diirhoose
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirhoose
m.l (-ayaal, m.dh) (botani) Botani ahaan, nudaha u dhexeeya dubka sare iyo habdhiska kalli ee jirridaha iyo xididdada geedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diir-hoose

dhirhoosad
m.l Nagaarka geed-gaabka iyo cawska.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhirhoosad
m.l Nagaarka geed-gaabka iyo cawska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiroole
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: miiraale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daruurhoose
m.dh (-ro .., m.l) (c.cimi) Nooc daruur hoose ah oo ka kooban lakab iskumid ah, oo la moodo dhado dhulka kor uga kacday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruurhoose
-da: (magac, dhedig, keli) nooc daruur hoose ah oo ka kooban lakab iskumid ah, oo la moodo dhado dhulka kor uga kacday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirhoosaad
-da: (magacwadareed) dhirta yaryar ee gaagaaban ama geedaha waawayn ka hoos baxda. Berisamaadka waxa bata dhirhoosaadka.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dugsi-hoose
مَدْرَسَةٌ ابْتِدَائِيَّة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiinsoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Marada sariiraha lagu goglo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiinsoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Marada sariiraha lagu goglo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiinsoole
m. n. bed sheet, embroidered bed linen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiinsoole
-dhiinsoolaha: (n) bed sheet (beedh shift) ~ firaash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiinsoole
-ha: (magac, lab, keli) go' ballaadhan oo sariiraha lagu dul goglado ama la huwado. Dhiinsoole caddaan ah ayaa sariirta ku goglanaa. Dh: durraaxad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiinsoole
cf: gogol, turaaxad {S & C}
de: bed sheet, embroidered bed linen
lx: dhiinsoole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhiinsoole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibirrooti
(Dibirrooti-ga)
Tab laysu legdo; dibir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibirrooti
dibirrooti¹: m.l la-mid: dįbir.
dibirrooti²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Legdin si xoog leh dhulka qof ugu dhufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibirrooti
v. trip one's opponent in wrestling
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibirrooti
de: trip one's opponent in wrestling
lx: dibirrooti
pd: (dibirrootiyey)
ps: v2a=
key: dibirrooti
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milanhoose
m.l (-sayaal, m.l/dh) (baay.) Marka laga hadlayo habdhiska siimowga, milanka ka ribnaanta yar milanka kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruur-hoose
m.dh (-ro .., m.l) (c.cimi) Nooc daruur hoose ah oo ka kooban lakab iskumid ah, oo la moodo dhado dhulka kor uga kacday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax biiri qabatay noqosho. Tusaale: “Cali waa biirooday”.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiroo
(fal) «ku ~» ceel in badan dhoobnaa ama aasnaa dib u qodiddiisa ama dabool ka qaadiddiisa ku sumow. Raggii dhoobka ka qaaday laba nin baa ku biirootay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
choose
/juus/ (v) doorasho; dooro, xulasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
choose
v.tr., doori, dooro, ka dooro, ka naqay, ka naqayso, ka xulo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhooye
nickname; name-m intelligent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhooye
magac loo baxsho wiil laga filayo inuu yeesho fahmad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqoo
f.mg3 (-oobay, -ootay) Ku d.: ciriiri dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiqoo
f.mg3 (-oobay, -ootay) Ku d.: ciriiri dareemid. m.f.l, diiqood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiris
diiris¹: m.l la-mid: diirin.
diiris²: m.dh la-mid: diirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįiris
m.dh la-mid: dįirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirsi
(Diirsi-ga)
Diirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirsi
m.l la-mid: diirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirsi
vl. n. warmth, state of being warm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirsi
-ga: (magac, lab, keli) kolka walax heerkulkeeda sare loo dhigo. Diirsiga wax qabow dab baa loo shidaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirsi
de: warmth, state of being warm
lx: diirsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: diirsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Biyo, caano iyo wixi lamida in yar kululeysasho. 2. (f.mg) Ku d.: Wax diirrimaad ka helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Biyo, caano iyo wixi lamida in yar kululeysasho. 2. (f.mg) Ku d.: Wax diirrimaad ka helid. m.f.dh, diirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirso
v. warm oneself; warm something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirso
(fal) (ku ~) ku caloolqaboojiso oo ku farax. Kumana diirsan maansadu hadday dunida aafayne.
diirso: (fal) wax dabka saaro oo qabawga ka bi'i. Shaaha diirso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirso
de: warm oneself; warm s.t. for oneself
lx: diirso
pd: (diirsaday)
ps: v3a=
key: diirso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dishoo
(fal) dan gaar ah oo aad leedahay wax u dil. Maroodi soo dishoo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drowse
/draws/ (v) 1. lulmood, hurdo qabasho (n) 2. lulmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qiiro dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiiroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qiiro dareemid. qiirood m.f.l eeg qiiroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiiroo
(fal) mid qiiraysan noqo. Dh: xamaasoo, ficiltan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirood
m.f.l eeg biiroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirood
-ka: (magac, lab, keli) ceel in badan aasnaa ama dhoobnaa oo dib u qodiddiisa ama dabool ka qaadiddiisa biirta sumoowga laga qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka biraha ka ganacsada. Baaldi bir ka samaysan baa biroolaha ka soo iibsaday.
