dindimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindimid
m.f.dh la-mid: diddimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dindimid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar dareerid oo quiqul samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: diddimi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddimid
m.f.dh eeg diddin². la-mid: dindimid, dundumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindimin
m.dh la-mid: diddimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindimis
m.l la-mid: diddimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dindimis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dindimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diniimid
m.dh la-mid: diddimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diindiimid
(Diindiimid-da)
(dhar, kd.) diindiin noqosho; madmadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diindiimid
m.f.dh eeg diindiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diindiimid
-da: (magac, dhedig, keli) maro, humoobid oo wax mannaanakhay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gororid
(Gororid-da)
1. (Wax shubma) sida gororka u daadasho, u dindimid.
2. Sanka dhiig ka immaansho.
3. Taagnaan badan ama dhaqdhaqaaq la'aan darteed, dhiiggu meel oogada kamid ah ku soo ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaniin
dhaniin¹: m.l Qoyaan yar oo meel ka dindimaaya. la-mid: dhashiin.
dhaniin²: f.mg1 (-iimay, -iintay) Qoyaan yar meel ka dindimid. la-mid: dhashiin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diimid
(Diimid-da)
Yaabid ka timaadda wax aan hor loo arki jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimid
m.f.dh eeg diin³. la-mid: diimis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diimid
vl. n. surprise, amazement, being astonished
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad rabitaan awgii aad muujisid dareen oohineed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diimid
cf: ku diin
de: surprise, amazement, being astonished at seeing s.t. very strange for the first time
lx: diimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: diimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cindiid
(Cindiid-ka)
Caano biyo badan lagu daray; xariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cindiid
m.l Caano biyo ka badan lagu daray. la-mid: candiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cindiid
m. n., (mass n.): milk mixed with water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindiid
-ka: (magac, lab, keli) caano biyo badan lagu daray. Dh: badhax, xariir.
cindiid -ka: (magac, lab, keli) (caano) biyo badan ku darid; badhxid; barxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cindiid
de: milk mixed with water
lx: cindiid
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: cindiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddimi
f.g 2 (-iyay, -isay) Hoore yar, si aayar ah u shubid. la-mid: dindimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didimis
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ama dareer kale, aayar u daadasho oo sidii qulqul yar u socosho. Dh: dindinmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddimin
m.f.dh eeg diddimi. la-mid: diddimis, dindimin, dindimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddimis
m.l la-mid: diddimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan midmid u dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirdirid
(Dirdirid-da)
In kol ka badan meel u dirid ama wax u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dundumid
m.dh la-mid: diddimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dundumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhisnaa oo taagnaa, burburid oo kolba in ka dumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gingimid
(Gingimid-da)
Hab iyo qaab wanaagsan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gingimid
m.f.dh eeg gingin². la-mid: gingin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gingimid
-da: (magac, dhedig, keli) hab iyo qaab wanaagsan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hindisid
(Hindisid-da)
Wax aan hor u jiri jirin keenid, soo saarid. curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindisid
m.f.dh eeg hindis. la-mid: hindisaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindisid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jiri jirin abuuridoo samayn. Hindisida teknoloojoyadu waa horumarka ugu sarreeya ee biniaadamku ku tallaabsaday. Dh: curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madiidimid
m.dh la-mid: midiidimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midiidimid
(Midiidimid-da)
Adeegid; ciidamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midiidimid
m.f.dh eeg midiidin². la-mid: madiidimid, madiidimis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midiidimid
-da: (magac, dhedig, keli) adeegid oo shaqo aan mushqaayad lahayn qabasho; bilaash cid ugu khidmayn.
