diiqalyayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqalyayn
m.f.dh la-mid: diiqalyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqalyeyn
(Diiqalyeyn-ta)
Mulacyeynta biyaha yari sameeyaan; qolqolid; dareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqalyeyn
m.f.dh eeg diiqalyee. la-mid: diiqalyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqalyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) durdurid oo sida mulaca u weecweecasho. Dh: mulaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqadayn
m.f.dh eeg diiqadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqayn
m.f.dh eeg diiqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqlay
m.l (botani) Geed-gaab leh dheecaan guduudan, laamo dhuudhuuban oo ka baxa dhulka jilicsan oo aan lahayn qodax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DIIQLAY
Jatropha arguta 40
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka biiqbiiqda oo is daba joog ah loo sameeyo. Biiqlayn badana ma dhoortaxaliil baa dabada gashay. Dh: biilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqalyo
(Diiqalya-da)
Socodka ama dareeridda biyaha yar; qolqolidda ama mulacyeynta daadka iyo biyaha yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqalyo
m.dh Biyo aayar soconaaya. la-mid: diiqalyeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiqalyo
f. n. trickle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqalyo
-da: (magac, dhedig, keli) sida ay biyuhu sameeyaan kolka ay aayar u durduryaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiqalyo
de: trickle
lx: diiqalyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: diiqalyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oy adiga oo 'hiq' dhabanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqalyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Aayar socosho (biyo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiqalyee
v. trickle; meander
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqalyee
(fal) mulaclee oo qulqul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiqalyee
de: trickle; meander
lx: diiqalyee
pd: (diiqalyeeyey)
ps: v2b=
key: diiqalyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhinacyayn
(Dhinacyayn-ta)
Hadba doc dhigad ama isu rogid; barbarrayn; is rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacyayn
m.f.dh eeg dhinacyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan walba ka marid oo hareeraha ka socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaalyayn
m.f.dh eeg daldaalyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaanhayn
m.dh Meel wax lagu diiwaaniyo; arkiifiyo. la-mid: diiwaaniye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiwaanhayn
m.dh Meel wax lagu diiwaaniyo; arkiifiyo. la-mid: diiwaaniye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaanhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) diiwaan ay wax ku qoran yihiin ka masuul ahaan oo meel ku hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiiraanyayn
m.f.dh eeg tiiraanyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiiraanyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tiiraanyo ku ridid; caloolxumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biqlayn
(Biqlayn-ta)
Biqle samayn; biibbiilayn; jaflayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlayn
m.f.dh eeg biqlee. la-mid: biqlays, biqle (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labada lugood ee danbe oo wada jira, ku harraatiyid. Dh: jaflayn, biibiilayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax calyo ku qoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiqayn
m.f.dh eeg ciiqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallayn
m.f.dh eeg dallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nolol wanaagsan iyo khayr filasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diglayn
(Diglayn-ta)
Dikaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diglayn
m.f.dh eeg diglee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diifayn
m.f.dh eeg diifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hagardaamayn oo wax diifi ku taallo ka dhigid. Dh: dhibaatayn.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DIIQLEY
Jatropha dichtar 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiwaan
(Diiwaan-ka)
1. Gabayo isku qof lee yahay oo urursan.
2. Buug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Buug lagu aruuriyo maanso qof leeyahay. 2. Buug lagu qoro waxyaabo la rabo in la xasuusto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiwaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Buug lagu aruuriyo maanso qof leeyahay. 2. Buug lagu qoro waxyaabo la rabo in la xasuusto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiwaan
m. n. poem, literary work; register, ledger, directory, dictionary, encyclopedia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diiwaan
-ka: (n) a book for official records; register (re-jistar); registry (rejis-tari); reference book
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaan
-ka: (magac, lab, keli) buug weyn oo lagu urursho xogta la qorayo. Diiwaanka xafiiska yaalla magacaaga geli.
