diimi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimi
(fal) u oy waxaad rabtid inaad hesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiimi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel dheecaan yar ka keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiimi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel dheecaan yar ka keenid. m.f.dh, dhiimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiimi
v. press the juice out of; extract the resin from
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiimi
(fal) dhar midab bixi; liinbixi oo midabkiisii ka fasaq. Jaafeel ku maydh oo shaadhka liimi. Dh: dhiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiimi
de: press the juice out of; extract the resin from
lx: dhiimi
pd: (dhiimiyey)
ps: v2a=tr
key: dhiimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diimid
(Diimid-da)
Yaabid ka timaadda wax aan hor loo arki jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimid
m.f.dh eeg diin³. la-mid: diimis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diimid
vl. n. surprise, amazement, being astonished
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad rabitaan awgii aad muujisid dareen oohineed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diimid
cf: ku diin
de: surprise, amazement, being astonished at seeing s.t. very strange for the first time
lx: diimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: diimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimis
m.dh la-mid: diimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimis
-ka: (magac, lab, keli) uskagga iyo biyaha isku gadhoodha oo ay ciiddu yeelato midab silloon iyo ur qudhmuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: danaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidi
-ga: (magac,lab, keli) dhawaaq uu bixiyo dibigu markay lo'du oofanayso.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diima
name-f cloud which carries rain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diimo
-diimaha: (n) [plural of diin-ta] religions (ri-lijinis)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diini
m. n. religious
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diini
name-m religious. Syn: Diinle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Diini
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo in uu noqdo mid diinta aqoon u leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diini
de: religious
lx: diini
ps: n0-m-atr
key: diini
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar kululayn. la-mid: diirri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar kululayn. m.f.dh, diirin. la-mid: diirri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiri
v. warm up, make something warm, heat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diiri
-yey / say: (v) make warm (mayk woorm); raise temperature; heat ~ kululee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiri
(fal) dabka saar oo kulayli. Diiri shaaha oo ii keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiri
a: diirri
de: warm up, make s.t. warm, heat
lx: diiri
pd: (diiriyey)
ps: v2a=tr
key: diiri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisi
(fal) hoos iskugu buusi oo deri u yeel. Diisi jiingadda oo haddana soo tiiri.
diisi-ga: (magaca, lab, keli) jaad ka mid ah likaha ama dhul kasoofuurka oo lagu daaweeyo saanfuurka iyo wixii la mid ah. Dh: like.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dimmi
m.l.u Dad masiixi ama yuhuud ah oo dalal muslin ah si nabadeed ugu noolaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dimmi
-ga: (magac, lab, keli) gaal ummadda Islaamka ku dhex nool oo xuquuqdiisa loo dhawro waajibaadka saaranna laga sugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiimi
m.l la-mid: qiime.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimi
f.g2 (-iyay, -isay) Duuf iska soo saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siimi
f.g2 (-iyay, -isay) Duuf iska soo saarid. m.f.dh, siimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siimi
(fal) «u ~» ilmo iyo wixii la mid ah, duuf iyo siin ka bi'i. Ka siimi cunugga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiimi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax xiin ka keenid. 2. Wax aad u ordisiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiimi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax xiin ka keenid. 2. Wax aad u ordisiin. m.f.dh, xiimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiimi
v. speed (up); cause to zoom ~ make a rushing noise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiimi
-yey / say: (v) move fast; zoom by; flash by; accelerate (ak-si-lareyt) ~ sheellaree
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiimi
de: speed (up); cause to zoom ~ make a rushing noise
initial: x
lx: xiimi
nt: xiimin (ta) [vn-f]
pd: (xiimiyey)
ps: v2a=tr
key: xiimi
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diin
diin¹: m.l (-nan, m.l) Nooc xamaaratada ka mid ah aad u gaabiya, leh qolof adag oo ku dahaaran afar lugood iyo qoor dheer oo aan dhogor lahayn; diindiin. la-mid: dįindiin.
diin²: m.l/dh (-iimo, m.l) 1. Caqiido cid ku xiraysa awood ka sarraysa oo ay aaminsantahay in ay wax yeeli karto, waxna u tari karto. 2. Qawaaniin Eebbe u soo dejiyey dadka dunida ku nool si ay waxa wanaagsan u falaan, waxa xunna uga reebtoomaan. 3. Quraan.
diin³: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Ku d.: qof wax la yaab leh oo aanu hore u arki jirin qaadan waayid. 2. Ku d.: wax araggooda waayid. m.f.dh, diimid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
put down
/put dhawn/ (v) 1. hoos u dhigid (hoos u dejin) 2. sharaf-ridid (xurmo ridid) 3. lacag sii hor-marin (taq-diimid) 4. magaciisa qorid (liis ku qorid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajaw
(fal) diimisow oo dhooqow, noqo biyo kaadidii xooluhu ka badatay. Adigaa ajaw yidhi, biyihii udgoonaa, oo eeddan nagu falay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaruc
-a: (magac, lab, keli) diimis iyo nagas isgalay oo ceel dhex fadhiya oo ur leh. Goofka baarucay, ey biyo hurdaan, daraaddaa baa, loogu daaloo, looga daba tegey, dilla gooryare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiimis
(tilmaame) madaw aad ah. Dh: diimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naddarid
-da: (magac, dhedig, keli) doorsoomid diimis iyo saaruq noqsho. Nadaridda biyaha ayay kaneecadu ka dhalataa. Dh: ajoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomaar
-ka: (magac, lab, keli) uumiga ka baxa biyuhu markay baylaan. Oomaarka dherigu yuu ku gubin. Dh: uumi, qiiqbiyood.
