diindiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diindiin
(Diindiin-ka)
1. (dhar, kd.) Wax badan la qabey oo madmaday; madmad; mataatax.
2. (-) Diin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diindiin
diindiin¹: m.l.kh D. ah: dhar aad u duugoobay oo si sahlan u dildillaaci kara.
diindiin²: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) Si sahlan u dildillaacid (dhar aad u duugoobay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįindiin
m.l la-mid: diin¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diindiin
m. n. worn out clothing, something shabby ~ ragged
diindiin v. be worn out, shabby, in rags
diindiin m. n. turtle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diindiin
-ka: (n) tortoise (toor-tas); turtle (teer-tal); terrapin (tera-piiri) ~ diin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diindiin
-ka: (magac, lab, keli) gabawga dharka; hun kala daatay oo gaboobay. Dh: calal, hun.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diindiin
سلحفاة
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diindiin_1
cf: madmad, mataatax
de: worn out clothing, s.t. shabby ~ ragged
hm: 1
lx: diindiin
pd: (-ka)
ps: n-m
key: diindiin_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diindiin_2
de: be worn out, shabby, in rags
hm: 2
lx: diindiin
pd: (diindiimay)
ps: v1=
key: diindiin_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diindiin_3
cf: diin
de: turtle
hm: 3
lx: diindiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: diindiin_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diin
1. (Diin-ka) a) Maamul xag Ilaah laga jideeyey oo dad ku dhaqmo; hab weyn oo lagu dhaqmo oo Ilaah loogu dhowaado; (ama diinta). b) Bahal xamaaratada kamid ah oo aad u gaabiya oo miyiga ku dhaqma. Qolof xoog badan baa ku rogan, wuxuuna u eg yahay qubada badda; (ama diindiin)
2. (Diin-ta) Diinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madmad
(Madmad-ka)
Mataatax; diindiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mataatax
(Mataatax-a)
Madmad; diindiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diin
diin¹: m.l (-nan, m.l) Nooc xamaaratada ka mid ah aad u gaabiya, leh qolof adag oo ku dahaaran afar lugood iyo qoor dheer oo aan dhogor lahayn; diindiin. la-mid: dįindiin.
diin²: m.l/dh (-iimo, m.l) 1. Caqiido cid ku xiraysa awood ka sarraysa oo ay aaminsantahay in ay wax yeeli karto, waxna u tari karto. 2. Qawaaniin Eebbe u soo dejiyey dadka dunida ku nool si ay waxa wanaagsan u falaan, waxa xunna uga reebtoomaan. 3. Quraan.
diin³: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Ku d.: qof wax la yaab leh oo aanu hore u arki jirin qaadan waayid. 2. Ku d.: wax araggooda waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diin
diin¹: m.l (-nan, m.l) Nooc xamaaratada ka mid ah aad u gaabiya, leh qolof adag oo ku dahaaran afar lugood iyo qoor dheer oo aan dhogor lahayn; diindiin. la-mid: dįindiin.
diin²: m.l/dh (-iimo, m.l) 1. Caqiido cid ku xiraysa awood ka sarraysa oo ay aaminsantahay in ay wax yeeli karto, waxna u tari karto. 2. Qawaaniin Eebbe u soo dejiyey dadka dunida ku nool si ay waxa wanaagsan u falaan, waxa xunna uga reebtoomaan. 3. Quraan.
diin³: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Ku d.: qof wax la yaab leh oo aanu hore u arki jirin qaadan waayid. 2. Ku d.: wax araggooda waayid. m.f.dh, diimid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diin
-ta: (n) religion (ri-li-jin) ~ caqiido diineed. Ex:. Diinta Islaamka; Islamic religion
diin -ka: (n) tortoise (toor-tas); turtle (teer-tal); terrapin (tera-piin) ~ diindiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madmad
(fal) kibir darteed wax walba samee oo qiyam iyo usluubba ka teg. Sidaad doonto u madmad lama huraan waa caws jilaale. Dh: mataatax, diindiin, madhmadh.
