diidsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax nacsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diidsii
v. show refusal ~ aversion for something, pretend to refuse something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidsii
(fal) inuu diido oo uu aqbali waayo sabab u noqo.
diidsii: (fal) wareeri oo dawakhsii. Dh: daandaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidsiin
m.f.dh eeg dįidsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diidaya ka dhigid.
diidsiin -ta: (magac, dhedig, keli) wareerin oo dawakhsiin. Dh: daandaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidsii
(fal) cid kale, ka qaybgeli damaashaad; farxad munaasibadeed u darab; munaasabad ciideed awgeed ka farxi. Dh: ciidsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinaad
cinaad¹: m.l 1. Diidmo luggooyo ku jirta. 2. Runta oo la is diidsiiyo ama laga madaxadaygo. la-mid: canaad¹.
cinaad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Diidmo luggooyo ku jirto cid kula kicid. 2. (f.mg) Runta ka madax-adaygid. la-mid: canaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dameeradhaglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Qof wax uu niyadda ka jecel yahay is diidsiin. la-mid: dameerabilee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cinaad
cinaad¹: m.l 1. Diidmo luggooyo ku jirta. 2. Runta oo la is diidsiiyo ama laga madax-adaygo. la-mid: canaad.
cinaad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Diidmo luggooyo ku jirto cid kula kicid. 2. (f.mg) Runta ka madax-adaygid. m.f.dh, cinaadid. la-mid: canaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelsii
(fal) qof, cid ama wax kale, wax aanu doonayn inuu falo xoog ama xeelad ku oggolaysii. Fiinyee oo saca weysha yeelsii. Dh: ogolaysii, marsil. Li: diidsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhididsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: dhididi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhididsii
v.caus: make someone sweat; have someone work hard; tire out
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhididsii
de: make s.o. sweat; have s.o. work hard; tire out
lx: dhididsii
pd: (dhididsiiyey)
ps: v2a=caus
key: dhididsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidsiin
-ta: (magac, lab, keli) qof, lebbis iyo wax la mid ah, oo uu farxadda iidda kaga qayb qaato, siin. Dh: iidsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigsii
f.g2 (-iyay, -isay) Ku shubidda qof dhiig ku yaraaday lagu shubo; dhiig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigsii
f.g2 (-iyay, -isay) Ku shubidda qof dhiig ku yaraaday lagu shubo; dhiig. m.f.dh, dhiigsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigsii
v. donate blood, give the blood of an animal to someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigsii
(fal) meel jidha ah, dhiig ka yaaci. Dh: dhiiji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigsii
de: donate blood, give the blood of an animal to s.o. (for therapeutic resons)
lx: dhiigsii
pd: (dhiigsiiyey)
ps: v2a=tr
key: dhiigsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid dagaal gelin ama ku boorrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirirsii
v.caus: cause to fight, set against one another
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirsii
(fal) cid kale, dirir geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirirsii
de: cause to fight, set against one another
lx: dirirsii
pd: (dirirsiiyey)
ps: v2a=caus
key: dirirsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiidhsii
(fal) wax kale, dulmari ku burburi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidi
-ga: (magac,lab, keli) dhawaaq uu bixiyo dibigu markay lo'du oofanayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisi
(fal) hoos iskugu buusi oo deri u yeel. Diisi jiingadda oo haddana soo tiiri.
diisi-ga: (magaca, lab, keli) jaad ka mid ah likaha ama dhul kasoofuurka oo lagu daaweeyo saanfuurka iyo wixii la mid ah. Dh: like.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibsi
m.l la-mid: diibsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diibsi
-ga: (magac, lab, keli) habka loo udgooneeyo timaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diidid
(Diidid-da)
1. Miyirdaboolan wax yar qof haya oo lala dhaco, tabaryari ama dhiigga oo aan si wanaagsan maskaxda u gaarin, darteed.
2. (-) Oggolaansho laga waayid; nicid; yeeli waayid; siin ama bixin waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diidid
diidid¹: m.f.dh eeg diid².
diidid²: m.dh (daawo) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidid
m.f.dh eeg dįid. la-mid: dįidis, dįidmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diidid
m.dh (daaw.) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diidid
Negate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diidid
-da: (n) negation (ni-geey-shin); refusal (rif-yuusal); denial (di-naayal); refusing (rif-yuus-ing); declining ~ diidmo, inkirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidid
-da: (magac, dhedig, keli) mid uu dhulku la wareegayo oo dhici gaadhaya noqosho. Nabarka madaxu diidid wuu keenaa. Dh: daandaamid.
diidid -da: (magac, dhedig, keli) diidmo samayn oo wax gaashaanka u daruurid. Dh: diidis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diidid
إِبْرَةُ المَلاحِينَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidis
m.dh la-mid: dįidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirsi
(Diirsi-ga)
Diirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirsi
m.l la-mid: diirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirsi
vl. n. warmth, state of being warm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirsi
-ga: (magac, lab, keli) kolka walax heerkulkeeda sare loo dhigo. Diirsiga wax qabow dab baa loo shidaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirsi
de: warmth, state of being warm
lx: diirsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: diirsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diisid
(Diisid-da)
Wax diisan ka dhigid; riixid; buusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diisid
m.f.dh eeg diis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos iskugu buusid oo wax deri leh noqosho. Dh: buusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidsi
m.l la-mid: fiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg fiidsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirsii
(fal) cid kale, dhan u liici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diidsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax tamardarro awgeed la dhacay ahaansho (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof dįiddan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diidsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax tamardarro awgeed la dhacay ahaansho (qof). m.f.dh, diidsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diidsan
der. [adjective] refusing; disobedient
diidsan [derived] [adjective] feeling faint, swooning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidsan
(tilmaame) wax aan oggolayn ah; wax iska diiday ah. Dh: diiddan.
