diismid
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diismid
Compressability
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diimid
(Diimid-da)
Yaabid ka timaadda wax aan hor loo arki jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimid
m.f.dh eeg diin³. la-mid: diimis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diimid
vl. n. surprise, amazement, being astonished
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad rabitaan awgii aad muujisid dareen oohineed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diimid
cf: ku diin
de: surprise, amazement, being astonished at seeing s.t. very strange for the first time
lx: diimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: diimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diisid
(Diisid-da)
Wax diisan ka dhigid; riixid; buusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diisid
m.f.dh eeg diis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos iskugu buusid oo wax deri leh noqosho. Dh: buusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhismid
(Dhismid-da)
Wax dhisan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhismid
m.f.dh eeg dhisan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhismid
-da: (magac, dhedig, keli) hagaagid oo wax dhisan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilmid
m.f.dh eeg diilan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirmid
(Diirmid-da)
Diirku ka murxid ama ka dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirmid
m.f.dh eeg dįiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirmid
-da: (magac, dhedig, keli) iskii, diirku uga qaadmid. Dh: diirmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buusmid
(Buusmid-da)
Hoos isugu diismid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurgun
dhurgun¹: m.l Diismidda meel jirka ka mid ah oo barartay diisanta.
dhurgun²: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Meel jirka ka mid ah oo baratay diismid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhurgun
m.l Diismidda meel jirka ka mid ah oo barartay diisanta.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Compressability
Diismid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diniimid
m.dh la-mid: diddimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimi
(fal) u oy waxaad rabtid inaad hesho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisi
(fal) hoos iskugu buusi oo deri u yeel. Diisi jiingadda oo haddana soo tiiri.
diisi-ga: (magaca, lab, keli) jaad ka mid ah likaha ama dhul kasoofuurka oo lagu daaweeyo saanfuurka iyo wixii la mid ah. Dh: like.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciimid
f. n. tip, gratuity; alms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciimid
de: tip, gratuity; alms
lx: ciimid
pd: (-da)
ps: n1-f, n2-f
syn: baqshiish
key: ciimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhimid
(Dhimid-da)
1. Wax buuxa ama ebyoon wax ka reebid; qabyo ka dhigid; dhantaalid; yarayn.
2. (wax dhimid) waxyeelid; eed gelid; wax bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimid
m.f.dh eeg dhin. la-mid: dhimis, dhimitaan, dhinniin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhimid
Attenuation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimid
vl. n. reduction (as of price), curtailment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhimid
-da: (n) decrease (dik-riis); reduction (ri-dhak-shiri) ~ yarayn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhimid
Riduzione
Reduction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimid
-da: (magac, dhedig, keli) intii ku jirtay wax ka nusqaamin. Dh: inqin. Li: buuxin.
dhimid -da: (magac, dhedig, keli) wax yeellayn oo dhibaato gaadhsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimid
de: reduction (as of price), curtailment
lx: dhimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhisid
(Dhisid-da)
1. Aqal ama wax la mid ah oo aan hor u jirin, bilaabid oo dhammayn.
2. Harag qoyan ama wax la mid ah, inta la kala bixiyo oo la togo, engejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisid
m.f.dh eeg dhis³. la-mid: dhis¹ (3), dhisniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhisid
vl. n. building, construction; act of constructing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhisid
-da: (n) 1. building (bil-dhing), construction (konis-tarak-shin), Ex: guri dhisidda; the house building. 2. formation (foor-meey-shin); the act or process of forming something . Ex: dhisida guddiyo cusub; the formation of a new committee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhisid
-da: (magac, dhedig, keli) aqal ama wax la mid ah oo aan horay u jirin taagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhisid
a: dhis ~ dhisniin
de: building, construction; act of constructing
lx: dhisid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhisid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhisid
بناء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diidid
(Diidid-da)
1. Miyirdaboolan wax yar qof haya oo lala dhaco, tabaryari ama dhiigga oo aan si wanaagsan maskaxda u gaarin, darteed.
2. (-) Oggolaansho laga waayid; nicid; yeeli waayid; siin ama bixin waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diidid
diidid¹: m.f.dh eeg diid².
diidid²: m.dh (daawo) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidid
m.f.dh eeg dįid. la-mid: dįidis, dįidmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diidid
m.dh (daaw.) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diidid
Negate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diidid
-da: (n) negation (ni-geey-shin); refusal (rif-yuusal); denial (di-naayal); refusing (rif-yuus-ing); declining ~ diidmo, inkirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidid
-da: (magac, dhedig, keli) mid uu dhulku la wareegayo oo dhici gaadhaya noqosho. Nabarka madaxu diidid wuu keenaa. Dh: daandaamid.
