diibso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibso
f.mg3 (-saday, -satay) Diib marsasho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diibso
v. use some scent, perfume oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diibso
de: use some scent, perfume oneself
lx: diibso
pd: (diibsaday)
ps: v3a=intr
key: diibso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibso
f.g3 (-saday, -satay) Maro, harag iyo wixi lamida giijisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibso
(fal) edeb iyo asluub yeelo oo gaabso. Dh: xishoo, sarriigo.
dibso: (ereydhawaaq) awr inuu labadiisa lugood isku soo dhaweeyo ku amar si aad u dabarto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibso
f.g3 (-saday, -satay) Bedeeco lacag ku beddelesho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iibso
f.g3 (-saday, -satay) Bedeeco lacag ku beddelesho. m.f.dh, iibsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibso
v. buy (for oneself); acquire by trade
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibso
-iibsaday / iisatay: (v) buy for yourself ~ soo gado. Ex: kabo cusub soo iibso!; buy a new pair ofshoes for yourself!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibso
(fal) wax aad rabtay, lacag ku bedelo. Dh: gado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibso
de: buy (for oneself); acquire by trade Usually with preposition soo
lx: iibso
pd: (iibsaday)
ps: v3a=
syn: gado
key: iibso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhib u qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhib u qaadasho. m.f.dh, dhibsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibso
v. be annoyed, feel irritated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibso
-dhibsaday I dhibsatay: (v) hate (heeyt); loathe (loowth); feel offended by
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibso
(fal) wax dhacay ama la yidhi, dhibaato ka dareen ama ku dhibaatoo. Dh: karaahayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibso
de: be annoyed, feel irritated
lx: dhibso
pd: (dhibsaday)
ps: v3a=
key: dhibso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibsi
m.l la-mid: diibsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diibsi
-ga: (magac, lab, keli) habka loo udgooneeyo timaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįifso
f.mg3 (-saday, -satay) Diif iska tirid (qof). la-mid: dųufso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diifso
dįifso: f.mg3 (-saday, -satay) Diif iska tirid (qof). m.f.dh, dįifsasho. la-mid: dųufso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diifso
v. blow one's nose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diifso
-diifsaday / diifsatay: (v) blow one's nose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifso
(fal) diif yeelo. Gaajo la diifso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diifso
a: duufso
de: blow one's nose
lx: diifso
pd: (diifsaday)
ps: v3a=
key: diifso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Biyo, caano iyo wixi lamida in yar kululeysasho. 2. (f.mg) Ku d.: Wax diirrimaad ka helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Biyo, caano iyo wixi lamida in yar kululeysasho. 2. (f.mg) Ku d.: Wax diirrimaad ka helid. m.f.dh, diirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirso
v. warm oneself; warm something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirso
(fal) (ku ~) ku caloolqaboojiso oo ku farax. Kumana diirsan maansadu hadday dunida aafayne.
diirso: (fal) wax dabka saaro oo qabawga ka bi'i. Shaaha diirso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirso
de: warm oneself; warm s.t. for oneself
lx: diirso
pd: (diirsaday)
ps: v3a=
key: diirso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibsasho
m.f.dh eeg diibso. la-mid: diibsad, diibsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Cid, ciirsi weyddiisasho. 2. Qof, cid ka horreysa tiigsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciribso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Cid, ciirsi weyddiisasho. 2. Qof, cid ka horreysa tiigsasho. m.f.dh, ciribsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribso
(fal) cidhbaha dhulka ka qaad oo faraha ku joogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibsi
m.l la-mid: dhiibsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibsi
-ga: (magac, lab, keli) is qabadsiin oo si adag iskugu xidhxidhid. Daarahan la dhiibsaday illaa laga dhawaateeyo. Dh: qotomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiinso
f.g3 (-saday, -satay) Dhacaan yar, miro iyo wixi lamida ka tuuqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiinso
f.g3 (-saday, -satay) Dhacaan yar, miro iyo wixi lamida ka tuuqsasho. m.f.dh, dhiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqso
f.g3 (-saday, -satay) Neef xoolo ah mar naaskiisa caano ka tuuqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiqso
v. milk an animal for one's own benefit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqso
(fal) dhiiq yar oo aan badnayn oo naas ku jirta ka maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiqso
de: milk an animal for one's own benefit
lx: dhiiqso
pd: (dhiiqsaday)
ps: v3a=tr
key: dhiiqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibsad
m.l la-mid: diibsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiriso
-da: (magac, dhedig, keli) weel cuntada lagu dhigto oo aan qaboojin. Shuurada diirisada iigu rid hadhaw baan cuniye. Dh: kulayliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diriqso
f.g3 (-saday, -satay) Wax xoog ku meel marsasho. Tusaale: “Cali hawshaas markii hore looma dirin ee isagaa diriqsaday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diriqso
f.g3 (-saday, -satay) Wax xoog ku meel marsasho. Tusaale: Cali hawshaas markii hore looma dirin ee isagaa diriqsaday. m.f.dh, diriqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diriqso
v. squeeze oneself into something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diriqso
-diriqsaday / diriqsatay: (v) squeeze into; force one's way; push one's way; elbow one's way; wade through; Ex: soo diriqso; push your way through, —ku dirqi -yey / say: (v) force someone to do something; hustle (hasal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diriqso
(fal) qasab iyo amarkutaaglayn ku marso. Dh: qasbo, dirqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diriqso
de: squeeze oneself into s.t.
