diillin-caanood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diillin-caanood
(Diillin-caanood-da)
Diillin ballaaran oo ka samaysan iftiin ciiro ku rogan tahay oo habeenkii cirka ka muuqata oo la yiraahdo sheyddaan baa habarti ku jiidey; haddii qalabyada wax weyneeya oo soo dhoweeya lagu eego, diillintu waxay isu rogtaa xiddigo ciiddaas ah oo aan la tirin karin; waq-habaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Diillin-Caanood
pr. n., loc. Milky Way (galaxy)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diillincaanood
m.dh Diillin ballaaran cirka ku dhereran oo ka kooban xiddigo yaryar oo badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diillincaanood
m.dh Diillin ballaaran cirka ku dhereran oo ka kooban xiddigo yaryar oo badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diillincaanood
-da: (magac, dhedig, keli) waddo cad oo habeenka gurcadka ah cirka laga arko. Gurcudkoo damaa diilincaanood la arkaa. Dh: waddocir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Jidcaanood
de: Milky Way (galaxy)
lx: Jidcaanood
pd: (-ka)
ps: n0-loc-m
syn: Diillin-Caanood
key: Jidcaanood
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Laas-Caanood
pr. n., loc. Las-Anod [region in north Somalia.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaallicaanood
-da: (magacwadareed) labo xiddigood oo cadcad, kuwa la amaano na ka mid ah ee ayaanka badan. Aroosyada iyo carruurta xilligaa dhalatay, waa lagu bishaaraystaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbircaanood
-ka: (magac, lab, keli) shinbiraha yaryar jaad ka mid ah oo unuunku cad yahay. shinbircaloolo -da: (magac, dhedig, keli) cudur caloosha iyo xiidmaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buro-caanood
(Buro-caanood-da)
Burada nafleyda jirkeeda ka soo baxda, jaadkeeda fiican.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buro-caanood
f. n. benign growth, cyst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirracaanood
-da: (magac, dhedig, keli) cirro carruurnimada ku soo baxda, oo la aaminsan yahay in ay hoodafiicni tahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-CAANOOD
(Ged-anod) S Euphorbia granulata Forsk. Euphorbiaceae.
S Euphorbia hirta L. Euphorbiaceae.
S Pergularia daema (Forsk)Chiov. Asclepiadaceae.
C Euphorbia somalensis Pax. Euphorbiaceae.
S Euphorbia indica Lam. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iillanaansho
m.l/dh la-mid: iillanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciillanaansho
m.l/dh la-mid: Ciillanaan; cillanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciillanaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid dhibban. oo ciil qaba ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo-caanood
m.dh Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. la-mid: waddo-hunguri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waddo-caanood
m.dh Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela; waddo-hunguri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhillisnaansho
m.l/dh la-mid: dhillisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sonkor-caanood
m.dh (baayoloji) Sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. S. c.da waxa soo saara ganjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sonkor-caanood
m.dh (baay.) Sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. S. c.da waxa soo saara ganjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
summad-caanood
m.dh Summad xoolaha dhegta looga dhigo.