dildillaacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dildillaacsan
Meelo badan ka dhanbalan; jeexjeexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dildillaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dildillaacay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dildillaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dildillaacay ahaansho. m.f.dh, dildillaacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dildillaacsan
der. [adjective] badly cracked, covered with cracks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dildillaacsan
(adj) tom to pieces; rended (reendid); shredded (sha-reedhidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildillaacsan
(tilmaame) wax kala qarradhsan oo jeexjeexan. Dh: jeexjeexan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dildillaacsan
de: badly cracked, covered with cracks
lx: dildillaacsan
pd: (dildillaacsanaa)
ps: adj-der
key: dildillaacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dildillaacin
(Dildillaacin-ta)
Meelo badan ka dhanbalid; jeexjeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dildillaacin
m.f.dh eeg dildillaaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildillaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) jeexjeexid oo kala qarqarradhin. Maqaska ayaa dildillaacinta marada ku fiican. Dh: dillaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dildillaacsanaan
m.f.dh eeg dildillaacsan. la-mid: dildillaacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildillaacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jeexjeexan oo kala qarradhsan ahaan. Dhulgariirku wuxu reebaa dildillaacsanaan. Dh: jeexjeexnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexjeexan
Jeexjeex badani ku yaal; la jeexjeexay; dildillaacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dildillaacsanaansho
m.l/dh la-mid: dildillaacsanaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chapped
/jaapidh/ (adj) basaasan (dildillaacsan, siiba maqaarka jirka).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildillaacsanaansho
-ha: (magac, dhedig, keli) eeg dildillaacsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawraran
(tilmaame) debno dildillaacsan oo qarqaraxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexjeexan
(tilmaame) ah wax kidfan, ah wax googa'an. Dh: dildillaacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dildillaac
(Dildillaac-a)
Meelo badan ka dillaacsanaan ama hadba meel ka dillaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dildillaac
dildillaac¹: m.l Jeexjeex uu yeesho dhul, jir nafley dhar iyo wixi lamida.
dildillaac²: m.l (jooloji) Kala jeex-jeexanka dhadhaabaha, marka ay la kulmaan cadaadis heer sare ah; waxa ay noqdaan qaydad ama xaashiyo khafiif ah.
dildillaac³: f.mg1 (-cay, -cday) Dhul, dhar, oogo nafley, jeexjeex yeelasho. Tusaale: “Dhulki baa dildillaacay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dildillaac
dildillaac¹: m.l Jeexjeex uu yeesho dhul, jir nafley dhar iyo wixi lamida.
dildillaac²: m.l (jool.) Kala jeex-jeexanka
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dildillaac
v. keep on cracking, have many cracks
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildillaac
-a: (magac, lab, keli) marka shey dhawr meelood jeexjeex ku yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dildillaac
cf: dillaac
de: keep on cracking, have many cracks
lx: dildillaac
nt: dildillaac (a) [vn2a-m-st]
pd: (dildillaacay)
ps: v1=pl
key: dildillaac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacsan
Jeexniin ku yaal; jeexan; dhanbalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dillaac leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dillaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dillaac leh ahaansho. m.f.dh, dillaacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dillaacsan
der. [adjective] cracked, ruptured; torn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dillaacsan
(adj) torn (toon); rended (reendhidh); shredded (sha-reedhidh); cracked (kraakidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dillaacsan
de: cracked, ruptured; torn
lx: dillaacsan
pd: (dillaacsanaa)
ps: adj-der
syn: dhanbalan, jeexan
key: dillaacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dildillaaci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dildillaac u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dildillaaci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dildillaac u yeelid. m.f.dh, dildillaacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dildillaaci
v. crack something repeatedly, cover with cracks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dildillaaci
-yey I say: (v) tear to pieces; tear to shreds
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildillaaci
(fal jeexjeex shey hore isu haystay. Li: toltol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dildillaaci
de: crack s.t. repeatedly, cover with cracks
lx: dildillaaci
pd: (dildillaaciyey)
ps: v2a=tr
key: dildillaaci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dildillaacid
(Dildillaacid-da)
Meelo badan ka dillaacid ama hadba iska dillaacid; meelo badan ka dhanbalmid ama ka qawrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dildillaacid
m.f.dh eeg dildillaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildillaacid
-da: (magac, dhedig, keli) qarqarradhid oo wax kala jeexjeexan noqosho. Dh: jeexjeexmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaldillaacsad
m.l la-mid: baaldillaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobdillaacsad
m.l la-mid: doobbadilaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacsad
m.l la-mid: dillaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadillaacsad
m.l la-mid: indhadillaacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhadillaacsad
-ka: (magac, lab, keli) noole dhowaan dhashay, indhaha kala furid. Dh: indhabarraqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubdillaacsad
m.l la-mid: xuubdillaacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubdillaacsad
-ka: (magac, lab, keli) xuubsiibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaldillaacsasho
m.f.dh eeg baaldillaacso. la-mid: baaldillaacsad, baaldillaacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobbadillaacsad
m.l la-mid: doobbadillaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobdillaacsasho
m.l eeg doobdillaacso. la-mid: doobdillaacsad, doobdillaacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaafsan
