diiqalyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqalyo
(Diiqalya-da)
Socodka ama dareeridda biyaha yar; qolqolidda ama mulacyeynta daadka iyo biyaha yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqalyo
m.dh Biyo aayar soconaaya. la-mid: diiqalyeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiqalyo
f. n. trickle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqalyo
-da: (magac, dhedig, keli) sida ay biyuhu sameeyaan kolka ay aayar u durduryaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiqalyo
de: trickle
lx: diiqalyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: diiqalyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diilalyo
(Diilalya-da)
Dhaxan daran; qarqaryo; gabayoox; gabaddano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilalyo
m.dh Dhaxan aad u badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diilalyo
f. n., [collective] cold (weather)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diilalyo
-da: (magac, dhedig, keli) qammuunyo dadka la soo derista.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diilalyo
de: cold (weather)
lx: diilalyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: diilalyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqalyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Aayar socosho (biyo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiqalyee
v. trickle; meander
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqalyee
(fal) mulaclee oo qulqul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiqalyee
de: trickle; meander
lx: diiqalyee
pd: (diiqalyeeyey)
ps: v2b=
key: diiqalyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqayn
m.f.dh eeg diiqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilalyo
m.dh Daal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqalyayn
m.f.dh la-mid: diiqalyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqalyeyn
(Diiqalyeyn-ta)
Mulacyeynta biyaha yari sameeyaan; qolqolid; dareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqalyeyn
m.f.dh eeg diiqalyee. la-mid: diiqalyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqalyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) durdurid oo sida mulaca u weecweecasho. Dh: mulaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqasho
m.f.dh eeg dhiiqo². la-mid: dhiiqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqasho
-da: (magac, dhedig, kelo) dhiiqo dhoobo ah ama dhiriq ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diigaanyo
(Diigaanya-da)
Aan la tirin karin; farabbadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diigaanyo
m.dh Wax aad u tiro badan (dad, xoolo iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diigaanyo
f. n., [abstract] innumerability, uncountable quantity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diigaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) badi aan la koobi karin. Ayax diigaanyo ah ayaa beerihii ku degey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diigaanyo
de: innumerability, uncountable quantity
lx: diigaanyo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: diigaanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqadayn
m.f.dh eeg diiqadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) Wax ciid, neef iyo wixi lamida ka buuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqo
(Diiqa-da)
Wax laysa siiyo iyadoo aan lays weyddiisan; deeq; kohasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqo
m.dh la-mid: diiq².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiqo
f. n. gift, charity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqo
-da: (magac, dhedig, keli) gabadha oo reerkii ay ka dhalatay waxtar ku taageeraan. Dh: dhibaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiqo
de: gift, charity
lx: diiqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: diiqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalyo
(Dhalya-da)
Dad wada dhashay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalyo
m.dh Xiriirka ka dhexeeya dad dhalasho wadaaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalyo
m.dh Xiriirka ka dhexeeya dad dhalasho wadaaga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalyo
f. n. family, lineage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalyo
-da: (magac, dhedig, kel) tafiirta iyo inta ay sii dhaleen ee waalidka loo yahay. Odayga carruurtiisii iyo dhalyadiisii ayaa tiro dhaafay. Dh: tafiir, farcan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalyo
de: family, lineage
lx: dhalyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhalyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqad
m.dh Dareemidda la dareemo ciriiri ama farxad la'aan (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiqad
m.dh Dareemidda la dareemo ciriiri ama farxad la'aan (qof).
