diilid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilid
m.f.dh eeg diil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilmid
m.f.dh eeg diilan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dilid
(Dilid-da)
1. Fal geeri ama dhimasho keena falid; naf goyn.
2. Dagaal cid wax ku yeelid; farasaarid; garaacid; tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilid
m.f.dh eeg dil². la-mid: dilniin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dilid
-da: (n) the act of killing or beating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, nafta ka saarid; qudha ka jarid. Dh: dilis.
dilid -da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar, xawdin oo yara xanuunin. Dh: ulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilid
(Iilid-da)
Barbar u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilid
m.f.dh eeg iil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilid
m.f.dh eeg biil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilid
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf siin. Dh: quudin, biilin, biilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilid
(Ciilid-da)
1. Ciil ka keenid, ku abuurid, badid.
2. Hoos aadid, dhicid, shiiqid, sii baabbi'id; ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilid
m.f.dh eeg ciil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilid
Opprimere
Oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo cadho ku reebid; ciil ka keened.
ciilid -da: (magac, dhedig, keli) aad u shiiqid oo baabi'id; hoos u dhicid. Dh: shiiqid, baabi'id, ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhilid
(Dhilid-da)
1. (miro, kd.) qolofta kore ka fujin; diirid; beerin; qayixid.
2. (caw, xaskul...) diriqa ka bixin.
3. Qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilid
m.f.dh eeg dhil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax taxnaa sida firida galleyda, gacanta kaga daadin. Dh: dhilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diidid
(Diidid-da)
1. Miyirdaboolan wax yar qof haya oo lala dhaco, tabaryari ama dhiigga oo aan si wanaagsan maskaxda u gaarin, darteed.
2. (-) Oggolaansho laga waayid; nicid; yeeli waayid; siin ama bixin waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diidid
diidid¹: m.f.dh eeg diid².
diidid²: m.dh (daawo) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidid
m.f.dh eeg dįid. la-mid: dįidis, dįidmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diidid
m.dh (daaw.) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diidid
Negate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diidid
-da: (n) negation (ni-geey-shin); refusal (rif-yuusal); denial (di-naayal); refusing (rif-yuus-ing); declining ~ diidmo, inkirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidid
-da: (magac, dhedig, keli) mid uu dhulku la wareegayo oo dhici gaadhaya noqosho. Nabarka madaxu diidid wuu keenaa. Dh: daandaamid.
diidid -da: (magac, dhedig, keli) diidmo samayn oo wax gaashaanka u daruurid. Dh: diidis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diidid
إِبْرَةُ المَلاحِينَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilin
m.dh la-mid: diillin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diilin
-ta: (magac, dhedig, keli) hal xarriiq oo dheer oo ka dhex muuqda meesha ama shayga uu ku dhex yaallo. Diilin cad buu daahu leeyahay. Dh: liid.
diilin -ta: (magac, dhedig, keli) xanjaadka badhtankiisa meesha inta kale ka godan kolka la buuran yahay kolka la dhuubtana lafaha dhabarku ka soo baxaan. Faras diilinta madaw aya na qaaday Dh: dhabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diimid
(Diimid-da)
Yaabid ka timaadda wax aan hor loo arki jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimid
m.f.dh eeg diin³. la-mid: diimis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diimid
vl. n. surprise, amazement, being astonished
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad rabitaan awgii aad muujisid dareen oohineed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diimid
cf: ku diin
de: surprise, amazement, being astonished at seeing s.t. very strange for the first time
lx: diimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: diimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqid
(Diiqid-da)
Siin aan abaalgud laga rabin; waxbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqid
m.f.dh eeg diiq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadiyad si wanaagsan cid wax loo siiyo. Dh: deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirid
(Diirid-da)
1. Diirka ka qaadid.
2. Qandac noqosho; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirid
m.f.dh eeg diir³. la-mid: diiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirid
m.f.dh eeg dįir³. la-mid: dįiris.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diirid
Derivation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirid
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qashirid; gal saaran ka dul qaadid. Dh: diiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diisid
(Diisid-da)
Wax diisan ka dhigid; riixid; buusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diisid
m.f.dh eeg diis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos iskugu buusid oo wax deri leh noqosho. Dh: buusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiilid
-da: (magac, dhedig, keli) geed soo bixid; soo bilqid. Dh: fiilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiilid
(Hiilid-da)
Hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilid
m.f.dh la-mid: hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilid
m.f.dh eeg jiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la xidhayay aad u adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiilid
(Kiilid-da)
Beegid; cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilid
m.f.dh kiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilid
-da: (magac, dhedig, keli) beegid; cabbirid; miisaamid.