diiwaan -ka: (magac, lab, keli) buug weyn oo suugaan lagu ururiyo. Diiwaanka Timacadde labo goor ayaa la daabacay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiwaan
cf: kitaab
de: poem, literary work; register, ledger, directory, dictionary, encyclopedia
lx: diiwaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: diiwaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiiqlay
f. n. whooping cough
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiqlay
(fal) oy adiga oo 'hiiq' dhabanaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiiqlay
a: xiiqley
de: whooping cough
lx: hiiqlay
pd: (/da)
ps: n-f
key: hiiqlay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiqlayn
m.dh la-mid: hiqhiqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cod googo'an oo ka dhasha oohin la isku celiyo iyo ciilkaambi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilayn
m.f.dh eeg kiilee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallayn
(Qallayn-ta)
Wax waqtigoodii dib uga dhacay oo qalle noqday, gudasho, la imaansho; wax ka gar'allayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallayn
m.f.dh eeg qallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallayn
-ta: (magac, dhedig. keli) cibaado xilligeedii dhaaftay, dib u samayn. Dh: qallays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalwayn
m.dh la-mid: khilaawayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalwayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalwo dhisid; ligo samayn. Waaberi yare ligada wuu qalwayn yaqaan. Dh: qalways.
qalwayn -ta: (magac, dhedig, keli) qaab loo dilo nin dad badan laaya oo inta nool na cabsi ku abuura iyo ninka isga oo xaas leh gogoldhaaf cad sameeya dhagax baa lala dhacaa inta uu ka dhimayo. Qalwayn waa xalka u dambeeya ee ciqaabta. Dh: rajmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) in badan ereyga 'wii' ku celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacayayn
(Dacayayn-ta)
Dacayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayayn
m.dh la-mid: dacayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dacayda hoose ama gafuurka hoose ka xidhid. Hashu hadday ilmadiido dacayayn ayaa lagu oggolaysiiyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab awrtu u dagaallanto oo awrku intuu geliyo luqunta awrka kale qoortiisa iyo jilibkiisa inta u dhaxaysa shafkana dhulka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqlayn
m.f.dh eeg dhaqlee. la-mid: dhaqlays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilaley
m.dh Darbad d.: dabayl xoog leh oo hadba dhinac ka timaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diilalyo
(Diilalya-da)
Dhaxan daran; qarqaryo; gabayoox; gabaddano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilalyo
m.dh Dhaxan aad u badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diilalyo
f. n., [collective] cold (weather)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diilalyo
-da: (magac, dhedig, keli) qammuunyo dadka la soo derista.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diilalyo
de: cold (weather)
lx: diilalyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: diilalyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilnaan
m.f.dh eeg diilan². la-mid: diilnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhadhankoodii iyo urtoodii doorsantay ahaansho (biyo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diqaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhadhankoodii iyo urtoodii doorsantay ahaansho (biyo). m.f.dh, diqaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqaysan
(tilmaame) wax halkii uu ku jiray laga guray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ridgitaanka hilibka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro sahan sugasho oo u kuurgelid iyo hullo ogaaneed; dersid iyo salgaadh dhammays ah. Guur saddex buu eedaa: ma aqoon, ma abraacin, ma ilaalayn. Dh: kuurgal, dersid.
ilaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) eeg'eegid ay foojignaani ku jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niiclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) calaacal joogto ah iyo hadal jilicsan wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiiqleyn
m.f.dh eeg xiiqlee.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Birqabayn
Forging
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaalcayn
m.dh la-mid: dhaaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhinacayn
(Dhinacayn-ta)
Dhinac marid ama xigid; dhinac isu burin; xag jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacayn
m.f.dh eeg dhinacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan ka marid; barbar ka joogid. Dh: barbarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diifaysan
Diifi ku taal ama ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diifaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax diifi hayso ahaansho (nafley).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diifaysan
der. [adjective] weak, worn out, exhausted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diifaysan
(adj) weary; fatigued; exhaust; tire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifaysan
(tilmaame) mid diifi ku taal oo dhibaatadu dushiisa ka muuqato. Xoolo diifaysan ayaa dooxa daaqaya. Dh: dhibaataysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diifaysan
de: weak, worn out, exhausted
lx: diifaysan
ps: adj-der
key: diifaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilimayn
m.dh la-mid: diillimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diqdiqayn
(Diqdiqayn-ta)
(alaabo, kd.) gurid isdabajoog ah; wax badan oo la gura hayo iyadoo hadba in yar la qaada hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqdiqayn
m.f.dh eeg diqdiqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqdiqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si isdabajoog ah u gurgurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqanyayn
m.f.dh eeg laqanyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqanyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laqanyo ku ridid; liidaanyayn; ladaadyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siifadayn
(Siifadayn-ta)
Siifad ka dhigid, ku rogid, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siifadayn
m.f.dh eeg siifadee.