lx: diriqso
pd: (diriqsaday)
ps: v3a=
key: diriqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diib
(Diib-ka)
Wax udgoon; cadar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diib
m.l Ur udgoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diib
m. n. sweet-scented ~ perfumed thing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diib
-ka: (magac, lab, keli) udgoon ay dumarku timaha ama meel kale mariyaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diib
bw: Arabic
de: sweet-scented ~ perfumed thing
lx: diib
pd: (-ka Pl: diibab (ka))
ps: n4-m, n2a-m
key: diib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diis
f.g1 (-say, -stay) Wax buusid (weel iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diis
f.g1 (-say, -stay) Wax buusid (weel iyo wixi lamida). m.f.dh, diisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diis
v. push down, compress, squash, dent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diis
-ay / tay: (v) dent (dent); make a dent in ~ buus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diis
(fal) hoos iskugu buusan oo deri yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Aqal, dugsi, xafiis iyo wixi lamida samaysasho. 2. Xubno maamul dawlad oo cusub magcaabasho. 3. Qoys cusub asaasasho. 4. Harag la togay engegsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Aqal, dugsi, xafiis iyo wixi lamida samaysasho. 2. Xubno maamul dawlad oo cusub magcaabasho. 3. Qoys cusub asaasasho. 4. Harag la togay engegsasho. m.f.dh, dhisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiso
v. build for oneself; establish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiso
(fal) aqal, deyr ama wax kale oo adi kuu gaar ah dhis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiso
de: build for oneself; establish
lx: dhiso
pd: (dhistay)
ps: v3b=
key: dhiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbo
f.mg3 (-baday, -batay) 1. Dad ama xoolo rugtoodii ka dhixid. 2. Dayax soo bixi waayid. la-mid: dubbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibbo
v. stay out all night, not spend the night at home
dibbo v. be invisible, obscure, overcast (as the moon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbo
(fal) xilligii hoynta ka dibdhac; mayraca ku raag oo horay ha u soo hoyan. Dh: dibboo, miro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diblo
m.dh la-mid: dublo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibno
m. n., pl. lips
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibno
-dibnaha: (n) [Plural of dibin-ta] lips (lipis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibno
de: lips
lx: dibno
pd: (/ha Sg: dibin (ta))
ps: n3-m-pl
xe: your lips
xv: dibnahaaga
key: dibno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didso
f.g3 (-saday, -satay) Xoolo iyadoo la didinayo kaxaysasho. la-mid: dudso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
didso
v. scare off, chase away (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didso
(fal) xoolo ujeeddo gaar ah u didso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
didso
a: dudso
de: scare off, chase away (for oneself)
lx: didso
pd: (didsaday)
ps: v3a=tr
key: didso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilo
f.g3 (-iishay, -iilatay) Wax ciid, neef iyo wixi lamida ka buuxsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diimo
-diimaha: (n) [plural of diin-ta] religions (ri-lijinis)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiqo
(Diiqa-da)
Wax laysa siiyo iyadoo aan lays weyddiisan; deeq; kohasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqo
m.dh la-mid: diiq².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiqo
f. n. gift, charity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiqo
-da: (magac, dhedig, keli) gabadha oo reerkii ay ka dhalatay waxtar ku taageeraan. Dh: dhibaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiqo
de: gift, charity
lx: diiqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: diiqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax qobka ka fuqsasho, Tus.” mooskii baan diirtay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiro
dįiro: f.g3 (-rtay, -ratay) Wax qobka ka fuqsasho, Tusaale: Mooskii baan diirtay. m.f.dh, dįirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiro
v. skin, peel, strip something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiro
(fal) diirka ka qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiro
de: skin, peel, strip s.t. for oneself
lx: diiro
pd: (diirtay)
ps: v3a=tr
key: diiro
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diise
Compressor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisi
(fal) hoos iskugu buusi oo deri u yeel. Diisi jiingadda oo haddana soo tiiri.
diisi-ga: (magaca, lab, keli) jaad ka mid ah likaha ama dhul kasoofuurka oo lagu daaweeyo saanfuurka iyo wixii la mid ah. Dh: like.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax adeegsasho. Tusaale: “Telefoon baan dirsaday”. 2. Wax dalbasho. Tusaale: “Cumar baa shaah dalbaday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dirso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax adeegsasho. Tusaale: Telefoon baan dirsaday. 2. Wax dalbasho. Tusaale: Cumar baa shaah dalbaday. m.f.dh, dirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirso
v. send something for oneself; send away for; order something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirso
-dirsaday / dirsatay: (v) 1. use (yuus). Ex: Taleefoonka ma dirsan karaa; can I use the telephone; 2. send something for oneself. Ex: waraaq buu dirsaday; he sent a letter by himself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirso
(fal) cid ama shy meel u dirid si aad ugu intifaacdo. Telifoonka dirso adigu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirso
de: send s.t. for oneself; send away for; order s.t. for oneself
lx: dirso
pd: (dirsaday)
ps: v3a=tr
key: dirso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dalkugal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibsi
(Iibsi-ga)
Alaabta, kd. ganacsiga rogrogashadeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsi
m.l la-mid: iibsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibsi
vl. n. purchase