biroole -ha: (magac, lab, keli) qof curyaan ah oo ku booda labo ulood oo bir ah, intuu labada kilkilo gashado dhexdana labada gacmood kaga qabsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciishoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciishoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil dareemid. ciishood m.l eeg ciishoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciishoo
(fal) ciil iyo xumaan dareen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifoon
(tilmaame) qof ay diifi hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqood
m.f.l eeg diiqoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiqood
m.f.l eeg diiqoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (xisaab) Dhakhsaha isbeddelka ee fansaar marka loo eego doorsoomaha madax bannaan. Waxa kale loo yaqaan wehliyaha xigsineed ama fansaar diiran. .

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diirane
Derivative
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diirato
nickname-m peeler, skinner, stripper. Lit: warrior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiriso
-da: (magac, dhedig, keli) weel cuntada lagu dhigto oo aan qaboojin. Shuurada diirisada iigu rid hadhaw baan cuniye. Dh: kulayliso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Diiriye
name: Diriye
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diiriye
name-m warmer, comforter. Syn: Diirshe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diiriye
-ha: (n) heater (hiiter)-kululeeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Diiriye
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa lagu diirsaday oo reerku ku farxay. Waxa ay u badan tahay in ay gabdho badan hortii dhasheen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Diiriye
de: Diriye
lx: Diiriye
ps: name-m
key: Diiriye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirris
m.l la-mid: diirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Diirshe
name: Dirshe
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diirshe
name-m warmer, comforter. Syn: Diiriye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Diirshe
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa lagu diirsaday oo reerku ku farxay. Waxa ay u badan tahay in ay gabdho badan hortii dhasheen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Diirshe
de: Dirshe
lx: Diirshe
ps: name-m
key: Diirshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dikhood
(Dikhood-ka)
(cunno) Dhadhanka oo xumaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dikhood
m. n., [collective] tasteless food
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dikhood
de: tasteless food
lx: dikhood
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: dikhood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirsooc
(fal) qof ama neef xoolo ah halka uu ka soo jeedo daraaddii gooni u saar. Dh: haybsooc.
dirsooc-a: (magac, lab, keli) qof ama neef xoolo ah halka uu ka soo jeedo daraaddii gooni u saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dishood
-ka: (magac, lab, keli) wax aad u baahan tahay, ugaadhsasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dispose
/dhispows/ (v) dejin; nidaamin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
disposé
disposé, adj. - Diyaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiirood
m.f.l eeg qiiroo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiirood
-ay / qiirootay: (v) experience intense emotion
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirqool
(Biirqool-ka)
Dadka gelaya ceelasha biirta leh, hab digtoonaan darteed loo xirxiro, si haddii ay u biiroodaan, si fudud durba dibadda loogu soo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirqool
biirqool¹: m.l Hab gaar ah oo xarig loogu xiro qof ceel biir leh gelaya si haddii uu biiroodo dhaqsi loogu soo saaro.
biirqool²: f.g1 (-oolay, -ooshay) Qof ceel biir leh gelaya si haddii uu biiroodo dhaqsi loogu soo baxsho, hab gaar ah xarig ugu xirxirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biirqool
v., [compound] tie a rope around someone to lower him down a well
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biirqool
-ay/biirqooshay: (n) a safety technique to pull someone out of the well if he gets suffocated.
is biirqool -ay/ biirqooshay: (v) take a risk; take a chance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirqool
-ka: (magac, lab, keli) ragga gelaya ceel in badan dhoobnaa ama aasnaa hab digtoonaan ah oo xadhig loogu xidhxidho, si haddii ay biiroodaan si fudud kolkaaba looga soo saaro. Birqool ninka u xidha ka hor ceelka inta uuna gelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biirqool
de: tie a rope around s.o. to lower him down a well in order to pull him up if there is poison gas, as in a stagnant well
lx: biirqool
pd: (biirqoolay)
ps: v1=cmp
key: biirqool
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Birboore
nickname; name-m blacksmith, ironsmith
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIINOOLE
(Ennole) S, N? Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciishood
m.f.l eeg ciishoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciishood
-ka: (magac, lab, keli) ciil iyo xumaan dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirroole
(Cirroola-ha)
(qof) cirro leh; madaxu caddaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirroole
m.l (-layaal m.l/dh) Qof gaboobay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirroole
m.l (-layaal m.l/dh) Qof gaboobay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirroole
m. n. old man, gray-haired man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirroole
-cirroolaha: (n) white-haired or grey-haired person, especially an old man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirroole
-ha: (magac, dhedig, keli) qof cirro leh oo ay timaha madaxu cad yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirroole
de: old man, gray-haired man
lx: cirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: cirroole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaboose
-ha: (magac, lab, keli) odheyka gaboobey.
dhaboose -ha: (magac, lab, keli) qarbid in badan lagu dhaamiyay oo gaboobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caraysan ahaansho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
diagnose
/dhayagnows/ (v) la aqoonsado (cudurka noociisa ama garashada nooca cudurka).