diiqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqee
f.g2 (-qeeyay, -qeysay) 1. Diiqo bixin. 2. Wax daldalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iiqee
v. put into a difficult situation, push into a corner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iiqee
(fal) cid kale, cidhiidhi geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iiqee
cf: ciriiri
de: put into a difficult situation, push into a corner
lx: iiqee
pd: (iiqeeyey)
ps: v2b=
key: iiqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Wax meel ciriiryoon marsiin. 2. la-mid: ceeji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciiqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Wax meel ciriiryoon marsiin. 2. la-mid: ceeji. m.f.dh, ciiqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diifee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Cid diif badid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diifee
v. wear out, exhaust, tire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifee
(fal) diif ku rid oo dhibaatee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diifee
de: wear out, exhaust, tire
lx: diifee
pd: (diifeeyey)
ps: v2b=tr
key: diifee
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DIIQLE
Jatropha dichtar 20
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqayn
m.f.dh eeg diiqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dariiqee
(fal) dariiqo la iskaga daydo samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Cid, ciriiri ama farxad la'aan ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqyeer
m.l Arooryo hore.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiqyeer
m.l Arooryo hore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiqyeer
m. n. crowing of a cock; dawn, day break
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiqyeer
de: crowing of a cock; [ext.] dawn, day break
lx: diiqyeer
pd: (-ka)
ps: n-m
key: diiqyeer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqdiqee
f.g/mg2 (-qeeyay, -qaysay) 1. (f.g) Cid cunno siin. 2. (f.mg) Labo meelood si joogto ah isaga socodka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diqdiqee
v. move a number of objects one by one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqdiqee
(fal) gurgur oo si isdabajoog ah u qaadqaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diqdiqee
de: move a number of objects one by one
lx: diqdiqee
pd: (diqdiqeeyey)
ps: v2b=
key: diqdiqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigee
f.mg2 (-geeyay, -geysay) Ka dh.: nafley dhiig ka keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigee
v. bleed, make blood come out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigee
(fal) dhiig yaaci; dhiig ha kaa yimaad.
dhiigee: (fal) dhiig yeelo ama wax dhiigle noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigee
de: bleed, make blood come out
lx: dhiigee
pd: (dhigeeyey)
ps: v2b=
key: dhiigee
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHIIQLE
(Digle) C Jatropha arguta Chiov. Euphorbiaceae.
C Jatropha pelargoniifolia Courb. Euphorbiaceae.
C Jatropha dichtar Macbr. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibiyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Awr si dibiyo ah u rarid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DIIQLEY
Jatropha dichtar 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiiqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Aad u xiiqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiiqlee
(fal) hiinraag oo neefta saray iyo hoos u gur oo xiiqda hay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiq
(Diiq-a)
Doorada keeda lab; diyaad lab; diig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiq
diiq¹: m.l 1. la-mid: diig (-qaq, m.l) Digaagga kiisa lab. 2. Kalluun yaryar oo gudguduudan. 3. Ciriiri. 4. D. ah: si dhib leh.
diiq²: m.dh 1. Cunto, dhar iyo wixi lamida aan badnayn oo loo geeyo ummul, aroos, qof jirran iyo wixi lamida. 2. Allabbari dad isu keenaan. la-mid: diiqo.
diiq³: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Wax sii yaraansho, sii liciifid. 2. U d.: cid dhibaataysan wax ugu deeqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiq
diiq¹: m.l 1. la-mid: diig (-qaq, m.l) Digaagga kiisa lab. 2. Kalluun yaryar oo gudguduudan. 3. Ciriiri. 4. D. ah: si dhib leh.
diiq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Wax sii yaraansho, sii liciifid. 2. U d.: cid dhibaataysan wax ugu deeqid. m.f.dh, diiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiq
v. give charity, give a gift
diiq m. n. cock, rooster
diiq m. n., loc. cramped place, narrow and uncomfortable position
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diiq
-a: (n) rooster (ruus-tar); cock (kok); male chicken
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Diiq
(I) Gallo;
(E) Cock
(S) Diiq (S. c. m.; Dig)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiq
(fal) aqal cusub oo aroos ah ama maqaam iyo meel culimo joogto, u gee hadyad waxtar leh. Dh: dhibaadi.
diiq-a: (magac, lab, keli) dareen xaalad cidhiidhi ah. Dh: cidhiidhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqo
(Diiqa-da)
Wax laysa siiyo iyadoo aan lays weyddiisan; deeq; kohasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqo
m.dh la-mid: diiq².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiqo
f. n. gift, charity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqo
-da: (magac, dhedig, keli) gabadha oo reerkii ay ka dhalatay waxtar ku taageeraan. Dh: dhibaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiqo
de: gift, charity
lx: diiqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: diiqo
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diise
Compressor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diite
(tilmaame) mid hodan ama taajir ah. Dh: hodan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqee
f.g/mg2 (-qeeyay, -qeysay) 1. (f.g) Hub culus meel ku garaacid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.mg) Kharabid (matoor). 4. (f.mg) Ka d.: arrin oday ka noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duqee
f.g/mg2 (-qeeyay, -qeysay) 1. (f.g) Hub culus meel ku garaacid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.mg) Kharabid (matoor). 4. (f.mg) Ka d.: arrin oday ka noqosho. m.f.dh, duqayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duqee
v. hit, crash, run over; pound, knock; annoy, criticize negatively; attack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqee
-yey / duqeysay: (v) 1. collide (kolaaydhy crash (karaashy make a dent in. 2. bombard (bam-baardh); attack with bombs, shells, or missiles ~ rushee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqee
(fal) madaafiic meel ku garaac.