madmad: (fal) gabaw darteed kala daado oo jarqi noqo. Surwaalyahaw madmad haddaad i meel gaadhsiisay. Dh: humaw, jarqiyaw, diindiin.
madmad -ka: (magac, lab, keli) mannaanakh iyo kibir bilaa xishoodnimo ah. Kibir intuu dhaafay buu madmad gaadhay. Li: deggenaan, edeb.
madmad -ka: (magc, lab, keli) hun wax laga xidho aan lahayn oo gaboobay. Dh: hun, jarqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuutax
(fal) kibir darteed wax walba samee oo qiyam iyo usluubba ka teg. Sidaad doonto u mutuutax lama huraan waa caws jilaale. Dh: mataatax.
mutuutax: (fal) gabaw darteed kala daado oo jargi noqo. Surwaalyahaw mutuutax haddaad i meel gaadhsiisay Dh: humaw, jarqiyaw, diindiin.
mutuutax-a: (magac, lab, keli) kala mannaanakh kibir iyo xishood la'aan ah. Dh: mannaanakh.
mutuutax-a: (magc, lab, keli) googo id ama jarqiyoobid kala daadasho ah. Dh: hun, jarqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuutix
(fal) kibir darteed wax walba samee oo qiyam iyo usluubba ka teg. Sidaad doonto up mutuutix lama huraan waa caws jilaale. Dh: mataatax.
mutuutix: (fal) gabaw darteed kala daado oo jargi noqo. Surwaalyahaw mutuutix haddaadi meel gaadhsiisay. Dh: humaw, jarqiyaw, diindiin.
mutuutix-a: (magac, lab, keli) kala mannaanakh kibir iyo xishood la'aan ah. Dh: mannaanakh.
mutuutix-a: (magc, lab, keli) googo id ama jargiyoobid kala daadasho ah. Dh: jargi, mataatax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madmad_1
cf: diindiin, mataatax
de: useless item: rotten meat ~ fruit; worn out clothing
hm: 1
lx: madmad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: madmad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mataatax
cf: madmad, diindiin, nohnoh
de: be overcooked, overripe ~ mushy; become worn out (cloth)
lx: mataatax
pd: (mataataxay)
ps: v1=inch
key: mataatax
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirindiir
-ta: (n) caterpillar (kata-pilar) ~ diirdiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirindiir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dindin
(Dindin-ka)
Waxa yar oo weelkii wax qoyan laga shubay salkiisa ku soo urura; qarroor; dhaqdhaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindin
dindin¹: m.l la-mid: diddin¹.
dindin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) la-mid: diddin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dindin
v. drip (from a container); seep, leak
dindin vl. n. drip, leak, leakage, leaking ~ dropping through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dindin
-ka: (magac, lab, keli) in yar oo dareere ah oo weel guntii ku hadha ama meel daloosha ka soo durduraya. Gorofkii caanaha ahaa dindin ku ma hadhin. Dh: dharruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diniin
diniin¹: m.l la-mid: diddin¹.
diniin²: f.mg1 (-nay, -nayd) la-mid: diddin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diniin
v. drop from a container (e.g., the last drops of liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diniin
-ka: (magac, lab, keli) socodka dareeraha aant badnayn ee qunyar u soconaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diniin
a: dindin
de: drop from a container (e.g., the last drops of liquid)
lx: diniin
pd: (diniinay)
ps: v1=intr
key: diniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digniin
(Digniin-ta)
War ama si kale oo la isugu sheego ama la isugu baaqo cabsi ama wax kale oo soo socda ama laysla maaggan yahay, si laysaga ilaaliyo oo looga dhawrsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digniin
digniin¹: m.dh la-mid: digid.