midiidimid-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan u adeegid. Wiilka ciidanka ahi waa wiil midiidimid wanaagsan. Dh: ciidamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindiidid
-da: (magac, dhedig, keli) caano badhxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaniimid
m.f.dh eeg dhaniin². la-mid: dhashiimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibdhicid
m.dh 1. eeg dibdhac². 2. Hoos-u dhac (dhaqaale). la-mid: dibdhac¹, dibudhac, dibudhicid, dibudhicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibdhicid
-da: (magac, dhedig, keli) milaygi ballantu ahayd ka danbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibdhigid
-da: (magac, dhedig, keli) wax waqtigii loo ballansanaa inuu ku qabsoomo waqti kale u riixid. Dh: dibudhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindinsad
m.l la-mid: diddinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiigid
m.dh la-mid: dangiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dingiigid
-da: (magac, dhedig, keli) jiif makhaddado la jiqilaysto oo xusulka la barkado lugahana la fidsado u seexad. Dh: dangiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
findhirid
m.dh la-mid: fandharid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hindhisid
(Hindhisid-da)
Hindhiso ka imaansho, sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindhisid
m.f.dh eeg hindhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhisid
-da: (magac, dhedig, keli) hindhiso soo dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinrimid
m.f.dh eeg shinrin². la-mid: shinrin¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinrimid
-da: (magac, dhedig, keli) rimayqaadista neef xoola ah oo xilligii ku habboonaa rimay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhildhilmid
m.f.dh eeg dhildhilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhildhilmid
-da: (magac, dhedig, keli) weydoobid oo wax hilibkii inta uu ka dhacay quruxbadnaaday noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Didid
(Didid-da)
Wadajir u yaacid, baqdin ama cabsi darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didid
m.f.dh eeg did. la-mid: dųdid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed la ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimi
(fal) u oy waxaad rabtid inaad hesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idmid
(Idmid-da)
Idan siin; in la falo, kd., oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idmid
m.f.dh eeg idan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idmid
-da: (magac, dhedig, keli) fasax iyo oggolaansho siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nimid
v., pl., simple past tense: we came
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nimid
(v) [past tense of imaad] we came. Ex: iskuulkii baan ka nimid; we came from the school
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nimid
de: we came
lx: nimid
ps: v4b-1pl-past
xe: We came to your class yesterday.
xv: Shalay baannu fasalkiinna nimid.
key: nimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidmid
m.dh eeg cidan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciimid
f. n. tip, gratuity; alms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciimid
de: tip, gratuity; alms
lx: ciimid
pd: (-da)
ps: n1-f, n2-f
syn: baqshiish
key: ciimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadmid
m.dh la-mid: dedmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedmid
m.f.dh eeg dedan². la-mid: dadmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhimid
(Dhimid-da)
1. Wax buuxa ama ebyoon wax ka reebid; qabyo ka dhigid; dhantaalid; yarayn.
2. (wax dhimid) waxyeelid; eed gelid; wax bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimid
m.f.dh eeg dhin. la-mid: dhimis, dhimitaan, dhinniin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhimid
Attenuation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimid
vl. n. reduction (as of price), curtailment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhimid
-da: (n) decrease (dik-riis); reduction (ri-dhak-shiri) ~ yarayn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhimid
Riduzione
Reduction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimid
-da: (magac, dhedig, keli) intii ku jirtay wax ka nusqaamin. Dh: inqin. Li: buuxin.
dhimid -da: (magac, dhedig, keli) wax yeellayn oo dhibaato gaadhsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimid
de: reduction (as of price), curtailment
lx: dhimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diidid
(Diidid-da)
1. Miyirdaboolan wax yar qof haya oo lala dhaco, tabaryari ama dhiigga oo aan si wanaagsan maskaxda u gaarin, darteed.
2. (-) Oggolaansho laga waayid; nicid; yeeli waayid; siin ama bixin waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diidid
diidid¹: m.f.dh eeg diid².
diidid²: m.dh (daawo) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidid
m.f.dh eeg dįid. la-mid: dįidis, dįidmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diidid
m.dh (daaw.) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diidid
Negate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diidid
-da: (n) negation (ni-geey-shin); refusal (rif-yuusal); denial (di-naayal); refusing (rif-yuus-ing); declining ~ diidmo, inkirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidid
-da: (magac, dhedig, keli) mid uu dhulku la wareegayo oo dhici gaadhaya noqosho. Nabarka madaxu diidid wuu keenaa. Dh: daandaamid.
diidid -da: (magac, dhedig, keli) diidmo samayn oo wax gaashaanka u daruurid. Dh: diidis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diidid
إِبْرَةُ المَلاحِينَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilid
m.f.dh eeg diil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimis
m.dh la-mid: diimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimis
-ka: (magac, lab, keli) uskagga iyo biyaha isku gadhoodha oo ay ciiddu yeelato midab silloon iyo ur qudhmuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqid
(Diiqid-da)
Siin aan abaalgud laga rabin; waxbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqid
m.f.dh eeg diiq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadiyad si wanaagsan cid wax loo siiyo. Dh: deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirid
(Diirid-da)
1. Diirka ka qaadid.
2. Qandac noqosho; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirid
m.f.dh eeg diir³. la-mid: diiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirid
m.f.dh eeg dįir³. la-mid: dįiris.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diirid
Derivation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirid
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qashirid; gal saaran ka dul qaadid. Dh: diiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diisid
(Diisid-da)
Wax diisan ka dhigid; riixid; buusid.