diirdiirxariireed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirdiirxariireed
m.dh Nooc diirdiirta ka mid ah oo dunta xariirta sameysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiirxariireed
-ka: (magac, lab, keli) dirxi sida diirta u eg oo dunta xariirta sameeya. Dh: dirxixariireed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirdiir-xariireed
(Diirdiir-xariireed-da)
Diirdiirta xariirta samaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirdiir-xariireed
m.dh Nooc diirdiirta ka mid ah oo dunta xariirta sameysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirdiir-xariireed
f. n. silk worm
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xariir
1. (Xariir-ka) a) Caano iyo biyo la isku daro; barax. b) Sarmo indhaha baalkooda hoose, docdiisa gudaha ah oo xagga isha u jeedda, lagu dhigo oo dhiig yar looga keeno (waa farsamo lagu daweeyo xanuun indhaha ku dhaca). c) Summad xoolaha lagu dhigo. d) Hadal la qoonsado oo bareer la isu yiraahdo; (xan iyo xariir).
2. (Xariir-ta) a) Dun qurux badan oo jilicsan oo diirdiirxariireeddu samayso. b) Dharka duntaas laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariir
xariir¹: m.l Caano biyo badan lagu daray; candiid; cindiid.
xariir²: m.dh 1. Dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. 2. (-ryo, m.dh) Summad idaha dhegaha looga dhigo oo labo alif ah.
xariir³: f.g1 (-ray, -rtay) Barxid (caano). la-mid: xariiri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xariir
m.dh 1. Dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. 2. (-ryo, m.dh) Summad idaha dhegaha looga dhigo oo labo alif ah.
xąriir¹: m.dh (cilmiga naflayda) Lafdhabar; arxan.
xąriir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: xiriir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laas
-ka: (magac, lab, keli) ceel gaaban oo inta badan meelaha daadmareenka laga qodo, cimri dheer na aan lahayn. Dh: mataan.
laas -ka: (magac, lab, keli) injiin aan qoris danbe lahayn oo laga soo laastay.
laas -ka: (magac, lab, keli) juqraafi ahaan, bed lamaddegaanka bartamahiisa ku yaal oo biyaha laga helo agtood bacrin ah.
laas-ka: (magac, lab, keli) dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. Dh: xariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirdiirranaan
m.f.dh eeg diirdiirran. la-mid: diirdiirranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiirranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) firfircooni iyo waxqabad fiicnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jiho xariiqeed
Line, direction of
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xiriir xagleed
Angular Displacement
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qiyaas xariiqeed
Scale-1 Ine
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diidmo hawraareed
Negation of a proposition
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirdiirranaansho
m.l/dh la-mid: diirdiirranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiirranaansho
-ha: (magac, lab, keli) firfircoonaan iyo waxqabad fiicnaansho.