diidsan: (tilmaame) dawakhsan oo inuu dhulka ku dhaco u dhaw. Dh: dullaansan, wareersan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodsii
(fal) labo dhinac talo dhex dhig si uut midba fikirkiisa uga dhiibto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: duudsi³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Hoore cid aayar kabbisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsii
(fal) qof kale, habka fiiqsiga, dareere u cabsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax meel ciriiri ah xoog ku marin. 2. Wax, wax kale xoog ku dul marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiirsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax meel ciriiri ah xoog ku marin. 2. Wax, wax kale xoog ku dul marin. m.f.dh, jiirsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiirsii
v.caus: push ~ shove something through; cause to run over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiirsii
-yey / say: (v) cause to collide with and overrun; make run over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirsii
(fal) qof ama wax, wax kale, dul mari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiirsii
de: push ~ shove s.t. through; cause to run over
lx: jiirsii
pd: (jiirsiiyey)
ps: v2a=caus
key: jiirsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhididsiin
m.dh la-mid: dhididin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_diidsii
de: show refusal ~ aversion for s.t., pretend to refuse s.t. (e.g. looking for excuses for not doing s.t.)
lx: is diidsii
pd: (diidsiiyey)
ps: v2a=tr
key: is_diidsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdiidsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cad oo muuqda, dafiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiib
f.mg1 (-bay, -btay) Fadhi luguhu u fidsanyihiin fariisasho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiidhiib
-ka: (magac, lab, keli) wax badan kolba hal cid u fidin oo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiin
dhiidhiin¹: m.dh Kur ka samaysanta ciidda bacaddada.
dhiidhiin²: m.dh Maqal ari aad u bar yar oo dhalatay iyadoon bila-dhammaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigsiin
m.dh 1. la-mid: dhiigsiis. eeg dhiigsii. 2. Dhiig ku shubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigsiin
vl. n., [compound] blood donation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigsiin
-ta: (n) blood donation ~ dhiig bixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel jidha ah, dhiig ka yaacin. Dh: dhiijin.
dhiigsiin -ta: (magac, dhedig, keli) cid dhiig u shubid oo siin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigsiin
a: dhiigsiis (ka) [vn2a-m]
de: blood donation
lx: dhiigsiin
pd: (-ta)
ps: vn1-f-cmp
key: dhiigsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigsiis
m.l la-mid: dhiigsiin (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhiigsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisdiisi
(fal) shey, dhuudhuuci. Kildhiga dhulka la dhac oo diisdiisi. Dh: buusbuusi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirirsiin
(Dirirsiin-ta)
Dirir ku boorrin ama ku guubaabin; dagaalgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirsiin
m.f.dh eeg dirirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dagaal gelin. Dh: dagaallansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiidhsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) marsiin ra'yi ama feker. Dh: marsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadiidsi
-ga: (magac, lab, keli) u badheedhid oo u kasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidciid
(tilmaame) midab casaan iyo caddaan isku lifaaqan ah oo tiiftiif leh. Waxa iga luntay ri ciidciid leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhidhiib
-ka: (magac, lab, kei) fadhi dabada dhulka la dhigo lugahana la fidiyo oo la isduldhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidhiin
m.dh Dhasha ariga mid ka mid ah oo dhicis ah ee aan weyn noqonin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiiqsin
(Dhiiqsin-ta)
In la dhiijiyo; wax yar oo la liso; caano yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqsin
m.dh In yar oo caano ah oo hal mar naas laga dhiijiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiqsin
vl. n. short milking, small amount of milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqsin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku jira naas ka dhiijisasho. Saca dhiiqsin waa hore ayaa ugu dambaysay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiqsin
de: short milking, small amount of milk
lx: dhiiqsin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhiiqsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diindiin
(Diindiin-ka)
1. (dhar, kd.) Wax badan la qabey oo madmaday; madmad; mataatax.
2. (-) Diin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diindiin
diindiin¹: m.l.kh D. ah: dhar aad u duugoobay oo si sahlan u dildillaaci kara.
diindiin²: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) Si sahlan u dildillaacid (dhar aad u duugoobay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįindiin
m.l la-mid: diin¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diindiin
m. n. worn out clothing, something shabby ~ ragged
diindiin v. be worn out, shabby, in rags
diindiin m. n. turtle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diindiin
-ka: (n) tortoise (toor-tas); turtle (teer-tal); terrapin (tera-piiri) ~ diin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diindiin
-ka: (magac, lab, keli) gabawga dharka; hun kala daatay oo gaboobay. Dh: calal, hun.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diindiin
سلحفاة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diinli'i
m.dh la-mid: diinla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diinli'i
-da: (magac, dhedig, keli) eeg diinla'aan.