan. Ergada dirnaanta lagu ogaa weli way joogaan.
dirnaan -ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) wax ku nabnaan oo deyn kari waayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirnaan
de: state of being sent
lx: dirnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dirnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaqo
m.dh Nabar weyn oo jirka gaaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubaaqo
m.dh Nabar weyn oo jirka gaaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) nabar madaxa ku dhaca oo dhaloonqo noqda ama lafaha madaxa oo meel qudha ka jaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firaaqo
(Firaaqa-da)
Aan wax badani ool ama aan dad badani joogin; aan ciriiri ahayn; cidla'; dallaal.