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DIIQLE
Jatropha dichtar 20
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqoo
f.mg3 (-oobay, -ootay) Ku d.: ciriiri dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiqoo
f.mg3 (-oobay, -ootay) Ku d.: ciriiri dareemid. m.f.l, diiqood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iiqayn
(Iiqayn-ta)
Ciriiri gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anqalyo
m.dh Nafaqada laga helo caanaha naasleyda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqalyo
m.dh.u la-mid: baqalye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqalyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baqalye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiqayn
m.f.dh eeg ciiqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqayo
(Dhaqaya-da)
Xoolo inta waa hore dhalay, sii gura haya oo caano yari ku danbeeyaan; gibbaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqayo
m.dh.kh Neef muddo la maalayey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqayo
f. n. livestock that produces little milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqayo
-da: (magac, dhedig, keli) neef jani ah oo sii gudhaya. Sac dhaqayo ah ayaa ubadka loo dhiijiyaa. Dh: dhalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqayo
de: livestock that produces little milk
lx: dhaqayo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: gabbaan ~ gibbaan, juno, junuf
key: dhaqayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dicaayo
m.dh la-mid: dicaayad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diifayn
m.f.dh eeg diifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hagardaamayn oo wax diifi ku taallo ka dhigid. Dh: dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqlay
m.l (botani) Geed-gaab leh dheecaan guduudan, laamo dhuudhuuban oo ka baxa dhulka jilicsan oo aan lahayn qodax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiqlay
m.l (botani) Geed-gaab leh dheecaan guduudan, laamo dhuudhuuban oo ka baxa dhulka jilicsan oo aan lahayn qodax.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DIIQLAY
Jatropha arguta 40
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DIIQLEY
Jatropha dichtar 10
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diirato
nickname-m peeler, skinner, stripper. Lit: warrior
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iiqasho
(Iiqasha-da)
Ciriiri gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiqaayo
(Wiqaaya-da)
Xumaha oo cid ama wax laga ilaaliyo, laga dhawro, laga badbaadiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiqaayo
f. n. protection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiqaayo
-da: (magac, dhedig, keli) badbaado iyo ka horteg. Tallaalku wuxu ubadka u yahay wiqaayo. Dh: ilaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiqaayo
bw: Arabic
de: protection
initial: w
lx: wiqaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: wiqaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiqasho
m.f.dh eeg ciiqo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalalyo
-da: (magac, dhedig, keli) dareen sillan oo lagu sigto ama leh matag oo ay keento cunto xumaatay ama dhadhan la kahdo oo la cunay. Dh: yaqyaqsi, yaqyaqsood, daalalyood, yalaalugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalalyo
m.dh la-mid: dhalaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilaley
m.dh Darbad d.: dabayl xoog leh oo hadba dhinac ka timaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilasho
m.f.dh eeg diilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Cid, ciriiri ama farxad la'aan ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirasho
dįirasho: m.f.dh eeg diiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirasho
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadasho; dubka sare ka xoodhin. Dh: hoolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqasho
m.f.dh eeg fiiqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqasho
-da: (magac, dhedig, keli) indho araggoog naaqusmay, daaweysasho.
fiiqasho-da: (magac, dhedig, keli) waran iyo war la mid ah, caaradiisa yuubasho.
fiiqasho-da: (magac, dhedig, keli) meel, qushaashka ka xaaqasho.
fiiqasho -da: (magac, dhedig, keli) aale iyo war mid ah, diirka ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiqasho
m.f.dh eeg miiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiqasho
m.f.dh eeg riiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riiraxyo
(Riiraxya-da)
Qufac badan oo isdabajoog ah; marawaxad; dhigdhiko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiraxyo
m.dh Qufac badan oo isdabajoogo oo ka dhasha xadanto ku dhacda hunguri cadka. la-mid: riiraxanyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riiraxyo
m.dh Qufac badan oo isdabajoogo oo ka dhasha xadanto ku dhacda hunguri cadka. la-mid: riiraxanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riiraxyo
f. n., [collective] tickling sensation in the throat prior to coughing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
riiraxyo
-riiraxyada: (n) tingling sensation in the throat; throat irritation, which produces cough
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiraxyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg riiraxanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riiraxyo
de: tickling sensation in the throat prior to coughing
lx: riiraxyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: dhigdhiko, marawaxad
key: riiraxyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqsasho
m.f.dh eeg dhiiqso. la-mid: dhiiqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) naas irmaan, caano ka tiixin. Dh: dhiiqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibqallooc
(Dibqallooc-a)
Bahal caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulul oo engegan; wuxuu lee yahay lix lugood iyo labo ciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabo dheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhammaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayadiisa ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badan tahay, kolkolna waa loo dhintaa; hangaralle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibqallooc
m.l (-cyo, m.dh) Bahal yar oo caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulaylaha ah. Wuxuu leeyahay lix lugood iyo labaciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabodheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhamaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayada ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badantahay, kolkolna waa loo dhintaa. la-mid: dabaqallooc.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibqallooc
m.l (-cyo, m.dh) Bahal yar oo caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulaylaha ah. Wuxuu leeyahay lix lugood iyo labaciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabodheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhamaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayada ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badantahay, kolkolna waa loo dhintaa. la-mid: dabaqallooc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibqallooc
m. n. scorpion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibqallooc
-a: (n) scorpion ((iskoor-piyoon) ~ hangaralle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibqallooc
-a: (magac, lab, keli) bahal madax iyo xabbad jilicsan oo isku xidhan iyo dabo dhuuban oo soo qalloocda leh oo aad u qaniinyo kulul, mararka qaarkoodna, qaniinyadiisa looba dhinto. Dh: daba'aleelaad, dabaqallooc, aleelaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibqallooc
a: dabaqallooc
de: scorpion
lx: dibqallooc
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: dibqallooc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqdiqasho
m.f.dh eeg diqdiqo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqdiqasho
-da: (magac, dhedig, keli) si isdabajoog ah u gurgurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diriqsasho
(Diriqsasha-da)
Xoog ku marsasho; xoog ku qaadasho; iska marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diriqsasho
m.f.dh eeg diriqso. la-mid: diriqsad, diriqsi.