diidid -da: (magac, dhedig, keli) diidmo samayn oo wax gaashaanka u daruurid. Dh: diidis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diidid
إِبْرَةُ المَلاحِينَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilid
m.f.dh eeg diil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimis
m.dh la-mid: diimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimis
-ka: (magac, lab, keli) uskagga iyo biyaha isku gadhoodha oo ay ciiddu yeelato midab silloon iyo ur qudhmuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqid
(Diiqid-da)
Siin aan abaalgud laga rabin; waxbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqid
m.f.dh eeg diiq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadiyad si wanaagsan cid wax loo siiyo. Dh: deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirid
(Diirid-da)
1. Diirka ka qaadid.
2. Qandac noqosho; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirid
m.f.dh eeg diir³. la-mid: diiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirid
m.f.dh eeg dįir³. la-mid: dįiris.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diirid
Derivation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirid
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qashirid; gal saaran ka dul qaadid. Dh: diiris.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diismo
Compression
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dilmid
(Dilmid-da)
Iska dhimasho; iyadoo aan la dilin, iska geeryoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilmid
m.f.dh eeg dilan². la-mid: dilan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dilan noqosho.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dismis
Qalabka looga shaqeeyo furidda iyo giijinta masaamiirta girgirrada maroorisan ama isku-tallaabta madaxa koobaaban ku leh. Dismisku gar u-wareegna waxbuu u xiraa gurrac u-wareegna wax buu u furaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giisid
(Giisid-da)
Giis tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giisid
m.f.dh eeg giis². la-mid: giis¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giisid
-da: (magac, dhedig, keli) giis tiring; heesid; guluulucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiisid
(Kiisid-da)
Buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiisid
m.f.dh eeg kiis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiisid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha ka saarid: kiis ku buuxin. Dh: buuxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lismid
m.f.dh eeg lisan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lismid
-da: (magac, dhedig, keli) mindi iyo wixii la mid ah, soofaysmid.
lismid -da: (magac, dhedig, keli) is xoqidda labo walxood kolkay is xoqaan. Dh: xoqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisid
(Miisid-da)
1. (badar, kd.) Beegid; cabbirid.
2. Buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisid
m.f.dh eeg miis². la-mid: miis¹ (5).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisid
-da: (magac, dhedig, keli) weel buuxis oo iligga ka dhigid. Dh: buuxin. Li: inqin.
miisid -da: (magac, dhedig, keli) galaan wax ku miisid oo inta uu yahay eegid. Bariiska qiyaastiisa ma garanaynee miisidda ku celi. Dh: bardaamin.
miisid -da: (magac, dhedig, keli) tijaabinta bogsashada qofka la buulleeyey la tijaabiyo si loo qiyaaso inuu bogsaday iyo in kale. Dh: baxnaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riimid
m.f.dh eeg riin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riimid
-da: (magac, dhedig, keli) cod reen ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimid
m.f.dh eeg siin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiimid
(Xiimid-da)
Orod daran oo xiin ka yeero, ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiimid
m.f.dh eeg xiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiimid
-da: (magac, dhedig, keli) xiin bixin. Dh: guuxid.
xiimid -da: (magac, dhedig, keli) orod xooglehoo xiin ka baxayo ordid. Dh: ordid, xiimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiisid
(Xiisid-da)
1. Dhudaha dunta ama xarigga isku jebin, isku dhufasho.
2. Xiiso wax u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiisid
m.f.dh eeg xiis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisid
-da: (magac, dhedig, keli) araggiisa u hiloobid; xiiso u qabid; u xiisitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciidmid
(Ciidmid-da)
Ciidan u noqod, u keenid: ciidan dagaallama siin, u dirid; xoog ugu gargaarid; u hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidmid
m.f.dh eeg ciidan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidmid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidan dagaallama noqosho.
ciidmid-da: (magac, dhedig, keli) farsamo ama xoog ugu gargaarid ama ciidan u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigmid
m.f.dh eeg dhigan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigmid
-da: (magac, dhedig, keli) kaydsamid oo meel inay taallo aqbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiimid
(Dhiimid-da)
Dhiin ka soo bixid; dhiin noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiimid
m.f.dh eeg dhiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiimid
-da: (magac, dhedig, keli) liinbixid oo fasaqmid. Dharka aan tayada lahayn ayaa dhiimid sameeya. Dh: fasaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilmid
m.f.dh eeg dhilan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala sarreeya ama isku garab taxan kolba liin iskeed u daadasho oo u hobobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhinmid
(Dhinmid-da)
Wax dhimman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinmid
m.f.dh eeg dhiman².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqmid
m.f.dh eeg fiiqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqmid
-da: (magac, dhedig, keli) caaro fiiqan yeelasho.
fiiqmid-da: (magac, dhedig, keli) indho bogsaday noqod.
fiiqmid-da: (magac, dhedig, keli) meel la haray oo nadiif ah noqosho.
fiiqmid-da: (magac, dhedig, keli) aale iyo wax la mid ah, diirmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiidmid
(Jiidmid-da)
Wax jiidma ama la jiidayo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidmid
m.f.dh eeg jiidan¹.