kiilid-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, cidhiidhyid oo dhibaatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilid
-da: (magac, dhedig, keli) dun soohid oo miiqid. Dh: liilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiilid
(Tiilid-da)
(is-tiilid) dadaal ama xoog iska doonid, iska raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiilid
m.f.dh eeg tiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiilid
-da: (magac, dhedig, keli) «is dedaal ama xoog iska doonid, iska raadin, xoog iska deyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dildilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan midmid u dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bikilid
m.f.dh eeg bikil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiibid
(Dhiibid-da)
Wax la hayo qof kale gacanta u gelin; farta ka saarid; siin; bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibid
m.f.dh eeg dhiib. la-mid: dhiibis².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhiibid
pass
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiibid
vl. n. handing over, act of giving
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhiibid
Invio
Despatch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibid
-da: (magac, dhedig, keli) alaab, lacag, farriin ama wax kale, cid faraha ka saarid oo kaga tegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiibid
a: dhiibis (ta) [vn1-f]
de: handing over, act of giving
lx: dhiibid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: dhiibid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhiibid
إعطاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigid
m.dh 1. eeg dhiig². 2. la-mid: dhiigaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar ilig iyo wixii la mid ah, dhiig keenid. Dhiigidda ilkuhu waa halise dhakhtarka teg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiimid
(Dhiimid-da)
Dhiin ka soo bixid; dhiin noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiimid
m.f.dh eeg dhiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiimid
-da: (magac, dhedig, keli) liinbixid oo fasaqmid. Dharka aan tayada lahayn ayaa dhiimid sameeya. Dh: fasaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiiqid
(Dhiiqid-da)
Kolka la dhiijiyo wax ka yimaadaan; irmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqid
m.f.dh eeg dhiiq². la-mid: dhiiqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) dhiiq caano ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilmid
m.f.dh eeg dhilan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala sarreeya ama isku garab taxan kolba liin iskeed u daadasho oo u hobobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diillin
(Diillin-ta)
Xarriiq; jiitin; daliig; dildil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diillin
m.dh (-imo, m.l) 1. Xarriiq; jiitin. 2. Roob xoog leh oo dabayl wata. 3. Caws cusub oo ka soo fufay meel gubad ah. la-mid: diilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diillin
m.dh (-imo, m.l) 1. Xarriiq; jiitin. 2. Roob xoog leh oo dabayl wata. 3. Caws cusub oo ka soo fufay meel gubad ah. la-mid: diilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diillin
f. n. line, stripe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diillin
-ta: (n) stripe (istraayp); streak (istiriik); line (laayn) ~ xariiqin, daliig
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Diillin
Grafico; linea
Graph; linea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diillin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah liidad is barbar yaal oo isku dhawdhaw oo dhererkooda iyo balladhkooduba kala duwan yihiin. Diillimo fallaadha ah ayaa cadceed dhaca laga arkaa geesta galbeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirmid
(Diirmid-da)
Diirku ka murxid ama ka dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirmid
m.f.dh eeg dįiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirmid
-da: (magac, dhedig, keli) iskii, diirku uga qaadmid. Dh: diirmis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diismid
Compressability
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DILILIQ
[DILILIK] Commiphora n. sp. aff. C. horrida 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dililiq
-da: (magac, dhedig, keli) dareere socda oo sii yaraanaya. Dh: dindimis.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diploid
Lammaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diririd
(Diririd-da)
Dagaallamid; xarbiyid; iscolaadin; fara'isasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diririd
m.f.dh eeg dirir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diririd
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal aan dil iyo burbur loo aabbayeelin galid. Haddii lagu soo weeraro diririddu waa waajib. Dh: dagaallamid.
diririd -da: (magac, dhedig, keli) hanjabid oo canaan iyo cagajuglayn samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mililid
m.f.dh eeg milil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mililid
-da: (magac, dhedig, keli) caabuqid oo malaxaysasho. Maykaroobka ayaa nabarrada mililidda u keena. Dh: millilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiilid
(Shiilid-da)
Subag kulul dhexdi ama wax la mid ah, wax ku bislayn, ku dubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilid
m.f.dh eeg shiil². la-mid: shiillimaad, shiilniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilid
-da: (magac, dhedig, keli) subag kulul dhexdii ama wax kale oo la mid ah, wax ku bislayn, ku dubid; shiilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikilid
m.f.dh eeg sikil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diid
(Diid-ka)
Dhicid iyo miyirdaboolan yar oo tabarxumo ama maskaxdoo aan dhiig badani tegini ku wacan tahay.