oomaar-ka: (magac, lab, keli) qadhmuunka xooga ah. Biyaha diimiska ah oomaar xun ayaa ka baxa. Dh: ontor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruufad
-ka: (magac, lab, keli) dhuubo ama diimis qoyan oo cagaha lala galo haddii lagu joogsado. Dh: dhiiqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhow
(fal) wax wasakhaysan noqo.
wasakhow-ga: (magac, lab, keli) uskag ama wax wasakh leh noqosho. Carruur diimis ku ciyaaraysaayi wasakhoow la'aan ma leh. Dh: wasakhaw Li: nadiifoow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiimid
(Dhiimid-da)
Dhiin ka soo bixid; dhiin noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiimid
m.f.dh eeg dhiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiimid
-da: (magac, dhedig, keli) liinbixid oo fasaqmid. Dharka aan tayada lahayn ayaa dhiimid sameeya. Dh: fasaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiimin
m.f.dh eeg dhiimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiimin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar midab bixin; liinbixin oo midabkiisii ka fasiqid. Dh: fasiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddimi
f.g 2 (-iyay, -isay) Hoore yar, si aayar ah u shubid. la-mid: dindimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didimis
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ama dareer kale, aayar u daadasho oo sidii qulqul yar u socosho. Dh: dindinmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilmid
m.f.dh eeg diilan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirmid
(Diirmid-da)
Diirku ka murxid ama ka dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirmid
m.f.dh eeg dįiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirmid
-da: (magac, dhedig, keli) iskii, diirku uga qaadmid. Dh: diirmis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diismid
Compressability
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: diddimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dixiimi
(fal) wax buurbuuran ama jidhiidh ah daqiiji. Dixiimi hadhuudhka loxoox baan ka dhiganaynaaye.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qadiimi
-ah: (adj) antique (aan-tiik). Ex: baabuur qadiimi ah; an antique car ~ qadiimi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadiimi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qadim.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciimid
f. n. tip, gratuity; alms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciimid
de: tip, gratuity; alms
lx: ciimid
pd: (-da)
ps: n1-f, n2-f
syn: baqshiish
key: ciimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibi
f.g2 (-iyay, -isay) Maro, harag iyo wixi lamida togid si jactadku uga ba'o.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibi
(fal) deri isku yeel oo dhabarka hoos u dhig oo sidii wax dhabarka lagu dhiftay u soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiji
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Ib, dalool iyo wixi lamida dareere ka keenid. 2. (f.mg) Ka dh.: jir nafley dhiig ka keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiiji
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Ib, dalool iyo wixi lamida dareere ka keenid. 2. (f.mg) Ka dh.: jir nafley dhiig ka keenid. m.f.dh, dhiijin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiji
v. milk a little; squeeze a trickle from
dhiiji v. bleed, cause blood to come out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiiji
-yey / say: (v) squeeze (isku-wiiz); squeeze or press; usually to milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiji
(fal) cid kale, dhiig ka yaaci.
dhiiji: (fal) intaad naas qabato caano ka tuuji, ka lis.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhiimo
name-f a deep red color; lit: beautiful with a bright light-skin. Syn: Dhiin, Maadhiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiimo
ama Dhiin, magaca gabadh cas oo aad u qurxoon sida midabka dhiinka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhimid
(Dhimid-da)
1. Wax buuxa ama ebyoon wax ka reebid; qabyo ka dhigid; dhantaalid; yarayn.
2. (wax dhimid) waxyeelid; eed gelid; wax bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimid
m.f.dh eeg dhin. la-mid: dhimis, dhimitaan, dhinniin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhimid
Attenuation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimid
vl. n. reduction (as of price), curtailment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhimid
-da: (n) decrease (dik-riis); reduction (ri-dhak-shiri) ~ yarayn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhimid
Riduzione
Reduction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimid
-da: (magac, dhedig, keli) intii ku jirtay wax ka nusqaamin. Dh: inqin. Li: buuxin.
dhimid -da: (magac, dhedig, keli) wax yeellayn oo dhibaato gaadhsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimid
de: reduction (as of price), curtailment
lx: dhimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimin
m.dh la-mid: damqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhimir
(Dhimir-ka)
Maan; laab; kal; kas; garaad; (ama dhimiro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimir
m.l Maan; garaad; caqli. la-mid: dhimiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhimir
m.l Maan; garaad; caqli. la-mid: dhimiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimir
m. n., [abstract] mind, understanding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimir
-ka: (magac, lab, keli) xiska qofku uu wax ku kala garto. Dh: caqli, garaad, maskax, lab, kal, kas, maan, dhimiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimir
a: dhimiro (/da)
de: mind, understanding
lx: dhimir
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: dhimir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimis
m.dh la-mid: dhimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimis
vl. n. reducing, reduction, cutting back, cutback
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhimis
-ta: (n) the act of decreasing (dikriising)', reduction (ri-dhak-shin)', reducing (ri-dhuusing) ~ dhimitaan, yarayn. Ex: dhimista hubka halista ah; strategic arms reduction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimis
-ta: (magac, dhedig, keli) weel, intii ku jirtay wax ka nusqaamin. Dh: dhimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimis
de: reducing, reduction, cutting back, cutback
lx: dhimis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: dhimis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimri
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. U dh.: cid u turid. 2. U dh.: cid u naxariisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhimri
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. U dh.: cid u turid. 2. U dh.: cid u naxariisasho. m.f.dh, dhimrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimri
(fal) fududee oo aayar ula dhaqan. Kolkaad awood leedahay dadka u dhimri. Dh: debci, aayari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibsi
m.l la-mid: diibsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diibsi
-ga: (magac, lab, keli) habka loo udgooneeyo timaha.