digniin²: m.dh 1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iyo wixi lamida oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digniin
m.dh 1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iyo wixi lamida oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
digniin
caution, warning
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digniin
vl. n. warning, alert, alarm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digniin
-ta: (n) warning (wooning); caution (kooshan) ~ taxadar
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DIGNIIN
Ammonizione
Warning
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Digniin
Avviso; ammonizione
Notice; warning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digniin
-ta: (magac, dhedig, keli) wargelin ama sii sheegid wax dhici doona iyadoo halis soo socota, cid lagu baraarujinayo. Dh: ogeysiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digniin
de: warning, alert, alarm
lx: digniin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: digniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
digniin
إباء، رفض
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilniin
m.l la-mid: dilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilniin
-ka: (magac, labs, keli) eeg dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinniin
m.l la-mid: dhimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinniin
-ka: (magac, lab, keli) wax dhiman oon buuxin ahaan. Dh: dhinnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidsiin
m.f.dh eeg dįidsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diidaya ka dhigid.
diidsiin -ta: (magac, dhedig, keli) wareerin oo dawakhsiin. Dh: daandaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirdiir
(Diirdiir-ta)
1. Jaad ugaarta kamid ah oo diillimo leh.
2. Balanbaallis, nirgadhoob, iyo cayayaan kaloo badan oo duula oo aan weli dillaacin; waxay u eg tahay dixiri, badanaa dhogor leh iyo oogo dhawr iyo toban xubnood leh; Sida cayayaanka kale, lix lugood oo run ah oo laboba iska soo horjeeddo, bay lee dahay; (ama diir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirdiir
diirdiir¹: m.l (-rro, m.dh) Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.
diirdiir²: m.dh Cayayaan yar oo jilicsan, leh duf badan, wuxuu ku dulnoolyahay dhirta, aakhirutaankana wuxuu noqdaa balanbaalis, nirgadhoob iyo wixi lamida. la-mid: diir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirdiir
diirdiir¹: m.l (-rro, m.dh) Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.
diirdiir²: m.dh Cayayaan yar oo jilicsan, leh duf badan, wuxuu ku dulnoolyahay dhirta, aakhirutaankana wuxuu noqdaa balanbaalis, nirgadhoob iyo wixi lamida. la-mid: diir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirdiir
f. n. antelope species
diirdiir [feminine] n. caterpillar, grub, worm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diirdiir
-ta: (n) caterpillar (kata-pilar) ~ dirindiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiir
(fal) wax badan diirka ka qaadqaad.
diirdiir-ta: (magac, dhedig, keli) dirxi tigaadda iyo sarciga ku dhasha oo aad u waxyeelleeya. Sannadka ay diirdiiri dhalato dhulku wuu abaaroobaa Dh: diir, dirindir.
diirdiir -ta: (magac, dhedig, keli) nooc ugaadha ka mid ah oo diillimo dhaadheer leh. Diirdiirtu waxay la bah tahay bayracda iyo deeradeerada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirdiir
de: silk worm
lx: diirdiir
pd: (-da)
ps: np-f
key: diirdiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindimin
m.dh la-mid: diddimin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TIINTIIN
(Tintin) S, C Opuntia ficus-indica L. Cactaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiintiin
-ka: (n) cactus (kak-tas) ~ tiin. Ex: geedka tiintiinka; the cactus plant
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diindiimid
(Diindiimid-da)
(dhar, kd.) diindiin noqosho; madmadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diindiimid
m.f.dh eeg diindiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diindiimid
-da: (magac, dhedig, keli) maro, humoobid oo wax mannaanakhay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan dabka saarsaarid oo qabawga ka bi'in. waxqabad diirdiirran: (tilmaame) mid firfircoon oo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiin
dhiidhiin¹: m.dh Kur ka samaysanta ciidda bacaddada.
dhiidhiin²: m.dh Maqal ari aad u bar yar oo dhalatay iyadoon bila-dhammaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigsiin
m.dh 1. la-mid: dhiigsiis. eeg dhiigsii. 2. Dhiig ku shubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigsiin
vl. n., [compound] blood donation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigsiin
-ta: (n) blood donation ~ dhiig bixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel jidha ah, dhiig ka yaacin. Dh: dhiijin.