(tilmaame) qof darxumaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la fullaaciyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaacsan
(tilmaame) kala dillaacsan; kala jeeman; kala jeexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiillaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cid dhiillo gashay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiillaysan
der. [adjective] apprehensive, worried, preoccupied
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiillaysan
-aa: (adj) filled with fear; fearful (fiyar-fuul); afraid (af-reeydh); apprehensive ~ baqaya, walaac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiillaysan
(tilmaame) mid aad u murugaysan oo dhiillo wejigiisa ku taal. Dh: murugaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiillaysan
de: apprehensive, worried, preoccupied
lx: dhiillaysan
pd: (dhiillaysnaa)
ps: adj-der
key: dhiillaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laallaadsan
Meel sare suran; laallaada; lusha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax meel ka lalmada ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laallaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax meel ka lalmada ahaansho. m.f.dh, laallaadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laallaadsan
der. [adjective] hanging, suspended
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laallaadsan
-aa: (adj) pendent (peendhant)-, suspended (sas peen-didh); hanging down
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laallaadsan
de: hanging, suspended
lx: laallaadsan
ps: adj-der
key: laallaadsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miliilicsan
(tilmaame) eegideegiddiisa la dhacsan oo aad ugu fiirsanaya ah. Nin quruxda beeraha la miliilicsan ayaa ila socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaldillaacsi
m.l la-mid: baaldillaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaldillaacso
f.mg3 (-saday, -satay) Heerkii ay ku duuli lahayd gaarid (shinbir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobdillaacsi
m.l la-mid: doobdillaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobdillaacso
f.mg3 (-saday, -satay) Miraysasho (geed timir).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calooldabacsan
(tilmaame) qofka caloosha nugul ee u naxariista dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooldillaacid
m.f.dh eeg dhooldillaac². la-mid: dhooldillaac¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulballaarsad
m.l la-mid: dhulballaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhadillaacso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Mukalaal iyo wixi lamida oo dhashay indhafurasho. 2. Ilbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhadillaacso
v. open one's eyes for the first time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhadillaacso
(fal) indhaha kala fur oo aqoon korodhso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhadillaacso
de: open one's eyes for the the first time (e.g., baby, puppy, etc.)
lx: indhadillaacso
pd: (indhadillaacsaday)
ps: v3a=intr
key: indhadillaacso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubdillaacsasho
m.f.dh eeg xuubdillaacso. la-mid: xuubdillaacsad, xuubdillaacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilbilnaan
m.f.dh eeg bilbilan. la-mid: bilbilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la rushrushay oo biyo lagu saydsaydhiyay ahaan; wax la biifay ahaan. Bilbilnaanta daaraddu siigada ayay nabtaa. Dh: rushnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddillaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax u cadilan waxyeello gaadhay. Caddillaanta gaadhiga ayaa dib noo dhigtay. Dh: kharaabsanaan.
caddillaan -ta: (magac, dhedig, keli) dheellitirnaanta iyo isle'ekaansha labo wax iyo in ka badan.
caddillaan -ta: (magac, dhedig, keli) qof, meel ku go'doonsanaan, sahay la'aan ama arrimo kale dartood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddillaab
ciddillaab¹: m.l Orod kadle ah oo gammaanku sameeyo.
ciddillaab²: f.mg1 (-bay, -btay) Gammaan, orod kadle ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciillanaan
m.dh 1. eeg ciillan. 2. la-mid: cillanaan. la-mid: ciillanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciillanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ciil qaba ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalnaan
m.f.dh eeg dąldalan. la-mid: daldalnaansho, deldelnaan, deldelnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax daldalan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deldelnaan
m.dh la-mid: dąldalnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deldelnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel sare ku xidhan oo lalmanaya ahaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhalaalsan
-aa: (adj) 1. shiny (shaayni); 2. melted (mel-tidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaalsan
(tilmaame) wax la dhalaaliyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhillaysad
(Dhillaysad-ka)
Dhillaysasho; sineysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhillaysad
m.l la-mid: dhillaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhillaysad
vl. n. prostitution, act of prostituting oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhillaysad
-ka: (magac, lab, keli) sinaysasho joogto ah; galmood sharci la'aan ah oo mar iyo labo ka badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhillaysad
a: dhillaysasho (/da) [vn6-f]
de: prostitution, act of prostituting oneself
lx: dhillaysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhillaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilabadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Dabci si caadi u ah isbeddelid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diilabadan
(tilmaame) xeel badan oo kolba weji la soo baxa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diinla'aan
m.dh Diinlaawe ahaansho. la-mid: diinli'i.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diinla'aan
f. n., [abstract] atheism, being without religion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diinla'aan
-ta (n) atheism (eey-thi-yiisim); Godlessness ~ diinli'i
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diinla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid aan diinta si fiican ugu dhaqmin ahaan. Dh: gaalnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diinla'aan
a: diinli'i (da)
de: atheism, being without religion
lx: diinla'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: diinla'aan