duqee: (fal) meel ama wax kale, jiidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duqee
de: hit, crash, run over; pound, knock; [ext.] annoy, criticize negatively; attack
lx: duqee
pd: (duqeeyey)
ps: v2b=
xe: The plane crashed into ( ~ attacked) the statue.
xv: Diyaarad baa duqeesey taalladii.
key: duqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax iin u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax iin u yeelid. m.f.dh, iimayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iimee
v. hurt, damage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iimee
-yey I iimeysay: (v) make deficiency or imperfection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimee
(fal) wax iin u yeel; sawir xun ka bixi. Dh: dhalliil. Li: ammaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iimee
de: hurt, damage
lx: iimee
pd: (iimeeyey)
ps: v2b=
key: iimee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siiqe
(Siiqa-ha)
Ul weyn; qaar; qadwaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siiqe
m.l (-qayaal, m.l/dh) Ul dheer oo xooggan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siiqe
m. n. large club ~ cudgel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiqe
-ha: (magac, lab, keli) ul weyn; qaar; qadwaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siiqe
de: large club ~ cudgel
initial: s
lx: siiqe
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: qaar, qadwaan
key: siiqe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biifee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Wax, wax aad u cad ka dhigid; qurxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biifee
v. spray; beautify, whiten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifee
(fal) dusha biyo xafiif ah ama subag kaga saydhi oo ku biifi. Gorowga kolkaad shuqlayso biifee. Dh: biif.
biifee: (fal) qurxi oo caddee. Caruusadda wejiga u biifee. Dh: biifay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biifee
de: spray; beautify, whiten
lx: biifee
pd: (biifeeyey)
ps: v2b=
key: biifee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Naf, hanti iyo wixi lamida biime ka dhigid. 2. Isku b.: meel cabsi leh ama nabaddeeda la hubin kas iyo ogaal ugu bareerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Naf, hanti iyo wixi lamida biime ka dhigid. 2. Isku b.: meel cabsi leh ama nabaddeeda la hubin kas iyo ogaal ugu bareerid. m.f.dh, biimayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biimee
v. take a chance, risk, put at risk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biimee
-yey/biimaysay: (n) take a risk; expose to a chance of loss or damage; danger (dheen-jar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biimee
(fal) nafta hur oo meel ama wax halisi ay ka jirto ku sii daa. Naftu kol bay dhimane dabbaasha isku biimee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biimee
de: take a chance, risk, put at risk
lx: biimee
pd: (biimeeyey)
ps: v2b=
key: biimee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax ciid ku shubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciidee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Wax ciid ku shubid. m.f.dh, ciidayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciidee
v. cover with soil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidee
(fal) eeg ciiday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciidee
de: cover with soil
lx: ciidee
pd: (ciideeyey)
ps: v2b=
key: ciidee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax ciiro u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciiree
v. make obscure; cover with a mist; fill with smoke; cover with dust; make something unclear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiree
(fal) caano gadhoodh ah, subagga ka saar.
ciiree: (fal) ciiro u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciiree
de: make obscure; cover with a mist; fill with smoke; cover with dust; make s.t. unclear
lx: ciiree
pd: (ciireeyey)
ps: v2b=tr
key: ciiree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Xoolo dhib ku daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) 1. Aqal miyi la dhisaayo dhigo u yeelid. 2. Rati la raraayo dhigo ka taagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhigee
v. put a heavy load on (a pack animal); write on something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigee
(fal) dhigo u samee. Baabuurka dhigee. Dh: dhegay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhigee
de: put a heavy load on (a pack animal); [ext.] write on s.t.
lx: dhigee
pd: (dhigeeyey)
ps: v2b=
key: dhigee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiqle
(Dhiqla-ha)
Cayayaan yaryar oo aan baalal lahayn oo dhiigga dadka nuuga: wuxuu galaa sariiraha iyo gogosha kaloo lagu seexdo ama lagu fariisto; kataan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiqle
m.l.u Cayayaan yar baalal lahayn, dhiigkunool ah oo furaashyada, kuraasta iyo wixi lamida gala; kutaan. la-mid: dhilqe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiqle
m.l.u Cayayaan yar baalal lahayn, dhiigkunool ah oo furaashyada, kuraasta iyo wixi lamida gala; kutaan. la-mid: dhilqe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiqle
m. n. bedbug
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhiqle
name-m temperamental; lit: a high tempered one
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiqle
-dhiqlaha: (n) bedbug (bedh-bag); chinch (Jinji) ~ uhilqe, kutaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiqle
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo aan baalal lahayn oo dhiilaha gala. Dh: kutaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiqle
bw: dhilqe {C & S}
de: bedbug
lx: dhiqle
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: kutaan
key: dhiqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Dhul aan dhir lahayn geedo ku tallaalid. 2. Geedo udgoon ama geed kulayl ah, cunno, cabitaan iyo wixi lamida ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Dhul aan dhir lahayn geedo ku tallaalid. 2. Geedo udgoon ama geed kulayl ah, cunno, cabitaan iyo wixi lamida ku darid. m.f.dh, dhirayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiree
v. plant with trees ~ food crops
dhiree v. season food with spices
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiree
-yey I dhireys ty: (v) 1. plant trees on; forest (fc )res,)', afforest (a-foorest) ~ dhir ki bee- id, cilmiga dhiraynta. 2. spice ( spacys)', season with spices ~ geed e
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiree
(fal) dir badan ku beer; geedo beer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhitee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Caano kaydin.