dhiigsiin -ta: (magac, dhedig, keli) cid dhiig u shubid oo siin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigsiin
a: dhiigsiis (ka) [vn2a-m]
de: blood donation
lx: dhiigsiin
pd: (-ta)
ps: vn1-f-cmp
key: dhiigsiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diindaran
(tilmaame) qof aan diinta inteeda badan ku dhaqmin. Raage waa nin diindaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisdiisi
(fal) shey, dhuudhuuci. Kildhiga dhulka la dhac oo diisdiisi. Dh: buusbuusi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirirsiin
(Dirirsiin-ta)
Dirir ku boorrin ama ku guubaabin; dagaalgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirsiin
m.f.dh eeg dirirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dagaal gelin. Dh: dagaallansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirdiirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof firfircoon ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Didin
(Didin-ta)
Si wadajir loo yaaco oo loo baqdo, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didin
m.f.dh eeg didi. la-mid: dudin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Didin
Excitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka xayawaan meel jooga ama fadhiya loo eryado si kediso ku ah ee ay ordaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidi
-ga: (magac,lab, keli) dhawaaq uu bixiyo dibigu markay lo'du oofanayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diini
m. n. religious
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diini
name-m religious. Syn: Diinle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Diini
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo in uu noqdo mid diinta aqoon u leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diini
de: religious
lx: diini
ps: n0-m-atr
key: diini
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idiin
1. Uyaalka qofka lala hadla hayo oo koox ah; dartiin; daraaddiin.
2. (Idiin-ta) Haragga megedda laga dhigo oo aad loo jilciyo; maas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idiin
m.dh Harag jilicsan oo si fiican loo megdiyay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idiin
pron. and preposition: to you all, for you, on your behalf
idiin: [feminine] n. leather (dyed and prepared)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Idiin
pour vous (pluriel).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
idiin
(pronoun) you (plural). Ex: waxaan idiin sheegayaa; I want to tell you [all]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idiin
(magac'uyaal) qofka labaad ee lalahadlaha ah oo wadar ah. Waxaan idiin sheegayaa in maanta la guurayo. Dh: idinka.
idiin-ta: (magac, dhedig, keli) harig la jilciyay ama la deebiyay oo dhogortii laga muldhiyey. Idiinta masalle ayaa laga samaysan jirey, masaftana waa lagu gaaran jirey, qardhaastana waa lagu jaxaasan jirey.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Idiin
Saan magdaysan ee jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iniin
(Iniin-ta)
Abuur yar oo adag; lafta miraha; hal ciid ah ama badar ama wixii kaloo sidaas u yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iniin
m.dh (-no, m.l) Mirta ay dhirtu ka abuuranto. la-mid: iniix.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iniin
m.dh (-no, m.l) Mirta ay dhirtu ka abuuranto. la-mid: iniix.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iniin
f. n. grain, seed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iniin
-ta: (n) [iniino-ha] seed (siidh); nut (nat); pip (pip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iniin
-ka: (magac, lab, keli) subagga burcadka ah ee mar soo baxa. Dh: burcad.
iniin-ta: (magac, dhedig, keli) laf yar oo ku jirta midhaha dhexdiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iniin
cf: daafi
de: grain, seed
lx: iniin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: iniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
iniin
حَبَّة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biniin
-ka: (magac, lab, keli) geed dhexe ay xooluhu cunaan. Geedkaa biniinka ah hasha daaqaysa soo celi.
biniin -ka: (magac, lab, keli) iftiin yar oo aad mooddo inuu sii bakhtiyayo. Biniin yar ka dhex muuqda godka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciniin
(Ciniin-ka)
(nin) aan dumarka u tegiddooda karti u lahayn, aan u galmoon.